lørdag, mars 15, 2025
Home Blog Page 29

Madaxweyne hore oo la ogaaday in hal mar $10,700 rooti ku iibsaday, jalaatona ku gatay $1,60.

0

Waxaa si weyn loo hadal hayaa kharashiyaadka uu isticmaali jiray madaxweynihii hore ee dalka Brazil, ka dib markii la soo badhigay ‘dhaqdhaqaaqyada iyo xisaabaadka’ lagu isticmaalay kaadhka dawladda ee madaxtooyada.

Xafiiska madaxweynaha cusub ee dalka Brazil Luiz Inacio Lula da Silva ayaa sii daayey maalintii jimcaha, kharashiyaadka sida gaarka ah loogu isticmaali jiray kaadhka gaarka ah ee madaxweynihii hore ee Brazil Jair Bolsonaro.

Guud ahaan lacagta lagu isticmaalay kaadhka madaxweynaha hore ee dhowaan uun xilka ka degey muddadii afarta sano ahayd ee uu xilka hayey ayaa gaadhaysa in ka badan $5 milyan. Lacagtan ayaa loo isticmaalay hab aad loola yaabay. Kaadhkan ayaa la sheegay inay isticmaali jireen madaxweynaha hore iyo illaa 21 xubnood oo ka mid ahaa dadka ka agdhow.

In ka badan $21,000 ayaa lagaga cunteeyey makhaayad dhexdhexaad ah, taas oo $10,700 oo ka mid ah lagu isticmaalay roodhi, hal maalin gudaheed.

Madaxweynaha hore Bolsonaro ayaa marar kala duwan wuxuu ku dooday inaanu hal senti ka isticmaalin kaadhka dawladda.

Laakiin falanqaynta diiwaannada cusub ee ay furtay shabakadda wararka ee Uol waxay ogaatay in lacag ka badan $235,000 inuu Bolsonaro ku kharash gareeyey fasaxyadiisii 2019, 2020 iyo 2021.

Ku dhowaad $14,000 ayaa kaalin shidaal hal mar oo keliya shidaal lagaga isticmaalay, halka ku dhowaad $286,000 loo isticmaalay tamashlayn iyo in lagu dego hotelo qaali ah oo ku yaalla goobaha loo dalxiis tago ee Guaruja.

Sida laga soo xigtay mareegta GI, hotelka waxaa degey xubno la socday madaxweyne Bolsonaro, halka isagu uu degay xero ciidan.

Lacagaha cuntada loo isticmaalay ayaa ahaa kuwo aad loola yaabay.

Tusaale ahaan, makhaayad ku taalla gobolka Roraima ee dalka Brazil ayaa hal mar lagaga cunteeyey $21,000, taas oo ku filnaan karaysay inay cunto ku cunaan illaa 2,000 oo qof oo dalbada cuntooyinka qaaliga ah ee makhaayaddan. Cuntada makhaayaddan ayaa celcelis ahaan lagu iibiyaa illaa $10.

Kaadhka dawladda ayaa roodhida lagu dalbaday ay gaadhaysaa illaa $71,000, iyada oo laga dalbaday wershed roodhida samaysa oo ku taalla Rio De Janeiro.

Lacag ka badan $1,600 ayaa lagu kharash gareeyey dukaamada jalaatada iibiya.

Warbixintan waxaa qortay AFP

UDI-da oo heli weysan cid baaritaanka da’ da uga qaada qoxootiga da’ yarta ah.

0

Hey’ adda qoxootiga iyo soo galootiga Norway ee UDI-da ayaa rabta inay baaritaanka dhanka da’ da ah laga qaado qoxootiga Norway iska dhiiba ee sheega inay yihiin da’yar aan qaangaarin ama 18 sano kayar.

Baaritaanadda da’ da oo ah kuwo lagu qaado raajo lafaha iyo ilkaha ah, ayaa sida la sheego waxa ay qiyaas ka bixin karaan da’ da qofkaas, iyada la isticmaalayo aalado lagu qiimeeyo qiyaasta xiliga jiritaanka qofka.

Khuburo badan iyo aqoonyahan xaga sheybaarka ah ayaa horey uga deyriyay baaritaanadda noocan ah ee iyada oo raajo la adeegsanayo lagu qiyaasayo da’ da qofka. Waxa ayna khubaradu sheegeen in ilaa xad aan lagu kalsoonaan karin natiijadda baaritaanaddan, waxa ay hey’ addaha qoxootiga uga digeen in natiijadda laga gaaray baaritaanadda go aan looga gaaro kiiska qof magangalyo codsaday.

Inkasta oo la dhaleeceeyay baaritaanadda da ah, shakina laga muujiyay natiijadooda, hadana hey’ adda arrimaha qoxootiga dowlada Norway u qaabilsan ee UDI-da ayaa wali rabta adeegsiga baaritaanka da’ da, waxeyna raadinayaan shirkado howshaas u qabta.

Sida uu qoray NRK, UDI-da ayaa ilaa hada heli la shirkad u qaada baarinaadaas, maadaama shirkaddaha raajadu ay diideen in shaqo noocaas ah ay u qabtaan hey’ adda qoxootiga UDI-da.

Shirkaddaha iyo isbitaaladda raajada ee diiday inay shaqadan u qabtaan UDI-da ayaa ku sababeeyay in aysan qeyb ka noqon karin go aan qalad ah oo lagu saleeyay baaritaan aan la hubin, kaas oo lag go aamiyo kiiska iyo mustaqbalka qof magangalyo codsaday.

Xigasho/kilde:Staten har jaktet på slike bilder i fire år – men ingen vil ta dem.

Israaiil oo casuuntay madaxweynaha Turkiga

0

Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog ayaa Arbacadii shalay ku casuumay dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdogan inuu booqasho ku yimaado dalkaasi, xilli uu qaabbilayay safiirka cusub ee Ankara, taasoo calaamad kale u ah xiriirka dalalkaasi oo dhawaanahan soo wanaagsanaanayay.

Sannadkii lasoo dhaafay, Herzog, ayaa ahaa hoggaamiyihii ugu horreeyay ee Israa’iil oo booqasho ku taga Turkiga tan iyo 2008-dii, kadib markii ay labada dal billaabeen inay soo celiyaan xiriirkooda, soona afjaraan khilaaf diblomaasiyadeed oo soo jiitamayay in ka badan 10 sanno.

Labadan dal ayaa ku heshiiyay inay si wadajir ah u magacaabaan safiirro bishii Ogosto. Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa ku guuleystay doorashadii November, waxayna isaga iyo Erdogan ku heshiiyeen inay sii wanaajiyaan xiriirka.

«Waxaan hubaa inaan dhammaanteen ka shaqeyn doonno xoojinta xiriirka dalalkan,» ayuu yiri Herzog.

Kusoo laabashada Netanyahu ee xukunka Israel ayaa kicisay Falastiiniyiinta iyo xulafada reer galbeedka iyo Carabta kuwaas oo ka cabsi qaba inay sare u qaaddo xiisadda Bariga Dhexe.

Turkiga ayaa todobaadkii hore ku biiray dowladihii cambaareysay booqashadii wasiirka amniga qaranka Israa’iil ee midigta-fog, Itamar Ben-Gvir, uu ku tagay dhismaha masjidka Al Aqsa ee magaalada Qudus.

Maxkamad amartay in xabsiga laga sii daayo Maxamed oo 142 sano lagu xukumay.

0

Maxkamad racfaan oo ku taalla dalka Greece ayaa amartay in lasii daayo muhaajir Soomaali ah oo xabsi daa’in loogu xukumay inuu dad soo tahriibiyey.

Kiiskan ayaa dareenka caalamka kusoo jeediyey sharciyada ciqaabta adag ee ilaalinta xuduudaha ee dalkan ka tirsan Midowga Yurub.

Mohamed Hanad Abdi, ayaa sanadii 2021 lagu xukumay 142 sano oo xabsi ah kadib markii lagu helay dambi ah inuu doon ay dad ku dhinteen kasoo kaxeeyey Turkey oo uu keenay jasiiradad Lesbos ee Greece 2020-kii.

Si kastaba, maxkamad racfaan oo ku taalla jasiiradda Lesbos ayaa Isniintii waxay xabsigiisa ka dhigtay sideed sano, waxaana garsooraha maxkamadda uu amray in lasii daayo ayada oo loo xisaabinayo muddadii uu horey xabsiga ugu soo qaatay iyo hab dhaqankiisa wanaagsanaa.

Maxkamadda ayaa waxaa ka qeyb-galay dhowr xubnood oo ka tirsan baarlamanka Midowga Yurub, oo ku dooday in Mohamed, oo ah 29 jir aabe u ah afar caruur, si khaldan xukun loogu riday.

“Waxaan dhammaanteyn la ilmeyneynaa farxad, waxay aheyd maalin aad u adag. Dacwad-oogaha qaranka wuxuu qaatay mowqif adag, wuxuuna doonayey in xukunka la joogteeyo,” waxaa sidaas yiri Stelios Kouloglou oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamanka Midowga Yurub, oo hogaaminayey ololaha, lana hadlay AP.

“Waa go’aan aad muhiim u ah, sababtoo ah dad badan oo ah muhaajiriin caadi ah ayaa loola dhaqmaa inay yihiin tahriibiyeyaal,” ayuu yiri.

“Mohamed wuu kasoo bixi doonaa xabsiga dhowr maalmood kadib marka warqadihiisa la diyaariyo, tallaabada noo xigta waa inaan u ololeynaa in sharciga la beddelo.”

Mohamed ayaa maxkamadda u sheegay inuu doonta soo kaxeeyey kaliya markii uu ka tegay naaquudiye Turkish ah oo dadka tahriibiya, islamarkaana uu isaga kala wareegay si uu u badbaadiyo dadkii saarnaa.

Doonta ayaa waxaa ku qarqamay laba qof, halka 33 laga soo badbaadiyey. Qaar badan oo ka mid ah dadkii soo badbaaday ayaa taageeray sheegashada Mohamed si ay sheegeen qaraeenadiisa.

Xigasho/kilde: VOA SOMALI

Kafia Hashi oo boos la hubo ka heshay liiska musharaxiinta xisbiga Ap ee Oslo.

0

Waxaa maanta soo baxay liiska kama dambeysta ah ee musharaxiinta xisbiga Ap sanadkan uga tartamaya doorashada goleyaasha deegaanka ee dhaceyso bisha September ee sanadkan. Waxaana liiska booska sideedaad(8) oo kamid ah tobanka(10) boos ee la hubo inay soo bixin doonaan ku jirto Kaafiya Xaashi Maxamuud oo ah xildhibaan hada katirsan golaha deegaanka Oslo.

10-ka boos ee ugu horeeya liiska musharaxiinta, ayaa waxaa loogu yeeraa boosaska la hubo, maadaama lasii ogyahay inay soo bixi doonaan, waxaana qofka hela mid kamid ah boosaskaas uu maraa xulasho iyo prosses dheer, sidoo kale tartan adag oo gudaha xisbiga ah.

In booska sideedaad(8) ay xildhibaan Kaafiyo hesho, waxa ay ka dhigantahay in markii ugu horeysay ay soomaalidu boos la hubo(sikkerplass) inuu soo bixi doono ka heleen golaha deegaanka Oslo. Arrintaas ayaa ka dhigan in Kaafiyo la hubo inay kamid noqon doonto golaha deegaanka afarta sano ee soo socoto. Arrintaas ayaana ah taariikh cusub oo Kaafiya dhigtay, maadaama soomaalidu ay bulsho ahaan kamid tahay bulshooyinka ugu badan ajaaniibta kunool Oslo ama guud ahaan Norway.

Musharaxiinta kale ee soomaalida ah ee ka dhex muuqda liiska musharaxiinta xisbiga Ap ayaa kala ah Fawzi Warsame oo hada katirsan golaha deegaanka, iyo Said Amiin. Ubah Abdullahi Adan oo hada ka tirsan golaha deegaanka Oslo ayaan ka muuqan liiska musharaxiinta xisbiga Ap ee Oslo.

Kaafiya ayaa bishii na weydaaratay ee Desember soo qaban-qaabisay kulan dhexmaray soomaalida Oslo iyo xisbiga Ap. Halkan kasii akhri.

Tirokoob: 190 ilmo oo kunool xarumaha barnevern-ka ayaa isku dayay inay isdilaan.

0

Sida lagu ogaaday baaritaan uu sameeyay wargeyska Aftenposten, ilaa 190 isugu jiro caruur iyo dhalinyaro kunool xarumaha hey’ adda barnevernka ayaa isku dayay inay isdilaan, laga soo bilaabo tan iyo bishii Maarso ee sanadkii 2020.

Xarumaha barnevern-ka (barnevernsinstitusjoner) ayaa ah xarumaha lagu hayo caruurta iyo dhalinyarada aan qaan-gaarin ee masuuliyadda xanaanadooda laga wareejiyay waalidkood, balse aan lagu wareejin waalidiin kale oo korsada. Caruurta meelahan lagu hayo ama xanaaneeyo ayaa xarumaha degenaando mudo cayiman oo go an ama mudo dheer labaduba, hadba xaaladda ilmaha, baahiyhiisa, iyo nooca kiiskiisa

Isla warbixinta ayaa lagu sheegay in 10 ilmood oo kunool xarumaha barnevern-ka ay geeriyodeen mudadaas, kuwo badana oo kamid ah 10-ka geeriyoodeyna ay is dileen.

