torsdag, mai 9, 2024

Wasiiradii dhaqanka Norway oo xilkeedii ku weyday shaqo ay saaxiibteed siisay.

Wasiiradii dhaqanka iyo sinaanta Norway, Anette Trettebergstuen ayaa iska casishay xilkii wasiirnimo, kadib markii ay soo baxday fadeexad la xiriirto inay shaqo siisay saaxiibteed. Wasiiradda oo shir jaraa´id qabatay jimcihii ayaa sheegtay inay guud ahaanba isaga degtay xilkii ay heysay, iyada oo raaligalin siisay dadweynaha iyo dowlada Norway oo ay ka tirsaneydba.

Wasiiradda ayaa saaxiibteed oo aad ugu dhow u magacowday kamid noqoshada gudiga maamulka aqalka Operaen ee lagu dhigo xafladaha. Waxaana guriga mulkiyadiisa iska leh wasaaradda dhaqanka oo iyadu wasiir ka aheyd.

Sida uu sharciga Norway qabo, waxa aheyd in wasiiradu ay banaanka ka istaagto dhamaan howlaha la xiriira shaqo bixinta saaxiibteed, si loo xaqiijiyo cadaaladda shaqo-bixinta, maadaama ay aad isugu dhowyihiin. Wasiiradda ayaa jabisay xeerkaas, taas oo markii danbe hada sabab u noqday inay xilkeedii wasiirnimo isaga tagto.

Xigasho/kilde: Anette Trettebergstuen slutter som statsråd.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x