Dowlada: Hadii aad shaqada ka tagto, waa inaad, 4,5 «dagpenger» xaq uma lihid.

0
80

Xukuumada ay hogaamiso Erna Solberg ayaa qorshaha miisaaniyada sanadkan 2021 kusoo jeedisay in qofka si iskiis ah uga tago shaqada, uusan xaq u yeelan «dagpenger» mudo afar bilood iyo bar ah.

«Dagpenger» ayaa ah lacagta la siiyo qofka ay ka dhamaato shaqada ama arrimo kale darteed ay shaqadiisii uga istaagto. Hadiise aad adigu si iskaa ah uga tagto shaqadaada mushaariga ah, waa inaad sugtaa mudo 3 bilood ah, kahor inta aadan codsan lacagta «dagpenger».

Dowlada ayaa hada rabto in sadexdaas bilood oo hore lagu daro bil iyo bar, taas oo ka dhigan inaad sugto 4 bilood iyo bar, kahor inta aadan codsan lacagta «dagpenger»-ta.

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Henrik Asheim ayaa sheegay in ujeedada dowlada ee arrintan ay tahay in dadka aan lagu dhiirigalin inay si iskood ah si fudud uga tagaan booskooda shaqada. Sidoo looga hortago in qofku uu in mudo ah ka maqnaado suuqa shaqada.

Xigasho/kilde: Regjeringen foreslår å utvide ventetid for ledighetstrygd med halvannen måned.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments