lørdag, april 27, 2024

Ogow: Taxi ayaad xaq u leedahay hadii Buss-ku imaan waayo( Istaago).

Labadii isbuuc ee ugu danbeeyay waxaa Norway ka dhacayay baraf xoogan oo saameyn xoogan ku yeeshay nolosha dadka, iyo isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha. Magaalooyinka waaweyn sida Oslo oo kale, waxaa dib u dhac xoogan uu ka jiraa imaatinka gaadiidka dadweynaha, iyada oo mararka qaarkood ayba istaagaan buss-aska ka dhex shaqeeyo magaaladda.

Ruter oo ah shirkada maamusha gaadiidka dadweynaha Oslo ayaa dadka ku wargalineyso in hadii buss-ku uu soo daaho wax ka badan 20 daqiiqo ama uu imaan waayo, uu qofku heysta tigidka buss-ka uu xaq u leeyahay inuu qaato Taxi, uuna ku tago meesha uu u socday. Wuxuuna qofku xaq u yeelan karaa in loo soo celiyo ilaa 750 kr oo qarashka taxi-ga ah, hadii uu cadeeyo in buss-ku uu imaan waayay, uuna wato warqada cadeynta qaadashada taxiga(kvittering).

Waxaa xusid mudan in qofku uu qaadan karo oo kali Tagaasida leh numberka Taxi-(Løyve), taas oo ka dhigan in Uber aysan aqbaleynin tagaasida shirkaddaha digitalka ah sida Uber, Bolt iwm.

Sidoo kale, qofka ayaa Ruter ka codsan karo inay usoo celiyaan lacagta shidaalka, hadii uu adeegsado baabuurkiisa gaarka ah, sabab la xiriirta in buss-ku uu imaan waayay ama uu soo daahay wax ka badan 20 daqiiqo.

Halkan ayaad ka codsan kartaa: https://kontakt.ruter.no/no/reisegaranti

Xigasho/kilde: Ruter bekrefter: Reisegarantien gir refusjon tross snøkaoset

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x