fredag, mars 29, 2024

Booliska oo raba inay eedeynta kala noqdaan mid kamid dadkii loo xiray dilkii Grønland.

Galinkii danbe ee habeenimadii 27-ka November ee sanadkan 2022, waxaa xaafadda Grønland ee magaaladda Oslo lagu dilay wiil soomaali ah oo 28 sano jir ah. Waxeyna booliska dilkiisa usoo qabteen, xabsigana u dhigeen labo qof oo labaduba asal ahaan soomaali ah, kuwaas oo da ahaan kala jiro 31 iyo 22 sano.

31 sano jirka ayay boolisku sheegeen inuu ka danbeeyay falka toogashada dilka ah, halka 22 sano jirkuna ay ku tuhmeen inuu qeyb ama lug ku lahaa falkaas.

Maalmo kadib waxey boolisku xabsiga kasii daayeen 22-jirkii ay falka dilka ku tuhmayeen inuu lug ku lahaa, iyaga oo markaas sheegay in wali ay baaritaan ku wadaan kiiska, laakiin aysan heynin cadeymo ku filan oo xabsiga ugu sii hayaan wiilka 22-jirka ah ee ay markii hor eedeeyeen. Halkan kasii akhri.

Booliska oo hada raba inay kiiska eeda ah laalaan:

Sida uu qoray NRK, booliska ayaa hada raba inay laalaan ama xiraan dacwadda ka dhanka aheyd 22-jirka soomaaliga ah, kuna saabsan ku lug lahaanshaha falka dilka ah.

Booliska ayaa sheegay in baaritaanka ay sameeyeen uu muujinayo in 22-jirka ay markii hore xireen uusan wax door ah oo cad ku laheyn falka dilka ah, sidaas darteed ay hada rabaan inay xiraan kiiska dacwadda isaga ka dhanka ah ee ku saabsan ka qeybqaadashada dilka.

Booliska ayaa dhanka kale waxey wali xabsiga ku hayaan 31-jirkii ay ku eedeeyeen inuu ka danbeeyay dilka, waxeyna wali wadaan baaritaanka ku aadan kiiskan.

Xigasho/kilde: Vil droppe drapssiktelse etter Grønland-skyting.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x