lørdag, mai 11, 2024

Si aad u fahanto caafimaadkaga iyo daaweyntaada, codso turjumaan.

Macluumaad sax ah iyo wadahadal ayaa muhiim u ah inaad hesho caawinaad iyo daaweyn sax ah. Bukaan ahaan waa inaad hesho macluumaad ku habboon xaaladaada. Waa muhiim in aad si waafi ah shaqaalaha caafimaadka ugala hadli kartid caafimaadkaaga, cudurkaaga iyo daaweyntaada.

Xeerka Turjumidda (ee soo baxay 2022) ayaa dhigaya in hay’adaha iyo adeegyada dawladdu ay isticmaalaan turjumaan aqoon leh marka ay lagama maarmaan tahay si aad u hesho daaweyn sax. Shaqaalaha caafimaadka sida kalkaalisooyinka, dhakhtarka, cilmi nafsi yaqaanka iyo kuwa la halmaala ayaa laga rabaa inay ilaaliyaan inaad bukaan ahaan hesho aawimaada aad u baahan tahay.

• Macluumaadka ku saabsan caafimaadkaaga iyo daawayntaada waa in laguugu sheego luuqad aad fahmaysid.

• Way adkaan kartaa in la fahmo ereyada iyo kalmadda cilmiga caafimaadka. Sidaa darteed, waxaad u baahan kartaa turjumaan inkastoo aad ku hadasho norwiijiga ilaa xad la fahmi karo.

• Turjumaanku wuxuu joogi karaa isla qolka adiga iyo daweeyuhu Aad wada joogtaan, ama wuxu kaga soo qaybgali kara telefoon ama fogaan arag muuqaal ah.

Shaqaalaha Adeegga caafimaadka ayaa dalbanaya turjumaanka

• Adeegga caafimaadka waxaa waajib ku ah inuu hubiyo in aad u baahan tahay turjumaan iyo in kale. Sidoo kale waa inay iyagu dalbadaan turjumaanka.

• Turjumaanku waa u bilaash bukaanka/isticmaalayaasha adeegyada caafimaadka.

• Dhakhtarka ilkaha, markaad tahay qof weyn sida caadiga ah waa inaad iska bixiso turjumaanka iyo daaweynta ilkahaba labaduba.

Kaliya turjumaanada aqoonta leh ayaa turjumaya

• Turjumaanka aqoonta leh wuxuu haystaa aqoon rasmi ah oo ku saabsan xirfadda turjumidda

• Carruurtu ma noqon karto turjumaan.

• Qoyska, asxaabta ama dad qofku yaqaano looma isticmaali karo

turjumaan ahaan.

Sidee ayaad uga faa’idaysan kartaa wadahadal turjumaan la isticmaalayo?

• Adeegga caafimaadka u sheeg luqadda iyo lahjadda aad jeceshahay

inaad ku hadashid ama laguugu turjumo.

• U sheeg haddii aad si fiican u taqaanid luuqado kale oo dheeraad ah.

• U sheeg haddii aad qabtid baahiyo gaar ah, tusaale ahaan haddii maqalkaagu liito.

• Si fiican isugu diyaari wadahadalka. Weliba  wey kasii fiican tahay inaad sii

qoratid su’aalaha aad qabtid ama aad rabtid inaad weydiiso shaqaalaha caafimaadka.

• Su’aalaha oo dhan ku hagaaji shaqaalaha caafimaadka, oo ha weydiinin

turjumaanka.

• Sheeg haddii aanad fahmayn turjumaanka

• Marka aad hadlaysid isticmaal jumlado gaaban oo si fasiix ah oo la fahmi karo u hadal Markaas ayay turjumaanka u fududaanaysaa inuu si sax ah u turjumo

Hadalka.

• Turjumaanku wuxuu turjumayaa kaliya waxa la sheego. Turjumaanku kuma celin soo karo wixii hore loo sheegay

• Way fiicantahay tahay inaad qoroto waxa la sheegay, si aad u xasuusatid

• Sheeg haddii maqalku ama muuqaalku xun yihiin marka turjumaanku ku jiro khadka telefoonka/fiidiyowga.

Waa maxay turjumaan, oo waa maxay waajibaadka turjumaanku?

• Turjumaanku waa inuu doorkiisa  turjumaanka ku sheego labada luqadoodba marka wadahadalka bilaabmayo.

• Turjumaanku dhinacna ma raacsanaha, waana dhexdhexaad. Taas oo macnaheedu yahay in aragtida iyo rayiga turjumaanku wax saamayn ah aysan ku yeelan karin turjumidda.

• Turjumaanka waxa saaran waajib xog qarin, waana dembi inuu ku xadgudbo waajibka xog qarinta. Taas oo macnaheedu yahay in aan turjumaanka loo oggolayn inuu qofna u sheego wixii lagu wadahadlay. Sharcigaas iyo waajibkaas waxa uu turjumaanka qabanayaa xitaa hadii uu shaqada ka tago.

• Turjumaanku kuma siin karo talooyin ama kaama caawin karo inaad ka jawaabtid su’aalaha. Turjumaanku waa inuu turjumo oo keliya oo hawlo kale uma qaban karo qofka bukaanka ah ama shaqaalaha caafimaadka.

• Turjumaanku wuxu ku waydiin karaa su’aalo ama kaa codsan kara inaad si kale u sheegtid hadalka haddii ay jiraan wax turjumaanku aanu fahmin.

Ma qabtaa cabasho ku saabsan inaadan turjumaan helin, mar lagu siinayay adeeg caafimaad?

Mana qabtaa su’aalo ku saabsan xuquuqdaada? Fadlan la xiriir: U doodaha bukaanka iyo isticmaalayaasha (Pasient- og brukerombudet) ee gobolka aad deggan tahay. Kalan xiriir numberka numberka  40 50 16 00.

Sidoo kale la xiriir Sarkaalka Sinnaanta iyo ka hortagga Takoorka (Likestillings- og diskrimineringsombudet) tel. 23 15 73 00 LDO -.

Ururka Ka Soo Horjeeda Takoorka Bulshada Dhexdeeda (OMOD)

kontakt@omod.no iyo www.omod.no

Hay’adda Kormeerka Caafimaadka ee gobolka aad deggan tahay Hay’adda Kormeerka Caafimaadka waxay kormeertaa hay’adda daryeelka carruurta, adeegyada bulshada iyo caafimaadka | Hay’adda

Kormeerka Caafimaadka Telka xafiiska dhexe: 21529900

Ma qabtaa cabashooyin ku saabsan tayada iyo aqoonta turjumaanka?

Cabashooyinka waxaa lagu hagaajin karaa goobta caafimaadka ee aad bukaan ka tahay, ama Tolking i offentlig sektor | IMDi Integrerings- og mangfoldsdirektoratet (IMDi) oo ah hay’adda qaranka ee ka masuulka ah xirfadda turjumaannimada.

Hadii aad rabto inaad macluumaad dheeri ah ka ogaato arrintan, waxa aad la xiriirtaa

Xeerarka xuquuqda bukaanka iyo waajibaadka shaqaalaha

caafimaadka ee la xidhiidha isticmaalka turjumaan

Xeerka xuquuqda bukaanka iyo isticmaalayaasha

Xeerka xuquuqda bukaanka iyo isticmaalayaasha – Lovdata

Xeerka Shaqaalaha Caafimaadka

Xeerka Shaqaalaha Caafimaadka – Lovdata

Xeerka turjumaadda

Xeerka masuuliyadda hay’adaha dawladda ee isticmaalka turjumaanka (Xeerka turjumaadda) – Lovdata

Buugyarahani wuxuu jiraa isagoo ku qoran luuqado badan waxaana laga soo dejisan karaa:

www.helsenorge.no iyo www.helsedirektoratet.no

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x