fredag, april 26, 2024

Shacabka Norway oo 8000 hub ah sharci daro u gacan-galiyay dowlada.

Dowlada Norway ayaa bilo kahor fursad cafis wadareed ah oo loo fidiyay dadka heysta hubka iyo qoryaha sharci-darada kusoo galay ama ay ku heystaan, hadii ay iyagu doortaan in iskood ay dowlada hubkooda ugu soo gacan-galiyaan.

Ujeedka ay dowladu ka laheyd arrintan, ayay sida ay sheegtay wasiiradda cadaaladda aheyd in la yareeyo hubka sharci daradda ah ee lagu heysto Norway, kuwaas oo gacanta u gali karo kooxo danbiiley ah oo falal amniga dhibaato ku ah ku geysan karo. Waxeyna dowladu sheegtay in qofkii hubkiisa soo gacan-galiyo mudadaas loo qabtay, uusan la kulmi doonin wax ciqaab sharciyeed ah.

Fursadaas oo ku eg maalinta khamiista ah ee soo socoto(isbuuca danbe), ayaa waxaa sida muuqda ilaa hada ka faa´iideystay boqolaal katirsan shacabka Norway, kuwaas oo hub sharci daro ah oo gaarayay 8000, isugu jira noocyada hubka fudud usoo gacan-galiyay dowlada.

Waxaa Norway kunool dad badan oo heysta hub siyaabo kala duwan kusoo galay. Qaar ayaa hubka ka dhexlay waalidkooda, balse aan diiwaangalin oo leysin u qaadan, qaar ayaa ka helay guryaha ay waalidkood ku noolaayeen, halka uu Norway wali ka jiro hub badan oo kasoo haray dagaalkii labaad ee aduunka.

Qofka hub sharci daro ah ku heysto Norway, ayaa la kulmi karo ciqaab sharciyeed dhan ganaax lacageed ama xabsi ilaa lix(6) sano gaarayo.

Xigasho/kilde: Kun én uke igjen av våpenamnesti – politiet har mottatt over 8.000 våpen.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x