lørdag, mars 15, 2025
Home Blog Page 30

Booliska oo baabuurleyda ugu baaqaya inay baabuurta guryaha uga tagaan.

Baraf badan oo xaley ilaa saaka da´ayay iyo roob dhinac socdo ayaa khal khal ka abuuray isku socodka gaadiidka ee magaalooyinka Norway ee dhaca koonfurta iyo bariga dalka. Waxaana saaka lasoo wariyay shilal dhowr oo baabuur, kuwaas oo sababay khasaare bur bur hantiyeed.

Booliska Oslo ayaa dadka baabuurta leh ugu baaqaya ina baabuurta uga soo tagaan guryaha oo aysan shaqada usoo qaadan. Booliska ayaa sheegay in saadaasha hawadu ay sheegeyso in barafkan uu socon doono 24-ka saac ee soo socoto, sidaas darteed ay kusii xisaabtamaan isbadal xoogan oo ku imaan kara isku socodka gaadiidka iyo wadooyinkaba.

Hey´addaha saadaasha hawadda ayaa sidoo kale dadka adeegsadda gaadiidka dadweynaha kula talinaya inay xili fiican kasoo baxaan guryahooda, hadii ay balamo leeyihiin, maadaama daahitaan uu ku imaan karo gaadiidka dadweynaha.

Xigasho/kilde: Vintervær gjør det vanskelig for bilister i sør.

Ilhaan Cumar oo markii sadexaad maanta loo dhaariyay Congress-ka Mareykanka.

Ilhaan Cumar oo laga doorto degmada shanaad magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa markii saddexaad Talaadadii loo dhaariyay xubin ka tirsan mudaneyaasha Golaha Wakiillada Congress-ka Mareykanka.

Ilhan oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa bishii Novermber ee sannadkii hore mar kale dib loo soo doortay.

«Kursigani aniga kaliya maaha. Waxaa isla leh kumannaanka qof ee aan ku metelo, kuwaas oo doonaya wakiil u dagaalama» ayay barteeda Twitter-ka kusoo qortay Ilhan markii la dhaafiyay kadib.

Waxay sheegtay in u dagaallami doonto sidii wax looga qaban lahaa cimilada, xuquuda shaqaalaha iyo ilaalinta dimuqraadiyadda.

Ilhaan Cumar ayaa dabayaaqadii 2018 noqotay qofkii ugu horreeyay ee Somali-Mareykan ah oo ka mid noqda Congress-ka Mareykanka.

Baarlamaanka EU oo xasaanadda ka xayuubiyay xildhibaano musuqmaasuq ku eedeysan.

Madaxweynaha Baarlamaanka Midawga Yurub ayaa bilaabay hanaan degdeg ah oo la doonayo in xasaanadda lagaga xayuubiyo laba mudane oo ka tirsan baarlamaanka Midawga Yurub, ka dib codsi uga yimi hay’adaha garsoorka ee dalka Belgium, kuwaas oo baadhaya fadeexad weyn oo musuqmaasuq oo ruxday Midawga Yurub.

Baarlamaanka Yurub ayaa Isniintii sheegay in madaxweyne Roberta Metsola, inay ka codsatay dhammaan adeegyada iyo guddiyadu inay mudnaanta siiyaan arrintan, iyada oo la doonayo in la dhameeyo inta ka horraysa bisha February 13-keeda.

«Waxaa markii ugu ugu horraysay uu baarlamaanka Midawga Yurub uu sameeyey wax kasta oo awooddiisa ah, si uu uga gacan geysto baadhitaanada socda, waxaanna sii wadi doonaa inaan hubinno inaanay jiri doonin meel lagaga dhuunto isla xisaabtanka” ayay tidhi Metsola, waxayna hadalkeeda sii raacisay “Kuwa ka masuulka ah waxaa laga qaadi doonaa tallaabo sharci ah. Lagama raalli noqon doono masuq maasuq, waxaanuna samayn doonaa wax kasta oo lagula dagaalamayo”

Xubnaha warbaahinta ee ka hawlgala ururka Midawga Yurub, ma aanay aqoonsanin labadan xubnood ee ka tirsan baarlamaanka, hase ahaatee laba masuul oo magacyadooda qariyey, maadaama oo aan loo ogolayn inay dhacdadan ka hadlaan ayaa tilmaamay in labada xubnood ay kala yihiin Andrea Cozzolinooo oo Talyaani ah iyo Marc Tarabella oo Belgium ah.

Xubnahan oo lala xidhiidhay wax falcelina kama bixinin arrintan.

Waxaa jira xildhibaan saddexaad oo lagu magcaabo Eva Kaili, kaas oo hore loogu soo oogay dacwado la xidhiidha inuu ku lug yeeshay eedo ku saabsan, inuu laaluush ka qaatay masuuliyiin ka tirsan Qatar iyo Morocco, kuwaas oo doonayey inay saamayn kuyeeshaan go’aano siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale.

Mudanaha Kaili ayaa xabsi ku jirta tan iyo bishii December 9-keedii, iyada oo sidoo kalena xabsiga la dhigay saaxiibkeen Francesco Giorgi oo ahaa la taliye ka tirsan baarlamaanka Midawga Yurub.

Xigasho/kilde: VOA SOMALI + AP News

Sweden: Labo qarax oo xalay ka dhacay Stocklom: Shan qof oo loo qabtay.

24-kii saac ee ugu danbeeyay, waxaa caasimadda dalka Sweden ee Stocklom ka dhacay labo qarax kuwaas oo la sheegay inay ahaayeen qaraxyo xoogan saameyn yeeshay.

Qaraxa koowaad oo ahaa mid xoogan ayaa sida ay boolisku sheegeen, waxa abaare xalay sadexdii habeenimo ee saqdhexe ka dhacay guri kuyaal xaafadda Grimsta, waxaana saacad kadib uu qarax kale ka dhacay gudaha guri kuyaal xaafadda Bagarmossen. Qaraxa labaad ayaa ahaa mid fudud, marka lala barbardhigo kii koowaad sida ay boolisku sheegeen.

Sida ay laamaha amnigu cadeeyeen, ma jiro wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay qaraxyaddan labadda ah, inkasta oo uu burbur soo gaaray guryaha uu ka dhacay.

Booliska ayaa isku dar afar qof usoo qabtay qaraxyaddan, waxeyna boolisku sheegeen inay u badinayaan in qaraxyaddan ay xiriir la leeyihiin dil loo geystay wiil labaatan jir ah, kaas oo habeenkii sanadka cusub ka dhacay magaaladda Stocklom.

Xigasho/kilde: Explosioner i två flerfamiljshus i Stockholm i natt – fem personer har anhållits.

45.000 qof tahriibayaal ah, ayaa sanadkii tagay dhinaca bada ka galay UK.

In ka badan 45,000 oo qof oo muhaajiriin ah ayaa sannadkii dhamaaday ee 2022, dhinaca badda ka galay dalka Ingiriiska, waxaana tiradaasi ay 17,000 ka badan tahay, tiradii muhaajiriinta ee dhinaca badda ka gashay Ingiriiska sannadkii 2021, sida lagu sheegay warbixin ay sii daysay dawladda Ingiriisku maalintii Axadda.

Arrintan ayaa noqotay, dood siyaasadeed oo saamayn weyn ku yeelatay xukuumadda haatan ka Talisa dalkaas oo hore u ballanqaaday inay hoos u dhigayso tahriibka, isla markaana ay tallaabo ka qaadayso kooxaha ka wax tahriibiya.

Tirada rasmiga ah ee sannadkan dhinaca badda ka soo gashay dalka Ingiriiska iyaga oo ka imanaya dalalka kale ee Yurub ayaa gaadhay 45,756, halka ay sannadkii kaas ka horeeyey ay ka ahaayeen 28,526.

Dadkan tahriibayaasha ah ayaa isticmaala doonyo yaryar, waxayna galaan safar aad u halis badan, qaar badan oo ka mida ayaa nafohooda ku waaya inta ay ku dhex jiraan safarkaas dhinaca badda ah. Bishii hore waxaa la soo weriyey inay afar qof oo tahriibayaal ahi ay ku dhinteen badda iyaga oo doonaya inay

Bishii August 22-keedii, ayay ahayd maalintii ay Ingiriiska soo gaadheen tiradii ugu badnayd, iyada oo maalintaas keliya ay tirada muhaajiriinta ee dhinaca baddu ahayd 1,295 qof.

Warbixintan oo lagu daabacay bogga VOA News, waxaa laga soo xigtay wakaaladda wararka ee AFP.

Meydka gabar iyo hooyadeed guri laga wada helay.

27-kii bishii na dhaaftay ee Desember, waxaa guri kuyaal magaaladda Kragerø ee dalkan Norway laga helay meydka labo qof oo dumar, kuwaas oo boolisku ay cadeeyeen in ay ahaayeen gabar labaatameeyo(20) jir ah iyo hooyadeed oo lixdameeyo(60) jir ah.

Booliska ayaa sheegay in baaritaanadda hordhaca ah ay sheegayaan in labadda haweenka ah ee meydkooda guriga laga helay, ay u badantahay inay u dhinteen xanuun. Balse wey ka gaabsadeen inay faah-faahin dheeri ah kasii bixiyaan dhacdaddan.

Booliska ayaan dhanka kale shaacin aqoonsiyadda ama macluumaadka labadda qof ee geeriyooday, waxa ayna ku gaabsadeen in ay ahaayeen gabar iyo hooyadeed.

Xigasho/kilde: Mor og datter funnet døde: Skyldes trolig sykdom.

2023: Shirkaddaha oo lagu adkeeyay sharciga in ay qof shaqada ka ceyriyaan.

Laga bilaabo maanta oo ay tahay kowda bisha Janaury ee sanadka 2023, waxaa dhaqangalay isbadal lagu sameeyay qodobo kamid ah sharciga shaqada iyo shaqaalaha Norway ee loo yaqaan Arbeidsmiljøloven.

Waxyaabaha isbadalka lagu sameeyay ayaa waxaa kamid ah in shirkaduhu aysan si fudud shaqada uga ceyrin karin shaqaalaha u shaqeeyo. Waxaana sharcigan cusub uu waajib uga dhigayaa shirkaddaha in hadii shirkadu go’ aansato inay shaqada ka ceyriso qof shaqaale ah, ay marka hore raadiso shaqo ama howl kale oo uu qofku ka qaban karo isla shirkadda, ama qeybaha kale ee shirkaddaas, kahor inta aan loo bandhigin shaqo ka ceyrinta.

Isbadalkan cusub ee sharciga shaqada iyo shaqaalaha ayaa sida ay dowladu sheegtay adkeynayo xuquuqda qofka shaqaalaha ah, kana hortagayo in shirkaduhu ay qof shaqaalaha shaqada si fudud uga ceyriyaan, iyaga oo aan marka hore sameyn dadaal xoogan oo qofkaas isla shirkadda gudaheeda shaqo kale looga raadinayo.

2023( Muhiim): Xeer cusub oo hey’ adda barnevern-ka lagu dhaqayo oo dhaqangalay.

Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay maalinta koowaad ee sanadkan cusub ee 2023(1.1.2023), waxaa dhaqangalkeedu uu bilowday sharci cusub, kaas oo lagu dhaqi doono hey’ adda ilaalinta caruurta ee loo yaqaan barnevern-ka.

Sharcigan oo doodiisu ay socotay dhowrkii sano ee ugu danbeeyay, ayaa waxa kujiro qodobo badan oo isbadal lagu sameeyay, kuwaas oo saameyn ku yeelan doono qaabka shaqada, iyo qiimeynta kiisaska ee hey’ adda barnevernka.

Ujeedadda guud ee ugu weyn ama qodobka ugu muhiimsan ee sharcigan cusub ayaa ah in barnevern-ku ay mar walba, go aan walba iyo talaabo walba oo ay qaadayaan oo saameyneyso ilmaha, ay aas-aas uga dhigaan tixgalinta waxa u fiican ilmaha(barnets beste), iyada oo la fiirinayo dhamaan dhinacyada kiiska iyo duruufaha dhaqan, qoys, diineed ama sharci ee ku hareereysan kiiska.

