fredag, april 19, 2024

Mareykanka oo xafiis ka furanayo magaaladda Tromsø.

Dowlada Mareykanka ayaa xafiis diblomaasiyadeed ka furaneyso magaaladda Tromsø ee woqooyiga dalkan Norway. Waxaa sidaas maanta sheegay wasiirka arrimaha dibadda dalka Mareykanka Antony Blinken oo la kulmay reysulwasaaraha dalkan Norway, Jonas Garh Større.

Xafiiska oo sida uu wasiirka arrimaha dibadda mareykanka sheegay noqon doono mid laga ilaalinayo danaha dowlada Mareykanka iyo saaxiibadaddiisa ee gobolka, ayaa ah xafiiska ugu xiga cirifka woqooyi ee ay yeelato dowlada Mareykanka.

Duqa magaaladda Tromsø Gunnar Wilhelmsen ayaa soo dhaweeyay xafiiska ay dowlada Mareykanka ka furaneyso magaaladiisa. Waxa uu uu sheegay in woqooyiga Norway uu gacmo furan kusoo dhaweynayo dowlada Mareykanka, isaga oo raaciyay muhiimadda ilaalinta isbadalka cimiladda iyo nabadda gobolkaas.

Warka kasoo baxay dowlada Mareykanka, ayaa kusoo aadanayo xili maalmahan uu magaaladda Oslo ka socdo shirka ururka xulufadda Nato.

USA åpner diplomatisk kontor i Tromsø

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x