Guruub cusub oo ajnabi ah oo soomaalida ka badalay tirada Corona.

0
75

Bishii April, Bilowgii xanuunka Corona ee Norway, warbaahinta dalkan ayaa aad u hadalheysay tirada dadka soomaalida ah ee laga helay xanuunka Corona. Waxeyna soomaalidu xiligaas aheyd guruubka ajnabiga ah ee ugu badan ee laga helay xanuunka. Shaqo adag oo ay qabteen bulshada soomaalida ah kadib, waxaa aad hoos ugu dhacay tirada xanuunka uu ku dhacay ama laga helay.

Poland: Guruubka cusub

Maalmihii lasoo dhaafay warbaahinta dalkan Norway ayaa hadalheysay in tirada ugu badan ee dadka xanuunka Coronavirus kasoo qaaday wadanka dibadiisa, ay yihiin dadka kasoo jeedo dalka Poland. Waxeyna hey´addaha caafimaadku sheegeen in kala bar dadka Norway laga helay xanuunka ee kasoo qaaday wadanka dibadiisa, ay kasoo jeedaan dalka Poland.

Qawmiyada kasoo jeedo dalka Poland ayaa ah ajaaniibta ugu badan ee degan Norway, waxeyna intooda badan yihiin dad Norway u yimid shaqo awgeed, safaro joogto ahna ku tago dalkooda hooyo.

Poland ayaa xiligan kamid ah dalalka uu xanuunku aad ugu faafay gudaha qaaradan Yurub.

Hey´addaha caafimaadka ayaa sheegay inay aad uga wel-welsanyihiin dadka xanuunka kasoo qaadayo wadamada kale, kadibna usoo dhoofinayo Norway.

Xigasho/kilde: Importsmitte sprer seg i Norge: Særlig ett land peker seg ut.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments