lørdag, mai 18, 2024

UDI-da oo heli weysan cid baaritaanka da’ da uga qaada qoxootiga da’ yarta ah.

Hey’ adda qoxootiga iyo soo galootiga Norway ee UDI-da ayaa rabta inay baaritaanka dhanka da’ da ah laga qaado qoxootiga Norway iska dhiiba ee sheega inay yihiin da’yar aan qaangaarin ama 18 sano kayar.

Baaritaanadda da’ da oo ah kuwo lagu qaado raajo lafaha iyo ilkaha ah, ayaa sida la sheego waxa ay qiyaas ka bixin karaan da’ da qofkaas, iyada la isticmaalayo aalado lagu qiimeeyo qiyaasta xiliga jiritaanka qofka.

Khuburo badan iyo aqoonyahan xaga sheybaarka ah ayaa horey uga deyriyay baaritaanadda noocan ah ee iyada oo raajo la adeegsanayo lagu qiyaasayo da’ da qofka. Waxa ayna khubaradu sheegeen in ilaa xad aan lagu kalsoonaan karin natiijadda baaritaanaddan, waxa ay hey’ addaha qoxootiga uga digeen in natiijadda laga gaaray baaritaanadda go aan looga gaaro kiiska qof magangalyo codsaday.

Inkasta oo la dhaleeceeyay baaritaanadda da ah, shakina laga muujiyay natiijadooda, hadana hey’ adda arrimaha qoxootiga dowlada Norway u qaabilsan ee UDI-da ayaa wali rabta adeegsiga baaritaanka da’ da, waxeyna raadinayaan shirkado howshaas u qabta.

Sida uu qoray NRK, UDI-da ayaa ilaa hada heli la shirkad u qaada baarinaadaas, maadaama shirkaddaha raajadu ay diideen in shaqo noocaas ah ay u qabtaan hey’ adda qoxootiga UDI-da.

Shirkaddaha iyo isbitaaladda raajada ee diiday inay shaqadan u qabtaan UDI-da ayaa ku sababeeyay in aysan qeyb ka noqon karin go aan qalad ah oo lagu saleeyay baaritaan aan la hubin, kaas oo lag go aamiyo kiiska iyo mustaqbalka qof magangalyo codsaday.

Xigasho/kilde:Staten har jaktet på slike bilder i fire år – men ingen vil ta dem.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x