Su´aalo weydiin toos ah: Espen Nakstad & Ayan Bashir-Af soomaali-Covid-19

0
110

Su´aalo weydiin toos ah: Wargalin ku socoto soomaalida Norway:

Maalinta sabtida ee taariikhdu ay tahay 17-10-2020, saacada 19:00 ilaa 20:00, waxaa Studiyaha(NorSom News & Maqak Radio-Oslo) marti noogu ah Espen Nakstad oo ah kuxigeenka agaasimaha hey ádda caafimaadka Norway iyo Dr. Ayaan Bashiir Geelle oo ah dhakhtarad soomaali ah oo ka howlgasha isbitaalka A-hus.

Waxeyna toos uga jawaabi doonaan dhamaan su´aalaha aad ka qabto xaaladaha cusub ee soo kordhay ee xanuunka Covid-19 oo dib ugu noqday Norway, iyo guud ahaan arrimaha caafimaad ee la xiriira.

Wixii su´aal ah ee aad ka qabto xanuunka, talaabooyinka dowlada iyo saameyntiisa caafimaad-bulsho, waxaad noogu soo diri kartaa

-Email: NorSomnews@gmail.com

-Wixii faah-faahin ah kala xiriir
Tlf: 94841977 ama 90798477

Hadalka Nakstad waxaa lagu turjumi doonaa Af-soomaali. Soo dir su´aashaada aad qabto adoo soomaali ama Norwiiji midkood kusoo qoraya.

Halkan kala soco weydiimaha oo toos ah, marka la gaaro maalinta sabtida ah(17-10-2020), saacada 19:00-20:00.

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments