Irbada Corona-Virus waxey noqon doontaa lacag la aan.

0
148
Foto: regjeringen.no/skjermdupm

Wasaaradda caafimaadka Norway ayaa sheegtay in irbada kahortaga xanuunka Corona ay noqon doonto mid lacag la aan ah(bilaash ah). Waxaana laga rajo qabaa in irbadaas ay suuqa soo gasho bilowda sanadka soo socdo ee 2021.

Reysulwasaaraha Norway, Erna Solberg ayaa shaley sheegtay in muhiimadu ugu weyn ee dowlada ay tahay in qeybta ugu badan ee dadweynaha Norway ay helaan irbadaas, si loo dhimo halis xanuunka, loogana hortago inuu faafo.

Waxeyna raacisay in hadii bulshada inteeda badan ay qaadato irbada kahortaga Corona, ay hoos u dhaceyso halista uu xanuunkaas u leeyahay bulshada.

Wasiirka caafimaadka, Bent Høie ayaa dhankiisa baarlamaanka Norway ka hor sheegay in dowladu ay si bilaash ah ku bixin doonto irbada kahortaga Coronavirus, marka ay hey´addaha caafimaadka ogolaadaan in irbadaas la qaadan karo.

Xigasho/kilde: Coronavaksine blir gratis.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments