onsdag, april 24, 2024

Kafia Hashi oo boos la hubo ka heshay liiska musharaxiinta xisbiga Ap ee Oslo.

Waxaa maanta soo baxay liiska kama dambeysta ah ee musharaxiinta xisbiga Ap sanadkan uga tartamaya doorashada goleyaasha deegaanka ee dhaceyso bisha September ee sanadkan. Waxaana liiska booska sideedaad(8) oo kamid ah tobanka(10) boos ee la hubo inay soo bixin doonaan ku jirto Kaafiya Xaashi Maxamuud oo ah xildhibaan hada katirsan golaha deegaanka Oslo.

10-ka boos ee ugu horeeya liiska musharaxiinta, ayaa waxaa loogu yeeraa boosaska la hubo, maadaama lasii ogyahay inay soo bixi doonaan, waxaana qofka hela mid kamid ah boosaskaas uu maraa xulasho iyo prosses dheer, sidoo kale tartan adag oo gudaha xisbiga ah.

In booska sideedaad(8) ay xildhibaan Kaafiyo hesho, waxa ay ka dhigantahay in markii ugu horeysay ay soomaalidu boos la hubo(sikkerplass) inuu soo bixi doono ka heleen golaha deegaanka Oslo. Arrintaas ayaa ka dhigan in Kaafiyo la hubo inay kamid noqon doonto golaha deegaanka afarta sano ee soo socoto. Arrintaas ayaana ah taariikh cusub oo Kaafiya dhigtay, maadaama soomaalidu ay bulsho ahaan kamid tahay bulshooyinka ugu badan ajaaniibta kunool Oslo ama guud ahaan Norway.

Musharaxiinta kale ee soomaalida ah ee ka dhex muuqda liiska musharaxiinta xisbiga Ap ayaa kala ah Fawzi Warsame oo hada katirsan golaha deegaanka, iyo Said Amiin. Ubah Abdullahi Adan oo hada ka tirsan golaha deegaanka Oslo ayaan ka muuqan liiska musharaxiinta xisbiga Ap ee Oslo.

Kaafiya ayaa bishii na weydaaratay ee Desember soo qaban-qaabisay kulan dhexmaray soomaalida Oslo iyo xisbiga Ap. Halkan kasii akhri.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x