tirsdag, november 26, 2024
Home Blog Page 11

Erna Solberg oo ka badbaaday in boolisku ay kiis dacwadeed ka furaan.

0

Laanta booliska Norway u qaabilsan dabagalka, kahortaga iyo baaritaanka danbiyada la xiriira dhaqaalaha ee Økokrim, ayaa sheegtay inaysan kiis dacwadeed baaritaan ah ku furi doonin Sindre Finnes oo ah ninka reysulwasaarihii hore ee Norway Erna Solberg.

Sindre ayaa lagu dhaleeceyay inuu iibsaday saamiyada shirkado ay dowladu xiriir la leedahay ama xog ka heyso, xili xaaskiisu ay heysay jagada ugu sareyso ee dalka ee reysulwasaarinimo. Waxaana jiray tuhun ah in Sindre uu adeegsaday ama ka faa’iideystay xog uu ka helay xafiisyada dowlada ee xiriirka lalahaa, arrintaas oo sharci ahaan noqon karto danbi xabsi lagu muteysan karo.

Sindre ayaa sameeyay iibsi saami shirkadeed 3000 jeer, xiliga ay Erna Solberg aheyd reysulwasaaraha dalka, arrintaas oo uu lacago ka faa iiday.

Økokrim oo baartay kiiskan ayaa sheegtay ineysan jirin sabab muuqato oo sheegaysa in uu dhacay fal danbiyeed ciqaab lagu mudan karo, sidaas darteed waxey sheegeen inaysan sii wadi doonin baaritaanka kiiskan. Arrintaas oo neefta ka fujisay Erna Solberg oo hadii baaritaan kiis ciqaabeed lagu furi lahaa, waji kartay xaalad siyaasadeed oo adag.

Solberg ayaa warka kasoo baxay Økokrim kadib sheegtay in ay awood ka heshay warkan, ayna hada eegi doontid sida uu kiiskan noqday. Solberg ayaa wali diidan inay sheegto inay sii wadi doonto ahaanshaha gudoomiyaha xisbiga HØYRE, iyo musharaxa jagada reysulwasaaraha ee sanadka 2025.

Xigasho/kilde: Økokrim vil ikke etterforske Erna Solberg og Sindre Finnes

Kulan aqooneed: Xanuunka macaanka iyo soomaalida qurbaha ( (Barasho, kahortag iyo la noolaansho)

0

Xanuunka macaanka ama diabetes, waxa uu kamid yahay xanuunadda sanadihii ugu danbeeyay aadka ugu soo badanayay bulshada soomaaliyeed ee qurbaha, gaar ahaan dalka Norway iyo dalalka kale ee Nordica. Waxaana sababta kor u kaca xawliga ku socdo ee xanuunkan sabab u ah waxyaabo badan oo isbiirsaday kuwaas oo leh isbadalka nololeed ee ku yimid bulshada soomaaliyeed ee usoo haajirtay qurbaha, xaalado caafimaad, kuwa dhaqaale iyo kuwo bulsho, kuwaas oo dhamaantood saameyn toos ah iyo mid dadbanba ku leh nolosha iyo caafimaadka qofka iyo bulshada.

Waxaan dadweynaha Soomaaliyeed ee Norway ku casuumeynaa inay nagala soo qeybgalaan kulan aqooneed iyo warbixineed looga hadlayo, waxbadana looga ogaan doono xanuunka macaanka( diabetes-ka), noocyadiisa( 1, 2 iyo kan haweenka uurka leh ku dhaco), waxyaabaha laga qaado( Dhaxal iyo hab nololeed, cuntada), astaamihiisa, sida looga hortagi karo ama sida loola noolaan karo iyada oo qofku si uu caadi ah u wato noloshiisa maalinlaha ah.

Kulan aqooneedkan waxaan ku casuunay dhakhaatiir iyo aqoonyahano soomaali ah oo aqoon iyo xiriir dhow la leh ilaalinta caafimaadka qof iyo ka-hortaga waxyaabaha saameeya caafimaadka qofka.

Macluumaadka kulanka:

Taariikhda uu dhacayo: Sabti 11-11-2023

Goobta uu ka dhacayo: Grønland 41, kasoo horjeedka maqaaxida waaberi

Saacada 18:00-20:30.

Xusuusin: Kasoo qeybgal kulanka maalinta dhaqanka ee berito dhici doono

0

Maalinta beri ah ee sabtida(4-11-2023), ururka ardeyda soomaaliyeed ee Norway(SSF) iyo warbaahinta NorSom Media ayaa qaban doono kulan loogu magacdaray maalinta dhaqanka soomaaliyeed, kaas oo ay kasoo qeybgali doonaan aqoonyahan soomaaliyeed oo kala duwan, loogana hadli doonbo mawduucyo kala duwan oo la xiriira dhaqanka iyo sidoo loogu ilaalin lahaa Norway.

Kulanka ayaa waxaa lagu lafo-guri doonaa sida jiilashada Soomaaliyeed ee Norway kunool ay wadajir ahaan isaga kaashan lahaayeen adkeynta, kobcinta iyo ilaalinta dhaqanka Soomaaliyeed ee gudaha Norway. Dhamaan bulshada Soomaaliyeed ee Oslo, gaar ahaan waalidiinta dhaley caruurta ku dhalatay ama ku kortay Norway ee xiiseynaya inay wax ka ogaadaan, waxna ka bartaan dhaqanka Soomaaliyeed, waxaa loogu baaqayaa inay kasoo qeybgalaan ama caruurtooda usoo diraan kulankan.

Kulanka ayaa ka dhici doono jaamacadda Oslomet, wuxuuna bilaaban doonaa 14:30, iyada oo lagu soo bandhigi doonaa dhaanto iyo ciyaalo kala duwan oo la xiriira dhaqanka soomaaliyeed.

Hoos ka fiiri barnaamijka kulanka iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed ee kasoo qeybgali doonto:

nin isku ekeysiiyay booliska oo oo 15.000 kr lagu ganaaxay.

0

Nin isku ekeysiiyay, xirteyna dharka booliska Norway ayaa waxaa lagu ganaaxay 15.000 kr oo lacagta Norway ah. Ninkan oo labaatameeyo jir ah, ayaa xirtay dhar u eg dharka booliska habeenka dabaal-dega dhamaadka bisha Oktober ee Holoweenka-ka.

Gunnar Amundsen oo katirsan booliska, ayaa sheegay in wax aan la aqbali karin ay tahay in qof ay xirto dharka booliska.

qodobka 165-aad ee xeerka ciqaabta Norway, ayaa mamnuucayo in si qaldan loo adeegsado dharka, masuuliyada iyo magaca qofka ama hey addaha dowliga ah.

Xigasho/kilde: Halloween-kostymet førte til at mannen har fått bot på 15.000 kroner.

Dowlada: Caruurta ookiyaalaha u baahan, NAV ayaa ka caawin karto.

0

Caruurta ka yar 18-ka sano ee u baahan xirashada ookiyaalaha, ayaa heli karo taageero dhaqaale oo dowladu ay waalidka dhalay ka kabeyso iibinta ookiyaalaha araga. Waxaana kaalmadaas dhaqaale laga codsan karaa hey adda NAV, iyada oo la raacayo habraac loo dajiyay oo ku jaango´an garaadaha(awooda arageed) ee ookiyaalka.

Dowlada ayaa sheegtay inay jiraan ilaa 140.000 ilmood oo Norway kunool, kuwaas oo u baahan xirashada ookiyaalaha arag, xaqna u leh in laga taageero. Waxeyna dowladu sheegtay inay miisaaniyada ugu dartay ilaa 80 milyan kr oo taageerooyinkaas dhaqaale lagu kabo.

Shuruudaha ku xiran kaalmadan dhaqaale ayaa waxaa kamid ah in ilmuhu:

  • Uu u baahanyahay ookiyaale nooca araga ah, kaas oo garaadihiisu ay u ka bilowdaan -1 ama +1.
  • In ilmuhu uu ka yaryahay 18 sano marka taageerada dhaqaale ee ookiyaalaha loo dalbayo.
  • In ilmuhu uu deegaan ahaan Norway ka diiwaangashanyahay( adress ku yahay).

Wasiirka shaqada iyo isdhexgalka ayaa sheegtay, Tonje Brenna ayaa sheegtay in dowlada ay rajeyneyso in dhamaan waalidka heysto caruur u baahan ookaayilaaha araga, ay soo codsadaan taageerada dhaqaale.

Xigasho/kilde: kort om briller til barn

Qaabkan isaga ilaali inaan lagugu qiyaamin qiimo-jabinta bisha November.

0

Bisha November ee berito bilaaban doonto, waxaa inta badan dukaamadda waaweyn ee Norway, xarumaha ganacsiga iyo xarumaha adeega laga sameeyaa qiimo-jabin kala duwan oo shirkudhu ay kusoo jiitaan macaamiisha. Hadaba qiimo-jabinta ay dukaamadu sameeyaan, ayaa waxaa marar badan ku hoos jirta arrin farsamo khiyaaneysan ah oo hey addaha dowladu marar badan uga digeen dadweynaha inay ka digtoonaadaan ama ka fiirsadaan.

Maalinta ganacsiga ee Jimcaha madow ama Black Friday, oo ah jimcaha ugu danbeysay ee bisha November, waxaa sida caadadda noqotay caalamka caan ka ah in qiimo jabin weyn ay sameeyaan dukaamadda iyo shirkaddaha iibiyo alaabaha kala duwan ee kuyaal dalalka Yurub iyo America. Waana maalin aad loo wada sugo, dad badana ay la sugtaan wax iibsiga, maadaama laga yaabo in qiimo jaban ay ku helaan alaab ama dhar ay rabeen.

Bisha November oo dhan ayaa sida caadiga ah waxaa aad u badan adeega dukaanadda Yurub, maadaama uu soo dhowyahay fasaxa dhamaadka sanadka. Dad badana ay isku gadaan ama isku diraan hadiyado.

Laakiin dhanka kale waxaa waayadii danbe caado kale noqotay in dukaanadda iyo shirkaddaha laga adeegto ay adeegsadaan farsamooyin kala duwan, iyaga oo ka faa’ iideysanayo maalintan ay dadka badan adeegtaan. Dukaanadda qaarkood ama shirkadaha adeega ayaa qiimo-jabin aan run aheyn oo khiyaano kujirto sameeya, si ay dadka ugu ekeysiiyaan in ay qiimo jabin sameeyeen, balse xaqiiqadda ayaa ah in alaabtii ay ku iibiyeen qiimihii caadiga ahaa ama ka badan.

Maalin kahor qiimaha kor u qaad, kadibna hoos u dhig:

Farsamo ay dukaanadda iyo shirkaddaha qaarkood adeegsadaan ayaa ah, inay qiimaha sheyga kor u qaadaan maalin ama maalmo kahor inta aan la gaarin maalinta Black Friday, kadibna ay qiimaha hoos u dhigaan, isla markaana ay u ekeysiiyaan in qiimo jabin weyn ay sameeyeen.

Tusaale ahaan, alaab ama dhar la gadayay 1000 kr, ayay maalmo kahor inta aan la gaarin black Friday kor u qaadayaan qiimaha alaabta, waxeyna tusaale ahaan ka dhigayaan 1500 kr. Kadibna waxeyna isla maalinta Black Friday qiimihii kusoo celiyaan kii saxda ahaa(1000 kr), waxeyna u ekeysiinayaan inay sameeyeen qiimo-dhimis weyn oo 500 kr ah.

Arrintan ayaa caadi ahaan sharci daro ah, laakiin waxaa sidaas sameeyo dukaanadda iyo shirkadaha adeega qaarkood. Waxaana jiro dad badan oo run u aqaata qiimo-jabinta la sameeyay, kadibna sidaas ku gata alaab ay ku iibsadeen qiimihii saxda aha, balse laga dhaadhiciyay in qiimo-jaban ay ku heleen.

Hey’ addaha ilaalinta xuquuqda iibsashada dadweyna uga digaya in ay dabinkaas ku dhacaan. Waxeyna siinayaan talooyinkaa:

  1. Hubi oo ogow qiimihii horey loo iibin jiray sheygan laguugu sheegay in qiimo-dhimis lagu sameeyay, si aad u xaqiijiso in qiimo-dhimistu dhab tahay iyo inkale.
  2. Hadii aad aragto shey qiimo-dhimis lagu sameeyay, hubi inay jiraan meelo kale oo aad qiimo kasii jaban kaga heli karto. Waxaad tusaale ahaan adeegsan kartaa app ama website barbardhig lagu sameeyo qiimaha alaabta. Tusaale ahan webka Prisguiden oo kale: https://prisguiden.no/
  3. Hadii aad deyn ku qaadaneyso shey ama alaab, iska hubi qiimaha dulsaarka ama qarashka deynta aad qaadaneyso. Waxaa laga yaabaa in qiimo ka badan kii rasmiga ahaa uu sheygaas kaaga baxayo, deynta iyo dulsaarkeeda awgeed.
  4. Xifdi kvitterinka ama waraaqda cadeynta iibka. Hadii aad alaab ku iibsato qiimo-dhimis aan run aheyn, xaq waxaad u yeelan kartaa inaad dib usoo celiso alaabtaas, waadna ka dacwoon kartaa

Hey’ addahan ayaa sidoo kale dadka kula talinayo inay hubiyaan waxa aad xaqa u leedahay hadii aad rabto inaad celiso alaabta aad iibsatay. Shirkaddaha qaarkood ayaa qofka lacagta usoo celiyo, kuwana waxaad alaabtii aad soo celisay ku badalan karta alaab kale oo qiimaha u dhiganta leh. 14 maalmood ayuuna qofka heystaa si uu alaabtaas isaga celiyo.

Xigasho/kilde: Slik unngår du å bli lurt under Black Week.

Xusuusin: Caawa ayaa saacada loo badalayaa xiliga winterka.

0

Caawa oo ku aadan axada ugu danbeysa ee bisha Oktober, waxaa bilaaban doono waqtiga qaboobaha ama winterka, waxaana caawa saacadu marka ay tahay 2-da habeenimo waqtiga Norway horey dib loo celin doonaa hal saa( Hal saac ayaa dib loo helin doonaa.

Saacadaha digitalka ee ku xiran mobilada, baabuurta iyo computerada ayaa inta badan isku badala si iskood ah(Automatic ah), balse saacadaha ku xiran guryaha iyo kuwo aan digitalka aheyn ayaa u baahan in dib loo celiyo hal saac.

Midowga Yurub ayaa wada dood ku saabsan in guud ahaanba la joojiyo isbad-badalka waqtiyada xagaaga iyo qaboobaha ee saacada horey iyo gadaal loo celiyo. Waxeyna u badantahay in sanadka 2022 badalka saacada ee xiliga qaboobaha la joojin doono.

Aby Ahmed: Dagaal iyo xoog kuma raadineyno bad iyo dekad.

0

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa Khamiistii ku adkaystay in Itoobiya aysan ku duuli doonin dal kale ama aysan danaheeda ku fulin doonin «dagaal» kadib markii hadallo uu horay u sheegay oo ku saabsan raadinta marinka Badda Cas ay walaac ka abuureen gobolka.

«Waxaa jirta cabsi laga qabo in Itoobiya ay duullaan qaaddo kadib dalabkeenii xoogganaa ee dhawaanahan ee ahaa inaan helno bad,» ayuu Abiy u sheegay kumannaan askari oo ku sugan Addis Ababa oo ka qaybgalayay dhoola-tus lagu xusayay maalinta ciidamada Qaranka.

Waxa uu intaasi ku daray “Waxaan rabaa in aan carrabka ku adkeeyo in Itoobiya aysan ku raadin doonin in ay danaheeda dagaal ku gaarto, waxaa naga go’an in danta guud lagu gaaro wadahadal iyo gorgortan.»

Khudbad uu ka jeediyay taleefishinka 13-kii Oktoobar, Abiy Axmed wuxuu ku sheegay in Itoobiya oo aan bad lahayn ay tahay «dal jiritaankiisu ku xiran yahay badda cas,» marin biyoodka weyn ee ganacsiga caalamiga ah.

Waxa uu sheegay in Itoobiya ay u baahan tahay inay hesho deked, isagoo intaas ku daray: “Haddii aan qorsheyno in aan nabad ku wada noolaanno, waa in la helaa qaab aan wax ku qeybsanno si dheellitiran”.

Hadalladaas waxa ay walaac ku abuureen dalalka deriska ah, gaar ahaan ee Eritrea oo leh xeeb dheer, waxayna wasaaradda warfaafinta Eritrea oo ku raadjoogta hadalka Abiy ay bayaan ku tilmaantay in»hadallada» gelitaanka badda ay yihin waxa ay ugu yeertay kuwa » xad-dhaaf ah «.

Dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika oo ay ku nool yihiin 120 milyan oo qof, ayaa dhaqaalaha Itoobiya waxa uu noqday mid xaddidan.

Itoobiya waxay lumisay xeebteeda kadib markii Eritrea ay ka go’day Addis Ababa oo ay si rasmi ah ugu dhawaaqday madaxbannaanida sannadkii 1993 kadib dagaal saddex iyo toban sano socday.

Xigasho/kilde: VOA+ SOMALI

Sweden oo sharcigii ka celisay, tarxiileysana ninkii gubay quraanka.

0

Dowlada dalka Sweden ayaa cusbooneysiinta sharciga magangalyada u diiday Salwan Monika oo ah nin Ciraaqi ah oo caan ku noqday gubitaanka kitaabka quraanka kariimka ah, Waxaana sharci ka celinta usii raacda in bisha April ee sanadka 2024 laga musaafurin doono dalka Sweden oo ku noolaa mudooyinkii ugu danbeeyay.

Go aanka musaafurintan ninkan oo sheegta inuu yahay aktiviiste, ayaa waxaa warbaahinta TV4nyheter u xaqiijiyay hey adda socdaalka iyo arrimaha ajaaniibta dalka Sweden ee Migrationsverket.

Ninkan oo 46 sano jir ah, ayaa caan ka noqday warbaahinta dalka Sweden iyo baraha bulshada, kadib markii uu dhowr mar meelo fagaare ah ku gubay kitaabka quraanka. Arrintaas oo dhalisay caro xoogan oo ka timid dunida muslimka, abuurteyna in hey addaha amaanka Sweden ay dhowr mar oo kala duwan ka digeen weeraro argagagxiso oo ka dhaca gudaha Sweden ama lala beegsado dadka u dhashay dalkaas.

Sidoo kale dowladaha muslimka, ayna ugu horeyso dowlada Turkiga ayaa cadaadis xoogan Swede ku saaray sidii ay wax uga badali laheyd xeerarka dalkeeda, waxeyna ka dalbadeen in la mamnuuco gubitaanka kitaabka barekysan ee quraanka kariimka.

Salwan oo asal ahaan u dhashay dalka Ciraaq, wuxuu kasoo jeedaa qoys masiixiyiin ah oo kunool dalka Ciraaq. Hada waxaa laga tarxiili doonaa Sweden, waxaana laga mamnuucay inuu gudaha Sweden kusoo noqdo mudo shan sano.

Sweden ayaa isbuucii hore markii ugu horeysay taariikhda qof ku xukuntay fal danbiyeed la xiriira gubitaanka kitaabka quraanka. Waxaana qodobkaas loo cuskaday inuu ahaa naceyb iyo beegsi ka dhan bulshada muslimiinta ah. Halkan kasii akhri.

Xigasho/kilde: Beslutet: Salwan Momika ska utvisas från Sverige.

Caawa waxaa hawada saacadda ka maqnaanayo adeega Bank ID.

0

Laga bilaabo caawa marka ay saacadu tahay 22:00 (tobanka fiidnimo) ilaa laga gaaro beri oo jimce ah subaxdii 7-da aroornimo, waxaa hawada ka maqnaan doono adeega Bank ID oo ah adeega xaqiijinta digitalka ah aqoonsiga qofka. Adeegan ayaa muhiim u ah dadweynaha kunool Norway ee adeegsada adeegyada kala duwan ee bulshada, sida bankiyada, booliska, caafimaadka, Nav iwm.

Sababta uu saacadahaas kooban adeegan hawada uga maqnaanayo ayaa ah in dayactir lagu sameynayo adeega Bank ID, lana xiray adeegsigiisa, sida uu sheegay Hege Steinsland oo madaxa xiriirka shirkada bixisa adeega BankID.

Banki ID ayaa dadka isticmaala adeegan kula talineyso in hadii ay jirto howl muhiim ah oo ku xiran adeegan ay sii sameeyaan kahor inta aan la gaarin tobanka fiidnimo ee caawa, ama wixii ka danbeeyay 7-da aroornimo ee berito subixii.

Adeegyada kale ee badalka u noqon kara adeega BankID, ayaa waxaa kamid ah MinID.

Xigasho/kilde: Skrur av BankID natt til fredag

NAV: 20.000 qof ayaa Norway shaqada uga maqan tabardaro iyo daal dartiis

0

Sida lagu sheegay tirokoob kasoo baxay hey adda shaqada Norway, ku dhawaad 20.000 qof ayaa sanadkan gudihiisa sheegay inay shaqada uga joogsadeen sababo la xiriira daal iyo tabar-dari awgeed. Arrintan ayaa aad ugu soo xoogeysaneysay Norway, wixii ka danbeeyay feyruskii corona.

Madaxa hey adda NAV Hans Christian Holte ayaa sheegay in tan iyo sannadkii horey, ay aad usoo bateen dadka shaqada aan aadin sababo la xiriira daal, tabardaro iyo caajis. Arrintaas oo uu la xiriiyay feyruska corona iyo saameyntiisa.

Madaxa cilmibaarista feyruska korona ee machadka Oslo ayaa sheegtay in saameynta ka dhalata feyruska Korona ay socon karto mudo dheer.

Xigasho/kilde: Nesten 20.000 nordmenn er borte fra jobben fordi de er trøtte og slappe, viser tall fra NAV..

Maamulka cusub ee magaaladda Oslo ugu danbeyn lagu heshiiyay.

0

Xisbiyada Høyre iyo Venstre ayaa maanta soo bandhigay heshiis ay ka gaareen inay soo wada dhisaan maamulka cusub ee magaaladda Oslo xukumi doono afarta sano ee soo socoto. Waxaana maamulka cusub oo ka koobnaan doono siyaasiyiinta labadda xisbi ee Venstre iyo Høyre, ay taageeri ka heli doonaan xisbiyada Frp iyo Krf oo taageero dibadd joog ah noqon doono.

Eirik Lea Solberg oo ahaa musharaxa koowaad ee xisbiga Høyre ee magaaladda Oslo, ayaa noqon doono gudoomiyaha maamulka Oslo, halka Anne Lindboe oo katirsan isla xisbiga Høyre ay noqon doonto duqa cusub ee magaaladda Oslo.

Labaddan xisbi ee soo wada dhisay maamulka magaaladda Oslo ayaa soo bandhigay heshiis ka kooban 36 qodob oo ah maanifeestada( heshiis siyaasadeedka) ay magaaladda ku maamuli doonaan. Dib ayaan kasoo galin doonaa heshiiska cusub ee labadda xisbi.

In xisbiyada Venstre iyo Høyre ay isla maamuli doonaan magaaladda Oslo, ayaa ka dhigan in hada ay jaanis heli doonaan labo(2) xildhibaan soomaali ah kuwaas oo horey golaha deegaanka kusoo galay boos-celiyenimo. Ismaaciil Cali Xuseen( Venstre) iyo Anfac Haashi Goodir (Høyre) ayaa si toos ah u gali doono golaha deegaanka Oslo, kadib markii beri oo arbaco ah lagu dhawaaqo xubnaha maamulka cusub ee magaaladda Oslo.

Xigasho/kilde: 36 punkter de er enige om: – Har vært et mål å holde MDG unna byrådet.

Taksiile loo maxkamadeynayo inuu safriyay 79 kiilo oo daroogo M-V ah.

0

Maalinta beri ah waxaa magaaladda Oslo ka bilaaban doonto maxkamadeynta nin taksiile ah oo ku eedeysan inuu daroogo kasoo safriyay magaaladda Elverum, keeneyna magaaladda Oslo. Waxeyna xeer ilaalintu sheegtay in ninkan uu sidoo kale daroogadda u qeybiyay( u gee-geeyay) dhowr qof oo Oslo kunool.

Falkan ayaa dhacay bishii August sanadkii 2020. Taksiilahan oo afartameeyo(40) jir ah ayaa sidoo kale ku eedeysan inuu daroogadda ku keydiyay gurigiisa, kahor inta uusan u qeybinin dhowr qof oo kala duwan oo Oslo kunool. Waxeyna xeer ilaalintu sheegtay in taksiilahan uu daroogada kasoo qaaday buss ka diiwaangashan dalka Holland, kaas oo ku sugnaa magaaladda Elverum maalinta uu ninkan daroogadda kasoo safrinayay magaaladaas.

Taksiilahan ayaa qirtay inuu soo qaaday, qeybiyeyna alaabta loo soo dhiibay, balse uusan ka warqabin waxa ku jiray.

Xigasho/kilde: Taxisjåfør tiltalt for å ha fraktet 79 kilo amfetamin til Oslo

Ilhan Cumar: Waxaan u cabsanayaa nolosha qoyskeeda, kadib hanjabaado aan la kulmay.

0

Ilhaan Cumar, oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka, ayaa sheegtay inay u cabsaneyso nolosha qoyskeeda kadib markii ay heshay hanjabaado ka dhashay cambaareynteeda ka dhanka ah sida Israel ula dhaqmeyso Falastiiniyiinta.

Ilhaan, oo ah gabar asalkeedu yahay Soomaali oo laga soo doorto Minnesota, ayaa bayaan ay soo saartay ku shaacisay hadallada Islaam naceybka ah iyo hanjabaadaha ay heleyso, oo ay ku jiraan kuwo ka dhan ah qoyskeeda.

Ilhaan ayaa sheegtay in ayada iyo Muslimiinta kale ee Mareykanka ay saameeyeen olole lagu calaamadeynayo inay yihiin halis sababo la xiriira inay cambaareeyeen dagaalka Israel ay ka waddo Gaza.

Waxay si gaar ah u xustay hadallada xildhibaanada midigta-fog ee ayada iyo wakiilada kale la meel dhigaya taageerayaasha argagixisada.

“Waxay si toos ah khatar u gelisay nolosheyda iyo tan qoyskayga, sidoo kale waxay shaqaalaheyga ku abuurtay naxdin iyo aflagaado loogu gaystay inay gudanayaan shaqadooda,” ayey tiri Ilhaan oo ka hadleysa hadallada kooxaha midigta-fog.

“Waxaa taas kasii muhiimsan, waxay halis gelinaysaa malaayiin Muslimiin Maraykan ah.”

Farriin cod ah oo lagu reebay xafiiska Ilhaan, ayaa qof soo wacay wuxuu ku sheegay in koox xagjir ah ay daba joogaan ayada iyo caruurteeda.

Qofka soo wacay ayaa wuxuu sheegayaa inay heleen dhammaan cinwaanada guryaha Ilhaan “laguna wareejiyey kuwa wax kufsada,” sida uu weriyey taleefishinka NBC News.

Farriin kale ayaa Ilhaan ugu yeereysa “Muslim argagixiso ah.”

Farriin cod oo saddexaad oo lala wadaagay NBC News, qof soo wacay xafiiska Ilhaan ayaa sheegay inuu ka mid yahay koox feejigan wuxuuna ku hanjabay “inuu marada madaxa ka jeexi doono”, isaga oo ula jeeda xijaabka Ilhaan.

“Waxaan rajeynayaa in Israel ay disho mid kasta oo idin ka mid ah,” ayuu yiri qofka soo wacay.

“Tan iyo markii aan xafiiska la wareegay, laba nin ayaa qirtay dambi ah inay iigu hanjabeen inay i dilayaan,” ayaa lagu yiri bayaanka Ilhaan.

“Tani waa mid dhab ah. Waxaan u baqayaa caruurtayda oo waa inaan kala hadlaa inay ku sii jiraan feejignaan sababtoo ah weligaa ma ogaan kartid.”

Bayaan ballaaran oo ay kasoo saartay dagaalka Gaza, Ilhaan ayaa waxa ay ku cambaaraysay Xamas.

Xigasho/kilde: Caasimadda

Warbixin: Go aano badan oo ay NAV gaarto waa kuwo adag in la fahmo.

0

Ilaaliyaha xuquuqda dadweynaha ee xafiisyada dowlada ( Sivilomudet) oo baaritaan ku sameeyay qaar kamid ah go aanadda ay gaarto hey adda NAV ee ku saabsan kaalmooyinka dhaqaale ee kala duwan ee hey´addu bixiso, ayaa sheegay in go aanaddda hey adda NAV ay yihiin kuwo adag in la fahmo nuxurkooda iyo waxa lagu dhiseyba(begrunnelse). Arrintaas oo ilaaliyhu sheegay inay tahay mid kasoo horjeedo xeerka adeeg-bixinta wanaagsan ee dowlada.

Ilaaliyaha ayaa warbixin uu ka qoray arrintan sheegay in inkasta oo go aanadaas ay buuxiyeen shuruudihii ugu yaraa ee sharaxaadda go aanka marka la fiiriyo xeerarka dowlada, hadana ay ahaayeen kuwo ay adag inuu fahmo qofka loo diray, arrintaas oo qofka ay khuseyso ee go aanka laga gaaray ku adkeyneyso inuu ka dacwaado. Waxeyna ka dhigantahay in qaab qoraalka iyo cuskushada qodobadda dowloga ee lagu saleeyo go aanadda NAV, ay dad badan ku adkeyn karto inay racfaan qaataan, maadaama aysanba si fiican u fahmin nuxurka go aanka.

Go aano badan oo ay NAV gaarto ayaa loo qoraa qaab kasoo horjeedo xeerarka dowliga ah ee adeegbixinta dowlada. Looma qoro qaab qofka loo dirayo uu fahmi karo, ama uu uga fal-celinkaro, ayay sheegtay Hanne Harlem oo ah Sivilombudet.

NAV ayaa qaadatay eeda loo soo jeediyay, waxeyna sheegeen in warbinta uu diriiyay sivilombudku, ay hey adda ka caawin karto sidii ay wax uga badali laheyd arrintaas, dadweynaha adeeg fiican u siin laheyd.

Xigasho/kilde: Begrunnelser i vedtak fra Nav – rapport fra undersøkelse av eget tiltak.

Wasiiru-dowle: Waan ka fiirsaneynaa inaan xal u helno 400 soomaali ah oo baasaboorka Norway loo diiday.

0

Dalkan Norway waxaa kunool tiro lagu qiyaasay 400 qof oo muwaadiniin soomaaliyeed ah, kuwaas oo mudo dheer ku noolaa Norway, heystana sharciyada degenaanshaha rasmiga ah, balse diidmo ka helay codsiga baasaboorka/jinsiyada Norway, sababo la xiriira aqoonsigooda oo aan cadeyn ama shaki la galiyay. Waxaa tirokoobaas NRK u xaqiijiyay hey adda u doodista arrimaha qoxootiga ee NOAS.

Guruubkan oo soomaalida dhexdeeda caan uga ah magaca» labo magaclayaasha» ayaa u badan dad horey magangalyo usoo weydiistay dalal kale oo Yurub ah, kahor inta aysan Norway magangalyo weydiisan ama usoo guurin Norway. Waxaa markii danbe caqabad ku noqotay xaqiijinta aqoonsigooda saxda ah, maadaama la ogaaday inay sheegteen ama systemka hey addaha ajaaniibta ee dalalka Yurub uga diiwaangashanyihiin labo magaca iyo labo aqoonsi oo kala duwan.

Inta ugu badan ee kooxdan muwaadiniinta soomaaliyeed ah ayaa ah dad shaqeysto, canshuur wadanka soo galiyo, si caadi ahna noloshooda maalinlaha ah u wato, balse ay heysato caqabadda la xiriirta helitaanka jinsiyada Norway. Qaarkood ayaana wadanka ku noolaa in ka badan 20 sano, kuwana 30 sano ayay dhaafeen.

Mid kamid ah shuruudaha ugu adag ee helitaanka sharciga jinsiyada Norway ayaa ah, in qofku uu cadeeyo aqoonsigiisa shaqsiyeed ee saxda ah, kahor inta uusan helin jinsiyada Norway. Waana qodobka caqabadda ku ah 400-ta boqol ee soomaalida ah oo mudo ku dhibanaa sidii ay u cadeyn lahaayeen aqoonsigooda saxda ah, meelo badan u marayay.

Ismail Abuukar: 26 sano ayuu Norway ku noolyahay, sadex marna diidmo ayaa la siiyay.

Muuqaal-baahiyaha qaranka Norway ee NRK ayaa warbixin dheer ka qoray Ismail Abuukar mid kamid qiyaastii afarta boqol ee soomaalida ah ee ay heysta caqabadda cadeyn la aanta aqoonsigooda. Ismail waa kalkaaliye caafimaad oo heysta takhasasus dheeri ah, kana shaqeeya mid kamid ah laamaha ugu muhiimsan ee gargaarka caafimaadka deg-dega ah(intensiv sykepleier). Waxa uuna Norway kunoolaa mudo 26 sano.

Inkasta oo Ismail oo si walba oo macquul ah uga mid noqday bulshada Norway, qaatay waxbarasho jaamacadeed sare, ka shaqeeyo shaqo weyn oo muhiim ah, uuna sameeyay dhexgalka ugu fiican ee la sawiran karo, hadana ismail wuxuu sadex mar oo kala duwan diidmo ka helay codsiga jinsiyada Norway. Waxaana sabab looga dhigay in shaki uu ku jiro aqoonsiga shaqsiyeed ee muwaadinka soomaaliga ah oo loo tixraaciyo in magac kale uu isaga dhiibay dalka Holland oo uu soo maray, kahor inta uusan Norway iska dhiibin isaga oo 17 sano jir ahaa.

Ismail oo sidoo kale ah aabe heysta 4 caruur ah, ayaa sheegay in inkasta oo uu heysto baasaboorka Soomaaliya, hadana ay heysasho la aanta baasaboorka Norway uu kala kulmo caqabado dhowr ah. Waxaana kamid ah in tusaale ahaan uu caqabado kala kulmo qaadashada kaar banki oo Norway, xaqiijinta cadeyntiisa iyo safaradda dalalka qaar oo Yurub ah, sida UK oo kale. Waxaana intaas usii dheer in ilmihiisa uusan mararka qaarkood u raaci karin safaradda ay rabaan inay aadaan, ama uusan isagu u safri karin dalka uu rabo oo caqabado xaga socdaalka ah ay heystaan.

Xal loo helay 1000 qof oo Kurdiyiin ah oo dhibta ah oo kale ay heysatay:

Dowlada Norway ayaa horey fursad xal helis ah u fidisay ku dhawaad 1000 qof oo Kurdi ah, kuwaas oo ay heysatay caqabado la xiriira cadeynta aqoonsigooda, diidmana ka helay codsiyada baasaboorka Norway. Baarlamaanka Norway ayaa sanadkii 2016 ansixiyay barnaamij lagu xaqiijiyo aqoonsiga kooxdan, waxaana la bilaabay shaqooyin kala duwan oo lagu xaqiijiyo inay isleeyihiin macluumaadka la xiriira aqoonsigooda shaqsiyeed. Waxaana hawshaas loo xilsaaray dowlada oo baarlamaanku uu shaqada u meelmariyay fulinteeda, iyada oo lala kaashanayo ismaamulka gobolka Kurdiga ee Ciraaq.

Fursadan ay dowladu fidisay ayaa waxaa ka faa´iideystay boqolaal Kurdiyiinta Ciraaq ah, kuwaas oo ugu danbeyn helay sharciga jinsiyada Norway, kadib tobanaan sano oo ay Norway ku noolaayeen. Halka kasii akhri.

Wasiiru dowlaha shaqada iyo isdhexgalka Norway, Samra Akhtar oo wax laga weydiiya arrinta ku saabsan in dowlada Norway ay guruubkan soomaalida ah siiso fursad la xiriirto sidii ay aqoonsigooda ku cadeyn lahaayeen, looguna fududeyn lahaa helitaanka jinsiyada Norway, ayaa sheegtay in arrintaas laga fiirsan doono.

Wasiiru-dowlaha ayaa dhanka kale sheegtay inay tahay xili hore oo arrintaas laga jawaabo, balse ay marka hore qiimeyn guud ku sameyn doonaan barnaamijkii cadeynta aqoonsiga loogu fududeeyay dadka kasoo horjeedo Ciraaq, ayna dowladu wadahadal la gali doonto UDI-da iyo NOAS, kahor inta aan jawaab sax ah laga bixin kiiska soomaalida ay caqabadda ka heysato cadeynta aqoonsigooda.

Ismail Abukar oo NRK ay wareysatay ayaa sheegay inuu sameeyay wax walba oo ku qaadan karto inuu cadeeyo aqoonsigiisa, uuna rajeynayo inuu qeyb ka noqdo barnaamij aqoon-cadeyn ah oo ay dowladu fidiso.

Waxaa muhiim ah oo xusuusin mudan in barnaamijka aqoonsiga loogu fududeeyay kooxda reer Ciraaq uu ahaa mid mudo soo socday, ayna iska kaashadaan garabyo badan oo kooxda caqabadda ay heysatay ah, dowlada iyo ururruada u ololeeya arrimaha ajaaniibta. Waxeyna aheyd howl u baahneyd qorsheyn iyo isla lug-helid wanaagsan oo ugu danbey miro dhashay.

Xigasho/kilde: Straffes for gammel løgn: – Jeg telles ikke i det norske samfunnet.

Labo(2) qof oo Swedish ah oo lagu dilay dalka Belgiumka.

0

Caasimadda Dalka Beljimka ee Brusel waxaa xalay lagu dilay labo qof oo Swedish ah, halka lagu dhaawacay qof kale. Labadda qof ayaa lagu dilay meel wax yar u jirta garoonka kubadda cagta Kong Baudouin, halkaas oo ay ka socotay ciyaar u dhaxeyso xulalka dalalka Sweden iyo Belgiumka. Dhacdadan kadib, waxaa la istaajiyay ciyaartii u dhaxeysay labadda xul qaran, kadib markii la ogaaday in la dilay labo kamid ah taageerayaasha xulka qaranka Sweden ee ku sugnaa caasimadda Brusel.

Sida ay booliska caasimadda Brusel sheegeen, labaddan qof ee la dilay ayaa loo beegsaday inay kasoo jeedaan dalka Sweden, xili dowlada Sweden ay bilihii ugu danbeysay ka digeysay weeraro argagaxiso oo dhan dowlada Sweden iyo dadkeeda.

Ninka falkan geystay ayaa muuqaalo uu ku faafiyay baraha bulshada, waxa ka muuqato inuu ka tirsanyahay ama dhaarta kamid noqoshada u marayo ururka Daacish. Saaka aroortii ayay booliska Brussel xaqiijiyeen in ninkii falkan ka danbeeyay lagu dhaawacamay is-xabadeyn dhexmartay isaga iyo booliska, waxaana uu u geeriyooday dhaawacyadaas xili loo qaadayay isbitaalka.

Reysulwasaaraha Sweden Ulf Kristersson  ayaa shir jaraa´id oo uu saaka qabtay ku sheegay in ninka falkaas geystay uu ahaa qof diidmo ka helay sharciga magangalyada, balse uu wali ku sugnaa dalkaas qaab sharci daro ah. Reysulwasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in ninkaas uu sidoo kale horey ugu noolaa dalka Sweden oo magangalyo ka codsaday.

Waa inaan ka warqabnaa dadka ku sugan dalka Sweden. Waa inaan hubinaa sharciga ay dalka ku joogaan, Hadii sharci daro ku joogaan dalka, waa inay ka baxaan ayuu sheegay reysulwasaaraha Sweden.

Ururka Daacish iyo ururadda kale ee argagaxisada ayaa bilihii ugu danbeeyay hawada soo marinayay digniino weerar oo ku wajahan dalka Sweden.

Sweden: Qofkii ugu horeeyay abid ee loo xukumo gubitaanka kitaabka quraanka ah.

0

Maxkamad kutaal dalka Sweden ayaa nin 27 sano jir ah u xukuntay kiis la xiriira gubitaanka quraanka kariimka ah, isaga oo lagu helay kiis dacwadeed ah inuu bar-tilmaameed ka dhigtay qawmiyad diineed gaar ah. Kiiskan ayaa noqonayo markii ugu horeysay abid ee qof loo xukumo gubitaanka kitaabka quraanka ah.

Ninkan ayaa baraha bulshada ku faafiyay muuqaal isaga oo gubayo kitaabka quraanka kariimka ah, waxaana uu kitaabka la gubayay hilib doofaar. Sidoo kale waxaa u shidnaa heesta » Remove Kebab» oo ah hees ka turjumeyso muslim iyo ajaaniib naceyb oo ay aad u adeegsadaan kooxaha xagjirka midigta fog ah. Goobta kitaabka uu ku gubayay ayaa aheyd afaafka masaajid kuyaal magaaladda Linköping.

