Iido: Waxaa soomaalinimo darteed la iigu cunsuriyeeyay wareysi shaqo farmashiye.

0
272

Iido Adan: Waxaan goobta u tagay in la iga qaado wareysi shaqo, balse waxaan kasoo baxay aniga oo ilmo ay iga socoto, kadib markii ninkii wareysiga shaqada iga qaadayay uu bilaabay inuu ereyo cunsurinimo ah ka sheego soomaalida, kuna tilmaamo dad aan shaqeysan iyo dad aan shaqada daacad(seriøs) u aheyn.


Iido Aadan waa gabar dhalinyaro soomaali ah oo baratay maadada farmashiistaha, waxeyna labadii sano ee ugu danbeysay ku shaqeyneysay xirfada ay baratay, kahor inta aysan shaqadii hore ka dhamaan bilo kahor. Waxeyna shaqooyin kale oo la xiriira aqoonteeda, ka codsaday xarumaha farmashiyaasha magaalada Oslo oo ay degantahay.

Mid kamid ah shaqooyinkii ay codsatay oo ahaa farmashiyaha Vitusapotek ee xaafada Stovner ee Oslo ayaa loogu yeeray wareysi shaqo, waxeyna sheegtay inay wareysigaas kula kulantay cunsurinimo toos ah oo ka dhan jinsiyadeeda soomaalinimada, kadib markii qofkii wareysiga ka qaadayay uu bilaabay inuu si cunsurinimo ah uga hadlo soomaalida.

Iido Aadan oo la hadashay warbaahinta NorSom News ayaa sheegtay in markii uu gabo-gabo marayo wareysigii ay u timid goobta shaqada, uu ninkii wareysiga ka qaadayay oo laftirkiisu ajaaniib indho-yar ah(Asian) weydiiyay dalka ay kasoo jeedo asal ahaan, ayna ugu jawaabtay Soomaaliya. Kadib ayuu intii gadaal u baxay bilaabay inuu ka hadlo soomaalida, uuna sheego waxyaabo aana qeyb ka aheyn wareysiga shaqada.

Wuu igu yiri, soomaalidu waxey caan ku yihiin inay yihiin dad ku liito shaqada, aana si dhab ah uga soo bixin waajibaadka shaqo ee looga diro goobaha ay ka shaqeeyaan. Intaas kuma ekaan, ee wuxuu soo qaaday Computer, si uu ii tuso tirokoobyo kala duwan oo laga sameeyay, kuwaas oo dhamaantood sheegaya waxyaabo negativ ah oo ku dheeraaday ka hadalkooda.

Iido oo NorSom News la hadashay ayaa sheegtay: Kadib markii uu intaas marinayo, ayaan istaajiyay, weydiiyayna waxa meesha keenay inuu soomaalida ka hadlo, iyo meesha ay kasoo galeyso wareysiga shaqada. Kadibna waxaan ku amray inuusan hadal danbe sheegin, waxaana uga soo baxay goobtii shaqada aniga oo xanaaq dartiis ay ilmo iga socoto. Waxaana arintii la qeybsaday saaxiibadeyda baraha bulshada oo gaarsiiyay meelo badan.

VitusApotek oo raaligalin bixiyay:

Dhacdada qabsatay ayaa aad loogu faafiyay baraha bulshada, waxeyna keentay falcelin aad u xoog badan oo ay ka sameeyeen hey´addaha iyo ururada la dagaalanka faquuqa iyo cunsurinimada. Waxaana sharaxaad laga dalbabaday shirkada VitusApotek.

Shirkada Vitusapotek ayaa raaligalin ka bixisay dhacdadan, waxeyna sheegeen inuu ahaa qalad aan loo qiildayi karin. Iyaga oo sheegay in ninka wareysiga qaadayay uu jabiyay shuruucda qabanayo qofka shaqo-bixiyaha ah iyo shuruucda guud ee shaqada. Waxeyna sheegeen in ninkii qaladka sameeyay uu raaligalin toos ah siiyay Iido, isaga oo ka codsaday inay qaladkaas ka saamaxdo.

Iido ayaa NorSom News u sheegtay in markii danbe uu hadana usoo bandhigay inuu siiyo shaqo, balse ay ka diiday shaqada, waxeyna sheegtay inay niyad iyo kalsooni ku qabin inay la shaqeyso qof aaminsan fikiro qaldan oo noocaas ah.

Shirkada Guud ee Vitusapotek ayaa iyagana raaligalin ka bixiyay qaladka lagu sameeyay Iido, waxeyna sheegeen inay ku sameyn doonaan dabagal iyo baaritaan.

Xigasho/kilde: Halkan ka akhri raali-galinta Vitusapotek: Vitusapotek beklager rasisme .

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments