tirsdag, april 23, 2024

Dr.Beyle: Waagii waan wasiirka ahaa, waan diidey in qoxooti soomaaliyeed yurub qasab looga soo celiyo

Wasiirkii hore ee arimaha dibada dowlada Federaalka Soomaaliya, Dr. Abdirahman Ducaale Beyle, ayaa sheegay in dowladaha yurub qaarkood ay usoo bandhigeen qorshe qoxooti soomaaliyeed dib loogu celinayo wadankii, xiligii uu wasiirka ahaa. Wuxuuna sheegay inuu isagu markaas ka biyo-diidey in qoxooti soomaaliyeed wadanka dib loogu celiyo, iyada oo aan wax qorshe ah loo sameyn, lana waafajin xeerarka dib u celinta qoxootiga ee caalamiga ah. 

Dr.Beyle oo u waramayay mid kamid ah warbaahinta ka howlgasha Soomaaliya, ayaa sheegay in qofku marka uu rafaad dheer kadib soo galo wadamadan Yurub, magangalyana uu weydiisto, uu si toos ah u hoos tagayo xeerka qoxootiga aduunka ee qaramada midoobey, isla markaana uu yeelanayo xuquuq.

Abdirahman Ducaale ayaa raaciyey in wadanka uu qofku magangalyada weydiisto, ay saarantahay waajibaad, aana qofka dib loogu celin karin wadankii uu kasoo cararey, iyada oo ay wali jirto dhibaatadii markii horeba ku qasabtay inuu wadankiisii kasoo tago. 

Beyle ayaa Norway socdaal shaqo ku yimid sanadkii 2014, isaga oo markaas ahaa wasiirkii arimaha dibada Soomaaliya. 

Halkan ka daawo hadalka Dr Beyle. 

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x