Qof lagu gawracay weerar lagu dilay dalka Faransiiska.

0
137
Foto: Rueters

Saddex qof ayaa ku dhintay weerar toorrey loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Nice, ee dalka Faransiiska.

Duqa magaalada Nice Christian Estrosi ayaa sheegay in hal qof loo xiray weerarkan oo goor dhow dhacay.

Wasiirka arrimaha gudaha dalkaas Gérald Darmanin ayaa ka codsaday dadka inay ka fogaadaan goobta oo ku taalla bartamaha magaalada Riviera ee dalkaasi Faransiiska.

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Faransiiska, haweeney iyo nin ayaa ku dhintay weerarka, qof looga shakiyay inuu weerarka fuliyay ayaana la xiray 10 daqiiqo kaddib.

Booliiska ayaa sheegay in mid ka mid ah haweenka ku dhintay la gowracay.

Duqa magaalada Nice ayaa weriyeyaasha u sheegay in eedeysanaha «uu ku celcelinayay» ‘Allahu Akbar’.

Daqiiqad aamusnaan ah ayay galeen dadkii ku sugnaa shirka barlamaanka dalkaas, oo uu Ra`iisul Wasaaraha Faransiiska Jean Castex uu ka jeedinayay khudbad.

Nice waxay xuddun u ahayd mid ka mid ah weerarradii ugu ba`naa ee sanadihii la soo dhaafay ka dhacay Faransiiska, iyadoo 14-kii July sanadkii 2016 nin 31 sano jir ah oo u dhashay dalka Tunisia uu gaari xamuul ah dardarsiiyay dad ku sugnaa goob ay xaflad ka dhacaysay, taas oo ay ku dhinteen 86 qof.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments