tirsdag, november 26, 2024
Home Blog Page 279

Xaqiijin: Ma runbaa in cudurka TB-da uu ku faafay soomaalida Skien?

Waxaa xiriir nala soo sameeyay qaar kamid ah akhristayaasha warbaahinta NorSom News, kuwaas oo naga codsaday inaan wax ka qorno arinta uu web kamid ah kuwa soomaalida Norwey uu maanta qoray. Taas oo ku saabsan in cudurka TB-da uu ugu faafay soomaalida degan magaalada Skien ee Norwey. Dabagal iyo baaritaan aan sameenay kadib, waxaan u xaqiijineynaa soomaalida Norwey in warkaas uu webkaas qoray uu yahay mid loo turjumay si khalad ah. 

14087756_1431095416916862_1438312512_oMaxaa sax ah:

Tvga qaranka Norwey ee NRK-ga ayaa jimcihii hore qoray war ku saabsan in cudurka TB-da laga helay 14 qof oo ajnabi ah. Arintan ayaana timid kadib markii horey cudurkan looga helay 6 qof oo iyaga ajnabi ah, taasna ay sababtey in baaritaana loo diro 50 qof oo xiriir lahaa lixdaas qof ee cudurka laga helay bishii Juli ee sanadkan. afar iyo tobankan(14) qof ee hada laga helay  cudurkan ayaa kasoo dhexbaxay kontonkaas qof ee baaritaanka lagu sameeyay xagaagan. Tvgu wuxuu sheegay oo kaliya in dadkaas ay yihiin soo golooti, laakiin ma uusan sheegin inay soomaali yihiin inay cid kale yihiin. Dhakhtarka guud ee deegaanka Skien ayaa sidoo kale sheegay in nooca TB-da ay 14-kan  qof iyo lixdii horeba ay ka heleen ay tahay mid isku meel kasoo jeedo, taas oo loo fasiran karo in kuligood ay isku wadan ka yimaadeen. 

 

Dhakhtarka ayaa sidoo kale sheegay in 14-kan qof oo hada ay cudurka ka heleen, aysan aheyn kuwo xanuunsan. Balse ayihiin kuwo cudurka qaaday oo jirkooda laga helay, sidaas darteedna loo dirayo daaweyn kahor tag ah inta aysan xanuunka lasoo dhicin. Dhakhtarka ayaa intaas ku daray in lixdii qof ee hore oo xanuunka laga helay iyo 14-ka qof ee cusuba ay hada jiifaan isbitaalka, aysana cid kale sii qaadsiin karin(ku daaran karin) cudurka hada.  isaga oo sidoo kale sheegay in laga yaabo inay jiraan dadc udurka qaaday oo aan wali baaritaan lagu sameyn. 

Dhanka kale cudurka TB-da oo ahaa mid laga dabar gooyay Norwey, ayaa wuxuu dib ula laba kacleeyay wixii ka danbeeyay 1990-kii, markaas oo ay Norway soo galeen ajaaniib ka yimid wadamo uu cudurkan TB-da uu aad ugu badanyahay sida Somalia, Ethopia iyo Eritrea.  Sanadkii lasoo dhaafay waxaa Norwey laga helay 318 dhacdo oo cudurkan xiriir la leh.

Waxaa xusid mudan in cudurka uu yahay mid noocyo badan oo ku dhaca qaybaha jirka iyo unugyadiisa kala duwan. Laakiin TB-da ku dhacda sambabka ayaa ah mida kaliya ee la is qaadsiin karo. 

Halkan ka akhri warka saxda ah oo NRK-ga uu qoray jimcihii lasoo dhaafay(19-08-2016).

Waxaa fiican in warbaahinta soomaalida ee luuqadaha kale af soomaali ku turjuma ay iska hubiyaan warka ay xiganayaan inta aysan bulshada usoo gudbin. Ilaa sadex qof oo ka wel-welsan arintan ayaa xiriir nala soo sameysay, iyaga oo qaarkood ay sheegeen inay cabsi kasoo gashay aadista masaajidka, maadaama uu webkan qoray in cudurkan uu ku faafay soomaalida Skien.

Oslo: Wasaarada arimaha dibada Norwey oo qabatay shir looga hadlayay arimaha Soomaaliya

Shalay oo ay jimce ahayd waxaa magaalada Oslo ku qabsoomay shir ay soo qabanqaabisay hay-ada Norad, oo ah hay-ada wasaarada arimaha dibada Norwey u qaabilsan arimaha horumarinta iyo gargaarka wadamada dibada. Shirkan oo sanadle ah ayay hay-adu kusoo bandhigtaa warbixinadii ugu danbeeyay oo ay ka diyaariyeen xaaladaha amaanka, dhaqaalaha, horumarka iyo waliba gargaarka wadamada ay dowlada Norwey sida gaarka ah u taakulayso. Soomaaliya ayaana kamid ah wadamada taakuleynta dhaqaale ee ugu badan ka hela sanad walbe dowlada Norwey. 

Shirkan oo ay ka soo qeyb galeen in ka badan 30 urur, oo isugu jiro hay’ado dowli ah, kuwo ka shaqeeyo arimaha gargaarka, shirkado ganacsi oo ka howlgala Soomaaliya iyo shirkado gaar loo leeyahay oo xiiseynaya iney maalgashadaan Soomaaliya. Shirka waxaa daah furay safiirka Norwey u fadhiyo Soomaaliya mudane Viktor C. Rønneberg, isaga oo ka hadlay xaalada soomaaliya guud ahaan, gaar ahaan doorashada loo balansanyahay inay dhawaan ka dhacdo Soomaaliya. Safiirka ayaa sheegay in Soomaaliya dhowrkii sano ee ugu danbeeyay ay sameysay isbadal weyn oo xaga amaanka iyo dhaqaalaha ah, isaga oo rajo weyn ka muujiyay in Soomaaliya ay hada cagta saartey wadadii horumarka, laakiin ay wali u baahantahay taakuleynta beesha caalamka. Viktor ayaa sheegay in dowlada Norwey ay Soomaaliya ugu deeqday sanadkii 2015 lacag gaarayso 390 million oo kr. 

14054612_1219101521465246_1934473811_nHay-adaha gargaarka ee laga leeyahay Norwey oo ka howlgala Soomaaliya iyo wadamada dariska ah ayaa sidoo kale soo bandhigay waxqabadkoodii gudaha Soomaaliya sanadkii 2015, iyo sida ay u isticmaaleen lacagtii ay wasaarada arimaha Norway ay ugu deeqday hay-adahan.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ururo Soomaali ah, Waxaana kamid ahaa ururka Fedep Forum oo ah urur dhawaan la aas-aasay oo ka shaqeeyo arimaha horumarinta. Gudoomiyaha ururkan Mahad Abubakar oo aan xiriir la sameynay ayaan wax ka waydiinay shirkan iyo waxyaalaha looga hadlay: 

Runtii shirka waxa uu ahaa mid aad u muhiim ah oo lagu xusay horumarka ay bulshada iyo dawlada soomaaliyeed sameeyeen waxii ka danbeeyay sanadki 2000. Sidoo kale kulankan ayaa looga hadlay muhiimada ay leedahay in la taageero qurbo joogta soomaalida ee rabta inay ka qaybqaadato dib udhiska iyo maalgashiga Soomaaliya. .

Hay-ada Norad ayaa dhawaan soo saari doonto rapport dhamaystiran oo ku saabsan waxyaabaha uga qabsoomay gudaha Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaan sanadkii tagay ee 2015.

Xigasho/kilde: Norad, Landmøte: Somalia [adsenseyu1]

Gabadhan soomaalida ah oo islaan cadaan ah ay kula kacday fal cunsurinimo, iyo maxaa ka danbeeyay

Foto: privat

Sagal Yusuf oo ah gabar 19 jir soomaali ah oo degan magaalada Skåne ee wadanka Sweden, kana shaqayso goob lagu xanaaneeyo dadka waayeelka. Sagal ayaa sheegtay in maalin iyada oo kasoo baxday shaqadeeda, saarana tareenka aada xaafadeeda, ay islaan waayeel Swedish ah ay kula kacday cay iyo cunsurinimo. Iyada oo si toos ah ugu sheegtay in ay jeclaan laheyn in ajaaniibta oo dhan Sweden  laga bixiyo, madax-madax wadankana loo wada saaro, maadaama ay systemka ceyrta wadanka ay si xun ukhiyaanaan. Gabadhan ayaa sidoo kale sheegtay in naagtan cadaanka ay u gaysatay cay ay kamid tahay in ay ugu yeertay (neger/adoon) iyo waxyaalo kale oo kasii daran.

Maalmo kadib ayay dib u kulmeen sagal iyo islaantii sida xun u cayday. Waxay sheegtay inay iyada oo shaqada kujirto, ay u gashay mid kamid ah islaamaha waayeelka ah oo ay caawiso. Markii ay albaabka furtay ayay sheegtay inay aragtay naagtii maalmo kahor caayaysay oo la fadhido islaanta waayeelka ah. Intey isku naxday, ayuu hadal kasoo bixi waayay oo indhaha kaliya iga soo fiirisay, maadaama qofka aan caawinayay uu ahaa iyada hooyadeed.

Sagal ayaa sheegtay in iyada oo aan waxba kasoo qaadin dhacdadii hore ay si toos ah u gacan qaaday naagtii sida xun ula dhaqantay. Markii ay dhamaysatay caawinta iyo shaqada ay qabanaysay, ayay si hoose ula hadashay naagta oo meesha wali fadhiso, hadalna uu kasoo bixi la´yahay. Waxay sheegtay inay ku tiri: Waxbo ka wel-welin, waligey hooyadaa ulama dhaqmi doono, sidaad adigu aniga iila dhaqantay.

Gabadhan oo markii hore sheekadan kusoo qortay faceboogeeda shaqsiga ayaa waxay durba gaartay dhamaan wargaysyada ugu waaweyn Scandanevianka oo dhan, iyado oo sidoo kalena aad looga hadalhayo baraha bulshada sida faceboooga iyo twiterka.

Xigasho/kilde: Dagbladet. [adsenseyu1]

 

Mustaqbalxumida dhalaanka, ma waalidkaa u sabab ah?

(Fiiro-Gaar ah: Maqaalkan waxaa original ahaan lagu daabacay ubahaden.com)

Waxaa dhawaan waalidka iyo ardeyda ku nool dalkan Norwey u bilaaban doono sanad iskuuleed cusub 2016-2017. Xaaladaa cusub ee bilaabaneysa, ayaan u arkaa in ay muhiin tahey in waalidka iyo ardeygaba ay leeyihiin hami iyo dadaal ka wanaagsan kii sanad iskuuleedkii hore, ee la soo dhaafey. Siyaabooyin kala gedisan ayuu waalidka iyo ardeyga isugu diyaariyaan sanad iskuuleedka cusub ee bilaaban doona asbuuca dambe 22/8-16. Isku diyaarintaa ayaa noqota qalabkii iskuulka oo la soo gato sida buugta, boorsooyinka iyo qalimaanta. Waxey kaloo noqotaa isku diyaarin xagga qalbiga. Waalidka iyo ardeyga oo ka wada hadla xaalada cusub ee u wada bilaabaneysa iyo sida u wanaagsan ay u wada wajihi karaan.
Sidaan la socono ardeyda wey kala baahi-waxbarasho duwanan karaan. Qaar baa fahankooda waxbarasho aad u fiican yahey, halka ardey kale ay u baahnaan karaan kaalmo waxbarasho oo dheeraad ah. Ardeyda sanadkan dugsiga hoose/dhexe bilaabi doona aayaa lagu qiyaasey in ay gaarayaan 65 000 ardey halka kuwa dugsiga sare yihiin 75 000 ardey.
Qaar kamid ah ardeydaa ayaa dhici kara in aad waalid u tahey. Oo qaar ardaa ka mid ah baa hada uga horeysa in ay iskuul bilaabaan, oo galaaska koowaad ama birimo fariistaan. Halka ardey kale ay bilaabi doonaan iskuul cusub iyo fasal cusub. Waxaa kaloo dhici karta in ardeydaa qaar ka mid ah ay ka wel welsan yihiin oo ka baqanayaan dib ugu soo laabashada iskuulka, dhibaatooyin kala soo gudboonaadey dartood.  Hadaba helitaanka waxbarasho u qalma garaadka ilmahaaga iyo ilmahaaga oo ku nabad ku hela intuu iskuulka joogo, waxey ku xiran tahey waalidka oo dadaala oo la socda baahida iyo xaalada ilmahiisa.

U dadaalida dhanka waxbarasho, waa muhiim in waalidku yaqaano xaquuqda waxbarasho ee ilmahiisa iyo waajibka waalidnimo ee ka saaran dhankaa. Nidaamka iyo siyaasada waxbarasho ee dalkan aad buu uga gedisan yahey kii dalkeenii ka jirey. Waxbarashada halkan, waalidka iyo ardeygaba mas`uuliyad weyn ayaa ka wada saaran siduu loo heli lahaa waxbarasho iyo xasilooni fiican.
Sharciga waxbarashada ayaa sheegayaa in ardey kasta uu xaq u leeyahey inuu helo waxbarasho u qalma fahankiisa iyo awoodiisa. Laakiin inta badan sharcigaa siduu yahey looguma dhaqmo, daruufooyin kala gedisan aawadood. Balse hadii uu waalidku yaqaan waajibkiisa waalidnimo kuna ficiltam0, waxey suurta gelineysaa in ilmahiisa ay helaan waxa uu xaqqa u leeyahey. Waalidka u dadaala ilmahiisa, oo waqti u hura waa kan ilmahiisa ka badbaadiya dhibaatooyinka waxbarasho iyo saag-saagnimo mustaqbal..

Aniga oo ka dhex shaqeeya waxbarashada, xilal kala duwana ka haya, ayaa markii uu ilmaheyga u baahdey waxbarsho u qalma garaadkiisa, ay adkaatey buuxinta baahida. Nasiib wanaagse dadaal badan, iska daba wareeg iyo wada hadalo badan wuu heystaa maantey waxbarashaduu u baahnaa. Balse intaa howshu ku ekaan meyso, oo markaad u soo dhiciso xaqiisa, yaa waxaa ku bilaabanaya dadaal ah, sidaad u difaaci laheyd si in aan looga joojin xaquuqdaa dheeraadka uu heley ilaa intii ay baahidii meesha ka baxeyso. Sidaas darteed marna waa usoo dhici xaquuqda, marna waa u ilaali.
Dhibaatooyinka jira: Caruur badan oo aan luuqada aqoon, hadana beyska waxbarasho aan ka dhisneyn baa iskuulada ka buuxa. Caruurtaa qaarkood waxey leeyihiin waalid, iyaga la mid ah oo aan luuqada iyo nidaamka waxbarasho wax weyn ka aqoon. Hadaba yaa u maqan caruurtaa??

Daruufooyin kala gedisan baa sababi kara in ay ku adkaato waalidka ama qofka in uu luuqadan barto. Oo is dhex galka bulshadana ay ku sii adkaato. Dhawaan waxaa la soo saarey warbixin ku saabsan saboolnimada dalkan. Oo somalidu ay ka mid noqotey jinsiyadaha uu saboolnimadu aadka ugu badan yahey. Sababtuna lagu tilmaamey in dumarka aysan shaqeysan. Oo hadii uu reerku hal dhaqaale soo galo sida aabaha oo shaqeeya ama reerkoo ceyr qaata, uusan halkaa dhaqaale reerka ku filneyn. Warbixintii kale ee waxbarashadana waxey sheegeysaa in caruurta ajaanibka ay u badan yihiin kuwa waxbarashada ku liita oo dhameystirka iskuulkana uu ku adkaado. Baaritaano kalana waxey sii sheegayaan in waalidka aqoontiisa iyo dadaalkiisa ay saameyn fiican ku yeelan karto mustaqbalka iyo hamiga ilmahooda.
Hadaba iyadoo ay waxaas oo dhan jiraan, ayaa hadana aynaan heysan MAR-MARSIINYO aan luuqada ku baran weyno. Waalid qurba joog markaan nahney, waxaa na saaran mas`uuliyad ka balaadhan waalidka dalka jooga. Mustaqbal kii beri ee aduunka ayaa gacanteena ku jira. Waxaan mas`uul ka nahney dhalaan la doonayo in ay hanan karaan aduun ka gedisan aduunkii ay waalidkood ku soo koreen. Mas`uuliyadaana ma aha wax aan dhayalsan karno.
Ilmihii loo qeyliyo, ayaa la maqlaa! Gunaanadka hanoo noqdo “ilmo guuleystaa waalid dadaalaa ka dambeeya”!

Ugu dambeyn:
Hadaad dooneyso inaad wax ka ogaato waajibaadkaaga waalidnimo iyo xiriirka la doonayo inuu ka dhaxeeyo guriga iyo iskuulka. Waxaad kala xidhiidhi kartaa hay`adahan oo macluumaadkoodana luuqado kala gedisan ku bixiya:
Waxaa jira gudiga waalidiinta ee heer qaran oo 4tii sanaba mar dowlada iyo boqortooyada ay doortaan. Gudigaa waxaa la yiraahdaa “Foreldreutvalg for grunnopplæring”. Gudigaa waxuu matalaa waaladiinta dalka oo dhan. Xubin ka mid ah baan ka ahey. Macluumaad howsheena, waxaad kala xiriiri kartaa: fug.no. Hadaad rabtana si toos iila soo xiriir.
Waxaa kaloo jiri gudi waalidiin ee degmo/xaafad oo la yiraahdo: KFU.no

Nasiib wanaag waxaa kaloo jira labo aqoonyahano (Firdawsa Ahmed iyo Saad Hashi) oo ka shaqeeya xoojinta iyo wanaajinta xiriirka guriga iyo iskuulka.Macluumaadka howshooda waxaa ka heli kartaa: http://www.atlaskompetanse.no/
Jaanisyada lagu kobcin karo aqoontaada waalidnimo wey buuxaan, laakiin waa inuu RABITAAN jiraa.
Waa mahadsan tihiin.

Xigasho/kilde: Ubahaden.com [adsenseyu1]

Gabar soomaali ah oo ganacsi guulaystay ka hirgalisay Hammerfest, iyo amaan loo soo jeediyay

Foto: Helle Østvik/Ifinnmark

Nasro Afrah waa gabar soomaali ah oo Norwey timid 7 sano kahor, shopingsenter ay soomaalida,  ajaaniibta kale iyo norwiijguba ka adeegtaana ka furtay magaalada Hammerfest oo kutaalo cirifka woqooyi ee aduunka. Todobadaas sano oo ay Norwey joogtay waxay ku baratay oo meel saartay luuqadaha Norwiijiga iyo English, iyada oo sidoo kalena ku dhamaysay dugsiyada hoose-dhexe(grunnskole) iyo waliba kan sare(videregående). Nasro ayaa sidoo kale sheegtay inay shaqo fast oo fulltid ah haysatay ilaa iyo sanadkii 2010, iyada oo mudo kahorna furatay ganacsi iyada u gaar ah.

Lacag ay iyadu iskeed u urursatay ayay sheegtay inay ku furutay shopingsenterkan oo ay u magac dartay Mubarak shopsenter. Dukaankan ayaa ilaa iyo markii albaabada loo furayba noqday mid ay si isku mid ah uga adeegtaan dadka magaalada horey u degenaa oo norwiijiga ah  iyo ajaaniibta magaalada ku cusuba.  Bilowgii furitaanka ayay sheegtay inay taakuleyn ka codsatay kommunaha hammerfest, balse loo diiday. Sidaas darteedna lacagta uga baxday dukaanka iyo ka shaqeyntiisaba ay tahay mid ay iyadu bixisay oo cid kale oo ka caawisay aysan jirin.

Wargayska iFinnmark ayaa warbixin ka diyaariyay iyo Gabadhan dukaankeedaba. Nasro ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsantahay inay maanta ay heerkan soo gaartay, balse ay bilowgii aad ugu wel-welsanayd sida uu dukaanka u socon doono. iyado oo intaas ku dartay in macaamiisha dukaanka ay ilaa hada kor u kacayaan isuguna jiraan cadaan, soomaali iyo soo galootiba. Nasro ayaa sidoo rabto inay sii balaariso dukaankeeda, ayna kusoo kordhiso qaybo cusub oo ay kamid yihiin khudaar iyo hilib, maadaama ay bateen macaamiisha waydiinayo inay hayso hilibka.

Nasro ayaa sheegtay in bilowgii ay aragtay in ay adagtahay in dharka ay xirtaan dumarka soomaalidu laga helo magaalada, oo ay ku khasbanyihiin in ama ay Oslo ka dalbadaan ama wadanka dibadiisa. Sidaas darteed ayay ku fakaraytay inay furto dukaan lagu gudo dharka dumarka soomaalida iyo waxyaabaha ay haweenka isku qurxiyaan. Laakiin hada waxan ugu badan ee laga gato dukaankeeda ay noqotay cuntada, iyada oo dadka kunool magaalada ay si isku mid ah uga adeegtaan.

Hooyadan oo haysato labo caruurta ah ayaa sheegtay in 2009 oo ah markii ay Hammerfest ay soo degtay ay ahayd meel wada cad oo qabow, ayna aad u cabsaneysay bilowgii. Laakiin markii ay baratay luuqada norwiijiga, ayna heshay shaqo fast ah, loona keenay labadeeda gabdhood oo ka maqnaa ay wax walba is badaleen. Waxay sheegtay inay heshay kalsooni iyo isku filnaansho, ayna ogaatay in Hammarfest ay tahay magaalo aan aheyn sidii ay u maleyn jirtay. Ayna fududahay in shaqo laga helo magaalada, saaxiibano lagu yeesho. Hadii uu qofka uu fadhiga ka kano oo uu wax uun sameeyo, wax badan ayaad helaysaa ayay hadalkeeda ku dartay.

Waxay sheegtay in markii ay Norway timaaday uu hamigeeda ugu weyn ahaa inay noqoto kalkiiso caafimaad(sykepleier), walina ay ku haminayso inay ka dhabayso arintaas. Laakiin waxay sheegtay in marka hore ay rabto in dukaanka ay si fiican isugu dubarido, ayna keento qof uga shaqeeyo, iyadna ay dib ugu noqoto oo halkii kasii wadato iskuulkeedii, maadaama ay dhamaysay dugsiga sare.  

Nasro ayaa ugu baaqday in dumarka soomaalidu ay fadhiga ka kacaan oo kamid noqdaan bulshada ay la noolyihiin, isla markaana ay wax kuusoo kordhiyaan horumarka ka socdo deegaanada ay kunoolyihiin.

 

Xigasho/kilde: Ifinnmark [adsenseyu1]

 

 

 

Maxaa sababa in caruurta soomaalidu ay yihiin kuwa ugu badan ee ka dhaca iskuulada

Waxaa isbuucan inagu soo aadan dib u furmaya inta badan iskuulada sare Norwey. Sida aan wada ognahay iskuulada sare ee Norwey waxay u qaybsamaan labo qaybood oo kala ah qaybta farsamada gacanta(yrkesfag) iyo qaybta tacliinta maadiga ah(studiespesialisering). Ku dhawaad 65%(xigasho SSB) ardada soomaalida ah ee dhigata dugsiga sare, gaar ahaan wiilashu waxay dhigtaan qaybta farmasada gacanta, nasiib xumase intooda badan caruurta soomaalida ah ee ka baxda iskuulka farsamada ma helaan lærlingplass oo ah goob shaqo oo ay farsamadii ay iskuulka ku barteen ay kana shaqeeyaan. Sidoo kale waxaa cad in waalidiinta soomaalidu badanaa aysan xog iyo macluumaad fiican ka haynin qaabka uu u shaqeeyo iskuulka farsamada gacanta, taas oo keenayso in aysan talooyin iyo warbixino ka siin karin ubadkooda.

Sababaha arintaas keeno iyo guud ahaan qaabka uu shaqeeyo iskuulka farmasada gacanta ayaan wax ka weydiinay Eng. Asad Qaasim oo ah macalin farsamada gacanta, gaar ahaan Elektro, Data & Elektronikksystemer ka dhiga iskuul kuyaalo magaalada Drammen. Asad ayaa sheegay in: In soomaalidu guud ahaan aysan ku qanacsaneyn qaabka uu dugsiga sare qaybtiisa farmasada, iyo sida uu shaqeeyaba.

Dadka qaarkood, gaar ahaana waaalidiinta waxeey leeyihiin in Yrkesfagka (iskuulka farsamada gacanta) uusan u fiicneen ilmahooda, maadaama aysan dhalinyaradu helin lærlingsplass, marka ay dhameeyaan waxbarashada dugsiga sare.

Waa sax oo ay wey dhacdaa in mar marka qaar in ay caruurtu helin «læringsplass» sababtoo ah Læringsplasska waxaa bixiya shirkado private ah(gaar loo leeyahay) oo dowladu shaqo kumalahan. Shirkadahana waxa ay intabadan boosaska læringsplasska siiyaan dadka ay yaqaanaan caruurtooda, sidaas darteed lærlingplassku waxaa inta badan lagu helaa (Nettverk gjennom familien).

Laakiinse sanadihii la soo dhaafay waxaa aad u kordhay dood iyo dacwado badan oo ku saabsan in guud ahaan caruurta ajnabiga ahi aysan  helin læringsplass, sidaa darteedna waxaa  hada Fylkeskommune/gobolwalbo qasab looga dhigay in arday kasta oo heysta darajo fiican «bra karakter», maqnaanshihiisana uu yar yahay «lite fravær» la siiyo lærlingplass. 

Khatarka maqnaanshaha ardeyda ee iskuulka.

Ka dib sanado badan oo aan macalin ka ahay Dugsiga sare qeybtiisa Yrkesfag/Farsamada gacanta, waxaa ii soo baxday in inta badan caruurta soomaalida aysan ka warqabaqin ama  aysan fahansaneyn qatarta uu leeyahay «Fravær» ama in iskuulka laga maqnaado cudurdaar la,aan. Hadii uu maqnaanshahaada bato shirkad ku qaadaneyso oo haba yaraatee læringsplass ku siineeyso ma jirto. shirkadaha waxaa ka dhaadhacsan oo ay aaminsanyihiin, in hadii uu ardayga kamaqnaa inbadan iskoolka, uu hadhowna ka maqnaan doono shaqada shirkada.

Asad ayaa aaminsan in waalidiinta soomaalida ay doorka ugu weyn ka ciyaari karaan sidii ubadkooda ay sifiican ugu dhamaystiran lahaayeen dugsiga sare, gaar ahaan qaybta farsamada gacanta. 

Waxaan kula talin lahaa in waalidiinta soomaalidu ay ku dadaalaan sidii ay xooga u saari lahaayeen in caruurtooda ay iskuulka tagaan oo aysan ka maqnaan cudur-daar la aan, ayna u kuur galaan oo la socdaan sida uu yahay xaalkooda iskuulka. 

  • Waalidiinta waa furaha caruurta ay ku gaari karaan horumar xagwalba ah, marka waalidiinta soomaaliyeed meelwalbo ha joogaane waa in ay ku dadaalaan sidii ay ubadkooda ugu noqon noqon lahaayeen (Forbilde), tusaale fiican oo lagu daydo.

  • Waa in waalidiinta ay xiriir toos ah la lahaadaan iskuulka, ayna tagaan markii loogu yeero iskuulka, si xaalka ilmahooda looga wada hadlo.

  • Waalidku waa inay tusiyaan caruurta in waxbarashada ay tahay sheyga ugu wanaagsan uu wadanka kaqaadan karo, mustaqbalna ku dhisan karaan.

  • Ilmaha waa in la siiyaa awood ay ku doortaan wax alle iyo wixii ay rabaan in ay bartaan, maxaa yeelay soomaalidii oo dhan aqoon waxeey u fahmeen oo kaliya in Doctor/lege, advokat, ingeniør, oo culuumta kale uma xisaabsana inay wax tarto. 

  • Waalidiinta kuwa raga ah waa in aay ciyaalkooda waqti la qaataan oo aay la saaxiibaan, tusiyaana in caruurtu ay yihiin kuwo daadaalaaya oo shaqo fiican haya.fi

Ugu danbeyn Asad oo ah macalin aqoon fiican u leh xaalada caruurta soomaalida ee iskuulada farsamada gacanta ayaa ka codsaday waalidiinta soomaalida inay taxadar gooni ah ay u yeeshaan arintan, maadaama ay caruurta soomaalidu ay yihiin kuwa ugu badan ee ka dhaca iskuulada sare ee Norwey. Isago  oo ku booriyay in ubadka laga dhaadhiciyo in aqoontu ay tahay furaha mustaqbalka dhow iyo kan dheerba. Asad ayaa sidoo kale sheegay in wadankan hada ay wax walbe aqoon iyo shaqo walbe qofka lagu xiro inuu ugu yaraan leeyahay aqoon dugsi sare.

Ma ogtahay in gabar soomaali ah ay hogaamiso ururka riwaayadaha iyo masrixiyada Norwey oo dhan

Monica Boracco waa qoraa qortay in ka badan 10 buug oo kuwa caruurta ah, waa sameeyaha hadalada(manus-forfatter) in ka badan sadex film oo kamid ah kuwa ugu caansan filimida norwiijiga, waxayna ka qaybqaadatay soo saarista ilaa 10 masrixiyadood oo lagu dhigay tiyaatarada Norwey, sidoo kalena waa gudoomiyaha ururka ay ku midoobeen dadka ka shaqeeya masraxa iyo riwaayadaha. Waxaas oo dhan waxaa kasii muhiimsan waa gabar uu asalkeedu soomaali yahay, hooyadeedna ay Norwiiji tahay. 

Aabaha dhalay Monica wuxuu kamid ahaa diblumaasiyiintii katirsanaa wasaaradii arimaha dibada Soomaaliya, sidoo kale wuxuu kamid noqday baarlamaanadii soomaaliya. Monnica ayaa sheegtay inay iyadna rabto inay hada kusoo biirto siyaasada, maadaama ay kasoo jeedo qoys siyaasada Soomaaliya aad ugu milnaa. Awoowgeed wuxuu kamid ahaa baarlamaankii ugu horeeyay oo ay yeelato jumhuuriyadii Soomaaliya, sidoo kale eedeeyinkeed ayay sheegtay inay ka dhexmuuqdeen siyaasada, gaar ahaana ururadii u dagaalami jiray xuquuqda haweenka ay kuleeyihiin siyaasadada soomaalida. 

Journalka gaarka ah oo ay leeyihiin ururka shaqaalaha ee LO ayaa warbixin ay kaga sheekeenayso waayaheed nololeed, gaar ahaan xaga fanka iyo masrixiyada ka diyaariyay gabadhan soomaalida ah. Waxay shahaadooyin xaga masraxa iyo farshaxanka ah ka haysataa jaamacada Oslo iyo iskuulka filimada ee kuyaalo Lillehamar. Sidoo kale Monica oo waa hooyo haysato shan caruur ah, una dhaxdo farshaxaniiste norwiiji ah oo lagu magacaabo Arne Borring.

Monica ayaa sheegtay in aabaheed uusan waligiis Norwey cagta soo dhigin, ayadna aysan waligeed Soomaaliya tagin, caruurnimadeediina ay degeen wadamo dhowr ah maadaama uu aabaheed diplumaasi ahaa oo hadba meel loo badalayay. Waxay sheegtay in aabaheed ay la kulantay iyadoo 30 sano jir ah mudo 25 sano ah oo ay kala maqnaayeen kadib, aysana xiriir sidaas u weyn uusan ka dhaxeyn iyada iyo aabaheed. Aabahay waxa uu ahaa mid aad ugu dhuun-daloola siyaasada maadaama uu ahaa diplumaasi, waxayna ahayd wax uu farac u lahaa maadaama dhowr qof oo qoyska aabahay ah ay aad ugu dhex muuqdeen siyaasada Soomaaliya. Eedaday la dhalatay aabahay waxay kamid ahayd dadkii ugu caansanaa ee u dagaalami jiray xuquuqda haweenka. 

Xigasho: LO-aktuelt(Papiravis 17-08-2016, side 24-26).[adsenseyu1], dramatiker.no

Amal Aden: Soomaalida qaarkeed waxay ku ciyaaraan mustaqbalka caruurtooda ee wadankan

Amal Aden oo soomaalida Norwey ay aad u wada garanayaan ayaa maqaal ay kusoo daabacday wargayska dag og tid ku sheegtay in marka waalidiinta ajaaniibtu ay caruurtooda u diraan wadamadii ay ka yimaadeen iyaga oo ka cabsi qabo inay norske ka noqdaan, ay burburinayaan mustaqbalka caruurtaas ay ku leeyihiin wadanka. Amal ayaa si gaar ah u magacowday inay ogtahay in waalidiin badan oo soomaali ah ay caruurtooda u celiyaan soomaaliya, iyaga ka cabsi inay norske noqdaan, oo ay dhaqan guuraan.

Mar walba oo uu xiliga sommerka soo dhawaado waxay dadka intiisa badan isku diyaariyaan inay ka faa iideystaan fasaxa ay helaan, balse caruurta ajaaniibtu xiliga fasaxa sommerka wuxuu u yahay xili murugo oo ay ka cabsi qabaan in wadanka laga saaro. Qaarkood waxay ka wel-welaan in intii wadanka laga bixiyo lagu soo qasbo guur aysan raali ka aheyn. Caruurta ugu badan oo ay dhibtan haysatana waa gabdhaha. Gabdho badan oo aan la kulmay ayaa ii sheegay inay qabaan cabsi joogto ah oo ku saabsan in wadanka laga saaro iyaga oo aan raali ka aheyn. Waxay ii sheegeen in waalidkood ay ugu goodiyaan/hanjabaan in hadii ay si fiican u dhaqmin ama waalidkood wax walba ka maqlin, wadanka kale loo diri doono. Intooda badan gabdhahan waxaa lagu eedeeyaa in aysan shaqada guriga si fiican u qaban, inaysan salaada sifiican u tukan, inaysan xijaabka xiran, inay saaxiibo norwiiji ah sameysteen, inay muslimiin fiican aysan aheyn ama inayba gaaloobeen mararka qaarkood. 

Cabsidan iyo wel-welka joogtada ah oo ay ilmahan ka qabaan in wadanka laga saaro waxay ugu danbeyn u keenaysaa inay maskixiyan xanuun iyo cuqdad-nafsi ay qaadaan. Kuwo badan oo iyaga kamid ah oo aan la kulmay waxay ii sheegeen in habeenkii ay ku riyoodaan iyaga oo intii wadanka laga bixiyay, oo wadankii waalidkood looga soo tagay. Waxaan aqaanaa anigu shaqsi ahaan, waalidiin soomaali ah oo caruurtoodii Soomaaliya geeyay iyaga oo ka cabsi qaba in caruurtoodu ay dhaqanka wadanka qaataan. Waxay sheegeen in dhaqanka fiican uu kamid yahay in qofku uusan saaxiib norske ah yeelaan, saaxiibadiisu inay kuli wada muslimiin noqdaan, inay gabadhu guriga joogto oo shaqada guriga oo dhan qabato oo aysan banaanka aadin si ay uga qaybqaadato aktivitetyada ay caruurta sameeyaan xiliga fasaxa. Wiilasha soomaalida waxay haystaan xoriyad aad uga badan tan gabdhaha, waxayna mar walba ilaaliyaan in gabdhaha walaalahood aysan ceeb usoo jiidan reerka oo dhan.  Sababta ugu weyn oo ay waalidkan caruurtooda wadanka uga bixinayaan ayaa ah inay ka cabsi qabaan inay ka norwiiji garoobaan.

Waalidiin raba inay iyagu wadanka sii joogaan, laakiin caruurtooda dib ugu celiya meeshii ay iyaga kasoo qaxeen, si ay caruurtu u noqdaan kuwo fiican. Kuwo badan oo caruurtan kamid ah waxay wadankii loo celiyay kala kulmaan dhibaatooyin tiro badan, waxaa loo diraa dugsiyo quraan oo ay joogaan macalimiin garaacis iyo dil badan, qaraabada caruurtan ayaa iyagu sidoo kale dilo caruurtan iyagoo sheegaya inay edbinayaan.  Si ciyaalka looga fogeeyo dhaqanka galbeedka waxaa loo diraa dugsiyo quraan. 

Markey caruurtan dib ugu soo noqdaan Norwey, waxay dareemaan inay lumiyeen oo ay khasaariyeen wax badan, sida tusaala ahaan saaxiibadooda iyo waliba iskuulkii ay dhigan jireen. Kuwo badan oo iyaga kamid oo la rabay inay dhigtaan dugsiga sare ayaa dib loogu celiyaan dugsiga hoose iyo dhexe. Qaarkood waxayba ilaaween luuqadii norwiijiga inta ay wadanka ka maqnaayeen, taas oo sababta in dhexgalkooda mujtamaca uu dib u dhaco. Waxa mustaqbalkoodii burburiyay waa waalidkood. Dowlada Norwey iyo mutjamaca norwiijigu yeysan arintaas indhaha ka fiirsan ee ha badbaadiyeen caruurtaas wadanka laga saarayo sanad walba.

Maqaalka Amal ayaa kusoo aadayo iyada oo ay socoto dood badan oo ka dhalatay soo jeedinta ay xildhibaanu ka tirsan baarlamaanka Norwey ay soo jeediyeen in xijaabka laga mamnuuco iskuulada caruurta. 

Waa xaqiiq aan muran ka taagneyn in mustaqbalka caruur badan oo soomaali ah uu dhexda ka baxo, kadib markii waalidkii dhalay ay  tusaale ahaan iyaga oo aan qorshe u dajin ay ingiriiska u guuraan, kadibna ay mMasar uga usii gudbaan, sanado kadibna ay Nairobi usii wareegaan, iyaga oo ugu danbeyn 10 sano kadib dib ugu soo noqdo Norwey. Halkaas oo uu ilmihii yaraa uu wadanka kusoo noqdo isaga oo aan waxba kasoo baran meelihii lagu soo wareejiyay, luuqadii wadankana aan waxbadan ka xasuusneyn, ayna fududaato in ilmahaas uu iskuulka si fudud u dhaco, maadaama uusan la qabsan karin bay-ada iskuulka. 

Laakiin waa amaal iyo dhaqankeedee, mar walba ay oo ay rabto inay ka hadasho dhib ku saabsan soomaalida, waxay marka hore dhibtii jirtay ku dartaa litir biyo ah iyo kiilo cusbo/milix ah, ilaa ugu danbeyn aad kala garan waydo: maxaa xaqiiq ah iyo maxaa laga badbadiyay. 

Xigasho/kilde: dag og tid (papir-avis, 12-august-2016, side 6(samfunn) [adsenseyu1]

 

Sweden: Hooyo soomaali ah oo lagu dacwaynayo inay wiilkeeda u fududeysay kamid noqoshada Al shabaab

Dacwad ka dhan ah hooyo soomaali ah oo haysata dhalashada wadanka Sweden ayaa ka bilaabatay magaalada Nykøping ee wadanka Sweden. Hooyadan ayaa lagu haystaa inay gacan ka gaysatay kamid noqoshada wiil ay dhashay uu uga mid noqday ururka Al shabaab ee ka dagaalamo Soomaaliya. 

Haweenaydan oo 30 sano jir ah ayaa la sheegay inay wax ka abaabushay safarka uu wiilkeeda oo 15 sano jir ah uu uga baxay Sweden, kuna aaday Soomaaliya si uu uga mid noqdo dagaalyahanada ururkaas xagjirka ah. 

Booliska magaalada Nykøping, gaar haan waaxda danbiyada caruurta ayaa sheegtay inay xiriir la sameeyeen wiilkan isaga uu ku sugan Soomaaliya, balse waxay ka gaabsadeen inay sheegaan in wiilkan uu Sweden kusoo noqday iyo inkale.

Xigasho/kilde: Dagbladet [adsenseyu1]

Masuuliyadda saaran qof kasta oo Soomali ah oo ku nool Norway. Mohamed B. Hønefoss

Bismillaahi raxmaani Raxiim, Ilaah ayaa mahad leh inoo suurta geliyey inaan maanta farriimaha iyo warka isu marinayno aalladda casriga ah ee Interneetka,waana mid loo baahanyahay in looga faaidaysto sida ugu haboon iyo waqtigii munaasib ahba.
Anigoo taas ka faaidaysanaaya ayaan doonayaa inaan la wadaago walaalaha Soomaaliyeed ee ku xiran boggan , qodob muhiim ah kaasoo ah masuuliyadda saaran qofkasta oo inaga mid ah sida ku xusan cinwaanka. Waxaan soo galay dalkana sannadkii 2004, waxaana aan markii u horreysayba arkay sida ay u liidato tayada dadka soomaaliyeed ee dalkan ku nool waloow tiro ahaan la ahaa dad aad u faro badan.

Waxyaalihii aan aadka ula yaabay waxaa ka mid ahaa sida saxaafada iyo mediyaha dalku ugu talaxtageen ,xumaanta iyo ceebta dadka soomaaliyeed. Iyadoo waxyaalahii lagu tilmaamaayey soomaalida ay ka mid ahaayeen inay yihiin dad aan shaqaysan, aanna samayn is dhexgal, taasoo aan aad uga gilgishay maadaama aanan taas ku aqoon dhaqankeenna iyo dadkeenna toona.
Waxaan ku aqiin soomaalida ilaa maantana ku aqaan dad firfircoon oo shaqa badan, kartina leh qaadana masuuliyadda iyo howsha loo diro. Dhanka is dhexgalkana waxaan ku aqaan dad dhex gal leh furfuran ,soo dhoweeya ciddii soo dhex gasha, ixtiraamana qofka ku dhex nool.

Dib inaan u milicsado sawirkaa foosha xun waxaa igala fiican inaan ka hadlo xaqiiqadii aan kala kulmay Soomaalida iyo sida dhabta ah. Waxaan kala kulmay dalkan Soomaali badidood ay dadaalayaan , leeyihiinna hiigsi iyo hammi koreeya,waxaanna arkay dad wax baranaaya,shaqaysanaaya, iyo kuwo ku mashquulsan siday u heli lahaayeen aqoon iyo khibrad dheeri ah si ay u helaan shaqooyin. Waxaan aad ula yaabay oo aan dalkan ka arkay in Soomaalida 6 kamid ah 10 kii kastaa ay haystaan leeysanka gaariga lagu wado, gaar ahaan Soomaalida deggan magaalooyinka ka baxsan caasimadda.

Dhanka Is dhexgalka waxaan arkay in gob kasta oo la isugu yimaado ama lagu sameeyo xaflad u dhexeeysa bulshada Norway ku nool ay soomaalidu ka galaan kaalinta koowaad , oo ay halkaas ku soo baandhigaan cuntooyin iyo hiddo iyo dhaqan ay cid waliba jeclaysato. Waxaa waddankan caan ka noqday cuntada soomalida oo Norwaajiga iyo ajaanibkuba ay ka sheekeeyaan, gaar ahaan sambuusaha oo intii soomaali la macaamishayba ay kugu soo hadal qaadayaan kolka aad is barataan.

Waxaan soo ogaaday in Soomaali badan ay cunta soomaali iyo dhaqan soomaali ay iskoolada caruurta iyo dugsiyada sareba ku soo bandhigeen farshaxan iyo dhaqan soomaali aad loo jeclaystay.
Waxaa iyaguna aad u xiiseeya cuntada iyo dhaqanka soomaalida ururada samafalka iyo iskaa wax u qabsada oo marka ay xaflad qabanqaabinaayaan ku xisaabtama cuntada soomaalida.
Dhanka shaqada haddaan usoo noqdo Soomaalidu waxay hayaan shaqooyin badan oo bulshada u muhiim ah, sida tagaasida iyo wadidda basaska,waxay kaloo ka shaqeeyaan shaqooyinka sare ee xirfadda iyo aqoonta gaarka u baahan,waxayna jagooyin wanaagsan ka hayaan cisbitaaladda,hay,adaha dowladda, waxaana jira dhaqaatiir badan oo gaarkood sameyeen baaritaanno miro dhalay kuwaas oo aan laba ka mid ah anigu si fiican u aqaan.

Waxay soomaalidu jagooyin sare ka hayaan shirkado waaweeyn oo dalka ka dhisan,waxayna ku shaqeeyaan macalimiin,tababarayaal iyo farsamooyinka gacanta oo badan.
Soomaalidu waxay ka qaybqaataan siyasadda waddanka oo soomaali badan ayaa xubno ka ah golayaasha deegaanka meelha ay deggan yihiin, waxaana la saadilaanaayaa in sanadaha soo socda ay geli doonaan baarlamaanka qaranka.Waxay kaloo soomaalidu leeyihiin ganacsiyo badan oo ka jira dalka oo dhan,waxayna qaarkood leeyihiin ama wax ku leeyihiin shirkado leh dhaqaalo xoog weyn.

Haddaba waxaa jira caqabado hor taagan in soomaalidu noqdaan dad muuqda waxaana ka mid ah in aan soomaalidu ahayn dad u diyaar ah inay iska difaacaan ciddii masaalixooda iyo danahooda hor taagan. Waa laga yaaba in ay xanaaqaan marka ay arkaan wax ay diidaan laakiin in laga fariisto og, aanna laga soo saaro ayaa adag. Waxaa kale oo jira oo caqabdaha ugu weyn kala daadsanaanta iyo khilaafka joogtada ah ee ku salaysan deegaan iyo qabiil.

Haddaba si aan u ilaashanno danaheenna iyo midnimadeenna waa in qof walba uu qaado masuulidda saaran kuna dadaalo sidii uu danta umadda uga dhigi lahaa mid ka horeeysa tiisa gaarka ah.
Waa in aan wada raadinno inaan muujinno wanaageenna ,xumaanteenana aan meel uga soo wada jeensanno. Waa in aan ilaalinno afkeenna iyo dhaqankeenna si aan u ahaanno ummad leh astaan iyo summad lagu garto, ubadkooduna u bartaan una dhaxlaan dhaqankaas iyo hiddahaas wanaagsan.
Waa in caruuraha la baro afkooda lagulana hadlo marka ay guriga joogaan ,reerkana uu afkoodu noqdo af soomaali si ay u noqdaan kuwo is afgarta dareemana isku xirnaanta qoysnimo iyo tan kala dhexeeysa dadka kale.
Waxaa iyaduna muhiim ah in aqoonta iyo khibradda taal Norway aan u sii gudbinno dalkeennii si aan u gaarsiinno bulshadeenna horumar iyo wanaag ay horay ugu sii tallaabsadaan,waana inaan koobiyayno wax kasta oo wanaag ah oo aan dalkanku aragno hadday tahay aqoon, dhaqaale,siyaasad iyo hab maamulba.Waana inaan baranno in wada noolaanshuhu yahay wax aasaas u ah bulshada, oo sida aan ajnabaigaba ula noolnahay waa inaan isula nolaanno dhexdeenna ilownona kala duwanaanshaha fikirka.

Waana inaan ku hamminaa dhisidda mustaqbal aan qurbe kaga kaaftoonno .Waxayaalahaasi oo dhammi waa masuuliyad saaran qof kasta oo soomaali ah ,lana doonaayo inuu ka soo baxo kaalintiisa.
Waxaan diyaar u ahay in maqaalkayga laga soo saari karo dhalliilo, waana la isixi karaa,la igalana doodi karaa,lana ila soo xariiri karaa. Waxaan ka cudur daaranayaa inaanan ahayn qoraa sidaa darteed waxiiqalad ah oo xagga qoraalka iyo habkiisaba raalli ha la iga ahaado, hana la isaxo.

Waxaan ilaah ka baryayaa inuu inaga dhigo ummad leh hiigsi iyo hammi fog.

Mohamed Bashiir Hønefoss

Abdullahi Allason oo si weyn uga soo horjeestay mamnuucida hijaabka iskuulka

Cabdulaahi Allason oo ah siyaasi soomaali ah oo katirsan xisbiga AP, kana mid ah golaha deegaanka ee magaalada Kristiansand ayaa si weyn uga soo horjeestay go-aanka ku saabsan in xijaabka laga mamnuuco iskuulada caruurta Norwey. Allason ayaa sheegay in go-aankan uu salka ku hayo fikir aan qayb ka qaadan karin isku soo dhaweynta bulshada, kuna saabsan (anaga iyo iyaga).

Allason ayaa sheegay in ay qalad tahay in hijaabka laga mamnuuco iskuulada, iyada oo aan la qaadin talaabooyin kale oo caruurta ajnabiga ah ay uga mid noqon karaan mujtamac weynaha Norwey. Isaga intaas ku daray in hadaba ay jirto farqi weyn oo u dhaxeeyo dadka wadanka ku wada nool, ayna noqonayso dhibaato aan laga kabsan karin hadii dadka qaarkii loo she ego inaysan iskuulada imaan karin, sababtoo ah waxaa wadataan xijaab. Allason ayaa tusaale usoo qaatay in ay hadaba jirto in caruurta qaarkeed aysan ka qaybgalin xafladaha dhalashada(Bursdag) ama kuwa dabaal-dega christmiska , laakiin aysan taas micnaheeda aheyn in lasoo rago sharci sheegaya in caruurta aan ka qaybqaadan xafladahaas lagu qasbo inay imaadaan. 

[adsenseyu1]

Xildhibaankan reer Kristiansand oo mudo badan ka shaqaynayay howlaha isku soo dhaweynta bulshada ayaa intaas ku daray in waxa ugu muhiimsan ay tahay in waalid walba uu sameeyo waxa uu isleeyahay wax u fiicanyihiin ilmihiisa. Isaga oo intaas ku daray in hadii la rabo in lagu guulaysto isku soo dhaweynta bulshada la siiyo qof walba ikhtiyaar iyo fursad oo go-aan uga gaaro waxa u fiican isaga.

Hadalka Cabdullahi Allason ayaa kusoo aadayo maalmo kadib markii xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Norwey ay soo jeediyeen in xijaabka gabi ahaanba laga mamnuuco iskuulada caruurta Norwey, waxaana xildhibaanada go-aanka soo jeediyay kamid ahaa kuwo ka tirsan xisbiga Allason uu ka tirsanyahay ee Ap.

Helene Bjerke Fredheim oo ah siyaasi ka tirsan FRP, lagana soo doorto deegaankaas ayaa iyadna sheegtay in wax lala yaabo ay tahay in Allason uu si cad uga soo horjeedo soo jeedin ka timid xisbiga uu isaga ka tirsanyahay ee AP. Waxayna intaas ku dartay in FRP uu awalba dagaal ugu jiray sidii xijaabka looga mamnuuci lahaa iskuulada, hadana ay ku faraxsanyihiin in xisbiyada kale ay kusoo raacaan.

Helene ayaa sheegayso inay jiraan caruur ajnabi ah oo xijaabka iska tuura marka ay iskuulka joogaan, iyaga oo gashta marka ay iskuulka ka baxayaan. Taasna ay u sameynayaan cabsida ay ka qabaan waalidiintooda oo ku qasbayo xirashada xijaabka. Sidaas darteedna ay muhiim tahay in ilmaha aan lagu qasbin inuu kusii dhexjiro system uusan rabin inuu qayb ka ahaado..

Cabdullaahi Allason ayaa ugu danbeyn u sheegay wargayska Lokalka ah ee Fædrelandsvennen in dadka soo galootiga ah ay kasoo qaxeen wadamo iyo deegaano qofka loo yeerinayo waxa uu xiran karo iyo waxa uusan xiran karin, ayna wax lagu xumaado tahay in meeshii ay nolosha iyo nabada usoo raadsadeen ay ugu imaadaan sharci kale oo u sheegaya waxa aysan xiran karin iyo waxa ay xiran karaan. Allason ayaa sheegay in muhiimada koowaad ay tahay in ikhtiyaar la siiyo waalidka  si ay go-aan uga gaaraan in ilmahooda uu xijaabka iskuulka ku xirto iyo inuu iska daayo. Isla markaana la adkeeyo in iskuulka uu ahaado meel dadka dhan ka dhaxeeyo.

Xigasho/kilde: Fædrelandsvennen papir-avis( 12-08-2016, side 4) [adsenseyu1]

Aqalka boqortooyada Norwey oo mar kale casuumay labo wiil oo soomaali ah

Aqalka boqortooyada Norwey ayaa mar kale casuumaad-sharafeed u fidiyay labo wiil oo soomaali ah, oona kala ah: Abdi Mohamed oo degan magaalada Florø iyo Abdirizak Mohamed oo degan magaalada Lillehamar. Sidoo kale aqalka boqortooyada Norwey ayaa horey casuumaad ugu fidiyay Xuseen Cabdi Yusuf oo degan magaalada Harstad. 

Casuumaada loo fidiyay wiilashan soomaalida ah ayaa la xiriirta xaflada sanadguurada 25-aad ee kasoo wareegtay markii boqorka iyo boqorada Norwey(Kong Harald V iyo Dronning Sonja) loo caleemo saaray xilka boqortinimada wadanka. Waxaana xafladan gaarka ay ku casuumeen dad kor u dhaafayo 300 oo shaqo dadweyne oo muhiim ah u qabtay bulshada ku dhaqan wadanka, dadkaas oo laga soo xulay daafaha wadanka oo dhan.

[adsenseyu1]

Abdi Mohamed(sawirka bidix) oo degan magaalada Florø ayaa ah gudoomiyaha urur uu wax ka aas-aasay oo lagu magacaabo NOSFO (Norsk Selv- hjelp for Flyktninger). Ururkan uu Abdi madaxa ka yahay ayaa ka shaqeeyo sidii dadka wadanka ku cusub ee qoxootiga ah looga qaybgalin lahaa bulshada iyo deegaanka ay ku noolyihiin. Abdi oo u waramayay wargayska localka ah ee Firdaposten oo warbixin ka qoray casuumaadan sharafeedka ayaa sheegay: inuu ururkan ay u aas-aaseen kadib markii ay arkeen baahida weyn oo ay dadka qoxootiga ah ee wadanka ku cusub u qabaan dhexgalka iyo kamid noqoshada bulshada ay la noolyihiin. Abdi ayaa sheegay inuu arkey in dad badan qoxooti wadanka ku cusub ah aysan ka badanaa helin shaqo, iyo in ay ku adagtahay luuqa Norwiijiga.  Sidaas darteedna ay abaabulaan kulamo ay dhexmara dadka qoxootiga ah ee wadanka ku dhashay, caruurtooda iyo dadka wadanka u dhashay, si ay isku bartaan luuqada wadankana ugu wada hadlaan.

Abdi Mohamed oo Norwey imaaday sanadkii 2009 ayaa sidoo kale sheegay in waagii ay Soomaaliya dowlada laheyd uu bartay kalkaaliye caafimaad(sykepleier), muda badana uu kasoo shaqeynayay howlo gar-gaar  ah Soomaaliya gudaheena. Sidoo kalena uu horeu ula soo shaqeeyay ururka dhakhaatiirta aan xuduuda laheyn. 

Abdirizak Mohamed(sawirka midig) oo isna lagu casuumay aqalka boqortooyada Norwey ayaa ah wiil da´yar oo 17 sano jir ah. Abdirizak oo Norwey degenaa mudo aad  u kooban ayaa ku guulaystay tartan qoraal ah oo ku saabsan hidaha iyo dhaqanka.Wiilkan oo sidoo kale sheegay inuu aad ugu fiicanyahay maadada xisaabta uuna doonayo inuu jaamacad usii gudbo, uuna barto kuliyada dhaqaalaha.

Abdirizak ayaa sidoo kale sameeyay arin ay wargaysyada localka ah deegaanka Lillehamar ay aad u hadal hayeen dhawaantan, taas oo ku saabsan amaanada wiilkan dhalinyarada ah. Waxa uu meel ka helay faraanti dahab ka sameysan oo uu lahaa nin siyaasi ah oo ka tirsan xisbiga Høyre, caana ka ah magaalada Lillehamar. Wiilka ayaa faraantigii u geeyay ninka xukuma shaqadiisa, taas o ugu danbeyn sahashay in faraantigii uu dib ugu soo noqdo ninkii lahaa. Christen Bernhard Bjørnsgaard oo ah ninka lahaa faraantiga ayaa wargayska Gudbrandølen Dagningen u sheegay in faraantigan uu ahaa astaanta guurka isaga iyo xaaskiisa oo wada noolaa mudo 55 sano ah, uuna aad ugu faraxsanyahay uguna mahadcelinayo daacadnimada Abdirizak. 

Sadexda wiil ee soomaalidaa ahba ayaa sheegay in warqadaha casuumaada ay si kadis ah ugu soo dhaceen sanduuqa boostada iyaga oo aan ka warqabin. Xafladan ay qoyska boqorka Norwey ugu dabaaldagayaan sanadguuradii 25-aad ee kasoo wareegtay markii loo caleemo saaray boqortinimada wadanka, ayaa lagu casuumay dad ajaaniib ah oo faro ku tiris ah. Soomaaliduna waxay nasiib u yeelatay in (ilaa hada inta la ogyahay ) ay ku yeeshaan sadex qof xafladaas. Waana horumar iyo wax lagu faano iyo sadex qof oo soomaali, shaqo dadweyne ay qabteen darteed loogu casuumo xaflada boqorka iyo boqorada Norwey. Sadexdan wiilba waxay wadanka joogeen mudo yar, iyaga deegaanka ay ku noolyihiin uga dhex muuqday shaqo dadweyne oo muhiim ah oo ay qabteen.

Journaalada Norwey oo awal xumaanta soomaalida banaanka keeni jiray, hadey dad soomaali ah amaantooda qorayaan, soo intaan wax kale la gaarin iyadba qayb guulaha kamid ah ma ahan?

[adsenseyu1]

Xigasho: GD.NO, FIRDAPOSTEN, Papiravis(13-08-2016, side 12)

 

Molde: Nin soomaali ah oo ku geeriyooday dab ka dhacay guri kuyaalo Molde.

Foto: Kjell Herskedal / NTB scanpix

Booliska magaalada Molde ayaa ugu danbeyn sheegay magaca qof ku dhintay dab ka dhacay guri kuyaalo magaaladaas sabtidii lasoo dhaafay. Jabril Hussain Abdulle oo soomaali ah ayayna boolisku ku sheegeen magaca marxuumka geeriyooday oo 30 sano jir ahaa. 

Dabkan ayaa ka kacay gurigan aroornimadii sabtidii aanu soo dhaafnay, isaga oo gaystay khasaaro isugu jirto naf iyo maalba. Waxaana dabka ku geeriyooday AHU marxuumkan soomaaliga ah oo guriga degenaa, iyada oo baaritaan loo diray qof kale oo isna guriga degenaa .Booliska ayaa sheegay in ilaa hada aysan cadeyn karin sababta dhalisay dabka, iyaga oo sheegay inay wali wadaan baaritaanka. Guriga uu dabka ka dhacay ayaa waxaa isku dar ku noolaa sadex qof. 

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in guriga uu dabku ka dhacay aan dib loo degi karin, ayna wali wadaan baaritaanka ku aadan dhacdadan.

Xigasho/kilde: rbnett.no

 

Gabar soomaali ah oo magac ay ku furatay facebook UDI-du ku haysato

Amiiro Cali Aden oo ah gabar soomaali ah ayaa laanta socdaalka ay UDI-du  ay ku haysataa magac ay ku qorotay barta Facebooka. Gabadhan ayaa sheegtay inay dhalashada wadanka codsatay kadib markii ay Norway joogtay mudo sagaal sano ah, iyada oo 25-kii Juli ee sanadkana warqad ka heshay UDI-da. Warqadaas oo Amiiro looga codsanayo inay cadayso sababta ay facebooka ugu soo gasho magac ka duwan magaceeda caadiga ah oo wadanka uga diiwaan gashan. 

UDI-da ayaa sheegtay inay numberka telefoonka Gabadhan ay  ku baartay facebooka, iyaga oo ka helay konto facebook ah oo uu ku qoranyahay magaca **KHAAF RABUKA** oo soomaali ahaan noqonayso (ilaahay ka cabso).  Waxayna ka codsadeen inay keento warqad cadeyn ah oo arintan faah-faahinayso, hadii kale ay diidmo ka heli doonto codsigeeda sharciga dhalashada wadankan. 

[adsenseyu1]

Amiiro ayaa wargayska Klassekampen u sheegtay inay aad uga naxday warqada ay UDI-du usoo dirtay, iyadoo ugu danbeyna dirtay warqad ay ku qirayso inay ayadu leedahay faceboogaas, ayna magacaas u dooratay maadaama uu ka turjumayo caqiidadeeda islaamka. Amiiro ayaa sheegtay inay aad u rajeynayso in UDI-du ay aqbasho warqadaas cadeynta ah oo ay dirtay. 

Sida aan qorney isniintii lasoo dhaafay waxay UDI-du adkeysay baarista iyo xaqiijinta macluumaadka ku saabsan aqoonsiga qofka, taas oo keentay inay hoos u dhacaan dadka soomaalida ah ee helayay sharciga magangalyada wadanka. Sidoo kale dadka ka yimid wadamada Ciraaq iyo Afghaanistaan ee qaadanayay dhalashada wadanka ayaa hoos u dhacay maadaama ay adagtahay in documentiyo sax laga helo aqoonsiga dadka ka yimid wadamadaas. Laakiin UDI-da ayaa klassekampen u sheegtay inay xooga saarayso dadka ka yimid Soomaaliya, maadaama ay heleen dad badan oo soomaali isku dhiibay, balse asal ahaan kasoo jeedo wadamada dariska la ah Soomaaliya. 

Snorre Torgrimsby oo ah qareenka dad badan oo soomaali ah oo ay UDI-du ku dhagantahay ayaa klassekampen u sheegay in arinta facebooga ay udub dhexaad u tahay inta badan kiisaska uu gacanta ku hayo. Waxa uuna ka codsaday dadka macaamiisha u ah isaga iny information iyo macluumaad sax ku qoraan barta facebooga, isaga oo sidoo kalena sheegay inaysan UDI-du ay si dhab ah u wada isticmaali karin dhamaan macluumaadka ay ka hesho facebooga. 

Qareenkan ayaa sidoo kale sheegay inay sharci ahaan ay banaan tahay in qofka su aalo laga waydiin karo macluumaadka uu ku qoro barta facebooka. Isaga oo intaas ku daray in UDI-du ay qiimeyn qiimayn ku samayso in dhaqan ahaan ay jiri karto in dadku ay facebooga ku qoraan waxyaalo aan sax aheyn. 

Amiiro Cali ayaa Klassekampen u sheegtay in dhaqan ahaan soomaalidu ay macluumaad faan ah ku qoraan facebooga, sida inay shahaado master ah ka haystaan jaamacado ku yaalo wadamada Mareykankan iyo Canada. Cabdiyo Mohamed Cabdiraxmaan oo ah gabar ay Amiiro saaxiib yihiin ayaa sidoo kale sheegtay in da´deeda facebooga iyo tan caadiga ah ay u dhaxayso 20 sano. Iyada oo sheegtay inay sidaas u samaynayso, maadaama oo ka cabsi qabto in rag aysan aqoon ay fariimo facebooga ugu soo diraan. 

Dag Bærvahl oo katirsan madaxda UDI-da, qaybta magangalyo doonka ayaa difaacay adeegsigooda ku aadan facebooga, si ay u hubiyaan macluumaadka iyo aqoonsiga qofka. Isaga oo sheegay in UDI-du ay go-aansatay in baaritaan xaga baraha bulshada ah ay ku sameeyaan dadka ka yimid wadamada qaar. wuxuuna intaas ku daray inay arintaas u sameynayaan si ay helaan macluumaad sax ah oo ku saabsan aqoonsiga qofka. 

Bærvahl ayaa sidoo kale klassekampen u sheegay in wax walbe oo ay ka helaan facebooga aysan qofka ku qabsan doonin, laakiin marka la isku geeyo macluumaadka ay facebooga ka helaan iyo macluumaadka ay meelaha kale ka helaan, ay sawir buuxdo ka bixin karto aqoonsiga dhabta ah qofka. Isaga oo intaas ku daray inay facebooga u isticmaali karaan xaqiijinta macluumaadka uu mugdi ku jiro, ama beeneynta macluumaad ay ka shakisanyihiin.

 

Xigasho/kilde: Klassekampen, papir-avis( 12-9-2016, side 9)[adsenseyu1]

Xildhibaano ka tirsan xisbiyo uu kamid yahay( AP) oo soo jeediyay in xijaabka laga mamnuuco iskuulada caruurta

Koox xildhibaano ah oo ka tirsan baarlamaanka Norwey ayaa bilaabay olole cusub oo ay sheegeen inay rabaan in ku hormariyaan isdhexgalka iyo isku soo dhaweynta bulshada ku dhaqan Norwey iyo dadka soo galootiga ah. Xildhibaanadan oo ka tirsan xisbiyada AP(Shaqaalaha), KRF, SV, SP, iyo Venstre ayaa soo jeediyay qodobo ay kamid yihiin in la mamnuuco ama la xadido isticmaalka xijaabka gabdhaha dhigta iskuulada caruurta ee  wadanka ku yaalo.

Xildhibaanadan oo soo jeedintooda la kaashaday naadi(urur) ka shaqeeyo arimaha siyaasada oo dhanka bidixda ah xigo, laguna magacaabo Agenda. Waxayna soo saareen 10 qodob oo ay sheegeen inay aaminsanyihiin inay ka qaybqaadan karaan is dhexgalinta iyo isku dhaweynta bulshada. Waxaana tobankaas kamid ah in:

  1. In dhamaan goobaha waxbarashada Norwey laga mamnuuco niqaabka(indhoshareerka)

  2. In la mamnuuco in wiilasha iyo gabdhuha ay meelo kala duwan ku dabaashaan xiisada dabaasha iskuulka. oo la micno ah in waajib laga dhigo in wiilal iyo gabdhaba isku meel ku dabaashaan xiliga dabaasha.

  3. In lasoo rogo xeerar qaran oo mamnuucayo in gabdhaha yar-yar ay xirtaan xijaab, marka ay joogaan iskuulka. Hadii uu yimaado shaki ah in gabdhaha lagu qasbo xijaabkana, xiriir lala sameeyo barneverkna.

  4. In la sameeyo sharci cusub oo dhigayo in caruurta yar-yar ee kujirto kaamamka in ay boos ka helaan barnehagayaasha caadiga ah ee wadanka.

  5. In warqad shaqo oo kumeel gaar ah la siiyo dadka codsiga magangalyada xareystay, loona maleynayo inay sharciga magangalyada heli donaan.

Ma ahan markii ugu horeysay oo xildhibaano-baarlamaan oo ka tirsan xisbiyo waaweyn oo wadanka ah ay soo jeediyaan mamnuucida xijaabka ee iskuulada caruurta. Xildhibaano iyo siyaasiyiin ka tirsan xisbiga xag-jirka ah ee FRP ayaa arintan caan ku ahaa, balse arinta ugubka ah ayaa ah in xildhibaano ka tirsan xisbiyada bidixda sida AP iyo SV ay soo jeediyaan wixii ay FRP ku eedeyn jireen sanado kahor. Hadia Tajik oo ah gudoomiye ku xigeenka xisbiga AP ayaa sanadkii hore soo jeedisay in gabi ahaanba xijaabka laga mamnuuco iskuulada caruurta yar-yar.

Inkasta oo aysan soo jeedinta xildhibaanadan aysan wali aheyn go-aano xisbi oo la isku raacsanyahay, hadana waxay muujinaysaa isbadal weyn oo ku yimid siyaasada soo galootiga xisbiyada bidixda, gaar ahaan AP iyo SV oo badanaa hela codadka ugu badan ee bulshooyinka soo galootiga ah oo ay soomaalidu kamid tahay.

AP oo waagii hore ahaan jiray xisbiga ugu weyn ee kahor imaado go-aanada iyo soo jeedinta xisbiga FRP, ayaa hada u muuqdo mid dabcay oo badanaa ka indho qarsada ama ka aamusa, mararka qaarkoodna ku raacaba go-aanada iyo qorshayaasha xisbiga FRP.

Isku soo wada duuboo soo jeedinta xildhibaanadan ayaa noqon doonto mid abuurta dood badan, maadaama ay jiraan siyaasiyiin iyo dad kale oo aad uga soo horjeedo mamnuucida xijaabka ee iskuulada caruurta. Dadka aqoonta u leh arimaha isdhexgalka bulshada ayaa ka digayo in arintan ayba keeni karto kala fogaansho iyo kalsooni daro cusub oo  ka dhex abuuranto bulshooyinka soo galootiga ah iyo dadka intiisa kale.

[adsenseyu1]

Xigasho/kilde: VG

 

Sweden: Dhalinyaro soomaali ah oo lagu xukumay xabsi daa´in

0

Labadaan wiil ee Soomaalida ah ayaa shalay waxaa maxkamada Göteborg waxay ku xukuntahay xabsi daa’in ka dib markii lagu helay dambi ay galeen. Wiilashaan oo lagu kala magacaabo Adam Abdulahi, 28 sano jir, iyo Ahmed Warsame, 25 sano jir ayaa waxay weerar ku qaadeen baar ciyaaro lagu daawanayahay oo ku yaala xaafada Hisingen ee magaalada Göteborg iyagoo halkaasi ku furay rasaas ay ku geeriyoodeen labo qof.

Maxkamada ayaa guud ahaan dambi ku heshay sideed dhalinyaro ah oo inta kale lagu xukumay xabsi u dhexeeya 10 ilaa 14 sano. Labada wiil ee xabsi daa’inka lagu xukumay ayaa la sheegay in ay ahaayeen kuwa iyagu xabada furay balse kuwa kale ay ka qeyb qaateen qaban-qaabada weerarka. Dhalinyarada kale ee xabsiga lagu xukumay ayaa sadex ay yihiin Soomaali.

Qareenka u doodaya wiilashaan ayaa sheegay in ay racfaan ka qaadan doonaan go’aanka xaakimka.

Xigasho: Somaliska.com

Kongsberg: Maxkamadeynta nin soomaali ah oo dil u geystay nin kale oo soomaali ah oo bilaabanayso

Maxkamadeynta nin soomaali ah oo loo heysto fal ku saabsan dil uu ugeystay nin kale oo soomaali ah ayaa ka bilaabanayso magaalada Kongersberg. Falkan dilka ah oo loo adeegsaday mindi ayaa dhacay bishii Febraury ee sanadkan. Waxaana ilaa intaas ay boolisku wadeen baaritaano la xiriira falkan, iyaga oo sheegay in hada uu soo afmeermay baaritaankaas, lana bilaabo doonto maxkamedeynta ninka soomaaliga ah oo da´diisa ay tahay sodomeeyo. 

Marxuumka geeriyooday iyo ninkan hada la maxkamadeyn doono ayaa boolisku sheegeen inay ahaayeen kuwo horey isku yaqaanay. Waxayna sheegeen in marxuumka geeriyooday uu u dhintay dhaawacyo toori ah oo dhowr meel oo jirkiisa ah uu ka galiyay ninkan hada la maxkamadeynayo.  Ninkan soomaaliga ah ayaa sidoo kale loo haystaa hanjabaad dil ah oo u geystay labo qof oo kale oo guriga ku sugnaa habeen uu falkani dhacayay.

Xigasho: Papir-avis: Laagendalposten, 9-aug-2016( Side 5)

[adsenseyu1]

UDI: Soomaali badan ayaa diidmo heli doonto, marka ay codsanayaan sharciga dhalashada wadanka

Wargayska klassekampen ayaa maanta warbixin ka diyaariyay in dadka soomaalida ah ee helayay dhalashada wadanka ay hoos u dhaceen 60%. Sababtuna waxay sheegeen inay tahay UDI-da oo adkeysay baaritaanka iyo xaqiijinta dhalashada qofka soomaaliga ah, marka la siinayo dhalashada wadanka.  

(Halkan ka akhri NorSom News oo arintan wax ka qortay 3 bilood kahor: Soomaalida qaadanaysay dhalashada Norwey oo 60% hoos u dhacday sanadkii 2015.)

[adsenseyu1]

UDI-da ayaa  sheegtay in baaritaan adag lagu sameyn doono, xoogana la saari doono xaqiijinta macluumaadka ku saabsan aqoonsiga qofka soomaaliga ah,  marka laga shaqaynayo codsigiisa dhalashada wadankan Norwey. Taasna ay sababi karto in dad badan oo soomaali ah ay diidmo heli donaan. Waxayna intaas ku dareen in macluumaadka uu qofku bixiyay marka uu helayay degenaanshaha dib loogu noqon karo baaritaankoodu, hadii uu shaki yimaado. 

Maria Andersson oo katirsan UDI-da ayaa Klassekampen u sheegtay in baaritaanka iyo xaqiijinta aqoonsiga qofka soomaaliga ay adkeeyeen kadib markii ay arkeen in dad badan oo soomaali ah ay ka been sheegeen dhalashada aqoonsigooda. Sidoo kale waxay sheegtay inay jiraan dad tiro ah oo isku dhiibay inay Soomaaliya ka yimaadeen, balse asal ahaan kasoo jeedo wadamada dariska la ah Soomaaliya. 

Andersson ayaa sheegtay in sababtaas darteed ay kor u qaadeen aqoonta ay UDI-da iyo boolisku u leeyihiin arintan, si loo cadeeyo in qofku uu bixiyay macluumaad sax ah oo ku saabsan aqoonsigiisa. Waxayna sheegtay in ay baaritaan ku sameyn doonaan meelo badan oo aysan horey UDI-du u baari jirin, hadii aan laga cadeyn karin aqoonsiga qofka. Arintaas ay keeni karto in dad badan oo soomaali ah loo diido sharciga dhalashada wadankan.

2353300_hc4df906d16c6ba68171f_v1359573494_250x450Xildhibaan Baashe Muuse oo klassekampen ay waraysatay ayaa sidoo kale sheegay in ay xiriir lasoo sameeyeen dad badan oo soomaali ah oo loo diiday sharciga dhalashada wadankan, iyaga oo wadanka degenaa mudo ka badan 10 sano. Baashe ayaa sidoo kale sheegay in dad badan oo uu ka warqabo ay UDI-du dib ugu yeertay waraysi iyo intervju cusub, iyaga oo laga codsanayo inay xaqiijiyaan documentiyo iyo cadeymo ay xili hore dhiibeen, ayna u malaynayeen in loo aqoonsaday cadeymahaas. 

Klassekampen ayaa Baashe waydiisay su aal ah :  in UDI-du ay sheegayso in dadka lagu dhaganyahay badankoodu ay asal ahaan yimaadeen Djabuti. ?

Baashe ayaa ku jawaabay in Norwey ay deganyihiin dad aad u yar oo jabuutiyaan ah, Jabuutina aysan ka jirin dhibta ka jirta Soomaaliya oo kale. laakiin ay jiraan dad badan oo soomaali ah oo soo maray wadamada Kenya iyo Djabuti, ayna halkaas kasoo gateen cadeymo iyo documentiyo ay kusoo baxaan, arintaas aysan cadeyn u noqon karin in dadkaas ay wadamadaas ay soo mareen aysan dhalasho ahaan kasoo jeedin.

[adsenseyu1]

Xigasho: Klassekampen, rbnett.no

 

 

225 kiilo oo khaad ah oo lagu qabtay Gardermoen

Foto: Tolletaten

Ilaalada garoonka diyaaradaha Gardermoen ayaa sheegay in ay qabteen qaad nooca la qalajiyay ah oo gaarayo 225 kiilo, qaadkaas oo ah kii ugu badnaa abid oo ay ilaaladu hal-meel ka wada qabtaan. Waxaana qaadka lagu qabtay xarumaha ilaalada xuduudka Norwey ee garoonka, gaar haan meelaha lagu baaro boorsooyinka iyo alaabaha dibada laga keenay.

Madaxa ilaalada garoonka Gardermoen Hans Wilhelmsen ayaa u sheegay tvga qaranka Norwey ee NRK in caadiyan waagii hore  ay qaban jireen qaad fireesh ah oo laga keenay wadankan ingiriiska, laakiin tan iyo intii U.K laga mamnuucay qaadka ayaa waxaa wax badan hoos u dhacay qaadkii ay qaban jireen. Hada ayuu sheegay inay kusoo baraarugeen qaab cusub oo qaadka lagu soo galiyo Norwey, taas oo ah in qaadka oo la qalajiyay diyaarada laga soo saaro Hong-Kong.

Ilaalada ayaa intaas ku daray in baaritaan ay ku sameeyeen qaadkan nooca cusub ah, ay ogaadaan in uu sadex jibaar ka awood iyo saameyn badanyahay qaadka caadiga ah. Waxayna sidoo kale sheegeen in qaadka ugu badan ay hada ku qabtaan garoonka diyaaradaha Gardermoen, iyada oo ilaa lixdii bilood ee ugu horeysay ee sanadkan ay qabteen 815 kilo ah oo qaad ah, una badan nooca garaabada la qalajiyay ah.

Inkasta oo uu hoos u dhacay soo galitaanka qaadka Norwey, hadana ilaalada xuduudka Norwey ayaa sheegayo inaysan cadeyn karin in isticmaalka qaadku uu yaraaday. Baashe muuse oo ah xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka Oslo,  ayaa NRK u sheegay in meelo badan oo caan ku ahaa in qaadka lagu cuno  ay hada xirmeen, arintaasna ay cadeyn u tahay in isticmaalka qaadka uu yaraaday. Sidoo kale Baashe ayaa sheegay inuu ka wel-welsanyahay farsamada cusub ee qaad-walayaasha ay lasoo baxeen. Hadii baahida loo qabo qaadka la qalajiyay ay sii badato, wuxuu badal u noqon karaa qaadkii caadiga ah ee la waayay, sidaas darteedna waa muhiim in aqoon iyo warbixin sax ah laga helo qaadkan nooca cusub ah. 

Mararka qaarkood waxaad la yaabaysaa sida warbaahinta Norwey, xitaa kuwa ay dowladu maamusho ay xumaanta iyo waxyaalaha negetivka ah ula jecelyihiin ajaaniibta ay soomaalidu kamid tahay. Waxay leeyihiin qaadkii wadanka soo gali jiray hoos ayuu dhacay, balse hadana ma sheegi karno in isticmaalka qaadka uu yaraaday. Waa su aale qaadka cirka miyuu roob ahaa uga soo daataa, mise Norwey ayuu ka baxaa.

[adsenseyu1]

Xigasho/kilde: NRK

 

 

Macalin Asad Qasim: Maamulka magaalada Drammen iyo kan gobalka Buskurud waxay dayaceen caruurta ajaaniibta ah

Asad Qasim oo ah macalin soomaali ah oo Elektro, Data & Elektronikksystemer ka dhigaa iskuul ku yaalo magaalada magaalada Drammen ee gobalka Buskurud ayaa maqaal kooban oo mug weyn kusoo daabacay wargeyska caanka ah ee Drammens Tidende. Asad ayaa maqaalkiisa uga hadlayo dhibta waxbarashada ka haysato caruurta ajaaniibta ah guur ahaan, gaar ahaan kuwa ku dhaqan Drammen. 


Drammen waxaa lagu tiriyaa inay tahay mid kamid ah magaalooyinka ay dadka ajaaniibta ama qoxootiga ah ay ugu badanyihiin deegaan ahaan wadanka. Qaarkood magaalada ayay ku dhasheen oo xuduntooda ku aasantahay, halka qaar kalena ay magaalada soo dageen iyaga oo dad waaweyn ah. 

Ajaaniibta magaalada degan waxay dhalaan caruur si lamid ah sida dadka Norwiijiga ah. Balse ajaaniibtu waxay ka dhalaan caruur tiro ahaan badan, una baahan awood iyo howl dheeri ah sidii waxbarasho loogu hagi lahaa ama bulshada inteeda kale loo dhaxgelin lahaa. 

Santarka magaalada Drammen iyo maqaaxiyaha ay leeyihiin ajaaniibtu, waxaan badanaa ku arkaa dhalinyaro ajaaniib ah oo meeshan taagtaagan, halkii ay iskuul ka aadi lahaayeen oo wax ka baran lahaayeen. Qaarkood waxaaba laga yaabaa inay ku howlanyihiin waxyaalo sharci daro ah, oo mustaqbalkooda bur-burin kara. 

Qaar kamid ah dhalinyaradaas oo aan la sheekeystay waxay ii sheegeen inaysan wax hami ah ka laheyn inay waxbartaan ama ay iskuul dhigtaan. Sababta arintaas keenaysana waxay badanaa ku lugleedahay dhibaato xaga qoyska ah, iyo badanaa waalidiin aan iyagaba horey wax usoo baran.  Qaar kalena waxay waxayba ku adkeysanayaan in waxbarasho kasta iyo iskuul kasta oo la dhigtaa aysan wax faa-iido ah laheyn oo waqti lumis tahay, maadaama ay ogyihiin inay adagtahay in hadhow mustaqbalka ay shaqo ku helaan waxii ay barteen. 

Inta badan dhalinyaradan dugsiga sare ayay ka dhaceen, aqoon kale oo ay  nolol ku sameystaana ma lahan. Niyadna uma hayaan inay nolosha horey usii socdaan, waxay u badantahay ugu danbeyn inay NAV macaamiil ka noqdaan.

Waxaan anigu iswaydiiyaa in maamulka kommunaha Drammen ama kan gobalka Buskurud ay qabteen shaqadii looga baahnaa si caruurtaas khatarka ku sugan loo bad-baadin lahaa. Ma jiraa wax go-aan ah oo laga soo saaray si dhalinyaradan looga bad-baadin lahaa inay mustaqbalka noqdaan kuwo Kriminell ah.

Waxaan ka shaki qabaa oo aan aaminsanahay in maamulka magaalada iyo kan gobalkaba aysan qaban shaqadii looga baahnaa oo ku aadaneyd sidii loo bad-baadin lahaa caruurtan ku socoto wadada qaldan. Waxaan fikirkeyga la qaybsanaa dadka degan magaalada Drammen oo dhan, waxaan xiiseynaa inaan ogaado fikirkiina ku aadan arintan. Dhamaanteen waxaa xil inaga wada saaranyahay sidii aan magaaladeena uga dhigi laheyn mid fursad siisa shaman dadka degan oo dhan.

Xigasho/kilde(maqaalka originalka ah): DRAMMENS TIDENDE

[adsenseyu1]

 

error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.