fredag, april 26, 2024

Norway oo sanadkii tagay magangalyo siisay dadkii ugu badnaa abid.

Sanadkii lasoo dhaafay ee 2022 waxaa Norway magangalyo weydiistay 40.750 qof, tiradaas oo ah tii ugu badneyd abid ee dad ah oo Norway magangalyo ka codsado, sida ay sheegtay hey’ adda qoxootiga ee UDI-da. 34.847 qof oo kamid ah dadka magangalyada codsaday ayaa kasoo jeedo dalka Ukraine, sida lagu sheegay warbixinta hey’ adda.

Tiradda qoxootiga sanadkii 2022 soo galay ayaa jabineysay rekoorkii horey uga yaalay tirada qoxootiga ee halmar Norway soo galay, taas oo aheyd sanadkii 2015, waxaana xiligaas Norway magangalyo ka codsaday 31.150 qof. Dadka ugu badan ee xiligaas imaaday ayaa kaso jeeday dalka Siiriye ee colaadu ay markaas ka socotay.

Dhamaan dadka kasoo jeedo dalka Ukraine ayaa helay magangalyo wadareed, iyada oo aan qofka la weydiin su aalo dheeri ah oo la xiriira sababta uu magangalyada u dalbanayo. Waxaana arrintan sabab looga dhigay dagaalka ka socdo dalka Ukraine.

Marka laga tago qoxootiga Ukraine, waxaa iyagana magangalyo codsady 5517 qof oo kasoo jeedo dalalka kale ee caalamka. Dalalka ugu badan ee ay kasoo jeedaan ayaa kala Siiriya (1591 qof), Afgaanistaan ( 1591 qof), Ereteriya ( 325 qof) iyo Ruushka( 294 qof).

Xigasho/kilde: Nesten 41 000 søknader om beskyttelse i 2022.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x