lørdag, april 20, 2024

Dunida islaamka oo ku kacsan Macron: Yaan la iibsan alaabta Faransiiska.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ugu baaqay shacabka Turkiga ugu baaqay inay qaadacaan badeecadaha Faransiiska xilli ay sare u kaceyso xiisadda ka dhalatay mowfiqka Faransiiska ee ku aadan islaamka.

Khudbad uu teleefishinka ka jeediyay, Erdogan wuxuu ugu baaqay hogaamiyeyaasha caalamka inay difaacaan muslimiinta waa haddii ‘Farasniiska ay ka dhacaan tacaddiyo ka dhan ah islaamka’

Erdogan wuxuu si caro leh u dhaleeceeyay hadalka kasoo baxay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ee ku aadan difaacidda fikradaha cilmaaniga.

Wuxuu hadalka Erdogan imaanayaa kaddib markii dhawaan la dilay macalin Faransiiska u dhashay oo ardeydiisa tusay sawir gacmeed laga sameeyay Nebi Maxamed.

Macron wuxuu horraantii toddobaaadkan sheegay in ‘ Faransiiska uusan is dhiibin doonin’.

Ololaha qaadacaadda alaabta uu soo saaro Faransiiska ayaa ku baahay dalal badan oo Carab ah, taa oo ka dhalatay hadalkii Madaxweynaha dalkaas Maron ee ka dib weerarkii lagu dilay macallimkii ardeydiisa tusay sawir lagu sheegay Nabi Maxamed NNKH..

Dadka qaar waxay u arkaan weerar ka dhan ah Islaamka iyo «cabsi gelinta dadka».

Sidoo kale, dalalka qaar waxay qaadeen tallaabooyiin adag oo ololaha ay ku meelmarinayaan sida Qatar iyo Kuwayd. Sidoo kale, dadka qaar waxay su’aal iska weydiinayaan sida uu olalahan uga dhaqangeli karo Waqooyiga Afrika, halkaas oo alaabta ugu badan ee Faransiiska lagu iibiyo.

Baaqyada qaadacaadda waxaa barbar socday isu soo baxyo kooban oo ka dhacay Waqooyiga Suuriya, dhulka Falastiiniyiinta iyo Tunisiya.

Sidoo kale jiro warbixinno lagu dhalleeceynayo hadallada Macron, laguna diidan yahay «aflagaadeynta diinta Islaamka» iyo sawir-gacmeedyada. Dalalka warbixinnadaas soo saaray waxaa ka mid ah Morocco, Turkiga, Pakistan, Iraan iyo Urdun.

Waxaa baraha bulshada ka socdo kacdoono xoogan oo lagu muujinayo dareenka ay dadku ka qabaan hadalka Macron.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x