Norway: Sadexdan sababood ayaa inta badan keena furiinka.

0
108
Foto: Lovepanky

Sanadkii lasoo dhaafay waxaa gudaha dalkan Norway isku guursaday 20.000 oo lamaane, waxaana isla sanadkaasba is furay 9600 lamaane. Taas oo ka dhigan in ku dhawaad 50% dadka isguursada, uu guurkooda furiin kusoo dhamaado.

Cilmibaaris iyo daraasad lagu sameeyay sababaha keena furiinka Norway, ayaa lagu sheegay in sadexdan sababood ay yihiin kuwa ugu badan ee keena kalataga labada qof ee lamaahana ah: Kala mashquulitaan(Baraha bulshada), xiiso cusbooneysiin la´aan, iyo dhibaatooyinka oo la qarsado intii si furan looga hadli lahaa, si loo xaliyo.

1: Ka mashquulis ama waqti siin la´aan: Ayaa dadka xog uruurinta sameeyay ku sheegeen inay tahay sababta ugu weyn ee kala fogeysa labada qof ee wada joogto ama lamaanaha ah, oo iyaga oo xitaa mararka qaarkood isku guri kunool, aan hadana isa siin waqti ay ku wadaagaan nolosha dhacdooyinka kale ee la xiriira. Ku mashquulista baraha bulshada iyo mobilada gacanta, intii waqtiga la wadaagi lahaa, ayaa ah sabab ugu weyn ee keenta kala taga labada qof ee lamaanaha ah.

2: Xiiso-cusbooneysiin la´aan: Warbixintan ayaa lagu sheegay in marka labada qof ay isku cusubyihiin, ay aad waqti u galiyaan ogaanshaha nolosha qofka kale, waxyaabaha uu qofka kale xiiseeyo, ayna su´aalo badan ka weydiiyaan xogta noloshiisa, qoyskiisa iyo arrimaha noloshiisa kale. Balse marka ay mudo wada joogaan kadib, uu xiisahaas hore dhamaado, aysana lamaahana qaarkood ku guuleysan cusbooneysiinta xiisaha dhexdooda ah, taas oo aakhirka keenta inay iswaayaan ama qalbi ahaan kala fogaadaan. Tusaale ahaan, waxaa lagu sheegay in bilowga isbarashada labada qof iyo guurka ay labada qof sameeyaan waxyaabo xiiso galiya labadoodaba, balse marka danbe oo ay cabaar wada joogaan kadib, ay noloshu noqoto mid outomatic ah( Nolol makaanik ah, dareen-xiiso la´aan ah).

3: Dhibaatada oo la qarsado ama aan la hadlin: Sababta sadexaad ee xog uruurinta la sameeyay lagu sheegay inay keento furiinka, ayaa la sheegay inay tahay in dhibaatada dhexmarta labada qof aan laga hadlin ama la yareysto. Dhibaatooyinka yar-yar ee aan laga hadlin, ayaa aakhirka marka ay is uruursadaan noqdo dhibaato weyn oo dhaawac lagama soo noqdaan ah gaarsiisa xiriirka lamaane ee labada qof, taas oo aakhirka sababta furiin. Dhibaato uu labada qof midkood u arko wax weyn, halka kan kalena uusan u arkin wax weyn, iyo inaan laga hadlin ama si wadajir ah loo xalin ayaa kamid ah waxyaabaha keena kala taga labada qof.

Halkan kasii akhri: Tre tabber som kan ødelegge parforholdet

Halkan ka akhri tirokoobka ssb.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments