lørdag, april 27, 2024

Dowlada Sweden: 62.000 oo gaangis ah ayaa faro kulul ku heyso bulshada Sweden.

Warbixin ay soo saareen booliska dalka Sweden ayaa lagu sheegay inay dalkaas ka jiraan qiyaastii 14.000 qof oo xubno ka ah kooxaha danbiileyda ah ee gaangiska ah, waxaana sii raaca qiyaastii 48.000 qof oo kusii xiran xubnahan. Taas oo tirada dadka gaangiska ah iyo kuwa xiriirka la leh ee kunool gudaha Sweden ka dhigeysa 62.000.

Dadka xiriirka la leh kooxahan ayaa usii qeybsama dhowr nooc oo kala duwan, waxaana kamid ah kuwa u qariya ama u keydiya daroogada iyo hubka ay ku howlganaa kooxahan, kuwa u dhaqa lacagaha qaabka sharci darada ah kusoo gala, kuwo u fududeeya inay helaan xogaha kala duwan ee hey addaha dowlada iyo dad kale oo siyaabo kala duwan ugu xiran kooxaha gaangiska ah oo dalkaas ka geysta danbiyo isugu jiro kuwo yaryar iyo kuwo waaweyn.

Wasiirka cadaaladda dalka Sweden Gunnar Strömmar  ayaa sheegay in kooxahan gaangiska ah ay faro kulul ku haayaan bulshada iyo nidaamka Sweden, wuxuuna sheegay inay dhax-galeen oo ay saameyn ku yeesheen dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada Sweden. Waxa uu tusaale usoo qaatay inay tusaale ahaan u hanjabaan dadka marqaatiga ku fura xubnaha kooxahan, ayna ku qasbaan inay aamusaan. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in kooxahan ay cago-jugleyn ku hayaan dadka ka shaqeeya xafiisyada dowlada, ayna sidoo kale saameyn ku yeesheen nidaamyada xisbiyada dalkaas.

Qiyaastii 5400 oo kamid ah kooxaha dambiileyda ah, ayaa warbixintan lagu sheegay inay da´ahaan ka yaryihiin 18 sano. Waxeyna warbixintu sidoo kale qortay in 95% dadka danbiyada ku leg ay u badanyihiin rag.

Dalka Sweden waxaa sanadadii ugu danbeeyay hareeyay dilal isdabo joog ah oo ay isku geystaan ama ay ka danbeeyay kooxahan, waxaana weheliyo qaraxyo waaweyn oo gilgilay magaalooyinka Sweden. Dhacdooyinkan ayaa intooda badan lala xiriirinayaa kooxaha gaangiska ah ee ka howlgala gudaha Sweden.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x