Waxaan kusoo noqonay Norway

0
81

Shirkada tagaasida online-ka ah ee UBER ayaa sheegtay in wixii ka bilowdo isniinta isbuuca danbe, ay kusoo noqon dalkan Norway, ayna tagaasidooda si caadi ah Oslo uga shaqo bilaabi doonaan, laga bilaabo maalinta isniinta ah.

Soo noqoshada shirkada tagaasida ee UBER ayaa kusoo aadameyso xili baarlamaanka Norway ay sanadkan dhexdiisa ansixiyeen sharciga cusub ee gaadiidka dadweynaha, kaas oo meesha ka saarayo awoodii maamulada gobolada iyo degmooyinku ay ku xadidi jireen tirada tagaasida magaalada ka shaqeyso. Waxeyna ka dhigeen suuq u furan tartan, oo shirkadaha yar-yar ama kuwa ku shaqeeyo qaabka online-ka ah ay ka qeyyqaadan karaan.

Sidoo kale waxaa hoos loo dhimay shuruudihii adkaa ee lagu xiri jiray qofka raba inuu noqdo tagsi-wade. Waxaana meesha laga saaray imtixaanadii adkaa ee laga qaadi jiray qofka raba inuu Taksi wado.

Shirkada UBER ayaa sheegtay inay ku faraxsanyihiin inay dib ugu soo noqdaan suuqa tagaasida Norway, kadib markii ay horey alaabtooda uga gurteen, sharciga oo adkaa dartiis.

Xigasho/kilde: Nå kommer Uber tilbake for fullt til Oslo.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments