Solberg: Isbuuca danbe awaamiir cusub ayaan soo rogi doonaa.

0
214
Foto: Skjermdump/Regjeringen.no

Reysulwasaaraha dalkan Norway, Erna Solberg oo maanta shir jaraa´id qabatay ayaa sheegtay in dowladu ay wel-wel aad u badan ka qabto tirada sii kordheyso ee dadka xanuunka Corona virus laga helayo, Norway gudaheeda. Waxeyna sheegtay in dowladu ay isbuuca soo socdo soo rogi doonto talaabooyin iyo awaamiir cusub oo looga hortagato faafitaanka xanuunka.

Reysulwasaaraha ayaa sheegtay in hey´addaha caafimaadka laga sugayo inay keenaan talooyin la xiriira awaamiirta saxda ah ee ku haboon in xiligan lasoo rogo, gaar ahaan gobolada iyo deegaamada uu xanuunku ku badanyahay.

Waxeyna dadweynaha ugu baaqday inay la socdaan xaaladaha soo kordha iyo amarada cusub ee dowlada, ayna sameeyaan taxadar looga hortagayo faafitaanka xanuunka.

Xigasho/kilde: Bekymret Solberg varsler nye nasjonale coronainnstramminger.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments