torsdag, april 25, 2024

Xisbiga Ap oo kulan dadweyne la yeeshay soomaalida kunool Oslo.

Xisbiga shaqaalaha ee Ap, qeybtiisa Oslo ayaa maalintii sabtida aheyd kulan-bulsheed furan oo dadweyne la yeeshay jaaliyada soomaaliyeed ee magaaladda Oslo. Waxaana kulanka kasoo qeybgalay Reymond Johansen, oo ah gudoomiyaha maamulka Oslo iyo Kaafiya Xaashi Maxamuud oo kamid ah xildhibaanadda soomaalida ah ee katirsan golaha deegaanka Oslo.

Xildhibaan Kaafiya Xaashi oo aheyd qaban-qaabiyaha kulanka, ayaa NorSom News u sheegtay in ujeedka qabashada kulanku uu ahaa in bulshada Soomaaliyeed lagu casuumo inay fikradahooda ku darsadaan barnaamij-siyaasadeedka xisbiga Ap, iyada o sanadka danbe ay dhaceyso doorashada goloyaasha deegaanka ee dalkan Norway.

Waxa ayna Kaafiya sheegtay inay rabtay in soomaalida codkooda siiyay xisbiga Ap ay la xisaabtamaan xisbiga, sidoo kalena ay afkaarkooda, xalka baahiyahooda gaarka ah iyo dareenkooda ugu darsadaan barnaamijka xisbiga, si ay lahaanshiiyo iyo ka qeyb-noqosho dhab ah u dareemaan.

Reymond: Waan ku faraxsanahay in dadku si qalbi furan dhibtoodaa uga hadlaan:

Kulanka ayaa ku bilowday in Reymond Johansen oo ah gudoomiyaha maamulka Oslo uu sharaxo siyaasadda xisbiga iyo waxyaabaha u qabsoomay, sidoo kalena waxyaabaha ay rabaan inay wax kasii qabtaan sanaddaha soo socdo. Waxaana xigay in dadkii kulanka kasoo qeybgalay ay su’ aalo badan oo ay ku jireen kuwo adag weydiiyaan Reymond, iyaga oo sidoo kale soo bandhigay waxyaabo uu xisbigu balanqaaday oo sidii la rabay aan loo fulin iyo kuwo kale oo aan wax laga qaban.

Arrimaha ugu badan ee kulanka looga hadlay ayaa dhamaantood wada ahaa kuwo taabanayo baahiyaha gaarka ah ee bulshada soomaaliyeed ee Oslo, iyo Norwey. Waxaana lagu dheeraaday ka hadalka arrimaha khuseeyo dhibaatadda Guryaha, cunsurinimadda iyo takoorka lala beegsado bulshooyinka ajaaniibta ah ee soomaalidu ay kamid tahay, suuqa shaqada, danbiyada sii kordhayo ee dhalinyarada ay geystaan, cabsida waalidiinta ee hey’ adda daryeelka caruurta ee barnevernka, siyaasadda qoxootiga iyo waliba kala noqoshada baasaboorka Norway oo dad badan ay sheegeen inay abuurmay cabsi kaliftay in dad badan ay wadanka ka guuraan.

Reymond Johansen ayaa inta badan ka jawaabay su aalaha adag ee la weydiiyay, balan qaadna u sameeyay dadkii kulanka kasoo qeybgalay inuu sii daba-gali doono kiisaska qaarkood meesha laga sheegay oo markaas uu sheegay inuu goobtaas uga jawaabi karin.

Gudoomiyaha maamulka Oslo oo markii uu kulanka soo dhamaaday wareysi siiyay NorSom News ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay in bulshadii kulanka kasoo qeybgashay ay si furan ula hadlee, iyaga abaarayay dhibaatooyinkooda gaarka ah, soo bandhigayay dareenkoda ku aadan kiisaska ay ka hadleen. Waxa uuna sheegay inuu sii joogteyn doono la kulanka bulshooyinka iyo guruubyadda kala duwan ee xisbiga Ap codkooda siiyay, si uu u jiro iskaka warqab iyo isku xirnaansho ka dhaxeyso xisbiga iyo dadka codkooda siiyay.

Sidoo kale waxaa kulanka joogay oo qaban-qaabiyeyaasha kamid ahaa Amaal Cabdinuur oo ah xoghayaha barnaamijyada ee xisbiga Ap, qeybtiisa Oslo. Waxa ay Amal NorSom News u sheegtay in dhamaan arrimihii kulanka looga hadlay uu xisbigu ka qaatay qoraal, ayna noqon doonaan arrimo lasii dabagali doono, gorfeyn kale laga sameeyn doono kahor ita an la diyaarin barmaamijka xisbiga Ap ee sanadka danbe.

Kulankan ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee xisbi kamid ah xisbiyada waaweyn ee Norway ay si gaar ah kulan bulsheed furan ula yeeshaa bulshadda soomaaliyeed, kala hadlaan dareenkooda iyo baahiyahooda gaarka, sidoo kale weydiiya afkaarkooda ku saabsan siyaasadda xisbiga iyo soo jeedintooda.

Wareysiyadda iyo muuqaaladda dib ayaan kasoo galin doonaa.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x