lørdag, mars 15, 2025
Home Blog Page 31

Wadooyinka Oslo iyo goboladda bariga Norway oo maanta muraayad noqday.

0

Wadooyinka magaaladda Oslo iyo deegaanadda kale ee dhaca Bariga dalkan Norway, ayaa maanta waxaa ka jiro sabiibax(glatt) aad u xoogan oo ka dhashay roob labadii maalmood ee ugu danbeeyay ku dayay baraf horey dhulka u yaalay.

Oslo waxaa maanta aad u batay shilalka baabuurta, iyada oo la xiray qaar kamid ah wadooyinka ay dadku maraan, kadib markii ay noqdeen sabiibax(glatt) muraad u eke ah.

Booliska iyo hey’ addaha wado marista ayaa ilaa shaley dadka baabuurta wata uga digayay adeegsiga baabuurka, waxeyna kula talinayeen inay baabuurta guryaha uga tagaan, si looga badbaado shilal baabuur oo ka dhasha wadooyinka sabiibaxa noqday.

Arrintan ayaa guud ahaan sababtay inuu jahwareer ka abuurmo nidaamka wadomarista Norway, waxaana jiro daahis tiro badan oo la xiriirta busaska iyo gaadiidka dadweynaha.

Booliska oo raba inay eedeynta kala noqdaan mid kamid dadkii loo xiray dilkii Grønland.

0

Galinkii danbe ee habeenimadii 27-ka November ee sanadkan 2022, waxaa xaafadda Grønland ee magaaladda Oslo lagu dilay wiil soomaali ah oo 28 sano jir ah. Waxeyna booliska dilkiisa usoo qabteen, xabsigana u dhigeen labo qof oo labaduba asal ahaan soomaali ah, kuwaas oo da ahaan kala jiro 31 iyo 22 sano.

31 sano jirka ayay boolisku sheegeen inuu ka danbeeyay falka toogashada dilka ah, halka 22 sano jirkuna ay ku tuhmeen inuu qeyb ama lug ku lahaa falkaas.

Maalmo kadib waxey boolisku xabsiga kasii daayeen 22-jirkii ay falka dilka ku tuhmayeen inuu lug ku lahaa, iyaga oo markaas sheegay in wali ay baaritaan ku wadaan kiiska, laakiin aysan heynin cadeymo ku filan oo xabsiga ugu sii hayaan wiilka 22-jirka ah ee ay markii hor eedeeyeen. Halkan kasii akhri.

Booliska oo hada raba inay kiiska eeda ah laalaan:

Sida uu qoray NRK, booliska ayaa hada raba inay laalaan ama xiraan dacwadda ka dhanka aheyd 22-jirka soomaaliga ah, kuna saabsan ku lug lahaanshaha falka dilka ah.

Booliska ayaa sheegay in baaritaanka ay sameeyeen uu muujinayo in 22-jirka ay markii hore xireen uusan wax door ah oo cad ku laheyn falka dilka ah, sidaas darteed ay hada rabaan inay xiraan kiiska dacwadda isaga ka dhanka ah ee ku saabsan ka qeybqaadashada dilka.

Booliska ayaa dhanka kale waxey wali xabsiga ku hayaan 31-jirkii ay ku eedeeyeen inuu ka danbeeyay dilka, waxeyna wali wadaan baaritaanka ku aadan kiiskan.

Xigasho/kilde: Vil droppe drapssiktelse etter Grønland-skyting.

Nin ku dhacay wabiga Drammen oo geeriyooday.

0

Waxaa isbitaalka magaaladda Drammen ku geeriyooday nin 23 sano jir ah, kaas oo 10 maalmood kahor ku dhacay wabiga dhexmara magaaladda Drammen.

Waxaa sidaas wargeyska Drammenstidenda u xaqiijiyay aabaha dhalay wiilka.

Ninkan ayaa waxaa markii hore uu ku dhacay gunta hoos ee wabiga, waxaana kasoo badbaadiyay quuseyaal, kuwaas oo caawin ka helay dad goob-joogayaal oo arkayay marka uu 23-jirku ku dhacayay wabiga. Waxaana baaritaan dheer kadib lagu guuleystay oo lasoo badbaadiyo, loolana cararo isbitaalka.

10 maalmood oo lagu dabiibayay isbitaalka, ugu danbeyn maalmo kahor ayaa la xaqiijiyay geeridiisa.

Xigasho/kilde: 23-åring omkom etter fall i Drammenselva

Wararkii ugu dambeeyey fadeexadda la xiriirta Qatar ee ruxday Midowga Yurub

0

Xildhibaanadda reer Greece ee xudunta u ah fadeexadda musuq-maasuq ee ruxday Baarlamanka Midowga Yurub, taasi oo lala xiriirnayo dowladda Qatar ayaa loo diiday in xabsiga laga sii daayo kahor inta laga maxkamadeynayo, waxaa sidaas sheegay dacwad-oogayaasha.

Eva Kaili, oo 44 jir ah, ayaa ka mid aheyd afar tuhunsane oo horraantii bishan ay xireen booliska Belgium.

Waxa ay ku dooday in aanay wax dambi ah lahayn, waxayna codsatay in la ogolaado in lasii daayo oo korjoogteyn lagu hayo – codsigaas oo laga diiday.

Qareenkeeda Andre Risopoulos ayaa u sheegay AFP inaysan racfaan ka qaadan doonin go’aanka, taasi oo ka dhigan inay xabsiga kusii jiri doonto ugu yaraan hal bil inta ay baaritaanada socdaan.

Risopoulos ayaa weriyayaasha u sheegay kahor go’aanka maxkamadda, in Kaili “ay la shaqeyneyso” baarayaasha Belgium ayna diyaar u aheyd in dhaq-dhaqaaqyadeeda lagula socdo hab elektoronik ah, haddii xabsiga laga sii daayo.

Kaili, oo ah suxufi hore, islamarkaana laga xayuubiyey xilkii madaxweyne ku-xigeenka baarlamanka Midowga Yurub kadib howlgal ay booliska fuliyeen bishan, ayaa noqotay xuddunta kiiska musuq-maasuq ee la tuhunsan yahay.

Mas’uuliyiinta Qatar ayaa sheegay inaysan wax kaalin ah ku laheyn wax khalad ah.

Qareenka kale ee Kaili, Michalis Dimitrakopoulos ayaa Arbacadii sheegay inay aad u murugsan tahay “ayna dhibtooneyso” islamarkaana uu khiyaamay lamaanaheeda Francesco Giorgi oo sidoo kale eedeysan.

Kaili ayaa booliska Belgium ay xireen 9-kii December, waxaana gurigeeda laga helay 1.5 milyan oo Euro. Tuhunka ayaa ah in lacagtaas ay bixisay dowladda Qatar, si ay saameyn ugu yeelato go’aanada baarlamanka Midowga Yurub, eedeyntaas oo Qatar ay beenisay.

Xigasho/kilde: AFP, VOA

dibad-baxyo rabshado wata oo ka dhacay Paris kadib markii la dilay saddex qof oo Kurdi ah

0

Nin hubeysan ayaa Jimcihii saddex qof ku dilay xarun dhaqan iyo maqaayad u dhow oo ay leeyihiin Kurdiyiinta, bartamaha magaalada Paris, taasi oo dhalisay dibad-baxyo rabshado wata.

Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa sheegay in Kurdiyiinta ay muddo ahaayeen bartilmaameed weerar, wuxuuna madaxda booliska ku amray inay la kulmaan.

Wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska Gerald Darmanin ayaa isna sheegay in qofka lagu tuhunsan yahay weerarka ay caddahay inuu doonayey inuu beegsado ajaaniibta.

Toogasho dhowr ah ayaa maalin dhexaadkii shalay laga maqlay waddada Rue d’Enghien, taasi oo argagax ka abuurtay dukaamada iyo maqaayadaha ku yaalla waddadan muhiimka ah ee dhacda degmada mashquulka badan ee 10-aad.

Dhammaan dadka la dilay ayaa ahaa Kurdi, sida uu Reuters u sheegay qareen u hadlay xarunta dhaqanka Kurdiyiinta. Saddex qof oo kale ayaa la dhaawacay oo mid ka mid ah xaaladdiisa ay halis tahay.

Sida uu sheegay Golaha Dimqoraadiga Kurdiyiinta ee Faransiiska (CDK-F), dadka dhintay ayaa kalaa ah haweeney iyo laba nin.

Booliska rabshadaha ka hortaga ayaa suntan dadka ka ilmeysiisay ku furay dibadbaxayaal careysan oo isugu soo baxay meel u dhow halka toogashada ay ka dhacday.

Dibad-baxayaasha ayaa walxo ku tuuray booliska ayaga oo si caraysan u qaylinaya, waxayna weerarka u arkaan mid ula kac ah oo ciidamada ammaanka Faransiiska aysan wax badan ka sameyn sidii looga hortagi lahaa.

Baabuur dhowr ah oo goobta yaallay iyo gawaarida booliska ayaa daaqadahooda la burburiyey ayada oo dibad-baxayaasha ay tureen dhagxaan.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay inay xireen nin 69 jir ah, oo dacwad-oogaha Paris Laure Beccuau uu sheegay in horey xabsiga looga sii daayey isaga oo sugaya maxkamadeynta weerar sanad kahor ka dhacay xero muhaajiriinta ay ku nool yihiin oo ku taalla Paris.

Muuqaallo ay baahiyeen warbaahinta Faransiiska ayaa muujinayey nin caddaan Faransiis ah oo isaga oo garbo duub u xiran laga qabtay goobta weerarka.

Dhinaca kale, wakaaladda wararka AFP oo soo xiganeysa ilo-wareedyo ayaa sheegtay in ninka weerarka gaystay oo magaciisa lagu sheegay William M. uu dambi-baarayaasha u qirtay inuu yahay cunsuri.

Hoggaamiyayaasha Kurdiyiinta ayaa ku baaqay in bulshadooda ay helaan ilaalin wanaagsan, codsigan oo sidoo kale ay jeediyeen markii 10 sano kahor sidoo weerar lagu dilay saddex haween oo Kurdi ah.

Xigasho/kilde: VOA SOMALI + RUETERS

Booliska oo meydka 2 qof ka helay guri kuyaal magaaladda Bergen.

0

Booliska magaaladda Bergen ayaa arbacadii shaley aheyd meydka labo qof ka helay afaafka guri kuyaal magaaladda Bergen. Labadda qof ayay boolisku sheegeen in jirkooda uu kuyaaleen dhaawacyo xoogan oo jirdil muujinayo, waxeyna boolisku hada baarayaan in labadda qof la dilay iyo inkale.

Booliska ayaa afaafka guri ka helay haweenay dhiig-baxeyso, waxaana loola orday isbitaalka oo markii danbe ay ku geeriyootay. Meel aan ka fogeyn meesha dhaawaca haweeneyda laga helay, ayay boolisku ka heleen nin kale oo meyd ah.

Sida ay warbaahinta u sheegtay Inger Lise Høyland oo katirsan booliska, booliska ayaa baaraya aqoonsiga labadda qof ee geeriyooday. Ilaa hada booliska ma hubaan aqoonsiga saxda ah ee booliska, sida ay sheegeen.

Xigasho/kilde: To personer er døde etter en voldshendelse i Bergen – har startet drapsetterforskning.

21 sano ayuu danbi uusan galin xabsi ugu jiray: 10 milyan kr oo magdhow ah ayuu dalbaday

0

Isbuucii lasoo dhaafay waxaa xabsiga laga sii daayay Viggo Kristansen oo ah nin Norwiiji ah oo 21 sano xabsi ugu jiray danbi markii danbe ay maxkamadu cadeysay inuusan galin.

Ninkan ayaa bishii febraury ee sanadkii 2002 loo xukumay kufsiga iyo dilka labo gabdhood oo yar-yar, kaas oo ka dhacay deegaanka baneheia ee magaaladda Kristiansand. Waxaana lala xukumay saaxiibkiis oo ahaa markhaatiga kali ah ee ku marag furay Viggo. Kiiska ninkan ayaa ku caanbaxay magaca baneheiasaken ( Halkan kasii akhri).

Ninkan oo 21 sano xabsiga ku jiray, ayaa marar badan codsaday in kiiskiisa dib loo furo, wuxuuna ilaa bilowgii kiiskaba ku cel-celiyay in uusan danbiga lagu eedeeyay uusan galin. Sanadkii 2021 ayaa ugu danbeyn maxkamadda Oslo ogolaatay in kiiskiisa dib loo furo kiiskan, waxaana ugu danbeyn soo baxday in ninkan loo xukumay si qaldan ama danbi uusan galin lagu xukumay.

Kadib markii xabsiga laga sii daayay isbuucii hore ayuu dalbaday magdhow 10 milyan oo kr ah.

Wasaaradda ayaa ka shaqeyneyso in ninkan uu magdhow helo kahor inta uusan dhamaan sanadkan lagu jiro ee 2022.

Xigasho/kilde: Kristiansen krever 10 millioner kroner før nyttår.

FHI, 4399 qof ayaa u dhintay feyruska corona.

0

Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay machadka caafimaadka dadweynaha, waxaa sanadkii 2021 dalkan Norway ku dhintay dad 7% ka badan dadkii dhintay sanadkii ka horeeyay ee 2020. Tiradaas ayaa u dhiganta in 2700 qof.

Feyruska corona ayaa ah sababta ugu weyn ee ka danbeysa kor u kaca dhimashada dadkii badnaa ee sanadki 2021 ku dhintay dalkan Norway. Waxaana sida ay ay FHI sheegtay guud ahaan inta hada a diiwaangaliyay sabab la xiriirta feyruska corona u geeriyooday 4399 qof.

Xigasho/kilde: 4.399 personer døde av korona i Norge

Xisbiga Ap oo kulan dadweyne la yeeshay soomaalida kunool Oslo.

0

Xisbiga shaqaalaha ee Ap, qeybtiisa Oslo ayaa maalintii sabtida aheyd kulan-bulsheed furan oo dadweyne la yeeshay jaaliyada soomaaliyeed ee magaaladda Oslo. Waxaana kulanka kasoo qeybgalay Reymond Johansen, oo ah gudoomiyaha maamulka Oslo iyo Kaafiya Xaashi Maxamuud oo kamid ah xildhibaanadda soomaalida ah ee katirsan golaha deegaanka Oslo.

Xildhibaan Kaafiya Xaashi oo aheyd qaban-qaabiyaha kulanka, ayaa NorSom News u sheegtay in ujeedka qabashada kulanku uu ahaa in bulshada Soomaaliyeed lagu casuumo inay fikradahooda ku darsadaan barnaamij-siyaasadeedka xisbiga Ap, iyada o sanadka danbe ay dhaceyso doorashada goloyaasha deegaanka ee dalkan Norway.

Waxa ayna Kaafiya sheegtay inay rabtay in soomaalida codkooda siiyay xisbiga Ap ay la xisaabtamaan xisbiga, sidoo kalena ay afkaarkooda, xalka baahiyahooda gaarka ah iyo dareenkooda ugu darsadaan barnaamijka xisbiga, si ay lahaanshiiyo iyo ka qeyb-noqosho dhab ah u dareemaan.

Reymond: Waan ku faraxsanahay in dadku si qalbi furan dhibtoodaa uga hadlaan:

Kulanka ayaa ku bilowday in Reymond Johansen oo ah gudoomiyaha maamulka Oslo uu sharaxo siyaasadda xisbiga iyo waxyaabaha u qabsoomay, sidoo kalena waxyaabaha ay rabaan inay wax kasii qabtaan sanaddaha soo socdo. Waxaana xigay in dadkii kulanka kasoo qeybgalay ay su’ aalo badan oo ay ku jireen kuwo adag weydiiyaan Reymond, iyaga oo sidoo kale soo bandhigay waxyaabo uu xisbigu balanqaaday oo sidii la rabay aan loo fulin iyo kuwo kale oo aan wax laga qaban.

Arrimaha ugu badan ee kulanka looga hadlay ayaa dhamaantood wada ahaa kuwo taabanayo baahiyaha gaarka ah ee bulshada soomaaliyeed ee Oslo, iyo Norwey. Waxaana lagu dheeraaday ka hadalka arrimaha khuseeyo dhibaatadda Guryaha, cunsurinimadda iyo takoorka lala beegsado bulshooyinka ajaaniibta ah ee soomaalidu ay kamid tahay, suuqa shaqada, danbiyada sii kordhayo ee dhalinyarada ay geystaan, cabsida waalidiinta ee hey’ adda daryeelka caruurta ee barnevernka, siyaasadda qoxootiga iyo waliba kala noqoshada baasaboorka Norway oo dad badan ay sheegeen inay abuurmay cabsi kaliftay in dad badan ay wadanka ka guuraan.

Reymond Johansen ayaa inta badan ka jawaabay su aalaha adag ee la weydiiyay, balan qaadna u sameeyay dadkii kulanka kasoo qeybgalay inuu sii daba-gali doono kiisaska qaarkood meesha laga sheegay oo markaas uu sheegay inuu goobtaas uga jawaabi karin.

Gudoomiyaha maamulka Oslo oo markii uu kulanka soo dhamaaday wareysi siiyay NorSom News ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay in bulshadii kulanka kasoo qeybgashay ay si furan ula hadlee, iyaga abaarayay dhibaatooyinkooda gaarka ah, soo bandhigayay dareenkoda ku aadan kiisaska ay ka hadleen. Waxa uuna sheegay inuu sii joogteyn doono la kulanka bulshooyinka iyo guruubyadda kala duwan ee xisbiga Ap codkooda siiyay, si uu u jiro iskaka warqab iyo isku xirnaansho ka dhaxeyso xisbiga iyo dadka codkooda siiyay.

Sidoo kale waxaa kulanka joogay oo qaban-qaabiyeyaasha kamid ahaa Amaal Cabdinuur oo ah xoghayaha barnaamijyada ee xisbiga Ap, qeybtiisa Oslo. Waxa ay Amal NorSom News u sheegtay in dhamaan arrimihii kulanka looga hadlay uu xisbigu ka qaatay qoraal, ayna noqon doonaan arrimo lasii dabagali doono, gorfeyn kale laga sameeyn doono kahor ita an la diyaarin barmaamijka xisbiga Ap ee sanadka danbe.

Kulankan ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee xisbi kamid ah xisbiyada waaweyn ee Norway ay si gaar ah kulan bulsheed furan ula yeeshaa bulshadda soomaaliyeed, kala hadlaan dareenkooda iyo baahiyahooda gaarka, sidoo kale weydiiya afkaarkooda ku saabsan siyaasadda xisbiga iyo soo jeedintooda.

Wareysiyadda iyo muuqaaladda dib ayaan kasoo galin doonaa.

Nin NAV 300.000 kr ka khiyaanay oo maxkamad lasoo taagayo.

0

Nin kontomeeyo jir ah ayaa dhawaan lasoo taagi doonaan maxkamadda Nord-Troms, isaga oo ku eedeysan inuu NAV ka khiyaanay, qaab aan sharci aheyna uu ku helay lacag gaareyso ku dhawaad 300.000 kr.

Ninkan ayaa sida lagu sheegay eedeynta xeer ilaalinta, waxaa uu isaga oo shaqeynayo , dhinaca kale NAV ka qaadan jiray lacagta dadka shaqada ka fadhiyo, isaga oo buuxin jiray kaarka meldekort-ka.

Sidoo kale xeer ilaalinta aya sheegeyso in ninkan uu mararka qaarkood soo buuxin jiray kaarka shaqo la aanta, isaga oo markaas soo diiwaangalin jiray saacado ka yar intii uu caadi ahan u shaqeeyay. Waxaana sida ay xeer ilaalintu sheegtay ninkan uu ka tagay inuu NAV kusoo wargaliyo 213 saac oo uu shaqeeyay, isaga oo sidaas ku helay lacag gaareyso 289.305 kr oo lacag dagpenger-ta loo yaqaan ah.

Ninkan ayaa hadii lagu helo danbiga, waxa uu muteysan karaa ciqaab xabsi iyo ganaax lacageed.

Xigasho/kilde: Skal ha svindlet NAV for nær 300.000 kroner.

Dadkii uu corona ku dhacay oo ka cabanayo saameyn uu feyrusku ku reebay.

Kadib sadex sano oo inta badan dalalka caalamka uu ka socday feyruska faafay ee covid-19, waxaa hada uun si hordhac ah loo arkayaa raadadka uu feyruska ku reebay bulshooyinka caalamka.
Sida lagu darsay tirokoobyo laga sameeyay dalkan Norway iyo dalalka kale ee Yurub, Qaar kamid ah dadkii uu feyrusku corona ku dhacay ayaa sheegay inay isku arkeen calaamado muujinayo in qeybo kamid ah saameyntii feyruska aysan wali ka bixin jirkooda, uuna ku reebay saameyn. Waxaana arrintan loogu magacdaray saameynta feyruska ee daba dheeraatay.

Dalkan Norway ilaa 3800 qof ayaa la sheegay in laga daaweeyay saameynta daba dheeraatay ee feyruska covid-19.
Geir Bukholm waa ku xigeenka agaasimaha guud ee hey’ adda caafimaadka dadweynaha ee Norway ee FHI. Waxa uu Geir warbaahinta NorSom TV u sheegay in inta badan dadkii uu feyruska ku dhacay gudaha Norway, ee aan wax ku noqon markii uu xanuunka jirkooda galay ay ka kaceen, laakiin ay jiraan dad soo diiwaangaliyay in xanuunku uu ku reebay saameyn xoogan. Hoos ka daawo wareysigiisa.

Dr. Cabdirashiid Cali Warsame Garbajov waa cilmi baare caafimaadka oo katirsan isbitaalka weyn ee dowlada ee Rikshospitalet. Waxa noo sharaxayaa su aal aan weydiinay oo ku saabsan in dadka qaarkiis ay xanuunka uu jirkooda kaga tago saameyn, halka kuwana aysan waxbo dareemin ( Jawaabta muuqaalka hoose).

Baaritaanadda hordhaca ah ee la sameeyay ayaa sheegayo in dadka ugu badan ee soo diiwaangaliyay inay isku arkeen saameynta dheeraatay ee covid-ka, ay ka sheeganayaan calaamado dhowr ah oo ay ugu waaweyn yihiin kuwan, sida uu mar kale noo sharaxayo Dr. Cabdirashiid oo dadka ka shaki qaba in covid-ku uu saameyn kaga tagay kula talinayo inay booqdaan dhakhtooda gaarka ah oo baaritaan ku sameyn kara, kadibna usoo gudbin kara xarumaha caafimaad ee arrintan ku shaqada leh.

Nin xaaskiisii hore xanuunkan ku riday oo xabsi iyo magdhow lagu xukumay.

0

Maxkamadda Haugaland iyo Sunnhordland ayaa xukun hal sano(1) iyo sadex(3) bilood ah nin afartameeyo jir ah oo xaaskiisii hore ku riday xanuunka HIV Aids-ka.

Ninkan oo sidoo kale lagu xukumay inuu xaaskiisii hore siiyo magdhow lacageed oo gaaraya 220.000 kr ayaa sida maxkamaddu go’ aamisay dhowr mar u galmooday xaaskiisa, isaga oo aan ku wargalin inuu qabo xanuunkaas.

Ninkan ayaa laga soo bilaabo sanadkii 2013 dhowr mar galmo «difaac la aan» ah la sameeyay xaaskiisii xiligaas, isaga oo aan ku wargalin in laga helay xanuunka hIV. Dhowr bilood kadib, mar la joogo sanadkii 2014 ayuu ku wargaliyay inuu xanuunkaas qabo. Balse hadana mar kale ayuu xaaskiisii u sheegay in xanunkaas uu ka caafimaaday, aysana u baahneyn inay taxadar sameeyaan marka ay isku galmoonayaan.

Ninkan ayaa ku heshay inuu jabiyay qodobka 237a ee xeerka ciqaabta Norway, kaas oo ku saabsan is qaadsiinta xanuunadda la isku gudbiyo, sida ula kacda ah. Waxeyna maxkamaddu go aankeeda ku sheegtay in falka uu ninkan sameeyay uu ahaa mid daran oo guracan.

Xigasho/kilde: Mann dømt til fengselsstraff for å ha smittet ekskona med hiv

Daawo: Kvittering ordning (diiwaangalinta qofka ay boolisku istaajiyaan) oo isbuucan Oslo ka dhaqangalay.

0

Dhowrkii sano ee ugu danbeeyay waxaa soo badanayay tirada dadka asal ahaan ajnabiga ah, gaar ahaan dhalinyarada ee ka sheeganayo in boolisku ay sabab la aan istaajiyaan, kadibna ay ku sameeyaan baaritaan ama su aalo weydiiyaan iyaga oo aan geysan ama markaas gacanta kula jirin wax fal danbiyeed ah oo muuqdo.

Arrintan oo dhalisay doodo xoogan oo la xiriirto in boolisku ay beegsi cayiman ku sameeyaan dadka ajnabiga ah, iyaga oo midabkooda ama muuqaalkooda tixraacayo, ayaa sida lagu ogaaday baaritaano hore waxa ay inta badan ka dhacdaa xaafaddaha ay ku badanyihiin dadyawga ajaaniibta ah ee Oslo Kunool. Waxaana la sheegay inay qeyb ka tahay ama keeni karto kalsooni xumo ka dhex abuuranto hey’ addaha amniga iyo bulshooyinka ajaaniibta ah, gaar ahaan dhalinyarada.

Shantii bishan aan kujirno ee Desember  ayay booliska bilaabeen talaabo cusub oo la xiriirta diiwaan-galinta dadka ay boolisku istaajiyaan, iyaga oo siinayo waraaq cadeyn ah oo muujineyso xiliga qofka la istaajiyay iyo sababta loo istaajiyay labaduba. Waxa ay talaabaddan oo tijaabo ah socon doontaa mudo cayiman oo ku eg bilowga bisha September ee sanadka 2023, waxaa laga dhaqan-galiyay eeriyo cayiman oo katirsan senterka magaaladda Oslo.  

Aki De Leon waa madaxa ururka ka hortaga faquuqa dowliga ah ee magaciisa loo soo gaabiyo OMOD. Ururkan OMOD ayaa kamid ah ururadda waqtiga badan galiyay in lasoo rogo, lana dhaqangaliyo talaabaddan booliska Oslo waajibka uga dhigeyso inay diiwaan-galiyaan dadka ay istaajiyaan ama baaraan. Waxa aan Aki De Leon weydiinay ujeedadda laga leeyahay talaabaddan iyo sababta ay muhiimka u tahay. Jawaabtiisa muuqaalka hoose.

Svend Martin Bjelland oo ah taliye qeybeed katirsan booliska Oslo, ayaa sida oo kale sheegay in ujeedadda ugu weyn ee talaabaddan diiwaangalinta dadka ay boolisku istaajiyaan, kadibna baaraan ay xog fiican booliska ka siineyso arrintan, kahor inta aan mar kale la qiimeen in lasii balaariyo ama in kale.

Taliye qeybeedkan katirsan booliska Oslo ayaan sidoo kale weydiinay qaabka ay talaabaddan u dhaqan-galeyso praktikop ahaan, iyo waxa ay tahay inuu sameeyo qofka ay boolisku istaajiyeen ama baareen. Iyo in qofku uu isagu codsan karo ama in boolisku ay si ootomaatik ah u siinayaan.

Aki De Leon oo dood mawduucan looga hadlayay ka sheegay in mudo ka badan 30 sano oo kasoo shaqeynayay dhaqan-galinta arrintan, ayaa baaq u dirayo dhamaan dadka ajaaniibta ah ee boolisku ay istaajiyaan, gaar ahaan dhalinyaradda.

Booliska Oslo oo 15.000 kr ku wareejiyay urur dhalinyaro soomaali ah ay maamulaan.

0

Booliska magaaladda Oslo ayaa lacag 15.000 kr ah ku wareejiyay ururka dhalinyarada ee Generasjon til generasjon oo ah urur soomaali ah oo xiliyada xagaaga ee iskuuladu fasaxa yihiin howl-maalmeedyo u sameeyo dhalinyarada dhaqaale ahaan aan awoodin inay fasax u baxaan.

Booliska ayaa lacagtan gudoonsiiyay ururkan iyaga oo wakiil ka ah fanaanadda caanka ah ee Helene Bøksle, taas oo codsatay in lacagtaas lagu wareejiyo urur samafal oo wax wanaagsan u qaba caruurta danyarta ah.

Munaasabba ay boolisku lacagta ka gudoonsiiyeen ayaa aheyd shir ay isugu imaadeen bulshada Soomaaliyeed ee Norway kunool, kuwaas oo si wadajir ah uga arrinsanayay qaabkii looga hortagi lahaa falalk danbiyeedyadda sii kordhiyo ee ay geystaan ama loo geysto dhalinyarada soomaalida. Halkan kasii akhri.

Afar meelood meel ajaaniibta Oslo kunool oo la kulmay cunsurinimo.

0

Sida lagu ogaaday tirokoob iyo daraasad uu sameeyay TV-ga qaranka Norway ee NRK, afar meelood meel bulshada soo galootiga ah ee Oslo kunool ayaa la kulmay cunsurinimo.

Inta badan dadka lagu wareystay tirokoobkan ayaa sheegay inay cunsurinimo kula kulmeen suuqa shaqada, suuqa guryaha, gaadiidka dadeynaha jidka ama xitaa magaaladda dhexdeeda.

70% dadka lagu wareystay warbixintan, ayaa sheegay in ay dacwad ka gudbin gafka cunsurinimo ee lagula kacay ama ay la kulmeen.

Tirokoobkan NRK loo sameeyay ayaa warbixintooda ku wareystay 300 qof oo asal ahaan soo galooti ah.

Xigasho/kilde: Hjertet banket raskere idet han nærmet seg: På jobben ventet rasistisk hets

Madaxweyne ku-xigeenkii baarlamanka Midowga Yurub oo xilka looga qaaday kiis-fadeexad la xiriirta Qatar

0

Baarlamanka Midowga Yurub ayaa maanta u codeeyey inuu xilka ka qaado mid ka mid madaxweyne ku-xigeenadiisa Eva Kaili, sababo la xiriira fadeexad musuq-maasuq oo la tuhunsan yahay inay la xiriirto Qatar.

Baarlamanka ayaa codeyn ah 625-1 ku ansixiyey inay xilkeeda lumiso Kaili. Waxa ay ka mid tahay lix qof oo ay xireen booliska Belgium, taasi oo qeyb ka ah baaritaan ku saabsan musuq-maasuq. Afar ka mid ah ayaa dacwado lagu soo oogay halka laba lasii daayey.

Qareenada Kaili ayaa ku adkeystay inaysan wax dambi ah gelin.

Fadeexaddan ayaa la xiriirta in Qatar ay laaluush siisay xildhibaano ay ka mid tahay Kaili, si ay u saameyso go’aanada ururka, eedeymahaas oo ay beenisay.

Kiiskan, oo booliska ay ku helaan lacag kaash ah oo badan, ayaa mugdi geliyeay sumcaddii baarlamanka Midowga Yurub, oo isu muujiya mid anshax iyo damiir leh, islamarkaana cambaareeya xagudubyada xuquuqda aadanaha ee dalalka kale ee caalamka.

Qatar waa ay beenisay inay wax khalad ah sameysay.

“Sumacadda baalamanka Midowga Yurub ayaa mar walba muhiim ah,” ayey twitter kusoo qortay madaxweynaha baarlamanka, Roberta Metsola.

Michalis Dimitrakopoulos, oo ah qareenka Kali ee Greece, ayaa tiri “mowqifkeeda waa inaysan waxba galabsan, taas ayaan kuu sheegi karaa.” Kaili ayaa u dhalatay dalka Greece.

«Wax shaqo ah kuma lahan maal-gelinta Qatar, waxba, si cad oo aan leexleexad lahayn,» Dimitrakopoulos ayaa sidaas u sheegay Open TV.

Dhowr dal oo Midowga Yurub ka mid ah oo uu ku jiro Jarmalka, ayaa sheegay in sumcadda 27-ka waddan ee Midowga ay halis ku jirto.

Sidoo kale, dalalka horey dhalleeceynta ugala kulmay Golaha, oo uu ku jiro dalka Hungary, ayaa sheegay in Midowga Yurub uu lumiyey heerkii sare ee anshaxa.

«Wixii hadda ka dambeeya Baarlamaanka Yurub ma awoodo inuu si la aamini karo uga hadlo musuq-maasuqa,» ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda Hungary Peter Szijjarto ku soo qoray Facebook.

Booliska Belgium ayaa Jimcihii ilaa Isniintii waxay baarayeen 19 guri iyo xafiisyo uu leeyahay baarlamaanka, waxa ayna soo qabteen kombiyuutaro, taleefon gacmeedyo iyo lacag kaash ah oo qaarkeed laga helay shandad tiilay hotel ah.

Afarta qof ee lagu soo oogay dacwadda midkoodna si rasmi ah looma aqoonsanin, balse magaca Kaili ayaa si degdeg ah loogu dusiyey saxaafadda.

Xigasho/kilde: Rueters/VOA SOMALI

Soomaalida Oslo oo kulan doodeed ka yeeshay falalka danbiyada ee dhalinyarada soomaalida ah.

0

Magaaladda Oslo, gaar ahaan xaafaddaha ay deegaan ahaan ku badanyihiin bulshooyinka soo galootiga ah, waxaa sanadihii ugu danbeeyay kusoo badanayay danbiyada ay geystaan ama loo geysto dhalinyarada soomaalida ah ee kunool magaaladda. Waxaana falalkan ugu danbeeyay dhowr fal danbiyeed oo waaweyn, kuwaas isugu jiro dil iyo dhaawacyo, oo mudo hal sano gudaheed ah ka dhacay magaaladda Oslo.

Maalintii axada aheyd waxaa magaaladda Oslo ka dhacay kulan ay bulshada soomaalida ah ee Oslo kunool uga tashanayeen qaabkii si wadajir ah oo mideysan looga hortagi lahaa dhibaatooyinka sii badanayo ee danbiyada la xiriira ee geystaan ama loo geysto dhalinyarada soomaalida, iyada oo la kaashanayo hey’ addaha dowliga ah ee arrimaha ka shaqeeyo.
Waxaana kulankan oo ay si wadajir ah usoo qaban-qaabiyeen golaha Islaamka Norway( IRN), hey’ adda Face 2 Face brobygger senter iyo warbaahinta NorSom News lagu casuumay aqoonyahan kala duwan oo soomaali ah, waalidiinta soomaaliyeed iyo waliba booliska magaaladda Oslo.
Booliska Oslo oo kulanka kasoo qeybgalay ayaa bulshada Soomaalida ah uga mahadceliyay qaban-qaabadda kulankan, waxeyna aad uga hadleen muhiimadda wada-shaqeynta hey’ addaha amniga, kuwa dowlada, ururadda soomaalida, xarumaha diimaha iyo waalidiinta si qaab wadajir ah looga hortago in dhalinyaradu ay galaan ama kusii jiraan falal-danbiyeedyo halis ku ah naftooda iyo mida bulshadaba. Sidoo kale waxa ay bulshada la qeybsadeen warbixino ku aadan waxyaabaha ay la kulmaan, iyo talooyin la xiriira qaabka ay waalidku ilmnaha gacan uga siin lahaayeen inuusan jid qaldan dooran.

Dadka kulanka lagu casuumay ee bandhigyada ka sameeyay, waxaa kamid ah Shaahid Rasool oo 18 sano oo noloshiisa kamid ah kusoo qaatay xabsi. Shaahid oo asal ahaan kasoo jeedo dalka Pakistan, ayaa hada ah la taliye dhinaca arrimaha ka hortaga danbiyada ah iyo talo siinta waalidka iyo dhalinyarada. Balse waxa uu xili kiamid ahaan jiray danbiilayaashii ugu halista badnaa magaaladda Oslo, taas oo ku muteystay inuu xabsi ku jiro mudadaas aadka u dheer. Wuxuuna waalidiintii kulanka kasoo qeybgalay uga sheekeeyay noloshiisii danbiilenimo, midii xabsiga, iyo khibradiisa la xiriirta arrimahan. Waxa uuna waalidiinta iyo bulshada kulanka kasoo qeybgashay u bandhigay waxyaabaha dhalinyarada ajnabiga ah ku haga in ay danbi geystaan, ayna uga horeyso saaxiibadda qaldan, iyo sidoo kale qaabka ay uga hortagi karaan waalidku arrintaas.

Booliska Oslo oo dhankooda muujiyay sida ay u rabaan inay ula shaqeeyaan bulshada, xiriirna dhow ula sameeyay, ayaa sabaalmarin lacageed gudoonsiiyay urur dhalinyaro soomaaliyeed ah oo aad uga shaqeeyo caawinta dhalinyaradda. Ururka Generasjon to Generasjon ayaa xiliyada xagaaga ee iskuuladu ay fasaxa yihiin aktivitetyo kala duwan u sameeyo dhalinyarada.
Qeybta danbe ee kulanka oo ahaa dood-bulsheed ku saabsan caqabaddaha dhalinyarada soomaalid ku haga ama u fududeeya geysiga falalka danbiyada ah ama ku biirista kooxaha danbiileyda ah, ayaa waxaa ka qeybgalayaasha oo isugu jira siyaasiyiin, waalidiin, dhalinyaro iyo madaxda ururadda bulshada, kusoo bandhigeen in sababaha dhalinyarada ku riixa ay yihiin kuwo isku xiran oo isa saameeya. Gaar ahaana arrimaha dhaqaalaha qoyska, dhaqaalaha, bulshada, deegaanka, iyo arrinta aad looga hadlay oo ah ka maqnaashaha waalidiinta, gaar ahaan aabaha ee nolosha ubadkiisa, shaqo la aanta dhalinyarada, iyo waxbarashada oo ay xili hore ka dhacaan ama ka baxaan.

Waalidiinta kulanka kasoo qeybgalay ayaa sidoo kale dhankooda kusoo bandhigay khibradooda ku aadan mawduuca laga hadlayay, waxeyna dhiibteen fikradahooda qaabkii arrintan si wadajir ah loogu xalin lahaa, loogana hortagi lahaa inta aysan sii weynaan. Iyada oo waalidiintu ay sheegeen in ka waalid ahaan ay bixiyaan dadaal aad u badan, balse mararka qaarkood dadaalku waalidka oo kali aan arrintan lagu xalin karin, balse loo baahanyahay dadaal wada jir ah. Waxa ayna waalidiintu qaarkood ka sheegteen in hey’ addaha dowladu aysan mararka qaarkood arrintan uga howlgalin sidii saxda aheyd, taas oo waalidka qaar ku kalifta inay ka cabsadaan la xiriirista hey’ addaha dowliga ah, iskuna daya in ay dhibta si gaar ah iskood u xaliyaan.

Markii u ukulanka soo dhamaaday, ayaa warbaahinta NorSom TV waxa ay aragtiyahooda weydiisay q dadkii kasoo qeybgalay kulanka iyo qaban-qaabiyeyaasha.

error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.