lørdag, juli 27, 2024

Fariin caafimaad: Waxaad xaq u leedahay turjubaan lacag la aan ah.

Tani waa fariin caafimaad oo kaaga timid wasaaradda caafimaadka dalkan Norway:

Dhageyste ama daawade, Macluumaadka ku saabsan caafimaadkaaga, cudurkaaga iyo daawayntaada waa in laguugu sheego af  iyo luuqad aad fahmaysid. Haddii ay kugu adag tahay inaad fahantid ama aad ku hadashid af-norwiijiga, waxaad xaq u leedahay turjumaan ku hadlaya afkaaga hooyo ama aad doorbidayso.

Muuqaalkan kooban ee wacyigalinta ah,  waxa aan kaga jawaabeynaa dhowr su aalood oo la xiriira adeega turjumaan ee hey addaha caafimaad:

Yaa xaq u leh turjumaan?

Haddii aadan fahmaynin waxa laguu sheegayo ama sida niyadaada kujirto  aadan u sheegi karin waxa u baahan tahay, waxaad xaq u leedahay turjumaan ku hadlaya afka aad doorbideyso. Xaq ayaad u yeelan kartaa turjumaan xataa haddii adiga oo yaqaana, kuna hadlo karo luuqadda afka Norwiijiga.

Yaa dalbayo turjumaan?

Goobaha adeegga caafimaadka ayaa mas’uul ka ah inay dalbaan turjumaan aqoon leh.

Way adkaan kartaa in la ogaado in turjumaan loo baahan yahay iyo in kale. Shaqaalaha caafimaadka ayaa caadi ahaan qiimeeya in turjumaan loo baahan yahay iyo in kale. Adiga ka bukaan ahaan ama adeeg-doone ahaan, waad sheegi kartaa haddii aad u malaynayso inaad u baahantahay turjumaan, tusaale ahaan marka aad ballanta samaysanaysid. Waxa kale oo aad wici kartaa goobta adeegga caafimaadka oo waxaad ka codsan kartaa in ay dalbaan turjumaan ku hadla afkaaga.

Mararka qaarkood turjumaan qadka telefoonka kasoo gala ama qaab fogaan arag muuqaal ah, ayaa badali kara turjumaanka imaan lahaa goobta laguugu fidinayo adeega caafimaadka.

Xeerka Turjumidda ee Norway ayaa dhigaya in hay’adaha dawladda ay waajib ku tahay inay isticmaalaan turjumaan aqoon  leh, marka ay bixinayaan adeeg dowli ah, sida caafimaadka oo kale.

Yaa turjumaan noqon kara?

Turjumaanku waa inuu noqdaa qof haysta waxbarasho turjumaanimo .

Carruurtu ma noqon karto turjumaan. Qaraabada kale ama dadka aan lahayn tabobbar turjumaanimo kuma habbona inay beddelaan turjumaankja aqoonta leh.

Maxaad u baahan tahay inaad ilaaliso markaad isticmaalayso turjumaan?

Waa muhiim inaad goobta adeega caafimaadka si sax ah ugu sheegtid afka iyo luuqadda aad doorbidayso in laguugu turjumo.

Marka turjumaan loo dalbadaday wadahadalka, waa muhiim inaad timaado wakhtiga lagula ballamay. Haddii aanad iman karin wakhtiga lagu ballamay, waa inaad ballanta baajiso ugu yaraan 24 saacadood ka hor xilligeeda. Haddii kale, waa inaad bixiso kharashka ballanta. Weliba aad bay muhiim u tahay inaad arrintan xasuustid marka turjumaan la dalbadaday.

Waa maxay turjumaan, oo waa maxay waajibaadka turjumaanku?

Turjumaanka waxaa saaran waajibaadka xog-qarinta, oo waa inuusan cid kale u sheegin waxa uu ka maqlay wadahadalka uu turjumay.
Turjumaanku waa inuu turjumo keliya wixii la yidhi, mana bixin karo talooyin ama ma sheegi karo ra’yigiisa. Turjumaanku waa in uu ahaado dhexdhexaad ah oo aanu cidna la safan.

Wadahadalku wuxuu ka dhexeeyaa adiga iyo shaqaalaha caafimaadka ee adeega bixinayo. Markaa wixii su’aalo ah oo dhan ku hagaaji shaqaalaha caafimaadka, ha ku hagaajin turjumaanka.

Yaa bixinaya kharashka turjumaanka?

Turjumaanku waa u bilaash bukaanka/isticmaalayaasha adeegyada caafimaadka. Marka aad u tageyso dhakhtarka ilkaha, adiga ayaa iska bixinayo kharaskha turjumaanka.

Cabasho ayaad ka gudbin kartaa

Haddii aadan helin turjumaan, inkastoo aad aaminsan tahay inaad u baahan tahay, waxaad cabasho u gudbin kartaa xarunta aad bukaan/isticmaale ka tahay. Waxa sidoo kale u caban kartaa gudoomiyaha gobolkaaga (statsforvalteren),Ilaaliyaha danaha bukaankaama Ilaaliyaha sinnaanta iyo ka hortagga takoorka.

Haddii aadan ku qanacsanayn turjumaanka, waxaad arrintan uga caban kartaa goobta aad bukaan/isticmaale ka tahay.

Les mer på: Helsenorge.no/tolk

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x