Sida uu qoray wargeyska Bergens Tidende ee magaalada Bergen, Aabe sodomeeyo jir ah ayaa xabsiga la dhigay, kadib markii lagu eedeeyay in dhaawac aan u kas aheyn(kutala-gal aheyn) uu gaarsiiyay ilmo yar oo uu dhalay. Dhaawaca ilmaha gaaray ayaa ah mid halis ah, waxaana la dhigay isbitaalka Bergen.

Booliska ayaa sheegay in aabahan uu dareere wax guba ama aashito leh uu ku daadiyay ilmaha yar, kaas oo dhaawac halis ah ka gaarsiiyay qoorta iyo agagaarkeeda. Waxeyna boolisku aabaha ku eedeynayaan in dhaawac aan u kas aheyn oo halis ah uu gaarsiiyay ilmihiisa yar, waxaana xabsiga si kumeel gaar ah(rumaan ah) loo dhigay 14 maalmood, kahor inta lasoo baarayo danbiga.

Booliska ayaa diidan inay faah-faahin dheeri ah ka bixiyaan dhacdadan, waxeyna sheegeen inuu socdo baaritaan arintan la xiriira.

Xigasho/kilde: Mann fengslet etter «betydelig skade» på lite barn.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments