torsdag, april 18, 2024

Dadkii uu corona ku dhacay oo ka cabanayo saameyn uu feyrusku ku reebay.

Kadib sadex sano oo inta badan dalalka caalamka uu ka socday feyruska faafay ee covid-19, waxaa hada uun si hordhac ah loo arkayaa raadadka uu feyruska ku reebay bulshooyinka caalamka.
Sida lagu darsay tirokoobyo laga sameeyay dalkan Norway iyo dalalka kale ee Yurub, Qaar kamid ah dadkii uu feyrusku corona ku dhacay ayaa sheegay inay isku arkeen calaamado muujinayo in qeybo kamid ah saameyntii feyruska aysan wali ka bixin jirkooda, uuna ku reebay saameyn. Waxaana arrintan loogu magacdaray saameynta feyruska ee daba dheeraatay.

Dalkan Norway ilaa 3800 qof ayaa la sheegay in laga daaweeyay saameynta daba dheeraatay ee feyruska covid-19.
Geir Bukholm waa ku xigeenka agaasimaha guud ee hey’ adda caafimaadka dadweynaha ee Norway ee FHI. Waxa uu Geir warbaahinta NorSom TV u sheegay in inta badan dadkii uu feyruska ku dhacay gudaha Norway, ee aan wax ku noqon markii uu xanuunka jirkooda galay ay ka kaceen, laakiin ay jiraan dad soo diiwaangaliyay in xanuunku uu ku reebay saameyn xoogan. Hoos ka daawo wareysigiisa.

Dr. Cabdirashiid Cali Warsame Garbajov waa cilmi baare caafimaadka oo katirsan isbitaalka weyn ee dowlada ee Rikshospitalet. Waxa noo sharaxayaa su aal aan weydiinay oo ku saabsan in dadka qaarkiis ay xanuunka uu jirkooda kaga tago saameyn, halka kuwana aysan waxbo dareemin ( Jawaabta muuqaalka hoose).

Baaritaanadda hordhaca ah ee la sameeyay ayaa sheegayo in dadka ugu badan ee soo diiwaangaliyay inay isku arkeen saameynta dheeraatay ee covid-ka, ay ka sheeganayaan calaamado dhowr ah oo ay ugu waaweyn yihiin kuwan, sida uu mar kale noo sharaxayo Dr. Cabdirashiid oo dadka ka shaki qaba in covid-ku uu saameyn kaga tagay kula talinayo inay booqdaan dhakhtooda gaarka ah oo baaritaan ku sameyn kara, kadibna usoo gudbin kara xarumaha caafimaad ee arrintan ku shaqada leh.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x