Magaalada Stavanger waxaa maxkamad lagu soo taagi doonaa haweenay 44 sano jir ah oo ku eedeysan in iyada oo adeegsaneyso mindi ay isku deyday dilka dhakhtarkeeda gaarka ah. Falkan ayaa dhacay bishii October ee sanadkii 2019.
Sida uu qoray wargeyska Aftenbladet, Dhakhtarka ayaa dilka ka badbaaday kadib markii uu ka ganbaday mindida oo qoortiisa ku aadaneyd, kadibna isaga dhigay gacantiisa. Wuxuuna dhaawac kasoo gaaray gacanta.
Wargeyska ayaa qoray in baaritaan lagu sameeyay caafimaadka maskaxeed ee haweeneydan, xiliga ay falkan geysaneysay, ay ku ogaadeen in maskaxdeedu aysan xiligaas aheyn mid dhameystiran oo joogto. Sidaas darteed aan ciqaab xabsi ah loogu xukumi karin danbiga ay geysatay. Waxeyna u badantahay in lagu xukumo daaweyn qasab ah ama in la dhigo goobaha lagu hayo dadka danbiyada geysta ee maskax ahaan uusan caafimaadkoodu buuxin.