Sharcigan oo guud ahaantii laga akhrisan karo halkan ( Ny barnevernslov) ayaa qodobadda ugu muhiimsan ee bulshooyinka ajaaniibta ah tooska u saameyn karo, waxaa kamid ah:

  • Sharciga cusub ayaa qeexayo, qaanuun ahaan hoosta ka xariiqayo in go’ aanadda hey’ adda barnevern-ku ay mar walba xooga saaraan waxa u fiican ilmaha( Barnets beste).
  • Sharciga cusub ayaa qeexayo in hey’ adda barnevern-ku ay tixgalin u sameyneyso dhaqanka, hiddaha, diinta iyo afka, ee dhamaan heerarka kala duwan(alle stadier) ee kiisaska ilmaha ay barnevern-ka gacanta ku hayaan( ka shaqeynayaan).
  • Sharciga cusub ayaa sidoo kale dhigayo in hey’ adda barnevernku ay ka shaqeyso in xili fiican kiisaska lasoo dhexgaliyo(lala qeybsado) qoyska iyo saaxiibadda/xiriiradda dhow ee ilmaha ay kiisaskooda gacanta ku heyso ( ka shaqeynayaan).
  • Sharciga cusub ayaa sidoo kale aad u qeexayo, adkeynayana xaqa ilmaha iyo waalidka ee lahaanshaha nolol qoys oo gaar ah.
  • Sharciga cusub ayaa sidoo kale qeexayo in barnevernku ay ka shaqeeyaan, hadafna(mål) ay ka dhigtaan sidii ay dib ugu midoobi lahaayeen( isugu soo noqon lahaayeen) waalidiinta iyo ilmaha ay xanaanadiisa la wareegaan.
  • Sharciga cusub ayaa sidoo kale qorayo in waajib ay tahay in waalidka dhalay ilmaha ay helaan caawin sharciyeed, xitaa hadii ilmuhu uu ka maqanyahay dalka.

Xigasho/kilde: 1. januar 2023 trer ny barnevernslov i kraft. Her finner du en oppsummering av de viktigste endringene som bli iverksatt..

2023: Hadii aad balanta dhakhtarka iman weydo: 1500 kr oo ganaax ah.

Laga bilaabo maanta oo ah maalinta koowaad ee sanadka cusub ee 2023, waxaa dhaqangalay sharci bilo kahor la ansixiyay, kaas oo qofka aan imaan balanta dhakhtarka ee uu qabsaday( ama loo qabtay ) waajib uga dhigayo bixinta ganaax lacageed oo dhan 1500 kr.

Arrintan ayaa ka dhigan in qofkii qabsada balan dhakhtar (legetime), balse aan imaan, ama xiligii saxda ahaa kahor aan soo sheegin, si balantaas loo baajiyo, uu bixin doono ganaax lacageed oo gaaraya 1500 kr.

Horey waxaan qofkii aan imaan ama u gooya/ganbiya balanta dhakhtarka looga qaadi jiray 1023 kr oo ganaax ah. Balse waxaa hada lagu kordhiyay lacag ku dhow 500 kr.

Balamaha la xiriira dhakhtarka xanuunadda dhimirka, ayaa qofkii aan imaan balanta waxaa lagu ganaaxi doonaa 375 kr.

Qofkii aan imaan balan dhakhtar oo la xiriirta daaweynta mukhaadaraadka ayaa waxaa isaga laga qaadi doonaa ganaax lacageed oo dhan 375 kr.

2023: Dhaqangalka shuruudo cusub oo lagu soo rogayo Tagaasileyda.

Laga bilaabo maanta oo ah maalinta koowaad ee sanadkan cusub ee 2023, waxaa dhaqan-galkoodu ay bilaaban doonaa isbadalo lagu sameeyay shuruucda gaadiidka dadweynaha, kuwaas oo horey dowladu ay u meelmarisay.

Wasiirka gaadiidka iyo wadooyinka Jon-Ivar Nygård ayaa horey war saxaafadeedka ugu sheegay in dowladu ay istaajin doonto xeerkii tagaasida ee furnaa, kadib markii ay isbadal ku sameysay xukuumadii Erna Solberg.

Shuruudaha cusub oo dhaqangalkoodu uu maanta bilaaban doono, ayaa waxaa kamid ah:

  1. In baabuurta tagaasida ah ay wataan, korkana u saarantahay calaamadda tagaasidda ee nalka(iftiinka) leh, si loo aqoonsado gaadiidka tagaasi ahaanta u shaqeeyo.
  2. In qofka taksiilaha ah uu cadeeyo inuu wato Taksemeterku baabuurka u saaran uu yahay mid sharciyeysan( Godkjent).
  3. Baabuurka noqonayo tagsiga waa in Taksi ahaan looga diiwaangaliyo diiwaanka gaadiidka.
  4. Dowlada ayaa rabta in qofka la siinayo ogolaanshaha koowaad Taksiga ( Løvye) uu bangigo dhigo rahmad lacageed oo gaareyso 5000 Euro. Hadii u rabo in la siiyo Løvye-yaal kale, waa inuu bankiga dhigaa 2500 Euro ogolaansho walbe.c
  5. In hadii dowladu u baahato ay qofka tagaasiilaha weydiin karto liiska inta jeer ee laga kireystay taksiga, ayna muhiim tahay in qofku uu diiwaangaliyo marka uu qof rakaab ah qaado.
  6. Qofka raba inuu leysinka baabuur wadista ee Drosjeløyve waxaa laga qaadi doonaa 3700 kr, halka awal laga qaadi jiray 3400 kr.
  7. Sidoo kale waxaa waajib laga dhigay in qofka inta uusan bilaabin shaqada taksiga uu

Halkan kasii akhri: Endringer i lover og forskrifter fra 1. januar 2023 fra Samferdselsdepartementet.

Xigasho/kilde: Fra nyttår blir det strengere regler for drosjenæringen.

2023: Dowlada oo dad badan u fududeysay inay helaan adeega qareenka bilaashka ah(fri rettshjelp).

Laga bilaabo sanadkan cusub ee bilowga ah maanta, dad badan ayaa xaq u lahaan karo inay helaan adeega qareenka bilaashka ah ee dowladu ay qofka ka bixineyso qarashaadka kaga baxa qareenadda iyo maxkamaddaha( fri rettshjelp). Waxeyna arrintan ka dhalatay dowlada oo kordhisay lacagta qofku uu shaqeysan karo sanadkii, isaga oo wali xaq u heli kara inuu helo adeega Fri rettshjelp.

Xeerkan cusub ee dowlada ayaa ka dhigan in:

Qofka kaligii nool ee sanadkii shaqeeya( ay soo gasho) lacag ka yar 350.000 kr uu xaq u lahaan karo in dowladu ay ka kabto qarashaadka kaga baxa qareenadda iyo arrimaha kale ee la xiriira nidaamka cadaaladda iyo maxkamaddaha Norway.

Sidoo kale lamaahinii ay qoys ahaan sanadkii soo gasho lacag ka yar 540.000 kr, ayaa xaq u lahaan karaan in dowladu ay ka bixiso qarashaadka kaga baxa qareenadda iyo arrimaha kale ee la xiriira nidaamka cadaaladda Norway iyo maxkamaddaha.

Waxaa xusid mudan in kiisaska oo dhan uusan qofku heli karin adeeg qareen oo bilaasha( Fri rettshjelp), balse ay dowladu qofka ka caawiso kiisaska qaarkood. Tusaale ahaan kiisaska la xiriira NAV, Barnevern-ka, muranka waalidka ee xanaanadda ilmaha, arrimaha shaqada iwm.

Xigasho/kilde: Flere får fri rettshjelp

Xiisad kacsan oo dagaal oo ka dhex taagan labo dal oo Yurub ah.

0

Serbiyiinta Kosovo, ee xannibayey waddooyinka ku yaalla waqooyiga Kosovo muddo 19 maalmood ah, ayaa ogolaaday inay billaabaan inay qaadaan jidgooyooyinka laga billaabo maanta oo Khamiis ah, ayaga oo u hoggaansamay baaqyada Mareykanka iyo Midowga Yurub, si ay u qaboojiyaan xiisadda.

Xiisadda ayaa billaabatay 10-kii December markii Serbiyiinta ay waddooyinka ku gooyeen dhagxaan, si ay uga mudaaharaadaan xarigga sarkaal hore uga tirsanaa booliska oo lagu tuhunsan yahay inuu ku lug lahaa weerarro ka dhan ah saraakiisha booliiska ee isirkoodu yahay Albaaniyiinta.

Kosovo ayaa 2008 ku dhowaaqday madax-banaani ay kaga go’day Serbia, hase yeeshee Belgrade ayaa diiday inay aqoonsato, waxayna ku dhiiri-gelisay 120,000 oo Serbiyiin ah oo dalkaas ku nool inay diidaan sharciyadda Pristina — gaar ahaan waqooyiga dalkaas oo Serbiyiinta ay ka yihiin aqlabiyadda.

Madaxweynaha Serbia Aleksandar Vucic, oo Serbiyiinta waqooyiga Kosovo kula kulmay magaalada Raska ee Serbia, ayaa sheegay in hanaanka qaadista dhagxaanta uu billaaban doono Khamiista maanta ah.

“Waa hanaan fog, wuxuuna qaadan doonaa muddo,” ayuu yiri Vucic.

Waxa uu intaas ku daray in Mareykanka iyo Midowga Yurub, oo dhex-dhexaadinaya Belgrade iyo Pristina si loo xalliyo arrimaha taagan ee xiririka labada dal, ay damaanad qaadeen inaan la maxkamadeyn doonin cid ka mid ah Serbiyiinta dhigay xeyndaabyada.

Qaadista jidgooyooyinka ayaa la filayaa inay dejiso xiisadda u dhexeysa Belgrade iyo Pristina.

In ka badna 20 sano, Kosovo ayaa aheyd isha xiisad u dhaxeysa Reer Galbeedka oo taageera madax-bannaanideeda, iyo Ruushka oo taageera Serbia oo isku dayeysa inay xanibto in Kosovo ay xubin ka noqoto ururada caalamiga ah sida Qaramada Midoobe.

Mareykanka, NATO iyo Midowga Yurub ayaa ku baaqay in xakameynta ugu sarreysa laga muujio waqooyiga Kosovo, ayada oo mas’uuliyiinta ay xireen marinkii saddexaad ee xuduudda Arbacadii, islamarkaana xiisadda ay kasii dartay.

Howlgalka NATO ee Kosovo, ee loo yaqaan KFOR ayaa sheegay inuu taageerayo wada-hadallo dhexmara dhammaan dhinacyada si loo qaboojiyo xiisadda, oo ay ku jirto jidgooyooyinka ay dhigeen Serbiyiinta.

Serbia ayaa Isniintii heegankii ugu sarreeyey gelisay ciidankeeda.

Dhinaca kale, Kremlin-ka, oo beeniyey eedeha wasiirka arrimaha gudaha Kosovo ee ah in Ruushka uu ku riixayo Serbia inay xasillooni darro ka abuurto Kosovo, ayaa sheegay in Serbia ay difaaceyso xuquuqda qowmiyadda Serbiyiinta.

Sarkaal hore uga tirsanaa booliska Kosovo oo kasoo jeeda qowmiyadda Serbiyiinta, kaasi oo xarigiisa uu dhaliyey dibadbaxyo rabshado wata oo ay sameeyeen Serbiyiinta Kosovo, ayaa xabsiga laga sii daayey, waxaana la dhigay xabsi guri kadib codsi ka yimid xafiiska dacwad-oogista, sida uu Reuters u sheegay afhayeenka Maxkamadda Aasaasiga ah ee Pristina.

Dejan Pantic ayaa la xiray 10-kii December kadib markii uu weeraray sarkaal boolis ah. Tan iyo markaas, Serbiyiinta waqooyiga Kosovo waxay rasaas is-weydaarsadeen booliska waxayna dhigeen in ka badan 10 jidgooyo, iyagoo dalbanaya in la sii daayo.

Go’aanka maxkamadda ayaa ka caraysiiyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kosovo oo ay ku jiraan ra’iisul wasaare Albin Kurti iyo wasiirka cadaaladda Albulena Haxhiu.

«Ma garanayo si aan u fahmo iyo sida ay suurtogal u tahay in qof lagu soo oogay dambi sidaas u culus oo la xiriira argagixisanimo uu u galo xabsi guri,» ayey tiri Haxhiu.

«Aad ayaan u xiiseynaaa inaan arko cidda uu yahay dacwad-oogaha codsigan soo jeedinaya, iyo cidda uu yahay garsooraha ansixiyay,» ayuu yiri Kurti.

Pantic waxa uu ka mid ahaa Serbiyaan badan oo ka tagay booliiska iyo hay’adaha kale kadib markii Pristina ay sheegtay in ay dhaqan galin doonto sharci Serbiyiinta looga joojinayo inay isticmaalaan taarikada baabuurta ee Serbia ay bixisay ka hor kacdoonkii jabhadda ee 1998-99 ee horseeday madax-banaanida Kosovo.

Serbiyiinta ku nool waqooyiga Kosovo, oo weli aaminsan inay ka tirsan yihiin Serbia, ayaa iska caabiyey tallaabo kasta oo ay u arkaan inay ka dhan tahay Serbiyiinta.

Laba marin xudduudeed oo u dhexeeya Serbia iyo Kosovo ayaa la xiray 10-kii December, halka midka saddexaad oo ah kan ugu weyn ee gawaarida xamuulka la xiray Arbacadii, taasoo carqaladeysay safarradii dadka Kosovo ee ka shaqeynayay meelo kale oo Yurub ah, kuwaas usoo laabanayey guryahooda xilliga fasaxa.

Qiyaastii 50,000 oo Serbiyiin ah oo ku nool waqooyiga Kosovo ayaa diiday in ay aqoonsadaan dawladda Pristina ama maqaamka Kosovo ee dal madax-banaan. Waxay taageero ka haystaan Serbiyiin badan oo Serbia ku nool iyo dawladdooda.

Kosovo oo aqlabaiyadda dadka ku nool ay yihiin Albaaniyiin ayaa ku dhawaaqday madaxbannaani iyada oo taageero ka helaysa reer galbeedka, kadib dagaalkii 1998-99, kaasi NATO ay soo faragelisay si ay u ilaaliso muwaadiniinta qowmiyadda Albaaniyiinta.

Xigasho/kilde: VOASOMALI

Booliska oo xawaare u ganaaxay askari waday baabuurka booliska.

0

Qeybta booliska ee dabagalka danbiyada ka dhaca askarta booliska ah, ayaa ganaaxay askari xawaare sarre oo ka badan intii wadda uu marayay laga ogolaa ku waday baabuurka booliska, isaga oo aan xiligaas ku jirin wax shaqo ah.

Askarigan ayaa waxaa la diiwaangaliyay isaga oo baabuurka calaamadeysan ee booliska ku wadayo 121 km/saacadii, halka waddada uu marayay xawaaraheedu uu ugu badnaan ahaa 80 km/saacadii.

Qeybta dabagalka booliska ayaa baaritaan kadib sheegay inay cadahay in askarigaas uu jabiyay sharciga wado-marista, isaga oo aan heysan sabab ama waajib shaqo oo arrintaas ku kalifeyso.

Askariga lagu helay danbi ayaa lagu ganaaxay 13.500 kr oo lacagta Norway ah. Hadii uu aqbali waayo ganaaxan waxaa u furan inuu aado maxkamadda oo racfaan geysan karaa.

Xigasho/kilde: Politi bøtelagt av spesialenheten for råkjøring.

Fredrikstad: Darawal buss oo ku dhintay shil baabuur oo ka dhex dhacay labo buss.

0

Darawal buss oo kontomeeyo jir ah ayaa ku geeriyooday shil baabuur oo maanta galinkii hore ka dhacay magaaladda Fredrikstad ee dalkan Norway. Shilka ayaa dhex maray labo buss oo kamid ah kuwa ka dhex shaqeeyo magaaladda, waxaana darawalka geeriyooday uu wade ka ahaa mid kamid ah buss-aska isku dhacay.

Booliska ayaa sidoo kale xaqiijiyay in darawalkii waday busska kale uu soo gaarayd dhaawacay. Shilka ayaa sida ay laamaha amnigu cadeeyeen, waxa uu ka dhacay afaafka hore ee buundadda dhexmarta magaaladda Fredrikstad.

Guud ahaan waxaa shilka ku waxyeeloobay afar qof oo labo kamid ah yihiin dad saarnaa bussaska shilku dhexmaray.

Xigasho/kilde: Bussjåfør i 50-årene omkom i busskollisjonen i Fredrikstad

69 qof oo la geeyay qeybta dhaawacyada dhakhtarka Oslo: dhicitaan ayay ku dhaawacmeen.

0

Sadexdii maalmood ee ugu danbeeyay, waxaa jidadka magaaladda Oslo iyo deegaanadda dhaca bariga iyo galbeedka dalkan Norway ka jiray sabiibaxo aad u daran, taas oo sababtay in khalkhal xoogan uu ku imaado nidaamka isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Shaley waxaa lasoo wariyay in jidadka waaweyn ee magaaladda Oslo ay ka dhaceen shilal baabuur oo badan, waxaana saacado taagnaa oo la xiray qeybo kamid ah qaar kamid ah khadadka bussaska ka dhex shaqeeyo xaafadaddaha magaaladda Oslo. Arrinta xiritaanka ama hakashada khadadka bussaska ayaa lagu sababeeyay in bussasku ay u socon waayeen xaafaddaha qaarkood, jidka oo dhalo noqday awgiis.

69 qof oo jidadka Oslo ku dhaawacmay:

Sida uu sheegay dhakhtarka gargaarka deg-dega ah ee magaaladda Oslo(legevakten), waxaa maalintii shaley aheyd isbitaalka Oslo, qeybta dhaawacyadda la geeyay 134 qof. 69 qof oo dadkan kamid ah ayaa ah dad ku sabiibaxday ama ku dhacay jidadka magaaladda, guryaha hortooda, meelaha baabuurta la dhigto ee parkeriga iwm.

Inkasta oo 69 qof ay shaley sababdeen xaaladda jidadka magaaladda Oslo, hadana waxaa la aaminsanyahay in tiradu ay intaas kasii badnaan laheyd. Hadii ay shaley ahaan laheyd maalin caadi ah oo shaqo. Shaley ayaa aheyd maalinta labaad ee fasaxa dhamaadka sanadka, waxaana fasax ahaa iskuuladda iyo inta badan goobaha shaqooyinka.

Xigasho: 69 personer til legevakt etter fallskader andre juledag.

Namsos: Haweenay qoxooti ah oo ku eedeysan dilka saaxiibkeed.

0

Booliska magaaladda Namsos ee dalkan Norway aaa xabsiga dhigay haweenay u dhalatay dalka Ukraine, taas oo sanadkan qoxootinimo ku timid Norway. Haweeneydan ayaa ku eedeysan inay ka danbeysa dilka saaxiibkeed ay guriga ku wada noolaayeen, wuxuuna falkan dhacay khamiista isbuucii hore.

Ninka geeriyooday ayay sidoo kale boolisku sheegeen inuu kasoo jeedo dalka Ukraine.

Haweeneydan eedeysan ayaa iska fogeysay falka dilka ah ee lagu eedeeyay, waxeyna sheegtay in xiliga falkan uu dhacayay ay ku jirtay is difaac.

Booliska ayaa hada xabsiga dhigay haweeneydan afar isbuuc, iyaga oo ogolaansho ka helay maxkamadda. Waxeyna sheegeen inay soo baari doonaan kiiskan.

Xigasho/kilde: Ukrainsk kvinne i 30-årene siktet etter dødsfall: − Sterkt preget.

Wadooyinka Oslo iyo goboladda bariga Norway oo maanta muraayad noqday.

0

Wadooyinka magaaladda Oslo iyo deegaanadda kale ee dhaca Bariga dalkan Norway, ayaa maanta waxaa ka jiro sabiibax(glatt) aad u xoogan oo ka dhashay roob labadii maalmood ee ugu danbeeyay ku dayay baraf horey dhulka u yaalay.

Oslo waxaa maanta aad u batay shilalka baabuurta, iyada oo la xiray qaar kamid ah wadooyinka ay dadku maraan, kadib markii ay noqdeen sabiibax(glatt) muraad u eke ah.

Booliska iyo hey’ addaha wado marista ayaa ilaa shaley dadka baabuurta wata uga digayay adeegsiga baabuurka, waxeyna kula talinayeen inay baabuurta guryaha uga tagaan, si looga badbaado shilal baabuur oo ka dhasha wadooyinka sabiibaxa noqday.

Arrintan ayaa guud ahaan sababtay inuu jahwareer ka abuurmo nidaamka wadomarista Norway, waxaana jiro daahis tiro badan oo la xiriirta busaska iyo gaadiidka dadweynaha.

error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.