torsdag, april 25, 2024

Xildhibaan Maryan C. Xuseen oo noqon karto gudoomiye ku xigeenka xisbiga SV.

Xildhibaanadda asal ahaan soomaaliga ah ee Maryan Cabdi Xuseen ayaa kasoo dhex muuqatay liiska lix(6) siyaasi oo katirsan xisbiga SV, kuwaas oo loo sharaxay qabashada booska awooda badan ee gudoomiye ku xigeenka xisbiga SV.


Xisbiga SV ayaa dhawaan dooran doono hogaan iyo gudoomiye cusub, kadib markii uu dhawaan xilkaas iska casilay gudoomiyaha uu hada xilka kasii dhamaanayo ee audun lysbakken. Waxaana xiligan socoto soo gudbinta musharaxiinta u taagan hogaanka xisbigaas, kuwaas oo loo diray gudiga doorashada xisbiga.

Kirsti Bergstø oo ah gudoomiye ku xigeenka hada ee xisbiga ayaa ilaa hada ah musharaxa kali ah ee u taagan qabashada xilka gudoomiyaha, waxaana banaanaan doono booska gudoomiye ku xigeenka, hadii uu jadadaas baneeyo.

Maryan oo kamid ah lix musharax oo loo sharaxay qabashada xilka gudoomiye ku xigeenk SV, ayaa sida uu qoray wargeyska NRK, waxa ay taageero xoogan ka heysataa qeybo badan oo kamid ah garabyada xisbiga.

Maryan oo iyada oo 10 sano jir ah timid Norway, ayaa horey u dhigtay taariikho dhowr ah oo la xiriira siyaasadda Norway, gaar ahaan golaha shacabka. Waxa ay horey u noqotay gabadhii ugu horeysay ee muslim xijaaban ah, iyo qofkii ugu horeeyay ee afrika kasoo jeedo ee kamid noqdo golaha shacabka dalkan Norway. Sidoo kale waa xildhibaankii ugu horeeyay ee soomaali ah ee kamid noqda baarlamaanka dalkan.

Hadii ay Maryan ku guuleysato jagaddan waxa ay mar kale dhigeysaa taariikh cusub, iyada oo ku biiri doonto kaadiriinta saameynta iyo jaangoynta leh ee xisbiga SV oo xiligan ah xisbiyada bah-wadaagta la ah dowlada.

Shirweynaha xisbiga SV ayaa dhici doono bisha Maarso ee sanadkan.

Xigasho/kilde: Vil ha Hussein inn i SV-toppen.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x