lørdag, mars 15, 2025
Home Blog Page 28

Turkiga oo hakiyay codsigii Sweden iyo Finland.

0

Turkiga ayaa gebi ahaabna baajiyay shir saddex geesood ah oo uu la yeelan lahaa Sweden iyo Finland, kaas oo la qorsheeyay in bisha soo socota ee February uu ka dhaco magaalada Brussels, kadib dibadbax ka dhacay Stockholm oo lagu dhaleeceeyay Ankara, sida ay sheegtay TRT Talaadadii.

Afhayeenka Erdogan ayaa horraantii bishan sheegay in xoghayaha guud ee NATO Jens Stoltenberg uu isna ka soo qeyb gali doono shirkan.

Ilo wareedyo ku dhow Madaxtooyada Turkiga ayaa sheegay in Turkiga uusan baajin kulanka, balse uu dib u dhigay, iyada oo warkani caddeyn goorta uu shirku dib ugu dhacay.

Madaxtooyadu way ka gaabsatay inay faallo ka bixiso dib u dhigista shirkan.

Isniintii, Madaxweyne Recept Tayyib Erdogan ayaa Sweden u sheegay aysan ka fileynin taageerada Turkiga ee xubinnimadeeda NATO kadib dibadbax ka dhacay meel u dhow safaaradda Turkiga ee Stockholm dhamaadkii toddobadkii hore, kaas oo lagu gubay nuqul ka mid ah Qur’aanka.

Sweden iyo Finland ayaa sannadkii hore codsaday inay ku biiraan Ururka North Atlantic Treaty Organisation (NTO) kadib markii Ruushku uu ku duulay Ukraine, waxayna hadda u baahan yihiin taageerada dhammaan waddamada NATO ee hadda jira, si codsigoodu u hirgalo.

Xigasho/kilde: VOA SOMALI AFP

HelseNorge oo ka digeysa arrintan: Iska jir, anaga ma ahan.

0

Helse Norge oo ah bogga internetka ee hey´addaha caafimaadka Norway ay ku keydiyaan xogta caafimaadka muwaadinka, ayaa ka digeyso in iyada oo magaca hey adda la adeegsanayo qoraalo been abuur ah loo diray dad badan. Kuwaas oo laga codsaday inay galaan linkiyo loo soo diray.

Altinn/Helse Norge ayaa dadweynaha ogeysiineyso in hey´addu aysan fariimo noocaas ah u dirin dadka, waxeyna uga digeysaa inay riixaan linkiyada loo diray. Hey adda ayaa sidoo kale dadka ogeysiineyso in marnaba aysan HelseNorge dadka ka codsan diiwaangalinta macluumaadka la xiriira kaarka bangiga, numberadda sirta ah( Koder) iyo koontadiisa bangiga.

HelseNorge ayaa dadka ogeysiineyso in dadka adeegsanayo magaca hey adda ee qoraaladda been abuurka u dirayo dadweynaha ay yihiin koox burcad ah oo rabta inay helaan xogta muhiimka ah ee qofka, si ay qaab qaldan ugu adeegsadaan.

Xigasho/kilde: Helsenorge advarer mot svindel.

Denmark oo hakisay qorshihii ay xerada qoxooti uga furi lahaayeen Rwanda.

0

Dowlada Denmark ayaa hakad ku sameysay qorshe fulinta heshiis ay la gashay dowlada Rwanda, kaas oo ahaa in Denmark ay xero qoxootiga Denmark iska dhiibo lagu xareeyo ay ka furato dalka Rwanda.

Qorshahan oo hesiishkiisii la saxiixay labo sano kahor, ayaa waxaa dabadda ka riixayay xukuumadii hore ee dalka Denmark, taas oo ay hogaamineysay xisbiga sosial-demokratka. Balse waxaa desember sanadkii lasoo dhaafay xilka la wareegay xukuumad cusub oo ka kooban xisbiyada sosialdemokrat-Venstre iyo xisbiga Moderaterna.

Kaare Dybvad oo ah wasiirka cusub ee isdhexgalka dalka Denmark ayaa sheegay in heshiiska xukuumad dhiske ee ay wada galeen sadexdaas xisbi uusan ku jirin qorshaha kaamka qoxootiga ee laga dhisayo Rwanda.

Taas badalkeeda Denmark ayaa rabta in iyada oo la shaqeyneyso dalalka kale ee EU-da xero qoxooti laga furo meel ka baxsan Yurub.

Xigasho/kilde:e n ren dansk Rwanda-model er sat på pause

Dad badan oo sharcigoodii dib u helay, kadib markii ay UNE dacwo u dirsadeen.

0

Hey adda UNE oo ah hey´adda looga dacwoodo go aanadd ay gaarto hey adda qoxootiga ee UDI-da, ayaa sanadkii lasoo dhaaftay ka shaqeysay 5502 kiis oo la xiriira cabashooyinka go aanadda sharciga loogu diiday, ama sharciga loogala noqday dad qoxooti ah.

Sida uu qoray wargeyska Vårt land, UNE ayaa dadkii ugu badnaa abid sanadkii hore dib ugu soo celisay sharcigooda, kadib markii ay burisay go aankii UDI-da. Arrintan ayaa ka dhigan in qoxooti badan oo markii hore loo diiday magangalyada, ama ay UDI-du ka celisay sharciga, ay sharci heleen, ama dib u heleen sharcigoodii, kadib markii ay UNE dib u qiimeyn ku sameysay go aanka koowaad ee UDI-da.

Isbadalo ku yimid dhanka sharciga soo galootiga Norway, ayaa qeyb ka ah sababaha keenay in UNE ay laasho ama wax ka badasho kiisas badan oo ay UDI-du go aan ka gaartay. Mid kamid ah shuruucdaas ayaa ah inta badan kiisaska sharci ka celinta qofka waalidka ah ee ilmaha ku leh Norway, xooga la saaro waxa u fiican ilmaha, iyo xiriirka uu ilmahaas la leeyahay Norway. Arrintaas oo ka dhigan in waalidiin badan oo sharciga laga celiyay ay helaan fursado sharciyeed kale, hadii dalka laga saari lahaa.

Arrimaha kale ee xooga la saaro kiisaska ayaa waxaa kamid ah xiriirka uu qofkaasi la yeeshay Norway, iyo xaaladda guud ee caafimaadkiisa. Arrimahaas ayaana keeni karo in UNE ay indho cusub ku fiiriso go aanka ay UDI-du gaartay.

Xigasho/kilde: Utlendingsnemnda gav fleire positive svar i 2022.

Falalka amni daro oo kusoo badanayo Oslo.

0

Xaley fiidkii nin aan ilaa hada boolisku soo qaban ayaa xabado ku furay qof ka cunteynayay maqaaxi-cunteed kutaal xaafadda Nydalen ee magaaladda Oslo. Qofka bar-tilmaameedka ahaa ayaa ka badbaaday falka oo boolisku ay ku tilmaameen isku dey dil.

Ninka falka geystay ayaa soo galay goobta maqaaxida ah, wuxuuna toos u aaday nin kale oo ka shaqeeya maqaaxidda, isaga oo ku riday dhowr xabadood, balse lama haleelin uusan oo waxaa badbaaday qofkii uu rabay inuu toogto. Ninka badbaaday ee bar tilmaameedka ahaa ayaa

Ninka falka geysta Wuxuuna ka baxsaday goobta uu falkaas ka geystay, booliskuna ilaa hada ma aysan soo qaban, waxeyna sheegeen inay ku raad-joogaan iyaga oo booliska dalalka kale ee wada-shaqeynta la leh Norway ay la wadaageen xogta ninka falka geystay.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in falkan uusan u ekeyn inuu ahaa mid iskiis u dhacay, balse uu egyahay mid la qorsheeyay. Booliska ayaanse wali shaacin sababta ka danbeyso falkan, iyo inuu xiriir la leeyahay falal amni daro oo isbuucyadii ugu danbeeyay kusoo noq-noqanay magaaladda Oslo.

Falkan ayaa noqonayo kii afaraad ee xabad la adeegsado oo mudo kooban gudaheed ka dhaca magaaladda Oslo, waxaana magaaladda Oslo isbuucyadan kusoo badanayay falalka amni daradda ah.

Xigasho/kilde: Ingen pågrepet etter skyting på gatekjøkken i Oslo.

Erdogan oo god kusii riday rajadii Sweden ee ku biirista Nato.

0

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa u sheegay Sweden inaanay filanin in dalkiisu uu taageero dalabkeeda ku aaddan inay xubin ka noqdaan isbahaysiga milateriga ee NATO, kadib mudaharaadadii toddobaadyadii la soo dhaafy ka dhacay magaalada Stockholm, taas oo ay dhigeen kooxo ka soo horjeeda Islaamka, isla markaana taageersan Kurdiyiinta.

Madaxweyne Erdogan ayaa si kulul u weeraray tallaabadii u siyaasiga reer Sweden ee Rasmus Paludan uu ku gubay kitaabka Quraanka ah Sabtidii, isaga oo sheegay inay tahay tallaabo meel ka dhac ku ah cid kasta, gaar ahaan Muslimiinta.

Turkiga ayaa si gaar ah uga cadhooday mas’uuliyiinta Sweden, in ay oggolaadeen in bannaanbaxaasi uu ka dhaco bannaanka safaaradda Turkiga ee Stockholm iyada oo ay “ilaalinayaan” ciidamada ammaanku, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Associated Press.

Gubista kitaabka barakeysan ee Quraanka ayaa ka cadhaysiisay guud ahaan shacabka dalka Turkiga, xilli dalalka Sweden iyo Finland ay raadinayaan taageerada Turkiga si ay xubin uga noqdaan isbahaysiga NATO.

Madaxweynaha Turkiga ayaa sidoo kale dhaleeceeyey in Sweden ay ogolaatay mudaharaadada kooxaha Kurdiyiinta, gaar ahaan kooxka PKK oo dagaal kula jirta dalka Turkiga. ururka PKK waxaa liiska argagixisada ku daray Turkiga, Maraykanka, Midawga Yurub, hase ahaatee aastamohooda weli lagama mamnuucin dalka Sweden.

Xigasho/kilde: VOA-SOMALI

Mareykanka oo billaabay qaab ay shacabka ku keeni karaan qaxooti (Group 5)

0

Dowladda Mareykanka ayaa billowday barnaamij u ogolaanaya shacabka inay kafaalo qaadaan (sponsor) oo ay dalka Mareykanka keenaan qaxooti, ayaga oo lacag isku daraya, taasi oo sare u qaadi karta qaxootiga dalka imanaya, islamarkaana yareyn karta qarashka ka baxa dowladda.