1650 dhacdo oo lagu tilmaamay kuwo «halis ah» ama daran ayaa sidoo kale laga diiwaangaliyay xarumaha barnevern-ka mudadaas sadexdii sano ee ugu danbeeyay.

Sida ay sheegtay buffdir oo ah hey’ adda caruurta iyo qoysaska, warbixinta ay qortay jariiradda Aftenposten ayaa ah mid aad looga wel-welo. Iyada oo dhan kale sheegtay in inta badan lagu guuleysto in laga hortago in dhalinyaradaas ay nafta iska jaraan.

Kjetil Ostling ayaa sidoo kale sheegtay in caruuraha lagu hayo xarumaha barnevernku ay qabaan baahiyo kala duwan oo isku xiran, ayna heystaan khibrado nolol oo xanuun badan. Taas oo cadeyn u ah tirada dhacdooyinka halista ah ee laga diiwaangaliyo xarumaha caruurtaas lagu hayo.

Warbixintan ayaa kusoo aadeyso xili maalintii Axadda aheyd ( labo maalin kahor), deegaanka Indre-Østfold ay ku geeriyoodeen labo gabdhood oo walaalo-mataano ah, kuwaas oo ku noolaa xarumaha hey’ adda barnevern-ka. Labadda gabdhood ayaa da ahaan jiray 16 sano.

Xigasho/kilde: Ti barnevernsbarn døde. Bufdir vet hva som skjedde med bare ett av dem.

Sucuudiga oo qaaday xayiraadii xajka, fasaxeyna xujeyda caalamka.

0

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa Isniintii ku dhawaaqday, in xajka sannadkaan uu noqon doono sida kuwi ka horreeyay inta aanu billaaban cudurka COVID-19, taasoo ka dhigan in aanan la xadeyn doonin tirada dadka raba in ay soo xajiyaan.

Isaga oo ka hadlayay magaalada ku taalla xeebta Badda Cas ee Jiddah, ayuu wasiirka Xajka iyo Cumarada Sacuudiga Towfiiq bin Fawzan al-Rabicah ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in la qaaday xadidaadda xajka.

Xaji sannadki 2019 ayaa waxaa Xarameynka Shariifka ah tagay in ka badan 2 milyan iyo 4 boqol oo kun oo qof, hase yeeshee sababo la xiriira faafista cudurka COVID-19 dartiis ayaa sannadki 2020-ki ay boqortooyada ka joojisay Muslimiinta caalamka. Sannadkaas ayaa waxaa xajiyay kaliyah 1,000 xujaay oo ku nool Sacuudiga.

Sannadki 2021, boqortooyada ayaa ku xadeysay dadka soo xajiyay 60,000 oo isugu jiray muwaadiniinta Sacuudiga iyo ajnabiga degan Sacuudiga, halka sannadki hore ay xajiyeen ilaa 1 milyan oo qof.

Xigash0/kilde: VOASOMALI

Gabdho mataano 16 jiro ah oo geeriyooday: booliska oo daroogo u badinayo sababta geerida.

Sida ay boolisku xaqiijiyeen, waxaa deegaanka Spydeberg ee degmadda Indre Østfol habeenkii axadda ahaa ku geeriyooday labo gabdhood oo mataano ah, da’ ahaana jiray 16 sano. Sidoo waxaa dhaawaceeda isbitaalka lagu daaweynayaa gabar kale oo guriga la joogtay labadda gabdhood ee walaalaha ah ee geeriyooday.

Warbixinta hordhaca ah ee kiiskan, ayay boolisku sheegeen in labadda gabdhood ee geeriyooday loo badinayo inay u geeriyoodeen daroogo ay si xadka ka baxsan u adeegsadeen, taas oo sababtay geeridadooda. Waxaana markii hore guriga tagay oo booliska la socday shaqaale caafimaad oo isku dayay badbaadinta ladda gabdhood ee geeriyooday.

Booliska ayaa falkan u qabtay 2 nin oo la sheegay inay daroogadda ka iibiyeen gabdhaha geeriyooday, wuxuuna falkan ka dhacay mid kamid ah guryaha labadda nin ee boolisku ay xireen.

Labadda gabdhood ee geeriyooday, ayaa waxaa gacanta ku hayay ama xanaanadooda masuul ka ahaa hey’ adda barnevern-ka. Sidoo kale waxa ay ahaayeen labo qof oo caan ka ah baraha bulshada, gaar ahaan tiktok.

Xigasho/kilde: To jenter funnet døde i Spydeberg: To menn siktet

Vips: Anaga ma aanan soo dirin fariintan ee iska ilaali.

Shirkadda iska leh app-ka lacagaha la isugu diro ee Vipps, ayaa dadka adeegsado app-ka shirkadaas uga digayo qoraal ay soo dirayaan kooxo burcad ah, kuwaas oo maalmihii ugu danbeeyay ay kasoo cowdeen dad badan oo Vips adeegsada.

Vipps ayaa ah app ay adeegsadaan in ka badan 4,3 milyan qof oo Norwiiji ah.

Shirkada iska leh app-kan ayaa dadka uga digeyso fariimaha loogu dirayo mobilka, kuwaas oo loogu sheegayo in aqoonsiga( ID-ga) Koontadii ay ku lahaayeen app-ka Vips ay xirantay. Sidaas darteed ay u baahanyihiin in ay riixaan Linki la socdo fariinta SMS-TA. Sawirka hoose ka fiiri mid kamid ah fariimaha dadka loo dirayo.

Vipps ayaa dadka adeegsadda app-ka ogeysiineyso in fariintaas aysan shirkada ka imaan, waxeyna dadka uga digeysaa inay ku dhuftaan linkiga la socdo fariinta loo soo diray ee SMS-ka.

Kiiska wiilkan soomaaliga ah oo buuq iyo dood ka dhaliyay baarlamaanka Yurub.

Muhaajir Soomaali ah, oo xukun xabsi daa’in ah loogu riday howlaha tahriibinta, ayaa Isniinta maanta ah kasoo muuqday maxkamad si uu racfaan uga qaato xukunkaasi, waxaana kiiskan taageero siinaya xubno ka tirsan baarlamanka Yurub oo sheegay in si khaldan xukunka loogu riday.

Maxamed Hanad Cabdi ayaa sanadkii 2021-kii lagu riday xukun xabsi oo dhan 142 sano, xukunkaasi oo la xiriiray kadib markii dad ay ku dhinteen dooni sidday tahriibayaal oo ka timid Turkiga kuna sii jeeday jasiirada Lesbos ee dalka Greece sanadkii 2020-kii.

Maxamed ayaa sheegay in uu kaliya kaxeeyay doonida kadib markii uu dayacay mukhalas u dhashay Turkiga intii ay ku jirtay safarka ay kaga soo gudbeysay Turkey.

Laba qof ayaa ku qaraqmay markii ay doontu degtay halka 33 kalena la soo badbaadiyay. Qaar badan oo ka mid ah dadkii badbaaday ayaa taageeray sheegashada ninka Soomaaliga ah, sida ay sheegeen qareennadiisa.

Kiiska ayaa indhaha ku soo jeediyay habraacyada xukunnada adag ee Greece ay soo rogtay sanadihii u danbeeyey, kuwaasi oo qeyb ka ah dadaallada looga hor-joogsanayo muhaajiriinta sharci-darrada ah inay galaan Midowga Yurub.

Xubin ka tirsan garabka bidix ee Greece ku matala baarlamaanka Yurub, Stelios Kouloglou, ayaa hogaaminaya ololaha ku saabsan in qaar badan oo ka mid ah xukunnada la riday dib loo eego, dadaalkan oo ay taageerayaan xildhibaanno kale oo kasoo jeeda dalalka kale ee Yurub iyo sidoo kale fanaaniin u dhashay Greece, kuwaasi oo gacan ka gaysanaya in lacag loo aruuriyo qareennada kiisaskan.

Bishii hore, laba nin oo Afgaaniyiin ah, Akif Razouli iyo Amir Zahiri, kuwaasi oo lagu riday xukunno 50 sano oo xabsi ah ayaa si damaanad ah loo sii daayay. Razouli ayaa lagu waayay eedaha, halka Zahiri la sii daayay kadib markii xukunkiisa la yareeyay oo laga dhigay siddeed sano.

“Iskaashi caalami ah ayaa muhiim u ah qaxootigan, kuwaasi oo dhibanayaal u ah dhaqankan caddaalad-darrada ah ee dowladda Greece, si ay dadka aan waxba galabsan u saarto xukunno xad ka bax ah,” ayuu Kouloglou ku yiri bayaan uu baraha internet-ka ku qoray ka hor inta aysan dacwaddu bilaaban.

15 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Yurub ayaa taageeraya ololaha Maxamed Hanad Cabdi, iyaga oo waraaqo cabasho ah u qoray xukuumadda Greece.

Dowladda midigta-dhexe ee talada haysa ayaa ku qeexday siyaasaddeeda muhaajiriinta mid “adag laakin caddaalad ah” iyada oo ku doodaysa in xukunnada ad-adag ee lagu rido kuwa wax tahriiiya ay qeyb muhiim ah ka tahay siyaasadda difaaca xudduudaha ee dalka u degsan.

Xigasho/kilde: Ap + VOA SOMALI

Hønefoss: isaga oo darawal kale la doodayo, ayuu baabuur jiiray oo dilay.

Sida ay boolisku xaqiijiyeen, nin labaatameeyo jir ah ayaa ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay magaaladda Hønefoss ee degmadda Ringerike kommune. Ninkan ayaa xiliga uu shilka dhacayay taagnaa baabuurka agtiisa, wuxuuna la doodayay nin kale oo ay isku qabsadeen nalka baabuurka.

Booliska ayaa sheegay in ninka geeriyooday uu taagnaa qeyb kamid ah jidka baabuurka xiliga uu shilka dhacay. Ninka kale ee uu la hadlayay ninka geeriyooday ayaa isaga waxaa soo gaaray dhaawac ka dhashay shilka, sida ay boolisku sheegeen.

Darawalka waday baabuurka sababa shilka uu ku dhintay dilay, ayaa sheegay in wadadu ay aheyd mid sabiibax ah, xili danbena uu arkay labadda qof ee jidka taagnaa. Balse booliska ayaa ka qaaday leysinka baabuurka, waxa uuna hada ku eedeysanyahay falka shilka ah ee sababay dhimashada.

Xigasho/kilde: Sto i veibanen og diskuterte – døde etter påkjørsel.

Fadeexadii musuq-maasuqa Yurub iyo Qatar oo sii xoogeysaneyso.

Fadeexaddii ruxday baarlamaanka Midawga Yurub ayaa haatan noqotay mid qoto dheer, ka dib markii toddobaadkii hore la soo jeediyey in xasaanadda laga xayuubiyo laba mudane oo kale, kuwaas oo lagu eedeeyey inay laaluush ka qaateen dalka Qatar.

Dalka Qatar ayaa ka digan, in baadhista uu wado Midawga Yurub inuu saamayn ku yeelan karo xidhiidhka dhaqaale ee ka dhexeeya Qatar iyo Midawga Yurub. Dalkan ku yaalla gacanka Carabta ayaa ah, mid ka mida dalalka muhiimka ah ee shidaalka u dhoofiya Midawga Yurub, xilli uu hoos u dhacay shidaalkii ay ka heli jireen Ruushka.

Andrea Cozzolino iyo Marc Tarabella ayaa ah labadii mudane ee ugu dambeeyey ee ka tirsan baarlamaanka Midawga Yurub ee lagu soo oogo eedo la xidhiidha fadeexadda musuqmaasuq ee ruxday Brussels. labadan mudane ayaa diiday inay wax laaluush ah ka qaateen dalka Qatar.

Baadhitaan socday muddo sannad ah, oo ay wadeen booliska dalka Belgium ayay bishii hore waxay u dhaceen guryo ay leeyihiin xubno ka tirsan baarlamaanka Midawga Yurub oo qaarkood ay haatan xil hayaan iyo qaar hore xilal u hayn jiray. Booliska ayaa guryahan ka helay illaa $1.6 milyan oo dollar oo cash ah.

Booliska ayaa sheegay inay illaa $158,000 ay ka helaan guriga ay deganayd mudanaha ka soo jeedda dalka Giriiga ee Eva Kaili, oo ka mid ahayd 14 madaxweyne ku xigeen ee uu leeyahay baarlamaanka Midawga Yurub. Waxaa lagu eedeeyey inay laaluush ka qaadatay dalka Qatar.

Ujeedada ay Qatar u bixisay laaluushkan ayaa lagu sheegay inay ahayd, inay dhaafsato, in loo fududeeyo masaalix dhaqaale iyo kuwo siyaasadeed oo kaga xidhnaa Midawga Yurub.

Qatar ayaa iyadu si weyn u diiday eedahan loosoo jeediyey.

Xigasho/kilde: VOA SOMALI.

Norway oo sanadkii tagay magangalyo siisay dadkii ugu badnaa abid.

Sanadkii lasoo dhaafay ee 2022 waxaa Norway magangalyo weydiistay 40.750 qof, tiradaas oo ah tii ugu badneyd abid ee dad ah oo Norway magangalyo ka codsado, sida ay sheegtay hey’ adda qoxootiga ee UDI-da. 34.847 qof oo kamid ah dadka magangalyada codsaday ayaa kasoo jeedo dalka Ukraine, sida lagu sheegay warbixinta hey’ adda.

Tiradda qoxootiga sanadkii 2022 soo galay ayaa jabineysay rekoorkii horey uga yaalay tirada qoxootiga ee halmar Norway soo galay, taas oo aheyd sanadkii 2015, waxaana xiligaas Norway magangalyo ka codsaday 31.150 qof. Dadka ugu badan ee xiligaas imaaday ayaa kaso jeeday dalka Siiriye ee colaadu ay markaas ka socotay.

Dhamaan dadka kasoo jeedo dalka Ukraine ayaa helay magangalyo wadareed, iyada oo aan qofka la weydiin su aalo dheeri ah oo la xiriira sababta uu magangalyada u dalbanayo. Waxaana arrintan sabab looga dhigay dagaalka ka socdo dalka Ukraine.

Marka laga tago qoxootiga Ukraine, waxaa iyagana magangalyo codsady 5517 qof oo kasoo jeedo dalalka kale ee caalamka. Dalalka ugu badan ee ay kasoo jeedaan ayaa kala Siiriya (1591 qof), Afgaanistaan ( 1591 qof), Ereteriya ( 325 qof) iyo Ruushka( 294 qof).

Xigasho/kilde: Nesten 41 000 søknader om beskyttelse i 2022.

Xildhibaan Maryan C. Xuseen oo noqon karto gudoomiye ku xigeenka xisbiga SV.

Xildhibaanadda asal ahaan soomaaliga ah ee Maryan Cabdi Xuseen ayaa kasoo dhex muuqatay liiska lix(6) siyaasi oo katirsan xisbiga SV, kuwaas oo loo sharaxay qabashada booska awooda badan ee gudoomiye ku xigeenka xisbiga SV.


Xisbiga SV ayaa dhawaan dooran doono hogaan iyo gudoomiye cusub, kadib markii uu dhawaan xilkaas iska casilay gudoomiyaha uu hada xilka kasii dhamaanayo ee audun lysbakken. Waxaana xiligan socoto soo gudbinta musharaxiinta u taagan hogaanka xisbigaas, kuwaas oo loo diray gudiga doorashada xisbiga.

Kirsti Bergstø oo ah gudoomiye ku xigeenka hada ee xisbiga ayaa ilaa hada ah musharaxa kali ah ee u taagan qabashada xilka gudoomiyaha, waxaana banaanaan doono booska gudoomiye ku xigeenka, hadii uu jadadaas baneeyo.

Maryan oo kamid ah lix musharax oo loo sharaxay qabashada xilka gudoomiye ku xigeenk SV, ayaa sida uu qoray wargeyska NRK, waxa ay taageero xoogan ka heysataa qeybo badan oo kamid ah garabyada xisbiga.

Maryan oo iyada oo 10 sano jir ah timid Norway, ayaa horey u dhigtay taariikho dhowr ah oo la xiriira siyaasadda Norway, gaar ahaan golaha shacabka. Waxa ay horey u noqotay gabadhii ugu horeysay ee muslim xijaaban ah, iyo qofkii ugu horeeyay ee afrika kasoo jeedo ee kamid noqdo golaha shacabka dalkan Norway. Sidoo kale waa xildhibaankii ugu horeeyay ee soomaali ah ee kamid noqda baarlamaanka dalkan.

Hadii ay Maryan ku guuleysato jagaddan waxa ay mar kale dhigeysaa taariikh cusub, iyada oo ku biiri doonto kaadiriinta saameynta iyo jaangoynta leh ee xisbiga SV oo xiligan ah xisbiyada bah-wadaagta la ah dowlada.

Shirweynaha xisbiga SV ayaa dhici doono bisha Maarso ee sanadkan.

Xigasho/kilde: Vil ha Hussein inn i SV-toppen.

Qaar kamid ah bussaskii ka dhex shaqeeyo Oslo oo la joojiyay baraf awgii.

Kadib baraf xoogan oo 30-kii saac ee ugu danbeeyay ka da ayay magaaladda Oslo iyo nawaaxigeeda, waxaa aad u adkaaday isku socodka gaadiidka iyo dadka ee magaaladda dhexdeeda ah. Waxaana 24-tii saac ee ugu danbeeyay waxaa dhacay shilal baabuur oo badan, waxaana xirmay jidadka magaaladda qaarkood, iyada oo daahitaan badan oo k´ka jiro gaadiidka dadweyna ee bussaska iyo tareenadda.

Shirkadda bussaska ee Ruter ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in la istaajiyay qeybo badan oo kamid ah bussaska ka dhex shaqeeyo magaaladda, kadib markii ay adkaaday in bussaska ay socdaan ama gaaraan meelihii ay u socon jireen barafka awgiis.

War qoraal ay oo ay Ruter soo saartay 11-kii barqanimo ee maanta ayay ku sheegtay in la istaajiyay khadadka bussaska hoos ku xusan, sababo la xiriira barafka iyo socodka baabuurta oo adkaaday awgiis:

81, 83, 585, 77, 85, 79, 73, 77B, , 400, 410, 70, 30, 31, 390, 380, 120, 395, 396, 397, 23, 24, 61A, 61B, 71A, 71B, 74, 76, 78A, 78B.

Ruter ayaa sidoo kale dadka ugu baaqeyso inay la socdaan bartooda internetka, si ay u helaan macluumaadkii ugu danbeeyay ee la xiriira bussaska gaadiidka dadweynaha ee ka dhex shaqeeyo magaaladda.

Ruter :- disse linjene er innstilt

Booliska: Iska ilaali qoraalkan, waa burcad khiyaano wadata.

Booliska dalkan Norway war saxaafadeed ay soo saareen dadweynaha uga digayo kooxo burcad ah oo iska dhigayo inay ka socdaan xafiiska booliska ee namsmannen, kuwaas oo qoraalo sms ah u dirayo dadka. Booliska ayaa dadweynaha uga digayo inay galaan(Riixaan) linkiyada la socdo qoraaladda ay kooxahan dadka u dirayaan.

Fariinta qoraalka ah ee dadka loo dirayo ayaa waxaa loo ekeysiiyay mid qofka lagu xusuusiyo kiis ka yaalay booliska oo ku saabsan lacag deyn ah oo lagu leeyahay, waxaana isla markaana qoraalka la socdo linki qofka laga codsanayo inuu galo.

Booliska ayaa dhanka kale qofkii ku qaldamay fariintan ee riixay ama ku dhuftay linkiga loo soo diray ka codsanayo inuu badala dhamaan passwordka iyo numberada sirta ah ee baraha iyo weebabkii aad booqatay xiliyadii ugu danbeeyay.

Sidoo kale wuxuu qofku re-format ku sameyn karaa mobilkiisa, si kooxaha burcadda ah aysan ugu guuleysan helitaanka xogta ku keydsan mobilka ee qofka gaarka u ah.

Xigasho/kilde: Svindelforsøk via SMS

EU-da oo Facebook ku ganaaxday 414 milyan: Sababtan awgeed.

Xeer-nidaamiyayaasha Midawga Yurub ayaa Arbacadii waxay malaayiin dollar ku ganaaxeen shirkadda iska leh Facebook ee Meta, iyaga oo ku eedeeyey xadgudubyo la xidhiidha xogta gaarka ah, iyaga oo ka mamnuucay in shirkaddu ay isticmaalayaasha ku nool 27-ka waddan ee Midawga Yurub, inay ku khasabto inay aqbalaan xayaysiisyada shakhsiga ah ee ku salaysan meelaha ay booqdaan, inta ay ku jiraan shabakadda.

Guddiga Ilaalinta Xogta ee Ireland ayaa soo rogay laba ganaax oo wadartoodu dhan tahay 390 milyan oo Yuuro ($414 milyan), taas oo ku salaysan go’aankooda laba arimood oo laga yaabo inay ruxaan, qaabka ganacsiga ee shirkadda Meta ay isku waafajiso isticmaalayaasheeda iyo xayaysiisyada ku salaysan waxa ay dadkaasi doonayaan, iyada oo ku salaynaysa waxyaabaha ay dadkaasi xiiseeyaan inta ay internetka isticmaalayaan.

Shirkadda ayaa sheegtay inay racfaan ka qaadanayso go’aankan.

Waxaa jira go’aan saddexaad oo ka dhan ah adeegga fariimaha la isku dhaafsado ee Whatsapp ee ay leedahay shirkadda Meta, kaas oo la filayo in lagu dhawaaqo dhammaadka bishan.

Shirkadda Meta iyo shirkadaha kale ee dhinaca baraha bulshada ayaa cadaadisyo kala duwan kala kulmay sharciyada gaarka ah ee Midawga Yurub, kuwaas oo ah qaar ka mid ah kuwa ugu adag adduunka.

Xigasho/kilde: VOA SOMALI + AFP

error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.