fredag, april 26, 2024

UDI oo rabta in sababtan darteed Norway looga tarxiilo hooyo soomaali ah.

Hey´adda qoxootiga iyo agaasinka arrimaha soo galootiga Norway(UDI), ayaa magangalyadii qoxootinimo dib ugula noqotay, rabtana in wadanka laga tarxiilo haweenay soomaali ah oo sanadkii hore ay maxkamad u xukuntay danbi la xiriira kamid noqoshada urur argagaxiso.

UDI-da ayaa go´aankeeda ku sheegtay in haweeneydan oo 33 sano jir ah ay halis ku tahay amniga qaranka Norway, iyaga oo codsaday in la tarxiilo, lagana mamnuuco soo galootiga Norway guud ahaan, kadib marka ay dhameysato mudada xukunka xabsiga.

Hey´adda sirdoonka Norway ayaa gabadhan sanadkii hore kusoo eedeysay inay rabtay inay ka dhoofto Norway, ayna ku biirto ururka Daacish, iyada oo halkaas uu uga sii horeeyay nin katirsan ururkaas oo ay khadka ka wada sheegeysan jireen, ayna guur ku balameen marka ay tagto gudaha dalka Siiriya.

Sanadkii 2013 ayay Norway timid:

Sida uu qoray NRK haweeneydan ayaa Norway timid sanadkii 2013, waxeyna markaas sheegatay inay ka cabsi qabtay in dhagax lagu dilo. Waxaana la siiyay magangalyo kumeel gaar ah, iyada oo la dajiyay deegaanka Nordfjord ee gobolka Sogn og Fjordane.

Sanadkii 2017, 4 sano kadib markii ay Norway soo gashay ayaa laga soo qabtay dalka Talyaaniga, waxeyna hey´addaha sirdoonka dalalka Talyaaniga iyo Norway ay sheegeen inay kusii socotay dalka Siiriya, waxaana lagu qabtay baasaboor faaliso ah iyo lacag 50.000 kr.

Hey´adda sirdoonka Norway ayaa gabadhan ku eedeeyay inay rabtay inay ku biirto ururka Daacish ee Siiriya ka dagaalamayay xiligaas, ayna rabtay inay la midowdo nin soomaali-Norwiiji ah oo ururkaas katirsan, kaas oo ay khadka ku wada sheekeysan jireen, ayna ku balameen guur iyo ka wada qeybqaadasho howsha jihaadka.

Waxeyna hey´addaha sirdoonka maxkamada keeneen cadeymo laga sameeyay wadahadal khadka telefoonka ku dhexmaray gabadha la xukumay iyo ninka ay la sheekeysan jirtay. Iyo cadeymo kale oo ay ka sameeyeen qorshaheeda bixitaanka.

Haweeneyda ayaa dhankeeda sheegtay inay u socotay dalka Soomaaliya, si ay usoo booqato wiilkeeda oo markaas xanuunsanaa.

UDI: Dalkeedii wey ku noqon kartaa.

Hey´adda qoxootiga ayaa sanadkii hore sheegtay inay magangalyadii qoxootinimo ka ceshatay haweeneydan la xukumay, waxeyna sheegeen inay dalkeedii ku noqoto. Haweeneyda ayaa sida uu NRK qoray markii hore ogolaaatay inay dalkeedii si iskeed ah ugu noqoto, balse hadana is badashay gadaal danbe. Waxeyna racfaan ka qaadatay go´aankii UDI-da.

Hey´adda sirdoonka Norway ee PST ayaa warbixin ay ka diyaarisay haweeneydan ku sheegay inay halis ku tahay amniga qaranka Norway. Waxaana arrintaas ku waafaqsan UDI-da oo go´aamiyay in dalka laga tarxiilo, loona diido inay abud mar kale soo gasho.

Qareenka gabadhan soomaalida ah, ayaa sheegay in haweeneydan aan lagu celin karin dalkeedii, maadaama ay la kulmi karto halis. Isaga oo sheegay inuu jawaab ka sugayo racfaankii ay ka qaateen go´aankii UDI-da.

Xigasho/kildE: Terrordømt kvinne ferdig sonet: Nå vil UDI utvise henne fra Norge.

Hoos ka akhri warbixinadii aan horey uga qornay kiiska haweeneydan.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x