Dowlada hoose-Oslo: Waa in marada afka lagu xirtaa goobaha dadweynaha.

0
71
Foto: IL

Maamulka dowlada hoose ee magaalada Oslo oo maanta qabtay shir jaraa´id ayaa soo saaray sharciyo cusub oo la xiriira kahortaga xanuunka Coronavirus oo isbuucyadii lasoo dhaafay aad ugu soo batay magaalada Oslo, iyo guud ahaan Norway. Sharciyadan ayaa ku biiri doono sharciyadii horey loogu soo rogay dadweynaha kunool magaalada.

Dowlada hoose ee Oslo ayaa waajib ka dhigtay in marada afka(Munnbind) la xirto marka uu qofku ku suganyahay goobaha dadweynaha gudahooda, hadii aysan suurtogal aheyn in lakala fogaado hal mitir.

Horey waxaa waajib looga dhigay in dadweynaha kunool Oslo, ay xirtaan marada afka, marka ay adeegsanayan gaadiidka dadweynaha. Hadana waxaa lagu daray in qofku uu xirto marada afka, marka uu qofku joogo goobaha dadweynaha, hadii aysan suurtogal aheyn in hal mitir la kala fogaado.

Amarkan cusub ayuu dhaqangalkiisu bilaaban doonaa, saacada 12:00 ee maalintada khamiista ah ee isbuucan.

Wixii soo kordha dib ayaan kasoo galin doonaa.

Xigasho/kilde: Oslo innfører påbud om munnbind på offentlige steder innendørs.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments