fredag, mars 29, 2024

(Skien): Kulan-bulsheed: Kahortaga iyo ladagaalanka cunsuriyadda iyo midab takoorka

Daraasad iyo cilmibaarisyo kala duwan oo laga sameeyay dalkan Norway, ayaa tilmaamayo in ugu yaraan kala bar dadka ajaaniibta ah ee kunool dalkan, ay sanadkii hal mar iyo ka badan la kulmaan noocyo iyo qaabab kala duwan oo cunsuriyad, faquuq ama takoor. Noocyadda takoorka ama cunsuriyadda kala duwan, ayaa qofka uga timaado goobaha shaqada, suuqa guryaha, goobaha waxbarashada, goobaha dadweynaha iyo xitaa xafiisyada dowliga ah.

Cilmibaarisyadda Takoorka iyo cunsuriyadda uu qofku ama bulshadu la kulanto ayaa qofka ku yeeshaa saameyn xoogan oo caafimaad ahaan, jir ahaan ama nafsiyad ahaan ah. Sidaas darteed ayay muhiim u tahay in qaab cilmiyeysan oo abaabulan looga hortago, loona dhimo cunsuriyada iyo takoor ah ay la kulmaan bulshooyinka ajaaniibta ah, soomaaliduna ay kamid tahay.

Golaha ajaaniibta ee gobolka Telemark( telemark innvandrer-råd) iyo warbaahinta NorSom TV waxey idinku soo dhaweyneynaa kulan bulsheed aqoon-kororsi ah oo looga hadlayo noocyadda kala duwan ee cunsuriyadda Norway ka jirta ah, iyo qaabkii looga hortagi lahaa, loona dhimi lahaa. Waxaana kulanka oo ka dhici doono magaaladda Skien, nagala soo qeybgali gali doono aqoonyahano soomaali ah iyo qeybaha kala duwan ee jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaaladda Skien.
Macluumaadka kulanka:
Taariikhda: Sabti, 03.06.2023
Goobta: Lie Bydelshus
Saacadda: 17:00-20:00.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x