fredag, mai 3, 2024

Wasiir: Raali ahaada, mar kale ayaa waqtiga saacad la badali doonaa axada

Habeenka axada ugu danbeysa bisha October, waxaa Norway ka bilowda xiliga qaboobaha ama winterka, waxaa waqtiga/saacada dib loo dhigaa hal saac.

Dowladaha EU-da iyo Norway ayaa sanadkii 2018 soo jeediyay in meesha laga saaro waqtiga horey iyo gadaal loo celinayo, laguna ekaado adeegsiga hal waqti/saac oo kali ah. Balse sida muuqato qorshahaas ayaan wali hirgalin.

Wasiiradda ganacsiga ayaa dadweynaha ku wargalisay in iyada oo ka xun, hadana sanadkan 2020 mar kale saacada dib loo celin doono maalinta axada ah ee dhamaadka isbuucan. Waxeyna sheegtay inay ogtahay inay jiraan dad badan oo arrintaas dhibsado ama aan jecleyn, halka dadka qaarkood ay arrin wanaagsan u arkaan.

Xigasho/kilde: Nybø beklager: Til helgen skal klokken stilles tilbake.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x