Heesta uu ninkan muuqaalka uu kitaabka iyo doofarka wada gubayo raaciyay, ayaa waxaa sidoo kale horey u adeegsaday ninkii 51-da qof ee muslimka ah ku dilay masaajidka ku yaal New Zealand.

Naceyb ka dhan ah qawmiyad diineed gaar ah:

Maxkamadda Sweden ee ninkan xukuntay ayaa go aanka xukunka u cuskutay qodob la xiriira faafinta naceybka la xiriira qawmiyadaha iyo kooxaha kala duwan ee dadka ah. Waxaana maxkamadu sheegtay in ninkan uu muuqaalkiisa ku beegsaday dadka muslimiinka ah, uusana beegsan diinta islaamka.

Go aankii ayaa noqon doono mid taariikhi ah, maadaama ay tahay markii ugu horeysay ee qof loo xukumo ficil la xiriira quraan gubista. Waxaana xeer ilaalinta dacwada kusoo oogtay ninkan ay sheegeen in sababta ugu weyn ee ninkan loo xukumay ay tahay muuqaalka uu ka duubay gubitaanka quraanka oo uu bartilmaameed uga dhigay muslimiinta.

Xigasho/kilde: Første dom for koranbrenning i Sverige.

Lamaane 33 sano ku noolaa Norway oo lagala noqday jinsiyada Norway.

0

Maxkamada magaaladda Oslo ayaa isbuucii hore go aan ka gaartay mid kamid ah kiisaska ugu adag ee la xiriira go´aanadda jinsiyad kala noqoshada ee ay gaarto hey addaha arrimaha magangalyada iyo ajaaniibta dowlada Norway. Waxeyna maxkamadu sharcigooda usoo celin weyday lamaane asal ahaan Falastiini ah, kuwaas oo sanadkii 2020 lagala noqday jinsiyada Norway.

Qoyskan ayaa sanadkii 1990 soo galay Norway, waxeyna magangalyo weydiisteen hey addaha qoxootiga Norway, iyaga oo sheegay inay yihiin Falastiiniyiin dowlad ahaan ah. Sanadkii 1997 waxay heleen jinsiyada/baasaboorka Norway, iyaga oo wixii intaas ka danbeeyay Norway ku dhalay caruur ay iyagu dhaleen iyo kuwa ay sii dhaleen oo ay awoowe/ayeeyo u yihiin.

Hey´adda arrima magangalyada Norway ee UDI-da, ayaa sanadkii 2016 sqoyskan ku furtay dacwad la xiriirta sharci kala noqoshada, iyada oo lagu eedeeyay inay ka been-sheegeen asalkooda, ayna qariyeen inay ahaayeen dad heysto dhalashada wadanka Urdun/Jordan. Markii uu soo baxay kiiska qoyskan, waxaa aad warbaahinta Norway uga kacay walaac la xiriirta kiisaska sharci kala noqoshada, waxaana baarlamaanka la geeyay sharci wax looga badalayo qaabka ay hey addaha qoxootigu uga shaqeeyaan kiisaska qoxootiga.

Sanadkii 2020 ayaa waxaa soo baxay, baarlamaanka Norweyna laga meelmariyay hindise sharciyeed wax ka badal lagu sameynayo xeerarka jinsiyad kala noqoshada, waxaana wax laga badalay qaabka ay hey adda qoxootigu uga shaqeyso kiisaska jinsiyad ka celinta, iyada oo xuquuqo dheeraad ah la siiyay caruurta ku xiran waalidka kiiska lagu soo oogay. Sidoo kale sharcigan cusub ayaa hey addaha qoxootiga ku amray inay tixgaliyaan mudadda uu qofka degenaa dalka, isdhexfalka uu la sameeyay bulshada iyo arrimaha kale ee la xiriira in qofka uu dalka kusii noolaan karo.

Sanadkii 2020 ayaa lamaahana reer Falastiin, waxaa si rasmi ah looga celiyay jinsiyada Norway, iyada oo la tixraacayo sharcigii cusbaa ee baarlamaanka laga meelmariyay. Balse sanadkii 2022 UDI-da ayaa qoyskan siisay sharci dal ku joog cusub ah, iyaga oo laga codsaday inay dib soo tirsadaan sanadaha, kadib 30 sano oo ay Norway ku noolaayeen. Ilmaha ay dhaleen lamaanahan ayaa dhankooda iyo kuwa ay sii dhaleen waxaa loo ogolaaday inay heystaan jinsiyada Norway, iyada oo la tixraacayo xeerka cusub ee baarlamaanku meelmariyay.

Qoyskan ayaan ku qancin go aanka hey addaha qoxootiga Norway, waxa ayna maxkamad aadeen maxkamadda, iyaga oo dalbanayao in sharcigoodii loo soo celiyo. Maxkamadda ayaana isbuucii hore UDI-da ku raacday go aankii sharci kala noqoshada, waxaana qoyskan loo diiday inay dib u helaan sharcigoodii jinsiyada Norway.

Qoyskan ayaa ku doodayay inaysan ogeen in la siiyay jinsiyada Urdun, maadaama ay qoxooti ku ahaayeen dalkaas. Balse Mid kamid ah qodobadda ugu waaweyn ee maxkamadu ay u cuskutay kiiska go aan ka gaarista qoyskan, ayaa ah inay dhowr mar oo kala duwan adeegsadeen labo aqoonsi ah oo kala duwan, taas oo adkeyneyso in qoyskan ay ahaayeen muwaadiniin reer Urdun ah, ayna ogaayeen arrintaas.

Qoyska ayaa sheegay inay racfaan ka qaadan doonaan go aanka.

Tobias Drevland Lund oo ah xildhibaan katirsan baarlamaanka Norway, xubina ka ah xisbiga Rødt, ayaa sheegay in isbuucan ay baarlamaanka geyn doonaan arrintan, ayna dib uga fiirsan doonaan go aankii ay horey u meelmariyeen iyo qaabka ay u dhaqan-galiyeen hey addaha qoxootigu.

Xigashi/kilde: Retten trodde ikke på det palestinske ekteparets forklaring, og de får ikke sine norske statsborgerrettigheter tilbake

error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.