Barnaamijkan cusub ee ay daaha ka rogtay Waaxda Arrimaha Dibedda oo lagu magacaabo Welcome Corps, ayaa shan qof waxay iska ururin karaan ugu yaraan $2,275, halkii qofba ee ay dalka keenayaan, si lacagtaas loogu taageero guri dejinta iyo baahiyaha kale ee aas-aasiga muddda saddexda bilood ah ee ugu horreysa ee ay Mareykanka ku cusub yihiin.

Kooxda wax sponsor gareyneysa, ayaa noqon karta muwaadiniin Mareykan ah, ama kuwa degan dalka ee haysta green card, waxaana looga baahan doonaa inay maraan hubin shaqsiyeed (background check), ayna abuuraan qorshe taageero, sida ku cad website barnaamijka.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa barnaamijkan ugu yeeray “hindisihii ugu dhiiranaanta badnaa ee dib-u-dejinta qaxootiga” tan iyo markii uu Mareykanka billaabay soo qaadista qaxootiga 1980-kii. Waxa uu sheegay in kooxo diimeedyada, askarta, ganacsiyada iyo jaamacadaha ay ka qeyb-gali karaan barnaamijka.

Barnaamijka ayaa ujeedkiisu yahay in la helo 10,000 oo kafaala qaada 5,000 oo qaxooti ah sanad xisaabeedka 2023, oo ku eg bisha September, sida ay sheegtay Waaxda Arrimaha Dibedda.

Barnaamijka oo la mid ah midka Canada ee loo yaqaan Group Five, ayaa qeyb ka ah dadaal ballaran oo madaxweyne Joe Biden oo Dimoqraadi ah uu shacabka Mareykanka ku siinayo fursad ay ku taageeraan ajaaniibta raadinaya badbaadada.

Maamulka Biden ayaa habkan cusub u arka mid taageero dheeri ah siin kara qaxootiga kadib markii madaxweyne hore ee Mareykanka Donald Trump oo Jamhuuri ah uu ka dhigay kuwo halis amni ah, islamarkaana uu aad u yareeyey keenistooda, taasi oo weli aan laga soo kaban.

Biden ayaa cadaadis kala kulmaya Jamhuuriga sababo la xiriira siyaasaddiisa ku aadan amniga xuduudda, ayada oo tiro aan horey loo arag oo muhaajiriin ah ay isku dayayaan inay si sharci-darro ah uga soo tallaabaan xuduudda Mexico.

Hase yeeshee, barnaamijka Welcome Corps ayaan la fileyn inuu saameyn dhow ku yeesho xuduudda, maadaama qaxootiga lagu soo qaadayo ay galayaan hanaan codsi oo muddo dheer qaadanaya ayaga oo ku sugan dalal kale, si gaar ah meelaha ay dagaallada ka socdaan.

Maamulka Biden ayaa horraantii Bishan billaabay barnaamij bani’aadannimo oo tijaabo ah, oo qiyaastii 30,000 oo qof oo muhaajiriin ka kala socda dalalka Cuba, Haiti, Nicaragua iyo Venezuela ay bil walba kusoo geli karaan Mareykanka haddii ay haystaan dad sponsor gareeya, islamarkaana ay kusoo safraan diyaarad.

Maamulka ayaa sidoo kale barnaamijkan u adeegsaday in dalka loogu ogolaado dadka Afghanistan iyo Ukraine ee soo qaxaya.

Barnaamijka Welcome Corps ayaa qaxootiga keeni doona ayada oo la marayo Barnaamijka Dib-u-dejinta Qaxootiga ee Mareykanka, kaasi oo tixraacyada ka hela Qaramada Midoobe iyo safaaradaha Mareykanka.

Biden ayaa sanad xisaabeedkan waxa uu qaxootiga uu Mareykanka keenayo ka dhigay ugu badnaan 125,000, taasi oo billaabatay 1-dii October 2022. Waxaa dalka yimid 6,750 intii u dhaxeysay October illaa December, sida ku cad xogta barnaamijka, taasi oo ka dhigan in tirada ay ka yaraan doonto hadaf sanadeedka.

Qaxootiga iminka imaanaya Mareykanka ayaa waxaa caawiyaa sagaal hay’ado dib-u-dejin oo isku halleeya maal-gelinta dowladda. Qaar ka mid ah hay’adahaas ayaa hadda qeyb ka ah taageeridda qorshaha Welcome Corps.

Lixda bilood ee ugu horreysa hindisaha cusub, Waaxda Arrimaha Dibedda ayaa shacabka wax sponsor garaynaya ku xiri doonta qaxootiga kiisaskooda horey loo ansixiyey, sida ay sheegtay Waaxda Arrimaha Dibedda. Bartamaha 2023, dadka wax sponsor garaynaya ayaa awoodi doona inay Waaxda Arrimaha Dibeda usoo gudbiyaan kiisaska qaxooti si looga fakaro in dib-u-dejin loo sameeyo.

Xigashi/KILDE: C.O

DF Soomaaliya oo aad u canbaareysay dowlada Sweden.

0

Dowladda Soomaaliya ayaa ku cambaareysay Sweden inay xagjiriin dalkeeda ku sugan u ogolaatay inay nuqul ka mid kitaabka qur’aanka kariimka ku gubaan dibadbax ka dhacay magaalada Stockholm.

