Dowlada oo saacad kadib soo saari doonto talaabooyin cusub.

0
120
Foto: Skjermdump/Regjeringen.no

Reysulwasaaraha dalkan Norway, Erna Solberg ayaa jimcihii lasoo dhaafay sheegtay in dowladu ay wel-wel xoogan ka qabto tirada sii kordheysa ee dadka laga helayo xanuunka Covid-19. Waxeyna sheegtay in dowladu ay isbuucan soo saari doonto talaabooyin iyo amaro cusub oo la xiriira ka hortaga xanuunka Corona.

Maanta oo Isniin ah, saacada 16:00, dowlada ayaa shir jaraa´id ku qaban doonto aqalka reysulwasaarasha Norway, waxaana lasoo bandhigi doonaa amarada cusub ee la xiriira kahortaga Corona.

Marka laga tago amarada guud ee dowlada, waxaa iyagana jiri doono shuruuc gaar ah oo loo sameynayo magaalooyinka qaar, sida Oslo iyo Bergen, iyo meelaha kale ee xanuunku uu ku badanyahay.

Wixii kusoo kordha, dib ayaan kasoo galin doonaa.

Xigasho/kilde: Regjeringen legger fram nye koronatiltak kl. 16.00.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments