torsdag, mars 28, 2024

NTB: Xaalada gabadhii lagu dhaawacay Moelv oo soo roonaatay

Sida aan kasoo xiganeyno wakaalada wararka wadanka Norway ee NTB, waxaa soo roonaatay xaalada gabadhii soomaalida aheyd ee khamiistii hore uu ninka soomaaliga ku dhaawacay deegaanka Moelv ee kommunaha Ring-saker.

Gabadhan oo ay da´deeda lagu qiyaasay labaatameeyo ayaa wali kujirto isbitaalka oo lagu daweynayayey maalmihii ugu danbeeyay. Sida ay NorSom News u xaqiijiyeen dadka soomaaliyeed ee deegaanka Moelv, waxaa gabadhan loo soo wareejiyay isbitaalka weyn ee Oslo, maadaama ay dhaawacyadeeda ahaayeen kuwo daran.

Booliska ayaa sheegay iney maalmaha soo socdo waqti badan ku bixin doonaan wareysiga gabadha uu dhibku soo gaarey iyo ninka soomaaliga ah ee loo heysto inuu ka danbeeyay danbiga, si loo ogaado qaabka ay dhacday dhacdada. Sida ay boolisku sheegeen waxaa labadan qof ee soomaalida ah ka dhaxeeyay xiriir aqooneed oo dhow, laakiin wey ka gaabsadeen iney faah-faahin kasii bixiyaan nooca xiriir ee ka dhaxeeyay. 

Ninka soomaaliga ah ee loo heysto danbiga, ayaa la xirey afar isbuuc oo kumeel gaar ah, waxaana labada isbuuc ee hore laga mamnuucay in xabiga lagu soo booqdo ama waraaqo loo soo diro. 

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in wareysiyadii hore oo ay qaadeen, ay ninka iyo gabadha uu dhibtu soo gaarey, ay sharaxaad kala duwan ka bixiyeen qaabka ay wax u dhaceen. Waxeyna sheegeen iney sii wareysan doonaan labadan qof ee soomaalida ah ee dhibta isgaarsiiyay. Iyaga oo hadalkooda raaciyay in falkan ay siin doonaan ahmiyad gaar ah maalmaha soo socdo.

Waxey dhanka kale codsadeen in hadii ay jirto cid macluumaad dheeri ah heysa oo wax ka og arintan, ay xiriiraan booliska. Waxeyna sheegeen iney jiri karaan dad aan wali booliska lasoo xiriirin oo haya macluumaad fure u noqon kara kiiskan. Si gaar ah waxey u codsadeen in hadii uu jiro qof maalintaas uu falku dhacay, aaga deegaanka Moelv ku arkey baabuur noociisu uu yahay Opel Astra 1999-modell, midabkiisuna yahay qalin(sølvfarget), uu booliska lasoo xiriiro. 

Xigasho/kilde: NTB

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x