Dibadbaxa, oo Sabtidii ka dhacay banaanka safaaradda Turkey ee caasimadda Sweden, ayaa waxaa hoggaaminayey Rasmus Paludan oo u dhashay dalka Denmark balse sidoo kale haysta dhalashada Sweden, kaasi oo ah nin Islaamka iyo soo-galootiga neceb.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku tiri “Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, waxay si xooggan u cambaareyneysaa in mas’uuliyiinta Sweden ay u ogolaadeen nin xagjir ah inuu nuqul ka mid ah qur’aanka ku hor gubo Safaaradda Turkey ee magaalada Stockholm, Sabtidii (January 21), taasi oo ka dhigan xadgudub cad oo ka dhan ah xurmada diinta iyo kicinta dareenka muslimiinta caalamka oo dhan.”

Dowladda Soomaaliya ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in ogolaanshaha ficilkan naceybka ah uu aflagaado ku yahay xurmada iyo qiyamka Islaamka, islamarkaana aan la aqbali karin.

“Waa kaliya dhaqan dareen kicin oo taageero lagu raadinayo, islamarkaana sare u qaadaya nacaybka, una adeegaya ajende xagjirinimo iyo argagixisanimo,” ayey tiri wasaaradda.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa sheegtay inay xaqiijineyso mowqifka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan muhiimadda ay leedahay faafinta qiyamka wadahadalka, dulqaadka iyo wada noolaanshaha iyo diidmada nacaybka iyo rabshadaha.

“Waxay [Soomaaliya] dib u cusbooneysiineysaa muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo astaamaha diinta, iyo in laga fogaado hurinta nacaybka iyo hurinta colaadaha iyadoo lagu xadgudbayo oo la qalloocinayo diinta, xurmada iyo caadooyinka Islaamka” ayey tiri.

Wasaaradda ayaa ugu dambeyn sheegtay in Soomaaliya ay ugu baaqeyso Sweden inay tallaabooyin ka qaado naceybka sare usii kacaya ee ka dhanka ah Muslimiinta, ayna ugu baaqeyso beesha caalamka inay mas’uuliyad iska saaraan wax ka qabashada Islaam naceybka.

Xigasho/kilde: VOA SOMALI

R.W Sweden: Waxaan dareenkeyga la qeybsan muslimiinta dhibsaday quraankii la gubay.

0

Reysulwasaaraha dalka Sweden Ulf Kristersson ayaa qoraal uu ku qoray bogga Twitterka ku sheegay inuu dareenkiisa la qeybsanayo dadka dhibsaday wixii shaley ka dhacay Stocklom, isaga oo ula jeedo kitaabkii quraanka ahaa ee lagu gubay magaaladda Stocklom ee caasimadda dalka Sweden.

Hadalka reysulwasaaraha Sweden ayaa yimid kadib markii caro xoogan ay ka dhalatay kitaabk quraan ah oo maalintii sabtida aheyd lagu gubay afaafka hore ee safaaradda dowlada Turkiga ay ku leedahay Sweden. Waxaana falka gubitaanka ah ka danbeeyay koox uu horkacayay Rasmus Paludan oo ah xagjire weyn oo dhinaca midigta fog ah. Ninkan ayaa horey meelo kala duwan oo dalalka Yurub ah ugu gubay kitaabo quraan ah, waxaana inta badan ka dhasha rabshado buuq wata.

Dowlada Turkiga ayaa shaley baajisay safar uu dalkaas ku imaan lahaa wasiirka arrimaha dibadda dalka Sweden, iyada talaabadaas sabab looga dhigay in Sweden ay wax ka qaban weyday ama ay ogolaatay in la gubo kitaabka quraanka ah.

Reysulwasaaraha Sweden ayaa qoraal uu dhacdadaas kaga fal-celiyay ku sheegay:

Xoriyada hadalku waa qeyb udud-dhaxaad ah oo kamid ah nidaamka dimuqraadiyada. Balse wixii sharci ah kama dhigna in ay yihiin wax haboon in la sameeyo. In la gubo kutub muqadas u ah dad badan waa fal ka turjumayo ixtiraam daro aad u daran. Waxaan dareenkeyga la qeybsanayaa dhamaan muslimiintii dhibsaday wixii ka dhacay Stocklom.

Wasiirka difaaca dowlada Turkiga, horeyna u ahaan jiray madaxii ciidamadda dalkaas Hulusi Akar ayaa isaga oo ka jawaabayo falkaas sheegay in gubitaanka kitaabka quraanka ah aysan aheyd wax la xiriira xoriyada hadalka, balse ay tahay naceyb ka dhan muslimiinta oo qiil loo raadinayo.

Sweden ayaa dadaal gaarsiisan heer jilbo-jabsi ah ugu jirto in laga ogolaado codsigeeda ku biiritaanka ururka midowga Nato. Turkiga ayaana ah wadanka ugu danbeeyo ee wali ku taagan aqbalaada codsiga Sweden, waxeyna ku xireen shuruudo adag.

Xigasho/kilde: Sweden’s Nato application imperilled after Koran burnt outside Turkish embassy

Ku dhawaad 40.000 ayaa sanadkii hore heshay baasaboorka Norway.

0

Ku dhawaad 40.000 qof oo kasoo kala jeedo 130 wadan ayaa sanadkii lasoo dhaafay heshay baasaboorka ama jinsiyada dalkan Norway. 94% dadkii codsaday dhalashada Norway, ayaa sanadkii lasoo dhaafay heshay baasaboorka ama heshay jawaab positiv ah.

