Bergen: Sawiradii nabiga lagu aflagaadeeyay oo masaajid lagu dhajiyay

0
93

Sida uu qoray wargeyska Bergens Tidende, Habeenkii xalay waxaa dariishadaha(daaqadaha) masaajidka magaalada Bergen lagu dhajiyay sawiradii aflagaadada ahaa ee wargeyska Charlie Hebdo uu ka sameeyay nabi Muxamed NNKH.

Gudoomiyaha gudiga maamulka masaajidka, Badreddine Maizi ayaa sheegay in saaka oo jimce ah aroortii hore ay arkeen sawirada oo lagu dhajiyay daaqadaha masaajidka, kadibna ay arintaas ku wargaliyeen booliska oo sawirada ka fujiyay, kadib markii ay ku goobta ka sameeyeen cadeymo uruurin iyo baaritaan.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in falkan uu yahay caro-galin iyo daan-daansi la rabo in lagu sameeyo bulshada muslimiinta ah ee Bergen kunool, isaga oo sheegay inay rabaan in lagu daan-daansado aflagaadeynta nabigooda. Wuxuuna raaciyay in arintan ay xiriir la leedahay waxyaabaha ka dhacaya dalka Faransiiska, wuxuuna ugu baaqay bulshada muslimiinta ah inaysan ka sameyn wax falcelin ah ama cunfi ah.

Xigasho/kilde: Muhammed-karikaturer hengt opp på Bergen moské.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments