mandag, november 25, 2024
Home Blog Page 6

Dowlada Sweden: 62.000 oo gaangis ah ayaa faro kulul ku heyso bulshada Sweden.

0

Warbixin ay soo saareen booliska dalka Sweden ayaa lagu sheegay inay dalkaas ka jiraan qiyaastii 14.000 qof oo xubno ka ah kooxaha danbiileyda ah ee gaangiska ah, waxaana sii raaca qiyaastii 48.000 qof oo kusii xiran xubnahan. Taas oo tirada dadka gaangiska ah iyo kuwa xiriirka la leh ee kunool gudaha Sweden ka dhigeysa 62.000.

Dadka xiriirka la leh kooxahan ayaa usii qeybsama dhowr nooc oo kala duwan, waxaana kamid ah kuwa u qariya ama u keydiya daroogada iyo hubka ay ku howlganaa kooxahan, kuwa u dhaqa lacagaha qaabka sharci darada ah kusoo gala, kuwo u fududeeya inay helaan xogaha kala duwan ee hey addaha dowlada iyo dad kale oo siyaabo kala duwan ugu xiran kooxaha gaangiska ah oo dalkaas ka geysta danbiyo isugu jiro kuwo yaryar iyo kuwo waaweyn.

Wasiirka cadaaladda dalka Sweden Gunnar Strömmar  ayaa sheegay in kooxahan gaangiska ah ay faro kulul ku haayaan bulshada iyo nidaamka Sweden, wuxuuna sheegay inay dhax-galeen oo ay saameyn ku yeesheen dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada Sweden. Waxa uu tusaale usoo qaatay inay tusaale ahaan u hanjabaan dadka marqaatiga ku fura xubnaha kooxahan, ayna ku qasbaan inay aamusaan. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in kooxahan ay cago-jugleyn ku hayaan dadka ka shaqeeya xafiisyada dowlada, ayna sidoo kale saameyn ku yeesheen nidaamyada xisbiyada dalkaas.

Qiyaastii 5400 oo kamid ah kooxaha dambiileyda ah, ayaa warbixintan lagu sheegay inay da´ahaan ka yaryihiin 18 sano. Waxeyna warbixintu sidoo kale qortay in 95% dadka danbiyada ku leg ay u badanyihiin rag.

Dalka Sweden waxaa sanadadii ugu danbeeyay hareeyay dilal isdabo joog ah oo ay isku geystaan ama ay ka danbeeyay kooxahan, waxaana weheliyo qaraxyo waaweyn oo gilgilay magaalooyinka Sweden. Dhacdooyinkan ayaa intooda badan lala xiriirinayaa kooxaha gaangiska ah ee ka howlgala gudaha Sweden.

Hadia: Waalidka Soomaaliyeed ee ilmahooda dibadda uga soo tago, hala ganaaxo.

0

Hadija Tajik oo ah xildhibaan katirsan baarlamaanka Norway, lagana soo doorto gobolka Rogaland, horeyna u aheyd wasiirka shaqada, ayaa soo jeedisay in la ganaaxo waalidka Soomaaliyeed ee ilmahooda u gaxeeyo dalalka dibadda ah, kadibna halkaas uga soo tago, kuna xareeyo goobaha dhaqan-celinta ee kuyaal dalalka geeska Afrika.

Hadalka Hadia Tajik ayaa ah falcelinta warbixino dhowr ah oo uu diyaariyay TV-ga qarankan Norway ee NRK, kuwaas oo ku saabsan kiisaska caruur Soomaali ah oo la geeyay dalalka geeska Afrika, kadibna halkaas looga soo tagay iyada oo uusan la joogin waalidkii dhalay. Dhalinyarada lagu wareystay warbixinada NRK ayaa sheegay inay la kulmeen ciqaab iyo cadaadis maskaxeed, iyo waxyeelooyin jirdil ah oo qaarkood ku reebtay nabaro muuqdo. halkan ka akhri

NRK ayaa sidoo kale wareystay Safaaradda Norway ee dalka Kenya, taas oo sheegtay in sanad walba ay qabtaan kiisaska tobanaan dhalinyaro soomaali ah oo looga soo tagay dalalka geeska Afrika, kuwaas oo caawin soo weydiista safaaradda, codsadana in laga caawiyo sidii ay dalka Norway dib loogu celin lahaa. Safaaradda ayaa sidoo kale xaqiijisay in dhalinyarada lasoo xiriirta ama caawinta weydiista safaaradda, ay qaarkood la kulmeen ciqaab jirdil ah ama mid maskaxeed.

Sanadkii lasoo dhaafay ee 2023 safaaradda Norway ee Kenya ayaa sheegtay inay diiwaangaliyeen kiisaska 99 dhalinyaro soomaali ah oo looga soo tagay dalka dibadiisa, halka sanadkii kasii horeeyay ee 2022 ay tiradu kor u dhaafeysay 80 kiis.

Hadia: Arrintan waa dhibaato weyn oo aan laga aamusi karin.

Hadia oo ka hadashay warbixinadda NRK, ayaa sheegtay in warbixinadan ay yihiin kuwa dareen ah xoogan oo laga xumaado leh, aana la dhayalsan karin, ama laga aamusi karin. Waxa ayna sheegtay in arrintan ay tusaale u tahay in lagu guuldareystay qeybo kamid ah isdhexgalka bulshada Norway. Iyada oo ka deyrisay saameynta maskaxeed iyo mida bulsho ee arrintan ay ku reebi karto qofka la kulmo

Xildhibaanadan oo ah masuulka siyaasi ee ugu horeeyay ee arrintan ka hadla, kadib warbixinadda cusub ee NRK, ayaa sheegtay inay muhiim tahay in dowladu ay fal-celin ka sameyso arrintan, lana ganaaxo waalidka ilmahooda ka saara iskuuladda waxbarashada Norway, kadibna uga soo tago dalalka dibadda ah:

Sidaas darteed ayaan rabnaa inaan wax ka badal uga sameyno sharciga, si waalidiinta qaab kula talagal ah uga horistaaga ilmahooda ka qeybqaadashada waxbarashada aas-aasiga ah ee waajibka ah ee Norway, lana ciqaabo dhaqaale ahaan, sida in si maalinle ah loo ganaaxo ama laga jaro lacagta lagu taageera qoysaska ilmaha heysta, mudadda uu ilmuhu iskuulka uga maqanyahay sabab aan la cadeynin, ayay Tajik u sheegtay NRK.

Ilaaliyaha xuquuqda caruurta: Arrintan waxey lid ku tahay xuquuqda caruurta

Ilaaliyaha dowlada u qaabilsan ilaalinta xuquuqda caruurta(Barneombudet) ayaa sidoo kale arrintan ku tilmaamay inay tahay xaq gudub lagu sameynayo xuquuqda ilmaha la kulmayo arrintan.

Ivar Stokkereit oo katirsan xafiiska ilaalinta xuquuqda caruurta ayaa sheegay inay muhiim in xiriir iyo kalsooni dhis lala sameeyo waalidiinta, si arrintan xili hore looga hortago kahor inta aysan dhicin.

Waxaa lagama maarmaan nagu ah inaan wadahadal iyo xiriir la sameyno waalidiinta ay arrintan khuseyso, si aan u abuurno kalsooni. Waana inaan waalidiinta u sheegnaa halista iyo dhaawaca ay ilmuhu la kulmaan marka looga soo tago dalka dibadiisa, iyaga oo kaligood ah, ayuu sheegay Ivar oo NRK la hadlay.

Xigasho/kilde: Hadia Tajik: Dagbøter til foreldre som sender barn på koranskole

Xigasho/Kilde 1: Barneombudet: Åpenbart brudd på barns rettigheter

Norway oo fursad waxbarasho u fidineyso ardeyda kasoo jeedo dalal ay Soomaaliya ku jirto.

0

Dowlada Norway ayaa fureyso fursad waxbarasho oo shahaadadda labaad ee jaamacadda ah (Master ah), taas oo ay ka faa´iideysan karaan ardeyda kasoo jeedo dalal ku yaala Afrika, Aasiya iyo Laatiin Amerika. Waxaana liiska dalalka loo furay fursaddan waxbarasho kamid ah dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

War kasoo baxay hey adda tacliinta sarre ee Norway ayaa lagu sheegay in deeqdan waxbarasho oo la furi doono sanad-dugsiyeedka soo socdo ee 2024-2025 ay ka faa´iideysan karaan 100 ardey oo soo codsan karo waxbarasho master ah oo soconeyso labo(2) sano, kuna baxeyso luuqada Ingiriiska.

Sidoo kale sanad dugsiyeedka xiga ee 2025-2026 ayaa waxaa iyada soo codsan karo 100 ardey oo cusub, taas oo ardeyda ka faa´iideysan karta fursadan waxbarasho ka dhigeysa 200 ardey.

Ujeedadda deeqdan waxbarasho oo ay fidineyso Norway, ayna maamuleyso wasaaradda arrimaha dibadda Norway, ayaa in aqoon ahaan la dhiso heerka aqooneed iyo awooda dhaqaale iyo horuramineed ee dalalka soo korayo ee Norway ay xiriirka saaxiibtinimo ee fiican ay la leedahay.

Shuruudaha ku xiran deeqdan waxbarasho ayaa waxaa kamid ah:

  • In ardeygu uu kasoo jeedo dalalka ay dowladu dooratay( Waxaa kamid ah Soomaaliya iyo Kenya)
  • In ardeygu uu da ahaan jiraa 20 ilaa 30 san0.
  • In ardeygu uu codsado waxbarasho master ah oo soconeyso mudo 2 sano, taas oo ku baxeyso luuqadda Ingiriiska.
  • Kuliyaddaha deeqdan waxbarasho lagu bixinayo ee soo codsan karaan ardeydu ayaa ah kuwa xaddiddan, waxaana shardi ah in masterka uu ardeygu uu soo codsanado uu ahaado mid la xiriira: Waxbarasho, caafimaad, isbadalka cimiladda iyo ka faa iideysiga kheyraadka, bini-aadantinimadda iyo arrimaha bulshada iyo maamulka dhaqaalaha iyo siyaasadda.
  • In ardeygu marka uu waxbarashada labadda(2) sano ah dhameysto uu ku noqdo dalkiisii hooyo.

Wixii macluumaad dheeri ah ee arrintan kasoo kordha, dib ayaan kasoo gudbin doonaa.

Xigasho: Slik blir nytt stipend for internasjonale studenter

 

Dowlada oo joojisay imtixaanka laga qaado tagaasileyda cusub.

0

Qofka raba inuu noqdo tagsiile ama helo leysinka tagsiilenimo, ayaa waxa hada waajib ku ah inuu maro imtixaan qoraal ahaan ah(teori) iyo mid praktikal ah( gacanta ah). Dowlada ayaa sida ay maanta kusoo saartay war qoraal ah, sheegtay inay meesha ka saareyso imtixaanka qeybta Praktikalka ah ee tagaasileyda cusub ay maraan.

Ujeedadda arrintan laga leeyahay ayaa lagu sheegay in dowladu ay rabto in la helo dad tagaasiley ah oo ka shaqeeya goboladda iyo degmooyinka yar-yar ee Norway, halkaas oo ay ka jiraan baahi xoogan oo loo qabo dad tagaasida ka shaqeeyo.

Jon-Ivar Nygård oo ah wasiirka gaadiidka iyo jidadka ayaa sheegay: Waxaan aragnaa in goboladu ay dhibaato ku qabaan helitaan tagaasi ku filan, waxa ay dowladu rabtaa inay qeyb ka qaadato sidii loo helo karaa tagaasiley ku filan baahida suuqa ee gobolada. Inkasta oo ay jiri karaan arrimo kale oo qeyb ah arrintan, hadana waxaanan inkiri karin in imtixaanku uu qeyb ka yahay sababta keentay yaraanta tagaasileyda ee goboladda. Sidaas darteed waxaan joojinay imtixaankii praktikalka ahaa ee tagaasileyda.

Wasiirka ayaa sidoo kale raaciyay, in inkasta oo la joojiyay imtixaanka praktikalka ah, hadana ay dowladu xoogu saareyso imtixaanka qoraalka ah, si loo xaqiijiyo aqoonta maadiga ah ee qofka qaadanayo leysinka tagsi wadista.

Dowlada ayaa sanadkii ugu danbeeyay soo saareysay shuruudo xoogan oo lagu adkeynayo aqoonta dadka ka shaqeeyo suuqa tagaasida Norway oo cabasho xoogan laga muujiyay, tan iyo markii la fududeeyay shuruudaha lagu noqon karo tagsiilaha. Waxeyna bishii Juni ee sanadkii hore soo saartay shardi cusub oo lagu xaqiijinayo aqoonta maadiyeed ee qofka tagsiilaha ah.

Xigasho/kilde: Slutt på praktisk prøve for å bli drosjesjåfør

Norway oo mamnuucday nidaamkii «Jaariyaddaha» dibadda ka imaan jiray.

0

Dowlada Norway ayaa jimcihii lasoo dhaafay ku dhawaaqday in wixii ka bilowdo bisha soo socoto ee Maarso sanadkan 2024 la joojiyay nidaamkii jaariyaddaha dibadda ka imaan jiray ee afka Norwiijiga lagu yiraahdo Au-pair.

Dowlada oo horey u balanqaaday in arrintan ay sharci kasoo saari doonto ayaa ugu danbeyn joojisay nidaamka dibadda looga keensan jiray jaariyaddaha. Waxeyna arrintan soo afjareysaa dood siyaasadeed oo in badan arrintan lagu lafo-gurayay.

Waa maxay Au Pair:

Au-Pair oo ereyga Af soomaali ahaan ugu dhow uu noqonayo jaariyad ama booyaaso, waa nidaam sharciyeed oo soo socday tan iyo sanadii 1960-maadkii, kaas oo qoysaska Norway kunool u ogolaan jiray inay dibadda ka keensadaan qof ay martigaliyaan, kaas oo ka caawiya howsha guriga, sida caruur heynta, cunto karinta iyo guri dhaqista. Taas badalkeedana ay qoyskaas qofkaas siiyaan meel uu seexdo iyo cunto, iyo lacag guno ah oo qoysku ay qofkaas gurigooda ka shaqeeya ay u gartaan.Sidoo kale ay ka caawiyaan barashada iyo fahanka dhaqanka Norway.

Si qoyskaas ay qofkaas u keenaan Norway, waxa ay u dalbi jireen Viso, iyaga oo usoo qaadi jiray ogolaansho sharci ah oo qofkaas uu Norway mudo cayiman ku joogo.

Nidaamkan oo oo sanadihii ugu danbeeyay ay ka taagneyd dood xoogan oo ku saabsan in nidaamka au-pair uu qoysaska ladan dhaqaale ahaan uu u sahlayo inay helaan xoog jaban oo shaqaale ah oo guryaha uga shaqeeya. Waxaana taas dheer inay soo bateen cabashada ka imaaneyso jaariyaddaha ku sugan Norway oo ka cabanaya in si aan wanaagsaneyn loola dhaqmay.

Dowlada ayaa hada sheegtay in laga bilaabo 15-ka bisha Maarso ee sanadkan, aysan jiri doonin jaariyad danbe oo dibadda laga keensado, uuna halkaas ku istaagay nidaamkan mudadda soo socday.

Xigasho/kilde: Au pair-ordningen fjernes med umiddelbar virkning

NAV: 625 qof ayaan 2023 ka gudbinay dacwad la xiriirto khiyaano-dhaqaale.

0

Tirokoob kasoo baxay xafiiska shaqada iyo caawinta dadweynaha ee NAV ayaa lagu sheegay in sanadkii tagay ee 2023, uu xafiiskaas dacwad ka gudbiyay 625 qof, kuwaas oo ku eedeysan inay khiyaano dhaqaale ku sameeyeen taakulada dadweynaha ee dowliga ah, ayna heleen lacago aysan xaq u laheyn. Lacagtan ay dadka isku dar la sheegay inay dowlada ka khiyaameen ayaa gaareyso 131 milyan kr.

Kiisaska ugu badan ee NAV ay gudbisay ayaa la xiriira, dad shaqeeya oo dakhli uu soo galo, hadana dhanka kalena lacago ka qaato NAV, iyaga oo soo gudbin macluumaadka la xiriira dhaqaalaha kasoo galo shaqada. 553 qof oo dadka dacwada ay NAV ka gudbisay ah ayaa la xiriira kiisaska dhaqaalaha uu dowlada ka qaatay qof shaqeynayay.

Kiiska ugu xoogan ee kiisaska la gudbiyay sanadkii 2023 ayaa la xiriira qof dowlada ka khiyaanay 1,6 milyan oo lacagta Norway ah.

Xafiiska NAV ayaa sanadihii ugu danbeeyay xoojiyay dabagalka khiyaanooyinka dhaqaale ee la xiriira dadka looga shakisanyahay inay lacago aysan xaq u laheyn dowlada ka helaan.

Xigasho/kilde: Jobber og mottar Nav-penger de ikke har krav på

Drammen: qoxootiga Ukraine oo kali ah ayaa degmadeena soo degi karo.

0

Go aan kasoo baxay golaha deegaanka degmadda Drammen, ayaa lagu sheegay in degmadaas ay dib u dajin u sameyn doonto oo kali ah qoxootiga u dhashay dalka Ukraine, aysana degmadaas dib u dajin u sameyn doonin qoxootiyada kasoo jeedo dalalka iyo diimaha kale.

Arrintan ayaa abuurtay hadalheyn iyo dhaleeceyn xoogan, waxaana go aanka degmadaas aad u dhaleeceeyay dowlada dhexe oo uu ugu horeeyo reysulwasaare Jonas Gahr Støre oo go aanka degmadda Drammen ku tilmaamay mid sharci daro ah.

Degmadda Drammen ayaa ah degmadda 7.aad ee ugu weyn dalkan Norway. Waxaana magaalada kunool kumanaan soo galooti ah oo kasoo jeedo dalal kala duwan oo caalamka ah. Balse maamulka degmadaas waxaa ku xoogan xisbiyada garabka midig oo uu kamid yahay xisbiga Høyre.

Frp: Horey ayaan dhib ugu baqnay ajaaniibta kale.

Jon Helgheim oo katirsan golaha deegaanka Drammen, ayaa difaacay go aanka ay qaateen xubnaha golaha deegaanka degmadiisa, Waxa uu ku tilmaamay in qoxootiga u dhashay dalka Ukraine ay yihiin kuwo ay fududahay in dib u dajin loo sameeyo.

Helgheim oo mar sii horeysay arrintan ka hadlay, ayaa sheegay in Drammen ay horey u degnaayeen qoxooti iyo ajaaniib kaso jeedo dalalka aan galbeedka aheyn, arrintaas oo degmada ka abuurtay dhibaatooyin la xiriira isdhexgalka iyo kamid noqoshada bulshada. Waxa uu sii raaciyay in degmadu ay xaq u leedahay inay doorato qoxootiga ay soo qaadeneyso, aysana dowlada dhexe arrintaas faro galin ku sameyn karin.

Tonje Brenna oo ah wasiiradda isdhexgalka ayaa go aanka degmadda Drammen ku tilmaamtay mid sharci daro ah oo kasoo horjeedo qaanuunka. Waxeyna sheegtay in degmadda rabto inay qaadato qoxooti, aysan shardi ku xiri karin dalka uu qoxootigu kasoo jeedo, xaaladiisa nololeed iwm, arrintaasna ay tahay mid ay ka wada shaqeeyaan dowlada dhexe iyo degmadda.

Go aanka degmadda Drammen ayaa hada u muuqdo mid abuuray hadalheyn badan, waxaana dhawaan la filan doonaa saameynta uu yeesho, iyo inuu hirgalo iyo inkale.

Xigasho/kilde: Drammen kommune har vedtatt å ta imot flyktninger bare fra Ukraina i år. Har de lov til det?

NAV: 20.000 qof ayaa helay lacagta «Dagpenger» oo aan sax aheyn.

0

Sida uu xafiiska shaqada iyo taakuleynta dadweynaha ee NAV ku cadeeyay war qoraal ah, NAV ayaa dad gaarayo 20.000 qof si qaldan ugu xisaabisay lacagta Dagpenger ee la siiyo qofka shaqada ka dhamaatay ama shaqo raadiska ah.

Qaladkan oo dhacay mudadii u dhaxeysay january sanadkii 2019 ilaa desember 2021 ayaa ka dhigan in dad gaarayo 20.000 qof ay heleen lacag aan u dhigmin mida ay xaqa u lahaayeen, taas oo ka dhashay qaabka ay NAV u xisaabisay cadadka lacageed ee qofku uu xaqa u leeyahay.

Waxa ayna NAV sheegtay inay ogtahay dadka uu qaladkan saameynta ku yeeshay, ayna dhawaan lasoo xiriiri doontaa. Waxaana dhici karto in dadka qaarkood dib loogu soo celiyo lacago ay xaq u lahaayeen oo aysan helin.

Xigasho/kilde: 20.000 har fått utbetalt feil i dagpenger

Trump: Waxaan Ruushka ku dhiirigalin inuu weeraro wado Nato katirsan.

0

Donald Trump ayaa sheegay in uu «ku dhiirigelin doono» Ruushka in uu weerarro xubin kasta oo ka tirsan Nato oo bixin wayda biilasha ee qayb ka ah isbahaysiga milatariga reer galbeedka.

Isu soo bax sabtidii uu qabtay, ayuu sheegay in uu mar u sheegay hoggaamiyaha aan bixinin lacagta aanu ilaalin doonin, uuna “ku dhiirigelin doono” waddan walbo oo doonaya in uu ku gardaroodo waddankaas aan lacagta bixinin ay sameeyaan waxa ay doonaan.

Xubnaha Nato waxay ballan qaadeen inay difaacaan qaran kasta oo ka tirsan ururka oo la soo weeraro.

Aqalka Cad ayaa faallooyinka ku tilmaamay «wax laga naxo oo aan loo meel dayin».

Madaxa Nato Jens Stoltenberg ayaa sheegay in soo jeedin kasta oo ah in «isbahaysigu aysan is difaaci doonin ay wax u dhimeyso dhammaan amnigeena», taasoo khatar gelinaysa askarta dalalka Nato.

Xigasho/kilde: BBC

17.000 qof oo shirkada gaadiidka Ruter ka codsaday in lacagtooda loo soo celiyo.

0

Todobaadyadii ugu horeeyay isbuucan, waxaa guud ahaan dalkan Norway ka jiray qabow xoogan oo saameyn ku yeeshay isku socodka gaadiidka iyo dadka ee magaalooyinka Norway. Waxaana meelaha qaarkood istaagay buss-aska iyo gaadiidka kale ee dadweynaha, taas oo saameyn ku yeelatay bulshada adeegsata adeegan.

Sida aan horey ugu qornay NorSom Media, sharci ahaan qofkii uu buss-ku kasoo daaho wax ka badan 20 daqiiqo ama uu imaan waayo, waxa uu xaq u leeyahay inuu qaato Taxi, uuna ku tago meesha uu u socday. Wuxuuna qofku xaq u yeelan karaa in loo soo celiyo ilaa 750 kr oo qarashka taxi-ga ah, hadii uu cadeeyo in buss-ku uu imaan waayay, uuna wato warqada cadeynta qaadashada taxiga(kvittering). Halkan kasii akhri

Sida uu qoray NRK dad gaarayo ku dhawaad 17.500 qof ayaa bishii January ama maalmaha ugu horeeyay ee bisha February Ruter ka dalbaday inay usoo celiyaan qarashka kaga baxay gaadiidka ay kireysteen, kadib markii uu kasoo daahay buss-ka ama trikk-yada ka dhex shaqeeyo magaaladda Oslo.

Isbuucan waxaa sidoo kale la filayaa in baraf xoogan uu ka da´o magaalooyinka Norway arrintaas oo la filan karo inay saameyn ku yeelato isku socod-ka gaadiidka iyo dadweynaha Norway.

Wasiirka Gaadiidka oo diiday in jidadka Norway lagu sharaxo calaamadaha LGTBQ.

0

Tan iyo wixii ka danbeeyay weerarkii bartammaha sanadkii 2022 lagu qaaday baar/maqaaxi ay ku caweeyaan dadka isku jinsiga ah ee isku hawooda/galmooda, laguna dilay labadda qof, waxaa wadooyinka Norway, gaar ahaan magaalooyinka waaweyn kusoo badanayay calaamadaha midabadda isku jirka ah leh ee muujinayo taageerada guruubka loo yaqaano lgbtq+.

Arrintan ayaa la sheegay inay tahay taageero loo muujinayo dadkaas, iyo garab istaaga ku aadan xuquuqdooda jiritaan iyo kamid noqosho ee bulshoweynta Norway. Jidadka magaalooyinka Norway qaarkood, ayaa lagu sharaxay calaamadaha guruubkan.

Hey adda dowliga ah ee wado-marista ee Statens Vegvesen ayaa qiimeyn gaar ah oo ay sameysay ku sheegtay in hadii midabo kala duwan lagu sharaxo wadooyinka, ay kor u qaadeyso halista ka dhalan karta arrintaas ee la xiriirta badqabka wado-marista. Waxeyna soo jeediyeen in jidadka Norway loo daayo sida ay hada ay yihiin ee u calaamadeysanyihiin, lagana daayo midabada kala duwan nooca ay doonaan ha noqdaan.

Arrintaas waxaa ka gadooday guruubyada ay ku mideysanyiiin kooxdan, waxeyna taageero ka heleen xubno katirsan baarlamaanka Norway. Laakiin wasiirka gaadiidka Norway oo arrintan soo faro-galiyay ayaa cagta saaray qorshahaas, wuxuuna diiday in wadooyinka Norway lagu sharaxo calamo kala duwan.

Wasiirka gaadiidka iyo wadooyinka Norway, Jon-Ivar Nygård, ayaa sheegay inay wanaagsantahay in taageero iyo aqbalaad loo muujiyo dadka ku mideysan qadiyadan, balse wuxuu sheegay in sharci ahaan aysan degmooyinku xaq u laheyn inay calamo iyo midabo kala duwan ku sharxaan jidadka iyo wadooyinka mara. Wuxuuna raaciyay in sida uu qabo sharciga Norway, wadooyinka Norway loo calaamadin karo oo kali ah sida uu sharciga qabo oo ah halka midab.( ma ahan midabo kala duwan).

Xigasho/kilde: Statsråden setter ned foten: Pride-gangfelt er ulovlige

Gudi: Waa faquuqis, hadii darawaliinta reer Ukraine laga dhaafo shuruudaha lagu xiro dadka kale.

0

Gudiga qaabilsan ka hortaga faquuqa iyo takoorista ( Diskrimineringsombudet) ayaa warbixin-go aameed ay soo saareen ku sheegay inay faquuqis iyo mudnaan siin aan loo sineyn ay noqoneyso, hadii dowladu ka dhabeyso qorshaha ay rabto inay darawaliinta reer Ukraine ugu fududeyso shaqada buss-wadista, iyaga oo aan buuxin shuruudaha lagu xiro ajaaniibta kale.

Sida ay sheegeen shirkadaha buss-aska ee ka dhex shaqeeyo Norway, waxaa Norway ka jirto baahi loo qabo darawaliinta buss-saska. Dowlada Norway oo ka duuleyso qodobkan, ayaa sanadkii hore ee soo bandhigtay soo jeedin hindise sharciyeed tixgalin gaar ah loogu sameynayo darawaliinta u dhashay Ukraine ee raba inay ka shaqeeyaan xirfada buss-wadista. Waxeyna dowladu rabtay in darawaliinta reer Ukraine laga dhaafo shuruudaha kala ah in qofka darawalka noqonayo uu luuqada Norwiijiga si fiican u yaqaan, iyo inuu ugu yaraan mudo afar sano ah ku noolaa Norway.

Tonje Brenna oo ah wasiiradda shaqada iyo isdhexgalka ayaa sheegtay in dowlady ay rabto in arrintan ay ku xaliso labo qodob oo kala ah: 1. Shaqo siinta kumanaanka kun ee qoxootiga ah ee Ukraine kasoo qaxay, sharcigana ka helay Norway. 2. iyo in lagu xaliyo baahida darawal la aanta bussaska ee ka jirta Norway.

Gudiga ayaa go aanka ay dowladu fakareyso ee mudnaanta gaarka ah lagu siinayo qoxootiga reer Ukraine, ku cadeeyay inuu yahay mid faquuq ku ah qoxootiga kale ee Norway kunool.

Xigasho/kilde: Diskrimineringsombudet reagerer på mulig særregel for ukrainske bussjåfører

Darawal soomaali ah oo lagu xukumay 8 bilood oo xabsi ah, kadib shil gaari ah oo ka dhacay Oslo.

0

Maxkamadda magaaladda Oslo ayaa 8 bilood oo xabsi ah ku xukuntay darawal dhalinyaro soomaali ah, kaas oo baabuur uu wade/darawal ka ahaa uu sanadkii hore shil ku galay tuuneelka opera ee magaaladda Oslo. Darawalkan ayaa sidoo kale lagu xukumay inuu bixiyo lacag magdhow ah oo gaareyso 600.000 kr.

Shilka baabuur ee loo xukumay darawalka soomaaliga ah, ayaa shanta(5) bishii November ee sanadkii 2022 ka dhacay tuuneelka Operatunnelen ee senterka magaaladda Oslo. Wuxuuna dhexmaray baabuur ay saarnaayeen dhalinyaro soomaali ah, iyo gaari nooca tareele ah ama nooca xamuulka qaada ah.

Xeer ilaalinta Booliska ee kiiska dacwadda ah kusoo oogtay darawalkan, ayaa maxkamadda ka hor sheegay in baabuurka ay saarnaayeen dhalinyaradu uu qabsaday dhinaca/haadka qaldan oo wadadda ah, uuna ka hor yimid baabuurka xamuulka ah oo heystay dhinaca/haadka saxan ee jidka. Waxa ayna maxkamadda ka sheegeen in baabuurku uu mudo daqiiqad uu dheeraad ah ku socday wadadda qaldan, uuna gooyay masaafo gaareyso kiilomitir, kahor inta uusan shilku qabsan oo baabuurka xamuulka ah ku dhicin. Waxaa dhacdadan ku geeriyooday gabar dhalinyaro soomaali ah oo baabuurka saarneyd, iyada oo sidoo kale uu dhaawacyo kala duwan soo gaareen sadexda qof ee kale ee baabuurka la saarnaa wadaha. Halkan kasii akhi.

Sida uu qoray wargeyska Aftenposten, go aanka xukunka maxkamadda ayay xeer beegtidu ku sheegeen in falkan uu ahaa fal dhimasho sababay oo aan loo qasdin( kula talagal aheyn), balse ka dhashay jabinta xeerarka wado-marista.

Marka laga tago xukunka xabsiga, maxkamadda ayaa sidoo kale darawalkan ku xukuntay 600.000 kr oo la siiyo dhibanayaasha kiiskan, iyo dadkii ay ka tagtay gabadhii shilka ku geeriyootay.

Xigasho/kilde: Dødsulykke i Operatunnelen: Sjåfør dømt til fengsel

Oslo: 2 dhalinyaro ah oo xabsiga loo dhigay tooriyeyn shaley ka dhacday Grønland.

0

Shaley galabkii waxaa xaafadda ay Soomaalidu ay ku badantahay ee Grønland ee magaaladda Oslo ka dhacay fal mindeyn ah oo dhaawac loogu geystay qof, waxaana boolisku ay falkaas usoo qabteen 2 dhalinyaro ah oo da´doodu ay ka yartahay da´da qaangaarnimadda( 18 sano).

Falkan mindiyeynta ah ayaa sida ay boolisku sheegeen ka dhashay muran iyo gacan ka hadal dhexmaray koox dhalinyaro ah, waxaana isqab-qabsi kadib mindi lagu dhaawacayay nin dhalinyaro ah, kaas oo dhaawaciisu ay boolisku ku sheegeen inuu yahay mid aan sidaas usii darneyn. Falkan ayaana ka dhacay agaggaarka suuqy-yaraha Basar ee bartamahha xaafadda Grønland.

Mid kamid ah labadda qof ee boolisku ay usoo qabteen falkan ayaa ah wiil dhalinyaro oo da´diisu ay tahay 15 sano, taas oo ka dhigan inuu ka yaryahay da´da ugu yar ee Norway qof ugu ku muteysan karo ciqaab. Booliska ayaa sheegay in 15 sano jirka ay soo qabteen uu yahay qof ay horey boolisku aqoon ugu lahaayeen.

Maxkamadda Oslo ayaa maanta ogolaatay in si horudhac ah( Ruumaan) ah 15-jirka ku eedeysan inuu qeyb ka ahaa falkan. Halka eedeysunuhu uu iska fogeeyay falka lagu eedeeyay, wuxuuna qareenkiisu sheegay inuu racfaan ka qaadan doono go aanka maxkamadda.

Xigasho/kilde: To barn mistenkt etter knivstikking

Shirkada Tareemadda VY oo «black-list» galisay shirkada tagaasida Sentrum Taxi.

0

Bishii lasoo dhaafay ee janaury waxaa qeybo badan oo kamid ah magaalooyinka waaweyn ee dalkan Norway, ka jiray qabow xoogan iyo baraf saameyn ku yeeshay isku socodka dadka iyo gaadiidka, gaar ahaana gaadiidka dadweynaha( Buss, tareenka iwm). Arrintaas oo sababtay in gaadiid badan ay socon waayaan, ama gabi ahaanba la joojiyo shaqadooda.

Sida caadiga ah, marka uu gaadiidka dadweynaha uu soo daaho mudo ka babadan 20 daqiiqo, wuxuu qofkii sugayay xaq u leeyahay inuu qaato Taxi, kadibna uu lacagta kaga baxday taxi-ga kasoo ceshado shirkada maamusha gaadiidka dadweynaha uu qofku sugayay ee soo daahay. Halkan kasii akhri.

VY waa shirkada maamusha inta badan tareenadda isaga gudba magaalooyinka Norway, waxeyna sidoo kale leedahay qeyb bussas-ka oo ka dhex shaqeeya magaalooyinka. Shirkadan ayaa waxaa saameyn ku yeeshay qabowgii adkaa ee bishii lasoo dhaafay ka dhacayay magaalooyinka Norway qaarkood. Taas oo ku qasabtay in macaamiil badan ay qaataan Tagaasi, lacagtana ay ku dalacaan(kasoo ceshadaan) shirkada VY.

VY: Waxaan Black List galinay Sentrum Taxi:

Sida uu qoray wargeyska ka warama arrimaha dhaqaalaha ee Dagens Næringesliv ( DN), shirkada tareenadda iyo buss-aska e VY ee Black List(liiska madow) galisay shirkada tagaasida ee Sentrum Taxi. Tagaasida u diiwaangashan Shirkadan ayay VY sheegtay in marar badan ay usoo gudbiyeen lacag Taxi oo aad uga badan sicirka caadiga ah ee lagu raaco tagaasida.

VY ayaa sheegtay in dhowr mar ay dalbadeen cadeymaha xaqiijinaya run ahaanshaha Faktura ay Taxi Sentrum usoo dirtay shirkadan, taas oo lagu sheegay in qof macaamiil ah oo buss ama tareen uu kasoo daahay/ka tagat uu qaatay tagaasida shirkada Taxi Sentrum. Sidoo kale waxey sheegeen in mararka qaarkood ay arkeen in tagaasiiluhu uusan damin «taksameteret» marka uu dhigo macaamiilka, balse uu sii daarnaado ilaa uu tagaasiiluhu gurigiisa tago. Kadibna lacagta safarka oo dhan lagu soo dalaco VY.

Åge-Christoffer Lundeby oo ah madaxa xiriirka ee shirkada VY ayaa sheegay inay kulan la qaateen madaxda shirkada Sentrum Taxi, ayna ku wargaliyeen arrintaas.

Madaxda shirkada Sentrum Taxi ayaan ka jawaabin eedaha loo soo jeediyay.

Xigasho/kilde: Kollektivselskapet Vy svartelister Sentrum Taxi og sier de har levert mistenkelig høye refusjonskrav.

Bergen: Nin xaaskiisa dilay oo boolisku ay xabsiga dhigeen.

0

Booliska magaaladda Bergen ayaa xabsiga dhigay nin sodomeeyo jir ah(30), kaas oo ku eedeysan dilka xaaskiisa oo labaatameeyo jir ah(20). Falkan ayaa xalay fiidkii ka dhacay guri ku yaal deegaanka Rådalen ee xaafada Fana ee magaaladda Bergen.

Booliska ayaa shir jaraa´id oo ay dhacdadan kaga hadlayeen ku sheegay in falkan dilka ah loo adeegsaday mindi, waxeyna goobta uu falkan ka dhacay boolisku heleen dhowr mindiyood.

Marxuumka iyo eedeysanaha ayaa heysta sadex ilmood oo ka yar 6 sano, kuwaas oo guriga ku sugnaa marka uu falkan dhacayay. Mid kamid ah ilmaha caruurta ah ee qoyskan ayaa boolisku lasoo xiriiray, isaga oo ku wargaliyay dhacdadan, sida ay boolisku shirkooda jaraaid ku sheegeen.

Sida ay ay boolisku sheegay qoyskan ayaa sanadkii 2019 qoxootinimo ahaan looga soo qaatay dalka Uganda, xiligaas oo ay qoysku ka koobnaayeen hooyada geeriyootay, eedeysanaha iyo hal cunug oo ay wada dhaleen.

Haweeneyda ayaa geeriyootay intii ay jidka loo sii waday dhaawaceeda, halka ninka eedeysanaha ahna la dhigay isla isbitaalka. Boolisku ma sheegin inuu wax dhaawac ah qabo ama nooca dhaawac ee uu qabo.

Dhacdadan ayaa argagax xoogan ka abuurtay magaaladda Bergen, waxaana wali socdo baaritaanadda boolisku ee dhacdadan.

Xigasho/kilde: Mann siktet for å ha drept konen: Et av barna varslet politiet

Booliska oo kiis baaritaan ah ku furay wasiiradii hore ee dhaqanka Norway.

0

Booliska Norway, unugooda qaabilsan danbiyada agaasiman ee dhaqaalaha la xiriira(Økokrim) ayaa kiis-dacwadeed baaritaan ah ku furay wasiiradii hore ee dhaqanka Norway, Anette Trettebergstuen. Kiiska baaritaanka ah ayaa la xiriira in wasiiradu ay shaqo sarre oo gudoomiyaha gudiga guriga dhaqanka ee opera ay u magacowday saaxiibadeed aad ugu dhow. Halkan ka akhri.

Sida uu sharciga Norway qabo, waxa aheyd in wasiiradu ay banaanka ka istaagto dhamaan howlaha la xiriira shaqo bixinta saaxiibteed, si loo xaqiijiyo cadaaladda shaqo-bixinta, maadaama ay aad isugu dhowyihiin. Wasiiradda ayaa jabisay xeerkaas, taas oo markii danbe hada sabab u noqday inay xilkeedii wasiirnimo isaga tagto.

Wasiiradda oo xilka iska casishay bartammaha sanadkii hore ayaa ku eedeysan inay jabisay sharciga Norway ee dhigaya in qofkii haya xil dowladeed uusan si toos ah u magacaabi karin qof saaxiibkiis dhow ama qoyskiisa ah. Taas badalkeedana uu kiisaska magacaabista qofkaas u madax-baneeyo dadka kale ee aan xiriirka toos ah la laheyn qofka.

Wasiiradii hore ayaa iska fogeysay dhamaan eedaha loo soo jeediyay, waxeyna sheegtay inaysan jabin wax qodob sharci ah. Iyada oo raacisay inay ka jawaabi doonto dhamaan su aalaha ay qabi karaan saraakiisha baaritaanka Økokrim.

Xigasho/kilde: Økokrim etterforsker Trettebergstuen: – Ser frem til at saken avklares

NAV oo kordhisay taageerada dhaqaale ee waalidka ilmaha heysto.

0

Sida lagu sheegay qoraal ay barteeda internetka soo dhigtay hey adda NAV, taageerada dhaqaale ee la siiyo waalidka heysta ilmaha ay da´doodu u dhaxeyso 6 sano ilaa 18-ka sano ee barnetrygd, ayaa waxaa laga bilaabo bisha January ee sanadkan lagu kordhiyay 200 kr/calaa bil. Taas oo lacagta barnetrygd ee la siiyo waalidka heysta ilmaha jira 6-18 sano ka dhigeyso 1 510 kr, halkii ay horey ka ahaan jirta 1310 kr.

Isbadalkan cusub ayaa ka bilowday bisha koowaad ee sanadkan, taas oo ka dhigan in bishan February ay waalidka lacagtaas qaata heli doonaa 1510.

Dhanka kale lacagta barnetrygd ee la siiyo waalidka heysta ilmaha ka yar 6-da sano, ayaan waxbo lagu kordhin oo wali sii ahaan doonto intii ay ahaan jirtay sanadkii hore ee 1766 kr.

Soo koobista:

Kordhinta cusub kadib, lacagta barnetryd ayaa kala ahaan doonto sidan:

Ilmaha ka yar 6 sano: 1766 kr bishii.

Ilmaha ay da´diidu u dhaxeyso 6 ilaa 18 sano: 1510 kr.

Xigasho/kilde: Barnetrygden øker fra 1. januar 2024

Bodø: Dhamaan iskuuladda degmadda oo berito xiran: Xaaladda cimiladda awgeed.

0

Dhamaan iskuuladda hoose, dhexe iyo sarre ee degmadda Bodø ee woqooyiga dalkan Norway, ayaa maalinta beri ah xirnaan doono, sabab la xiriirta dabeylaha barafka wata ee la filayo inay beri saameyn ku yeeshaan isku socodka dadka iyo gaadiidka ee magaaladda Bodø iyo nawaaxigeeda.

Iskuuladda magaaladda ayaa qaab online ah(digital ah) u bixin doono casharada iskuuladda la xiray berito, sida ay degmadu sheegtay.

War qoraal ah oo kasoo baxay maamulka degmadda, ayaa lagu sheegay in la xiro doono iskuuladda, sababo la xiriiro in la xaqiijiyo amniga caruurta iyo dhalinyarada dhigatada iskuuladaas.

Isla qoraalka waxaa lagu sheegay inay furnaan doonaan xarumaha xanaanadda degmadda Bodø, marka laga reebo afar xuramood oo iyagu xirnaan doono. xarumaha xanaanaddan afarta ee kala ah: 1. Barnehagen i Væran, 2. Skaug barnehage 3. Saltstraumen barnehage 4. Skjerstad barnehage ayaa iyagu xirnaan doono.

Degmadda ayaa dadka awoodo ama ay suurtogal u tahay ugu baaqeyso inay guryaha ku shaqeeyaan guryahooda.

Xigasho/kilde: Stenger alle skolene i Bodø – de fleste barnehager holdes åpne

waxaa la mamnuucay in Calan aan ka Norway aheyn laga taago guryaha degmadda Oslo.

0

Golaha deegaanka Oslo ayaa isku raacay, una codeeyay in la mamnuuco in Calan aan kan Norway aheyn laga taago ama lagu sharaxo guryaha iyo dhismeyaasha dowliga ah ee degmadda. Sidoo kale waxaa la mamnuucay in sumaddaha/calamaddaha diimaha laga taago dhismeyaasha dowliga ah degmadda Oslo.

Dhismeyaasha degmadda laguma sharixi doono calamada dalal kale, ama calaamado iyo sumadda diimeed oo kale, ayuu hoosta ka xariiqay Eirik Lae Solberg oo ah gudoomiyaha degmadda Oslo.

Xigasho/kilde: Nå blir dette forbudt i Oslo

error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.