Dadka u dhashay dalka Siiriya ayaa ah tirada dadka ugu badan ee sanadkii lasoo dhaafay helay baasaboorka Norway, waxaana baasaboorka Norway la siiyay 4184 qof oo Siiriya u dhashay. Sidoo waxaa sanadkii lasoo dhaafay dhalashada Norway dad kasoo jeedo dalka Poland(3752), Ereteria ( 3587), Sweden 3237 iyo Ruushka( 1720).

Marka laga tago ajaaniibta kasoo jeedo dalalka Afrika iyo Aasiya, waxaa soo badanayo dadka u dhashay dalalka kale ee Nordica ee qaadanayo dhalashada Norway. 894 oo Denmark u dhashay, 472 Finland u dhashay, 400 oo Iceland u dhashay iyo 3272 oo Sweden u dhashay ayaa sanadkii hore qaatay baasaboorka Norway.

1185 qof oo soomaali ah ayaa sanadkii lasoo dhaafay qaatay dhalashada Norway, sida ku xusan warbixinta. Iyada oo 86% soomaalidii sanadkii hore codsatay jinsiyada Norway ay qaateen baasaboorka.

Xigasho/kilde: Nær 40.000 fikk norsk statsborgerskap i 2022.

Turkiga oo kitaab quraan ah oo la gubay dartiis u baajisay safarka W.A dibadda Sweden.

0

Dowlada Turkiga ayaa maanta baajisay safar uu dalkeeda ku imaan lahaa wasiirka arrimaha dibadda dalka Sweden Pål Jonson. Arrintan ayaa jawaab u ah kitaab quraanka kariimka ah oo lagu gubay afaafka hore ee safaaradda Turkiga ee dalka Sweden.

 Rasmus Paludan oo ah nin hogaamiyo koox xagjir midigta fog ah, una dhashay dalka Denmark, balse sidoo kale heysta dhalashada Sweden ayaa maanta duhurkii kitaab quraanka kariimka ah ku gubay afaafka hore ee safaaradda dowlada Turkiga ay ku leedahay Sweden. Wuxuuna ogolaansho ka heysta booliska magaaladda Stocklom oo waardiye ka hayay marka uu kitaabka gubayay.

Dowlada Turkiga ayaa shaley Sweden uga digtay gubitaanka quraanka, waxeyna u direen dalab ah inay joojiyaan howsha lagu gubayo kitaabka quraanka. Balse Booliska magaaladda Stocklom ayaan dalabka dowlada Turkiga dhag u dhigin.

Kadib markii quraanka la gubay, dowlada Tukriga ayaa maanta baajisay safar uu dalkaas ku tagi lahaa wasiirka arrimaha dibadda Sweden. Kulanka ayaa looga hadli lahaa dhameystirka codsiga dowlada Sweden ee ku biiritaanka ururka Nato. Waana kulankii labaad ee Turkigu ka baajiyaan wasiir Swedish oo Turkiga booqan lahaa.

Dowlada Turkiga ayaa sheegtay in gubitaanka quraan uu cawaaqib ku yeelan doono codsiga Sweden ee kamid noqoshada ururka Nato.

Xigasho/kilde: Tyrkia-reisen til Sveriges forsvarsminister avlyst

234 qoxooti doon laga soo badbaadiyay oo diiday in Norway ay soo qaadato.

0

Norway ayaa dowlada Faransiiska la gashay heshiis ah in Norway ay dib u dajin u sameyneyso ama qaadaneyso 20 kamid ah 234 qof oo qoxooti ah, kuwaas oo laga soo badbaadiyay doon tahriib ah. Balse ilaa hada ma jiro hal qof oo kamid ah 234-daas qof oo sheegay inuu xiiseynayo in Norway ay qaadato.


Bishii Oktober ee sanadkii 2022 markab laga leeyahay dalkan Norway ayaa badweynta u dhaxeyso Libya iyo Italiya kasoo badbaadiyay 234 qof oo isugu jiro haween, rag iyo caruur tahriibayaal ah. Dowlada Talyaaniga oo markabkaas uu rabay inuu ku xirto, ayaa diiday in dalkeeda la keeno qoxootiga saaran markabka, waxeyna diideen inuu kusoo xirto dakadaha dalkaas.

Markabka ayaa markii danbe ku xirtay dalka Faranskiiska, halkaas oo dowlada Faransiiska cadaadis lagu saaray in la badbaadiyo qoxootiga saaray markabka, magangalyadana ay helaan.

Dowlada Faransiiska ayaa markaas kadib xiriir lasoo sameysay Norway, waxeyna ka codsatay inay la wareegeen dib u dajina u sameeyaan qeyb kamid ah qoxootiga markabkaas saarnaa, maadaama markabku uu ahaa mid laga leeyahay Norway.

Norway ayaana ugu danbeyn ogolaatay codsiga Faransiiska, waxeyna la gashay heshiis ah inay dib u dajin u sameyn doonto 20 kamid ah dadkaas. Waxeyna ku xirtay shuruud ah in dadka ay Norway qaadaneyso ay noqdaan qoxooti kasoo jeedo dalalka Soomaaliya, Siiriya, Ereteriya, Jaman iyo Turkiga.

Sida uu qoray wargeyska Vårtland, ilaa hada ma jiro hal qof oo qoxootigaas kamid ah, oo ogolaatay ama muujiyay inuu xiiso u qabo in Norway ay dib u dajin u sameyso(qaadato).

Hey adda qoxootiga ee UDI-da ayaa sidoo kale wargeyska Vårtland u xaqiijisay arrintaas.

Xigasho/kilde: Redda opp av havet – vil ikkje til Norge

Hey’ adda canshuuraha oo rubuc milyan kr u celisay haweenay qoxooti ah.

0

Hey’ addaha canshuuraha dalkan Norway ee Skatte-etaten ayaa lacag gaareyso 232.250 kr iyo dulsaarkeeda u celineyso haweenay qoxooti ah, taas oo iyada oo sharci la aan ah shaqeyn jirtay, lagana qaadi jiray canshuur lamid ah cansuuraha ay bixiyeen dadka kale ee Norwiijiga ah.

Haweeneydan oo u dhalatay dalka Ethiopia ayaa Norway soo gashay sanadkii 1999, balse waxaa loo diiday codsiga magangalyada. Taas badalkeeda waxaa la siiyay waraaqad ogolaansho shaqo, waxeyna qaab sharci ah dalka uga shaqeyn jirtay ilaa iyo sanadkii 2011, xiligaas oo la badalay xeerkii dadka qoxootiga sharci la aanta u fududeyn jiray inay shaqeeyaan.

Haweeneydan ayaa ugu danbeyn dagaal dheer kadib sanadkii 2021, iyada oo markan da’ ah heshay sharci ay Norway ku joogto. Waxeyna kamid noqotay toboneeyo waayeel qoxooti ah oo Norway mudo dheer sharci la aan ku ahaa, kuwaas oo ka faaiideystay fursad ay dowladu bixisay sanadkii 2020.

Maadaama ay markan sharci heshay, waxa ay haweeneydani codsatay lacagta howlgabka, balse waxaa la siiyay diidmo. Iyada oo sabab looga dhigay in aysan xubin ka aheyn sanduuqa kaalmadda dadweynaha Norway ee folketrygden. Laakiin 11-kii sano ee shaqeyneysay waxaa laga qaadi jiray canshuur buuxdo, taas oo lamid ah canshuurta laga qaado dadka xubnaha ka ah sanduuqa kaalmadda dadweynaha.

Hey’ adda canshuuraha ayaa hada go aansatay in haweeneydan ay dib ugu soo celiso qeybo kamid ah canshuurihii laga qaadi jiray waagii ay shaqeyn jirtay, taas oo dhan 232.250 kr iyo dulsaarkeeda.

Kaligeed ma ahan: 3000 qof ayay khuseyn kartaa.

Arne Viste oo ah isxilqaame u dooda arrimaha dadka qoxootiga ah ee Norway kunool, ayaa sheegay in waaxda canshuuraha ay canshuuro dheeraad ah ka qaadi jirtay dadka aan sharciga Norway ku heysan balse shaqeeya. Wuxuu aaminsanyahay in arrintaas ay khuseyso ugu 3000 qof.

Waaxda canshuuraha ayaa sheegtay inaysan heyn macluumaadka dadkaas, balse ay fiicantahay hadii ay lasoo xiriiri karaan dadka ay arintaas khuseyso, ayna macluumaadka la wadaagi karaan.

Xigasho/kilde: Skulle ikkje betalt trygdeavgift, flyktning får tilbake over ein kvart million

Reysulwasaarihii la jeclaa oo xilka iskeed uga dageyso.

0

Ra’iisul Wasaaraha New Zealand Jacinda Ardern ayaa Khamiista maanta ah si lama filaan ah ugu dhawaaqday in aysan «wax niyad ah u heynin» inay sii hoggaamiso dalkeeda, ayna xilka ka degayso ugu dambayn horraanta Febraayo, isla markaana aysan raadin doonin dib u doorasho.

Ardern oo ilmada isku celinaysa ayaa sheegtay in shan sano iyo bar oo ay ra’iisal wasaare ahayd ay soo martay dhibaato aad u adag, waxayna sheegtay inay tahay qof damiir leh oo bini’aadam ah, loona baahan yahay in ay xilka ka dagto.

Ardern, oo 42 jir ah, ayaa ku sheegay shir jaraa’id inay isku diyaarisay in aysan ka qeyb qaadan doorasho kale sannadkan.

«Waan ogahay in ay jiri doonto doodo badan oo ka dhalan doona go’aankan aan qaatay oo la is weydiin doono, sababta aan xilka uga degayo, laakiin waxa kaliya ee lasoo heli doono waa inaan ahay qof bini’aadam ah oo la soo gaaray xilligii uu xilka ka degi lahaa» ayay tiri Ardern.

Ardern waxa ay sheegtay in aanay xilka uga degin in shaqadu ay ku culus tahay, balse waxay sheegtay inay aaminsan tahay in dadka kale qaban karaan shaqo ka wanaagsan.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka New Zealand Grant Robertson, oo sidoo kale ah wasiirka maaliyadda, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inuusan raadin doonin inuu noqdo hoggaamiyaha xisbiga shaqaalaha oo ay hadda hoggaamiso Ardern.

Ardern ayaa kusoo biirtay masraxa siyaasadda adduunka sannadkii 2017 markii ay noqotay haweeneydii ugu da’da yareyd ee madax ka noqota adduunka xilligaas oo ay aheyd 37 jir.

Hannaanka hoggaamineed ee Ardern ayaa lagu tilmaamaa inuu ahaa mid naxariist leh, waxaa lagu xasuusta jawaabtii ay ka bixisay toogashadii ka dhacday laba masaajid oo ku yaalla magaalada Christchurch sannadkii 2019, kuwaas oo lagu dilay 51 qof, 40 kalena lagu dhaawacay, iyada oo weerarkaas markiiba ku tilmaantay mid argagixiso ah, isla markaana xiratay jalbaab markii ay la kulmeysay Muslimiinta dalkeeda.

Xigasho/kilde: voa somali

Ciidanka Norway oo fariintan uy diray 4500 oo baabuurley ah.

0

Ciidamada dalkan Norway ayaa maanta fariin u diray dad gaaraya ilaa 4500 qof oo ah dadka gawaarida leh ah. Ciidamada ayaa dadkan ku wargaliyay, inay qaadan karaan baabuurta dadka caadiga ah, haddii ay jirto xaalad baahi ah oo ciidanku ku qasab inay baahdaan gaadiid dheeraad ah.

Bishii Janaury ee sanadkii 2022 ayay sidoo kale ciidanku fariin noocan oo kale ah u direen 4000 oo kami ah dadweynaha Norway kunool. Waxaana lagu wargaliyay in gaadiidkooda ay milatariga Norway adeegsan karaan, hadii loo baahdo. Mar kale ayay ciidanku fariintaas oo kale la wadaageen 4500 qof oo ah dadka diiwaansgahana ee iska leh gaadiidka.

Ciidamada ayaa sheegay in ujeedka arrintaas ay tahay, inay xaqiijiyaan in ciidanku ay heystaan waxa ay u baahanyihiin, sidoo kalena ay shacabka ka rabaan inay gacan siiyaan ciidanka, hadii ay soo baxdo xaalad noocaas ah.

Sharciga Norway ayaa ciidamadda u ogolaanaya in hadii xaalad dagaal ay jirto ay adeegsan karaan gaadiidka iyo guryaha dadweynaha, si loo kabo awooda ciidan ee dalka.

Xigasho/kilde: Nå får over 4.500 bileiere melding om at Forsvaret kan ta bilen.

Booliska oo u digaya baabuurleyda

0

Baraf xoogan oo maalmihii ugu danbeeyay ka da’ayay qeybo badan oo Norway kamid ah, gaar ahaan goboladda Bariga, ayaa waxaa saaka iyo xaley badalay roobab xoogan. Taas oo keentay in barafkii hore ee wadooyinka yaalay uu dhalaalo, uuna sababo shilal badan oo baabuurta ah.

Booliska Norway ayaa gaadiidleyda uga digaya inay ka taxadaradaan wadista baabuurta ee wadoooyinka qaarkood, maadaama ay noqon karaan kuwo aad u sabiibax ah(Glatt).

Booliska ayaa baabuurleyda kula talinaya inay ku talagalaan waqti ka badan kii caadiga ahaa, ayna guryahooda kasoo baxaan xili hore. Ayna baabuurta ku wadaan xawaare degan.

Xigasho/kilde: Glatte veier på Østlandet.

Mid kamid ah madaxda ugu waaweyn Maafiyada Talyaaniga oo la qabtay.

0

Booliska la-dagaalanka Maafiyada ee talyaaniga ayaa maanta gacanta ku dhigay aabaha ugu weyn Maafiyada Talyaaniga Matteo Messina Denaro, taasi oo soo geba-gebeysay 30 sano oo ugaarsi ah.

Messina Denaro, oo 60 jir ah, ayaa hormuud u ahaa Cosa Nostra, urur dambiyeedka dhabta ah ee Sicily, ee lagu soo bandhigo aflaamta Godfather.

Messina Denaro ayaa laga soo qabtay «gudaha xarun caafimaad oo ku taalla magaalada Palermo, halkaas oo uu u aaday daweyn,» waxaa sidaas yiri taliyaha howlgallada gaarka ah Pasquale Angelosanto, sida ku qoran bayaan uu soo saaray booliska.

Waxa uu isbitaalka ku jiray muddo sanad ah, isaga oo laga daweynayey kansarka ku dhaca mindhicirada, islamarkaana wata magac been abuur ah.

Messina Denaro iskama caabin booliska markii ay isku dayeen inay soo xiraan, waxaa sidaas sheegtay wakaaladda wararka Talyaaniga ee ANSA.

Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni ayaa sheegtay in Messina Denaro uu ahaa madaxa “ugu muhiimsan” Maafiyada, islamarkaana xarigiisa oo ka dhacay gobolka uu kasoo jeedo ee Sicily uu “guul weyn” u yahay dagaalka uu qaranka kula jiro dambiyada abaabulan.

Sawir ay sii daayaan booliska ayaa muujiyey Messina Denaro oo qeybta dambe ka fadhiya gaari, islamarkaana xiran koofi, ookiyaale iyo jaakad qaxwe ah.

Sawirkaas kahor, sawirka kaliya ee laga hayey wuxuu ahaa mid la qaaday sagaashamaadkii. Waxa uu baxsad ahaa tan iyo 1993-kii.

Messina Denaro waxa uu kaalinta koowaad kaga jiray liiska dadka loogu raadiska badan yahay Talyaaniga ee Maafiyada lala xiriiriyo.

Messina Denaro ayaa lagu tuhmayaa inuu ka dambeeyay qaraxyadii 1993-kii ka dhacay Rome, Milano iyo Florence oo ay ku dhinteen 10 qof, bilo uun ka dib markii Cosa Nostra ay weeraro isku mid ah ku dileen garsoorayaashii ka hortagga maafiyada Giovanni Falcone iyo Paolo Borsellino.

Xigasho/kilde: VOA/SOMALI

Turkigu diyaar uma ahan inuu Sweden ka aqbalo codsigan.

0

Dowlada Turkiga wali diyaar uma ahan inaan aqbasho codsiga dowlada Sweden ee kamid noqoshada ururka Nato, sida uu sheegay mid kamid ah la taliyeyaasha madaxweynaha dalka Turkiga, Rajab Tayib Erdugan. La taliyaha ayaa sidoo kale raaciyay in arrintaas aysan miiska soo fuuli doonin ilaa Sweden ay fuliso codsiyada dowlada Turkigu u gudbisay dalkaas.

Dowlada Turkiga ayaa horey Sweden ugu gudbisay dalab ah inay wax ka badasho qodobo kamid ah dastuurka Sweden, gaar ahaan qodobadda ku saabsan qeexitaanka iyo la dagaalanka ururadda argagaxisadda. Turkiga ayaa Sweden ku eedeeyay inay taageero dhaqaale iyo mid macnawi ah u fidiyaan ururadda la dagaalama dowlada Turkiga, gaar ahaan ururka PKK ee kurdida.

Turkiga ayaa Sweden ka dalbaday inuu usoo gacangaliyo dad ku eedeysan falal argagaxiso, kuwaas oo ka tirsan ururadda argagaxida Turkiga looga aqoonsanyahay ee PKK, ama jabhadda Kurdida.

Baarlamaanka Sweden ayaa bisha Juni ee sanadkan codka u qaadi doono badal lagu sameynayo xeerka argagaxisadda dalka Sweden, kaas oo ujeedkiisu yahay in lagu ogolaado codsiga dowlada Turkiga.

Ibrahim Kalin oo ah la taliyaha madaxweyna Turkiga ayaa sheegay in Turkigu uusan diyaar xiligan u aheyn ka shaqeynta dalabka Sweden, ilaa dowlada Sweden ay meelmariso dalabkii dowlada Turkiga.

Xigasho/kilde: Tyrkia er ikke klare til å godkjenne svensk Nato-søknad.

Labo qof oo xaley lagu dhaawacay is xabadeyn ka dhacday senterka Oslo.

0

Labo qof oo dhalinyaro ah ayaa lagu dhaawacay is xabadeyn xaley saqdii dhexe ka dhacday senterka magaaladda Oslo. Falkan ayaa ka dhacay meel aan ka fogeyn masxafka qaranka ee Nationaltheatret ee Oslo.

Magnus Strande oo ah madaxa howlgaladda booliska Oslo ayaa sheegay in sida muuqato uu muranka sababay is xabadeynta ka dhex bilowday baar kuyaal meel aan wax badan ka fogeyn goobtaas, murankaas oo markii danbe sababay in banaanka la isku xabadeeyo, labo qofna ay dhaawacmaan.

Labadda qof ee dhaawacmay ayaa sida ay boolisku sheegeen uu dhaawacooda yahay mid daran, balse aan halis lagama kacaan ah aheyn.

Nin loo qabtay falkan:

Booliska Oslo ayaa sheegay in falkan ay u arkaan inuu ahaa mid isku dey dil ah, ayna baadigood ugu jiraan dadkii ka danbeeyay iyo kuwii saameynta ku lahaaba. Iyaga oo sheegay in ilaa hada warbixinta booliska ay cadeynayaan in khilaaf ama muran kooxeed uu arrintan sabab u ahaa, Waxeyna cadeeyeen inay ku raad-joogaan dhowr qof oo ay ku rajo-weynyihiin in dhawaan lasoo qaban doono.

Saacad kahor maanta sheegay in ay falkii xaley ka dhacay Oslo ay u qabteen nin labaatameeyo jir ah, kaas oo lala xiriirinayo inuu saameyn ku lahaa falka dhacay. Booliska ayaa dhanka kale sheegay in labadda qof ee la dhaawacay, iyo qofka la qabteyba ay yihiin sadex qof oo ay boolisku horey aqoon ugu lahaayeen.

Xigasho/kilde: To skadet etter skyting i Oslo – En person er pågrepet.

250.000 sawir ayay sanadkan qaadi doonaan kaamirooyinka wadooyinka Norway.

0

Booliska Norway, qeybtooda kontoroolka wadooyinka ee kaamirooyinka loo adeegsado( automatisk trafikkontroll, ATK) ayaa sheegay in sanadkan ay kaamirooyinka ku xiran wadooyinka Norway ee ilaaliya xawaaraha baabuurta qaadi doonaan 250.000 sawir.

Arrintan ayaa ka dhigan in kaamirooyinka ku xiran wadooyinka ay shaqeyn doonaan in ka badan intii ay horey u shaqeyn jireen, iyaga oo daarnaan in badan oo kamid ah maalinta.

Booliska ayaa waxaa sanadkan la siiyay 12 milyan oo dheeraad ah, si ay kor ugu qaadaan awoodooda la socoshada isku socodka gaadiidka, iyaga oo shaqaaleysiiyay 10 qof oo dheeri ah. Kaamirooyinka ku xiran wadooyinka baabuurta, ayaa sidoo kale qaadi doono 26.000 sawir oo dheeraad ah, Waxaana arrintan wada go aamiyay hey adda wadooyinka ee Statens vegvesen iyo ATK.

Xigasho/kilde: Det er bestemt at fotoboksene ved Norges veier skal ta 250.000 bilder i år. Det er 26.000 flere enn i 2022, det forrige rekordåret.

error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.