torsdag, april 18, 2024

Morgenbladet oo toosh weyn ka daba-qaatey Runta iyo Beenta Amal Aden

Amal Aden oo ah gabar qoraa soomaali ah, ayaa isbuucii ugu danbeeyay aad looga hadalhayey warbaahinta wadankan Norway. Hadelheyntaas oo ah mid ka duwan tii horey loo yaqaaney oo aheyd Amal in laga dhigayo halyeeyad, markan iyada ayaa lagu dhaganyahay.

Wargeyska Utrop ayaa sabtidii hore daabacay maqaal ay tooshka ku ifinayaan hanjabaadaha ay Amal Aden sheegto iney hesho. Maalmo kadib ayey hadana soo daabaceen maqaal kale oo ay banaanka ku keeneen macluumaad ah in Amal ay booliska u ilaaliyaan, sababo la xiriira kiis daroogo ku leh oo ay markhaati-fure ka aheyd.

Wargeyska weyn ee Morgenbladet, ayaa maanta cadadkiisa maanta kusoo daabacay warbixin ka kooban 3 bog, taas oo ku saabsan hadalo is khilaafsan oo ay Amal Aden ka sheegtay warbaahinta sanooyinkii ugu danbeeyay. Waxey warbixintoodaa ku sheegeen in rumeynta Amal Aden uu dhaawac weyn soo gaarayo, hadii aysan soo bandhigin cadeyno adkeyn kara hadalada ay sheegi jirtey. 

[adsenseyu2]

Amal Aden iyo barne-vern: 

Amal Aden iyo Dagbladet, 31-Oktober-2009= Waxaan jirey 15 sano markii barnevernku ay kaligey iiga tagayeen, guriga hybelka ah. Madaxa barneverkuna wuu ogaa iney banaanka seexaneysay. 

Amal Aden iyo Bergens tidende: 13-novomber 2009(labo isbuuc kadib)= Isla sheekadii ayey kusoo celisay laakiin labo sano ayey ka yaraatay da´dii ay sheegtay, iney jirtey labo isbuuc kahor. Markan waxey jirtey 13 sano, markii ay barnevernku uga tagayeen hybelka cidlada ah.

Barneverkna oo arintaas wax laga weydiiyey ayaa sheegay, ineysan suurtogal aheyn in ilmo 13 ama 15 jir ah looga tago meel cidlo ah, xarumaha barnevernkuna ay yihiin goobo la ilaaliyo 24 saac.  Morgenbladet ayaa sheegay in wixii ka run ah dhacdadaas laga heli karo feylka(mapka) Amal Aden ee barnevernka, balse hadii macluumaadka halkaas kuyaalo banaanka la keeno, ay saameyn ku yeelan karaan shaqsiyaad cayiman oo kamid ah jaaliyada soomaaliyeed ee Norway.

Waxey xiriir la sameeyeen ninkii ay Amaal Aden wada joogi jireen, caruurtana ay u dhashay. Balse wuu ka gaabsadey inuu Morgenbladet la hadlo, sababa la xiriira caruurtooda ay wada dhaleen.

HRS IYO AMAL ADEN:

Waxey si faah-faahsan uga hadleen dhacdooyin dhowr ah oo dhexmaray Amal Aden iyo HUMAN RIGHT SERVICE(HRS), kuwaas oo kusoo gaba-gaboobey in Amal Aden ay ka been-sheegi jirtay hadalo ay ka sheegi jirtey shaqaalaha HRS, gaar ahaan habarta lagu magacaabo Hege Storhaug. Waxeyna hadalada Amal ee is khilaafaya kusoo bandhigaan, cajalad cod ah oo ay ka duubteen Amal Aden, ayna ka dhigteen cadeyn ay ku beeniyaan eedaheeda.

Amal ayaa markii wax laga weydiiyey codkaas laga duubey, sheegtay iney ka aheyd jilitaan oo aysan hadalo dhab ah aheyn.

Darawalada Tagaasida:

Amal Aden ayaa iyada oo hadal ka jeedineyso jaamacada Agder sheegtay, in darawlada tagaasida qaar ay diidaan iney qaadaan, hadiiba ay u aqoonsadaan iney Amal tahay. Magaalooyinka ay sheegtay in tagaasida looga diidey, ayaa waxaa kamid ah Kristiansand.

Gudoomiyaha gobalka Vest-Agder ayaa balanqaad ku sameeyay inuu arintaas baaritaan ku sameyn doono. Wuxuuna Amal ka codsadey iney usoo dirto cadeymaha muujinaya in Taxi loo diidey. Wuxuu sheegay in Amal ay usoo dirtey jeex qoraal ah oo laga soo qaadey page-ka ay Amal ku leedahay facebooga, wuxuuna qoraalkaas ahaa mid la qorey vinterkii hore(sanad kahor). Gudoomiyaha ayaa sheegay in qoraalkaas uusan aheyn mid muujin kara in Amal tagsi loo diidey, sidaas darteedna wuxuu baaritaanka kusoo gaba-gabeeyay ineysan waxbo kajirin eedeymaha Amal Aden.

Ismaaciil Hussein:

Arinta ugu balaaran ee Morgenbladet uu toosha ugu weyn ka qaatey ayaa ah dhacdo ka dhacey degmada Vågan. Amaal ayaa sheegtay in magaaladaas looga soo direy 40 hanjabaad oo e-mail, laakiin markii laga codsadey iney sheegto magacyada dadka usoo direy ama ay booliska ku dacweyso, ayey Amal ku jawaabtey ineysan waqti u heynin arintaas. Maalmo kadib ayey hadana marlabaad Amal sheegtay inaan loo hanjabin, balse lagu yiri ereyo xun. Halkan ka akhri sheekada Amal iyo wiilasha soomaalida ah:Amal ADEN way naga been-sheegatay, 40 e-mail oo hanjabaad ah ayaa la iisoo direy, laakiin inaan booliska ku dacweeyo waqti uma hayo. 

Halkana ka akhri ismaaciil oo bartiisa facebooga uga sheekeynayo arintaas. 

Wargeyska daabacay qoraalka ah in Amal Aden 40 hanjabaad loo soo direy ayaa sheegay inuusan arkin cadeyn sheegaysa in Amal loo direy hanjabaad. 

Canaan warbaahinta ah: 

Morgenbladet ayaa maqaalkooda saaka ku canaantay tifaftirayaasha wargeysyada, iyaga oo sheegay ineysan hubin jirin cadeymaha sheegaya in Amal loo hanjabay. Dhowr isbuuc kahor ayuu Dagbladet soo qorey maqaal sheegaya in Amal Aden ay heshay 322 hanjabaadod. Morgenbladet ayaa wariyii qorey maqaalkaas weydiiyey inuu indhihiisa ku arkey wax cadeynaya hanjabadaas, laakiin jawaab sax ah wuu ka bixin waayey. 

Ilaa hada majiro wariye xaqiijin kara inuu indhiisa ku arkey hanjabaadaha ay Amal Aden sheegtay iney ku heli jirtay Facebooga, e-mailka iyo waliba telefoonka gacanta. Waxey Morgenbladet isweydiinayaan sababta ay ku dhacday in qof ay ka qoraan boqolaal warbixinood, laakiin aan la su´aalin cadeynta hanjabaadaha. 

Waxey dhowr mar isku dayeen iney xiriir la sameeyaan Amal, si ay wax uga weydiiyaan hadaladaaas, laakiin uma suurto-galin. Amal ayaa e-mail ay usoo dirtey MB ku sheegtay ineysan wax kommenti ah ka bixin karin arintaas.

Xigasho/kilde: Morgenbladet-papiravis(9-12-2016, side 18,19,20) . 

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x