torsdag, mars 28, 2024

Tirokoob: 190 ilmo oo kunool xarumaha barnevern-ka ayaa isku dayay inay isdilaan.

Sida lagu ogaaday baaritaan uu sameeyay wargeyska Aftenposten, ilaa 190 isugu jiro caruur iyo dhalinyaro kunool xarumaha hey’ adda barnevernka ayaa isku dayay inay isdilaan, laga soo bilaabo tan iyo bishii Maarso ee sanadkii 2020.

Xarumaha barnevern-ka (barnevernsinstitusjoner) ayaa ah xarumaha lagu hayo caruurta iyo dhalinyarada aan qaan-gaarin ee masuuliyadda xanaanadooda laga wareejiyay waalidkood, balse aan lagu wareejin waalidiin kale oo korsada. Caruurta meelahan lagu hayo ama xanaaneeyo ayaa xarumaha degenaando mudo cayiman oo go an ama mudo dheer labaduba, hadba xaaladda ilmaha, baahiyhiisa, iyo nooca kiiskiisa

Isla warbixinta ayaa lagu sheegay in 10 ilmood oo kunool xarumaha barnevern-ka ay geeriyodeen mudadaas, kuwo badana oo kamid ah 10-ka geeriyoodeyna ay is dileen.

1650 dhacdo oo lagu tilmaamay kuwo «halis ah» ama daran ayaa sidoo kale laga diiwaangaliyay xarumaha barnevern-ka mudadaas sadexdii sano ee ugu danbeeyay.

Sida ay sheegtay buffdir oo ah hey’ adda caruurta iyo qoysaska, warbixinta ay qortay jariiradda Aftenposten ayaa ah mid aad looga wel-welo. Iyada oo dhan kale sheegtay in inta badan lagu guuleysto in laga hortago in dhalinyaradaas ay nafta iska jaraan.

Kjetil Ostling ayaa sidoo kale sheegtay in caruuraha lagu hayo xarumaha barnevernku ay qabaan baahiyo kala duwan oo isku xiran, ayna heystaan khibrado nolol oo xanuun badan. Taas oo cadeyn u ah tirada dhacdooyinka halista ah ee laga diiwaangaliyo xarumaha caruurtaas lagu hayo.

Warbixintan ayaa kusoo aadeyso xili maalintii Axadda aheyd ( labo maalin kahor), deegaanka Indre-Østfold ay ku geeriyoodeen labo gabdhood oo walaalo-mataano ah, kuwaas oo ku noolaa xarumaha hey’ adda barnevern-ka. Labadda gabdhood ayaa da ahaan jiray 16 sano.

Xigasho/kilde: Ti barnevernsbarn døde. Bufdir vet hva som skjedde med bare ett av dem.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x