420 000(afar boqol iyo labaatan kun) oo jeer ayaa NorSom News lasoo booqday bishii ugu danbaysay

0
97

Wargeyskan NorSom News oo aan aas-aasney bishii April ee sanadkan 2016, ayaa mudo 8 bilood gudahood ah ku noqday warbaahinta ugu weyn ee soomaalida degan wadankan Norway ay ku xirantahay. Waxaana taas cadeyn u ah booqashada lasoo booqdo webka Wargeyska oo kumanaan jeer kor u kacday, maalinba maalinta kasii danbeyso kor usii kaceyso.

 

skjermbilde-2016-12-14-kl-02-57-35Bishii lasoo dhaafey waxaa NorSomnews.com lasoo booqday 423 529 oo jeer(Afar boqol iyo labaatan kun oo jeer), waxeyna isku cel-celis keenaysaa in maalintii webka wargeyska lasoo booqdo 14 117 jeer.(Fiiri cadeynta iyo sawirkan)

Isbuucii loogu akhriska ama booqashada badnaa NorSom News wixuu ahaa isbuucii aan soo dhaafey, sida aad ka arki kartaan khariidada kore(25 000 jeer maalintii). Waxaana taas keenay falkii dilka foolxumada ahaa ee loo geystay A.H.N Yacquub Abdullahi Hassan, magaalada Kristiansand oo dadku aad u rabeen iney wax ka ogaadaan. Anagana waxaan dhacdadaas saarney xooga, waxaana sameynay team gaar ah oo daqiiqad daqiiqad ula socday waxa ay warbaahinta Norway ka qoraan dhacdadaas.

skjermbilde-2016-12-14-kl-02-57-48Dadka ugu badan ee webka ku xiran waa dad Norway degan ama dad xiriir la leh Norway oo famili iyo asxaab ay ka deganyihiin. 95% dadka wargeyska ku xiran, waxey deganyihiin wadamada Norway(90%) iyo Sweden(5%). Waxaana soo weheliyo Somalia, UK iyo USA. Sawirka ka fiiri 10-ka ee dadka NorSom Akhrista ay deganyihiin.

Dad kor u dhaafayo 23 000 qof oo Norway degan ayaa wargeyska NorSom News ku xiran oo akhrista, taasna waxey ka dhigantahay in qiyaas ahaan 82% soomaalida Norway degan ee afsoomaaliga akhrin karto ay NorSom ku xiranyihiin. (41 000-13 000 oo caruur wadanka ku dhalatey ah)= 28 000. 23000/28000=0,8213=82%.

Qeybo warbaahin cusub:

Marka la eego mudada yar ee aan hawada ku jirney iyo tirada dadka nasoo booqdo, waxey calaamad weyn u tahay in dadkeenu ay u baahnaayeen warbaahin afkooda hooyo ugu qorta wararka iyo dhacdooyinka ka dhaca Norway.  Waxaan dareensanahay inaan ilaa xad qeyb ka qaadanay in bulshadeenu ay noqoto kuwa soo jeedo oo aan hurdin, wixii wadanka ka dhacana la socdo.

Waxaan qorshadeeda wadnaa inaan bilowno in wararka soomaalida Norway khuseeyo lagu qoro Af norwiiji, anaga oo ku fakareyno dhalinyarada wadanka ku kortey ee aan soomaaliga si fiican u aqoon iyo dhamaan shucuubta kale ee wadanka nagula nool. Waxaan rajeyneynaa iney taas fududeyso isku xirnaanta generationka soomaalida ee wadanka yimid iyaga oo waaweyn iyo generationka wadanka ku dhashey ee dhalinyarada ah. 

Waan ku talo jirnaa inaan wargeyska balaarino oo aan qeyb TV-live ah kusoo kordhino, laakiin wali sifiican cagaha dhulka uma dhigan, oo talaabo talaabo ayaan rabnaa inaan kor ugu kacno. 

NorSom News ma ahan urur ee waa wargeys:

NorSom News ma ahan urur ama hey´ad lacag ku qaadato shaqada ay qabato. Waxaa wargeyska aas-aasey dhalinyaro ardey soomaali ah oo jaamacaha wadanka wax ka barato. Muhiimaduna waa in bulshadeenu ay ka haqab tirnaato wararka iyo dhacdooyinka saameynta ku leh noloshooda ee ka dhaca wadankan Norway. Cid aan hoos tagno majirto, urur ahaana uma diiwaan gashanin, mana ku tala jirno inaan urur ahaan isku diiwaan galino.

Inaanan urur ahaan u diiwaan gashaneyn, waxey naga saacideysaa inaan xor ahaano oo wararka aan u daabacno sida ay yihiin, anaga oo ka cabsaneyn in lacag nalaga goosto ama søknad avslag nalaga siiyo. Sidoo kale waxey na siineysaa dhiirinaan ah inaan farta ku fiiqno wixii qalad ama gaf ah ee bulshada laga galayo, ha noqoto dowlada, xisbiyada, UDI, Nav, siyaasi soomaali iwm. Muhiimadu waa in bulshada loo adeego, oo aan iyada dib loogu soo noqon oo magaceeda aan wax lagu raadin. 

Waxaan heysanaa leysinka iyo kaarka saxaafada wargeysada wadanka, wararka aan qornana 100% waxey leeyihiin tixraac iyo xigasho. Marka laga reebo qoraalada iyo maqaalada, fikirka  ay noo soo gudbiyaan shaqsiyaad wargeyska ku xiran, kana turjumayo arigtidooda shaqsiyadeed. Sidoo kale sharuur ama lacag kama qaadano dadka naga codsada inaan warar u daabacno, ee hadba wixii danta bulshada aan u aragno iney kujirto ayaan qalinka u qaadanaa.

Nala wadaag fikirkaaga:

Inkasta oo aan 100% isku deyno inaan dheelitir iyo tix-raac ku sameyno wararka aan qoreyno, hadana waxaa dhici karta inaad mararka qaar aragtaan qaladaad dhinaca qoraalka ah ama farsamada ah. Wali waxaan kujirnaa bilow, aas-aas iyo yegleelid, sidaas darteed waxaan ka cudur-daaraneynaa wixii khaladaad ah ee aad aragteen. Hadii aad rabto inaad fikir kusoo darsato ama fariin noo soo gudbiso, nagala soo xiriir: NorSomNews@gmail.com

[adsenseyu2]

 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments