tirsdag, april 23, 2024

Dowlada: Norwiijiyaanku waa inay dhalaan wax ka badan 2 ilmood.

Wasiiradda qoyska iyo caruurta dalkan Norway, Kjersti Toppe, ayaa sheegtay in dowladu ay rabto in dadka Norwiijiga ah ay dhalaan wax ka badan 2 ilmood, dowladuna ay wax ka badal fiican ku sameyn doonto siyaasadda arrimaha qoyska.

Dhowrkii sano ee ugu danbeeyay waxaa aad hoos ugu dhacay tirada ilmaha ay dhalaan dadka Norwiijiga ah, iyada oo taranka ama ilmaha ay dhalaan dadka Norwiijiga ah uu sanadkii lasoo dhaafay gaaray heerkii ugu hooseeyay abid. Isku cel-celis ahaan labadda qof ee Norwiijiga ah, ayaa dhala 1,44 ilmood, taas oo ka dhigan inay ka hooseeyaan heerkii ugu yara ee aheyd inay dhalaan 2 ilmood oo labadda waalid badala.

Wasiiradda qoyska Norway ayaa wargeyska VG u sheegtay in lagama maarmaan ay tahay in isbadal xoogan oo xowli ah lagu sameeyo siyaasadda qoyska Norway, si arrintan wax looga qabto.

Wasiiradda oo iyada ah hooyo heysata lix(6) caruur ah ayaa hoosta ka xariiqday in dhalista ilmaha iyo tirada uu qofku rabo inuu dhalo, ay tahay doorasho uu isagu leeyahay. Laakiin hadii dadkay ay dhalaan caruur tiro ahaan ka yar intii uu rabay, ay markaas wax badan qaldami karaan.

Dowlada ayaa ka fakareyso inay qodobaddan soo rogto, si kor loogu qaado tirada ilmaha ay dhalaan dadka Norwiijiga ah.

  • In la xoojiyo taageeradda dhaqaale ee la siiyo ardeyda iyo dhalinyaradda kale ee ilmaha heysta.
  • In canshuurta laga yareeyo ama taageerooyin dhaqaale oo kale loo sameeyo waalidka heysta wax ka badan 2 ilmood.
  • In deynta waxbarashadda( studiegjeld) laga cafiyo ardeyda ilmaha dhala, iyaga oo waxbarashada ku jira.
  • In kor loo qaado taageeradda dhaqaale ee la siiyo waalidka heysta ilmaha u dhaxeeyo 6 ilaa 18 sano.
  • In siyaasadda guryaha wax laga badalo, si deegaan fiican loo siiyo waalidka ilmaha badan dhalay ee ku nool magaalooyinka waaweynka.
  • In la balaariyo xaqa ilmaha ee goobaha xanaanadda, ama ilmaha mar kasta oo uu rabo uu goobaha xaaanadda bilaabo karo.

Norway ayaa kamid ah dalalka reer Yurub ee ay sii yaraaneyso taranka cusub ama tiradda ilmaha cusub ee dhalanayo.

Xigasho: Kjersti Toppe: − Vil at nordmenn får flere barn.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x