fredag, april 26, 2024

Daawo: Kvittering ordning (diiwaangalinta qofka ay boolisku istaajiyaan) oo isbuucan Oslo ka dhaqangalay.

Dhowrkii sano ee ugu danbeeyay waxaa soo badanayay tirada dadka asal ahaan ajnabiga ah, gaar ahaan dhalinyarada ee ka sheeganayo in boolisku ay sabab la aan istaajiyaan, kadibna ay ku sameeyaan baaritaan ama su aalo weydiiyaan iyaga oo aan geysan ama markaas gacanta kula jirin wax fal danbiyeed ah oo muuqdo.

Arrintan oo dhalisay doodo xoogan oo la xiriirto in boolisku ay beegsi cayiman ku sameeyaan dadka ajnabiga ah, iyaga oo midabkooda ama muuqaalkooda tixraacayo, ayaa sida lagu ogaaday baaritaano hore waxa ay inta badan ka dhacdaa xaafaddaha ay ku badanyihiin dadyawga ajaaniibta ah ee Oslo Kunool. Waxaana la sheegay inay qeyb ka tahay ama keeni karto kalsooni xumo ka dhex abuuranto hey’ addaha amniga iyo bulshooyinka ajaaniibta ah, gaar ahaan dhalinyarada.

Shantii bishan aan kujirno ee Desember  ayay booliska bilaabeen talaabo cusub oo la xiriirta diiwaan-galinta dadka ay boolisku istaajiyaan, iyaga oo siinayo waraaq cadeyn ah oo muujineyso xiliga qofka la istaajiyay iyo sababta loo istaajiyay labaduba. Waxa ay talaabaddan oo tijaabo ah socon doontaa mudo cayiman oo ku eg bilowga bisha September ee sanadka 2023, waxaa laga dhaqan-galiyay eeriyo cayiman oo katirsan senterka magaaladda Oslo.  

Aki De Leon waa madaxa ururka ka hortaga faquuqa dowliga ah ee magaciisa loo soo gaabiyo OMOD. Ururkan OMOD ayaa kamid ah ururadda waqtiga badan galiyay in lasoo rogo, lana dhaqangaliyo talaabaddan booliska Oslo waajibka uga dhigeyso inay diiwaan-galiyaan dadka ay istaajiyaan ama baaraan. Waxa aan Aki De Leon weydiinay ujeedadda laga leeyahay talaabaddan iyo sababta ay muhiimka u tahay. Jawaabtiisa muuqaalka hoose.

Svend Martin Bjelland oo ah taliye qeybeed katirsan booliska Oslo, ayaa sida oo kale sheegay in ujeedadda ugu weyn ee talaabaddan diiwaangalinta dadka ay boolisku istaajiyaan, kadibna baaraan ay xog fiican booliska ka siineyso arrintan, kahor inta aan mar kale la qiimeen in lasii balaariyo ama in kale.

Taliye qeybeedkan katirsan booliska Oslo ayaan sidoo kale weydiinay qaabka ay talaabaddan u dhaqan-galeyso praktikop ahaan, iyo waxa ay tahay inuu sameeyo qofka ay boolisku istaajiyeen ama baareen. Iyo in qofku uu isagu codsan karo ama in boolisku ay si ootomaatik ah u siinayaan.

Aki De Leon oo dood mawduucan looga hadlayay ka sheegay in mudo ka badan 30 sano oo kasoo shaqeynayay dhaqan-galinta arrintan, ayaa baaq u dirayo dhamaan dadka ajaaniibta ah ee boolisku ay istaajiyaan, gaar ahaan dhalinyaradda.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x