Xiisada Turkiga iyo Faransiiska oo cirka isku sii shareertay, kadib sawirkan.

0
119

Turkiga ayaa wacad ku maray inuu » tallaabooyin sharci, iyo kuwo diblomaasiyadeed ka qaadi doono» sawir-gacmeed uu wargeyska Faransiiska laga leeyahay ee Charlie Hebdo ka sameeyay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

Sawir-gacmeedka ayaa muujinaya madaxweynaha Turkiga oo koru qaadaya dharka haweeney xijaaban.

Warbaahinta dowladda Turkiga ayaa sheegtay in dacwad oogayaasha dalkaas ay baaritaan ku sameynayaan wargeyskaas.

Xiisadda u dhaxaysa Faransiiska iyo Turkiga ayaa kacsan kaddib markii Madaxweyne Emmanuel Macron uu codsaday in meel adag laga istaago waxa uu ugu yeeray xagjirnimada Islaamka.

Mr Erdogan ayaa ugu baaqay dadka Turkiga inay qaadacaan badeecada Faransiiska, wuxuuna sheegay in Mr Macron uu u baahan yahay «baaritaan maskaxeed».

Sawir-gacmeedka laga sameeyay Erdogan ayaa caro ka dhex abuuray gudaha dowladda Turkiga.

Wargeyska ay taageera dowladda Turkiga ee Misvak ayaa isaga oo taas ka jawaabaya daabacay dhowr sawir-gacmeed oo lagu cambaareynayo Mr Macron iyo Charlie Hebdo.

Wargeyska Charlie Hebdo kuma cusba sawir-gacmeedyada lagu muransan yahay.

Sanadkii 2015, 12 qof ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday xafiiska wargeyska oo ku yaalla Paris. Waxaa weerarka fuliyay kooxo Islaami ah, kaddib markii wargeyskaas uu daabacay sawir-gacmeed uu ku sheegay nabi Muxamad NNKH.

Isla sanadkaas, Ruushka ayaa si xooggan u cambaareeyay labo sawir-gacmeed oo uu wargeysku ka qoray diyaaraddii ku burburtay Sinai oo ay ku dhinteen 224 qof, oo badankood ay Ruush ahaayeen.

Sanadkii 2016, sawir-gacmeed uu ka sameeyay dhibbanayaasha dhulgariir ka dhacay Talyaaniga, ayuu ku tilmaamay samaxan ay baasto ku jiraan, taas oo caro abuurtay.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments