mandag, april 29, 2024

Mid kamid ah dadkii loo qabtay dilkii Grønland oo xabsiga laga sii daayay.

Sida uu warbaahinta u xaqiijiyay qareenkiisu, waxaa xabsiga laga sii daayay wiil 22 sano jir ah, kaas oo 2 maalin kahor ay boolisku xabsiga u dhigeen inuu saameyn ku lahaa dilkii wiilka soomaaliga ah loogu geystay xaafadda Grønland ee magaaladda Oslo.

22-jirka ayaa kamid ah labo qof oo loo qabtay falkan dilka ah, waxaana weheliyay nin 31-sano jir ah kaas oo boolisku ay ku eedeynayaan falka dilka ah. Booliska ayaa markii hore sheegay in wiilkan ay xabsiga ku heyn doonaan mudo afar isbuuc ah, inta kiiskiisa laga soo baari doono. Balse waxey xabsiga kasii daayeen 2 maalin kadib markii ay xireen.

Inam Ali oo ah qareenka 22-jirkan ayaa warbaahinta u sheegay in labadii maalmood ee ugu danbeeyay ay wadeen shaqo adag iyo wadahadal ay kula jireen booliska, iyaga oo racfaan ka qaatay go’ aan ay maxkamadda Oslo ku ogolaatay in 22-jirka xabsiga lagu hayo afar isbuuc. Wuxuuna sheegay in shaqadaas adag kadib ay soo baxday in tuhunkii la xiriiray ka qeybqaadashada kiiska ee wiilkan uu wiiqmay, maantana lagu wargaliyay in xabsiga laga sii daayay.

War saxaafadeed ay soo saareen booliska Oslo ayay ku sheegeen in tuhunkii laga qabay ka qeybqaadashada wiilkan ee kiiska dilka ah uusan wali meesha ka bixin, laakiin cadeymaha tuhunku ay wiiqmeen(jilceen), sidaas darteedna ay u go’ aansadeen inay xabsiga kasii daayaan.

Grønland-drapet: Siktet mann i 20-årene løslates

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x