Trondheim: 13 jir ku eedeysan kufsiga gabar 6 sano jir ah.

0
126

Booliska magaalada Trondheim ayaa kufs iyo tacadi loo geystay gabar 6 sano jir ah ku eedeeyay wiil 13 sano jir ah. Falkan ayaa maalintii jimcaha ka dhacay xaafada Heimdal ee magaalada Trondheim.

Gabadha 6 sano jirka ah ayaa ka timid iskuulka, kuna socotay gurigooda xiliga uu falkan dhacayay.

Booliska ayaa wareysiyo ay la yeesheen dad goobjoogayaal ah iyo baaritaan ay ka sameeyeen goobta uu falka ka dhacay, soo qabtay wiilka 13-jirka ah, iyaga oo ku eedeeyay inuu isagu ka danbeeyay falka lagula kacay gabadha 6 sano jir ah.

Maadaama wiilka danbiga loo heysto uu ka yaryahay da´da ciqaabta, waxaa kiiskiisa soo galay hey´adda xanaanada caruurta ee barnevern-ka.

Booliska ayaan wali faah-faahin buuxda ka bixin dhacdadan, waxeyna sheegeen inay wadaan baaritaanka falka dhacay.

Xigasho/kilde: 13-åring siktet i overgrepssak i Trondheim.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments