fredag, april 26, 2024

Soomaalida Oslo oo kulan doodeed ka yeeshay falalka danbiyada ee dhalinyarada soomaalida ah.

Magaaladda Oslo, gaar ahaan xaafaddaha ay deegaan ahaan ku badanyihiin bulshooyinka soo galootiga ah, waxaa sanadihii ugu danbeeyay kusoo badanayay danbiyada ay geystaan ama loo geysto dhalinyarada soomaalida ah ee kunool magaaladda. Waxaana falalkan ugu danbeeyay dhowr fal danbiyeed oo waaweyn, kuwaas isugu jiro dil iyo dhaawacyo, oo mudo hal sano gudaheed ah ka dhacay magaaladda Oslo.

Maalintii axada aheyd waxaa magaaladda Oslo ka dhacay kulan ay bulshada soomaalida ah ee Oslo kunool uga tashanayeen qaabkii si wadajir ah oo mideysan looga hortagi lahaa dhibaatooyinka sii badanayo ee danbiyada la xiriira ee geystaan ama loo geysto dhalinyarada soomaalida, iyada oo la kaashanayo hey’ addaha dowliga ah ee arrimaha ka shaqeeyo.
Waxaana kulankan oo ay si wadajir ah usoo qaban-qaabiyeen golaha Islaamka Norway( IRN), hey’ adda Face 2 Face brobygger senter iyo warbaahinta NorSom News lagu casuumay aqoonyahan kala duwan oo soomaali ah, waalidiinta soomaaliyeed iyo waliba booliska magaaladda Oslo.
Booliska Oslo oo kulanka kasoo qeybgalay ayaa bulshada Soomaalida ah uga mahadceliyay qaban-qaabadda kulankan, waxeyna aad uga hadleen muhiimadda wada-shaqeynta hey’ addaha amniga, kuwa dowlada, ururadda soomaalida, xarumaha diimaha iyo waalidiinta si qaab wadajir ah looga hortago in dhalinyaradu ay galaan ama kusii jiraan falal-danbiyeedyo halis ku ah naftooda iyo mida bulshadaba. Sidoo kale waxa ay bulshada la qeybsadeen warbixino ku aadan waxyaabaha ay la kulmaan, iyo talooyin la xiriira qaabka ay waalidku ilmnaha gacan uga siin lahaayeen inuusan jid qaldan dooran.

Dadka kulanka lagu casuumay ee bandhigyada ka sameeyay, waxaa kamid ah Shaahid Rasool oo 18 sano oo noloshiisa kamid ah kusoo qaatay xabsi. Shaahid oo asal ahaan kasoo jeedo dalka Pakistan, ayaa hada ah la taliye dhinaca arrimaha ka hortaga danbiyada ah iyo talo siinta waalidka iyo dhalinyarada. Balse waxa uu xili kiamid ahaan jiray danbiilayaashii ugu halista badnaa magaaladda Oslo, taas oo ku muteystay inuu xabsi ku jiro mudadaas aadka u dheer. Wuxuuna waalidiintii kulanka kasoo qeybgalay uga sheekeeyay noloshiisii danbiilenimo, midii xabsiga, iyo khibradiisa la xiriirta arrimahan. Waxa uuna waalidiinta iyo bulshada kulanka kasoo qeybgashay u bandhigay waxyaabaha dhalinyarada ajnabiga ah ku haga in ay danbi geystaan, ayna uga horeyso saaxiibadda qaldan, iyo sidoo kale qaabka ay uga hortagi karaan waalidku arrintaas.

Booliska Oslo oo dhankooda muujiyay sida ay u rabaan inay ula shaqeeyaan bulshada, xiriirna dhow ula sameeyay, ayaa sabaalmarin lacageed gudoonsiiyay urur dhalinyaro soomaaliyeed ah oo aad uga shaqeeyo caawinta dhalinyaradda. Ururka Generasjon to Generasjon ayaa xiliyada xagaaga ee iskuuladu ay fasaxa yihiin aktivitetyo kala duwan u sameeyo dhalinyarada.
Qeybta danbe ee kulanka oo ahaa dood-bulsheed ku saabsan caqabaddaha dhalinyarada soomaalid ku haga ama u fududeeya geysiga falalka danbiyada ah ama ku biirista kooxaha danbiileyda ah, ayaa waxaa ka qeybgalayaasha oo isugu jira siyaasiyiin, waalidiin, dhalinyaro iyo madaxda ururadda bulshada, kusoo bandhigeen in sababaha dhalinyarada ku riixa ay yihiin kuwo isku xiran oo isa saameeya. Gaar ahaana arrimaha dhaqaalaha qoyska, dhaqaalaha, bulshada, deegaanka, iyo arrinta aad looga hadlay oo ah ka maqnaashaha waalidiinta, gaar ahaan aabaha ee nolosha ubadkiisa, shaqo la aanta dhalinyarada, iyo waxbarashada oo ay xili hore ka dhacaan ama ka baxaan.

Waalidiinta kulanka kasoo qeybgalay ayaa sidoo kale dhankooda kusoo bandhigay khibradooda ku aadan mawduuca laga hadlayay, waxeyna dhiibteen fikradahooda qaabkii arrintan si wadajir ah loogu xalin lahaa, loogana hortagi lahaa inta aysan sii weynaan. Iyada oo waalidiintu ay sheegeen in ka waalid ahaan ay bixiyaan dadaal aad u badan, balse mararka qaarkood dadaalku waalidka oo kali aan arrintan lagu xalin karin, balse loo baahanyahay dadaal wada jir ah. Waxa ayna waalidiintu qaarkood ka sheegteen in hey’ addaha dowladu aysan mararka qaarkood arrintan uga howlgalin sidii saxda aheyd, taas oo waalidka qaar ku kalifta inay ka cabsadaan la xiriirista hey’ addaha dowliga ah, iskuna daya in ay dhibta si gaar ah iskood u xaliyaan.

Markii u ukulanka soo dhamaaday, ayaa warbaahinta NorSom TV waxa ay aragtiyahooda weydiisay q dadkii kasoo qeybgalay kulanka iyo qaban-qaabiyeyaasha.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x